19 May 2007 04:29

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country]WP 90-aad
  • Posted by/on:[AMJ][Friday, May 4, 2001]

 
  

Warsidaha   Puntland Tirsi 90-aad  Khamiis          03/05/2001                  Bogga 2-aad              

 

WARARKA MADAXTOOYADA

 

1.           SOOMAALIYA PUNTLAND STATE OF SOMALIA XAFIISKA MADAXWEYNAHA OFFICE OF THE PRESIDENT- Garowe, April 26, 2001, MW/DPS/PRESS-023/2001.

 

PRESS STATEMENT.


The Administration of Mohamed Ibrahim Egal plans to hold an unwise and provocative refer-endum in the Puntland State Regions of Sool, Sanaag and District Buh-odle towards the end of May 2001. these regions are outside the jurisdiction of Egal’s Administration as they are part and parcel of Puntland State of Som-alia. 

The Council of Ministers of the State Government of Puntland in a Special Meeting on the matter on April 25, 2001 considered this move on the part of Egal’s Administration as a recipe for disaster as his unilateral decision will lead to a renewed violence and destab-ilization in the Recovery zones of Somalia (Punt-land and Somaliland). If Egal’s Administration tries to implement this politi-cally motivated and unrealistic referendum, the expected ensuing violence will be the most unfortunate development in the only parts of Somalia that had succ-eeded in restoring peace and stability in a country torn apart by a vicious civil war. 

For background infor-mation, the Egal’s claim on the Puntland State regions of Sool, Sanaag and the District of Buhodle is based on a colonial legacy that had been legally removed by the formation of the Somali Republic in 1960 and in particular, by the Act of Union of the Italian and British colonies in the same year. 

Historically, clan boun-daries existed long before European colonial admini-stration ands and rem-ained intact after inde-pendence and eventual union of the Southern and Northern Somalia.  

Following the civil war, major clans of Somalia (Darood, Issak, Hawie, Digil and Mirifle) moved back within the limits of their respective clan bou-ndaries for self-defense. Egal Administration’s claim on Harti/Darood terr-itories is, therefore, an unprovoked provocation and act of aggression against not only the inhab-itants of Sool, Sanaag and the District Buhodle, but also the territorial integrity of the State of Puntland. It is also a gross violation of civic and human rights of the people of Sool, Sanaag and Buhodle District by the regional Administration of Moha-med Ibrahim Egal. 

Puntland State of Somalia therefore sees this provocative Egal’s inten-tion to a hold nominal referendum as a naked interference in the internal affairs of the State of Puntland, a cause for alarm and this State’s right for self-defense.

 

Abdulahi Yusuf Ahmed

State President of Puntland. 

 

Warsidaha   Puntland Tirs 90-aad   Khamiis          03/05/2001                  Bogga 3-aad              

 
 

DAWLADDA PUNTLAND                                                PUNTLAND STATE OF

                        EE SOOMAALIYA                                                                         SOMALIA

 

XAFIISKA MADAXWEYNAHA                 OFFICE OF THE PRESIDENT

__________________________________________________________________________________________

 

 

Garowe, April 29, 2001

 

2.        To:     The Secretary General of the United Nations

            New York

 

Cc:      The Secretary General of the Organization of African Unity

The Secretary General of the League of Arab States

The Secretary General of the IGAD

President of the Security Council of the United Nations

Members of the Security Council of the United Nations 


Mr. Secretary General, 


Somalia has been in the throes of civil war chaos and suffering for most of the past decade. The international Community spared no effort to bring peace and tranquility to Somalia and the region as a whole; success if I may call it that has been achieved in Puntland and to a lesser degree in Somaliland. Relative success in "Somaliland" clouded by their declared policy of secession. The seeds of conflict and chaos are built in Somaliland's objectives of separation from the rest of Somalia.[

Today, Mr. secretary General, the administration of Somaliland brought our worst fears to the fore. "Somaliland" has announced a "referendum" for and against the vexed issue of secession. A fake, unilateral, unsupervised and unobserved referendum is planned at the end of May for the regions of Sool, Sanaag and the district of Buhoodle. I take this opportunity to warn the International Community against this rash, indeed irresponsible, declaration of intent which will lead to renewed conflict and

Suffering in the hitherto peaceful north of Somalia. The regions of Sool, Sanaag and the district of Buhoodle are an integral and inseparable part of the State of Puntland, Somalia.  

This statement of fact is primarily based on the declared wish of the people of these regions. Our position is based on history and the clan boundaries that preceded the European colonization of Somalia. The position of Puntland is not a baseless claim, in fact it is not a claim, it is an indisputable fact based on

SEE NEXT PAGE 


Warsidaha   Puntland Tirsi 90-aad  Khamiis          03/05/2001                  Bogga 4-aad              

 

To secretary General…. From Page 3 

blood, irrevocable history-ical clan boundaries and reality on the ground today.

Last but no means least, our position is based on international law. Egal bases his misguided "claim" on a colonial legacy that ceased to exist both politically and in international law when the act of union established Somalia in 1960 on the independence of the Italian and British. Colon-ies in the same year. In fact, Egal himself as chief Minister of the then British Somaliland signed that Act of Union. Following the civil war all major Somali clans (Darood, Isaq, Hawiye, Digil and Mirifle) with-drew back to the limits of their respective clan boundaries for self-defe-nse and security.

The Egal administration's claim on Harti/Darood territories is an open provocation that would lead to conflict, bloodl-etting and suffering.                                           

 

Mr. Secretary General, this warning is not meant to alarm the International Community; it is an appeal for sanity. The last thing Puntland needs is a re-ignited civil war. We do not have the inclin-ation or the resource to wage war. However, if we must wage war, the people of Puntland will make the necessary sacri-fices for self-defense. 

Mr. Secretary General, we officially request your excellency to take up the referendum issue with the Egal Administration and urge him to reconsider his potentially explosive "referendum" plans. By this act, you would save the "Recovery Zones of Somalia", Puntland and Somaliland, from conflict and suffering. 

Please accept the assur-ances of way highest consideration.

 

Abdullahi Yusuf Ahmed

State President of Puntland


 

 

 

 

3.             HAY’ADDA DUULIMAADKA DIYAARADAHA RAYIDKA (CIVIL AVIATION) OO NOQOTAY HAY’AD MADAX-BANNAAN.


Dikreetadda Madaxweynaha Dawlad-Goboleedka Puntland ee Lam. 219, ee taariikhda 28/04/01-da, ayaa hay’adda duulimaadka lagaga dhigay hay’ad madax-bannaan oo hoos timaada

Madaxtooyada Dawladda Puntland…

Hay’adaas oo uu Agaasime Guud ka yahay Duuliye Sare Maxamuud Xaaji Cilmi Cabdulle…  

 


Warsidaha   Puntland Tirs 90-aad   Khamiis          03/05/2001                  Bogga 5-aad              

 


GOLAHA WAKIILLADA PUNTLAND OO XUKUUMADDA U SOO FARIISIYAY LA XISAABTAN.


Khamiis, 3-Safar, 1422… 26/04/2001 Garowe WARSIDAHA.

Saaka 9:00 Subaxnimo ayaa Xukuumadda Puntland soo fariistay fagaaraha weyn ee Golaha Wakiillada… xukuum-adda waxaa u yeeeray Golaha Wakiillada… wuxuu ugu yeeray xukuumadda inuu kala xisaa-btamo wax-qabadkeedii mud-dada ku dhow saddexda sano ee ay jirtay… xukuumaddu way soo gabratay… waxaa soo fariistay 6 (lix Wasiir) iyo Madaxweynaha oo hoggaaminaya…

 

Waxaa fadhiga ka maqnaa 3 (saddex) Wasiir oo kala ah: -

1-     Wasiirka Hawlaha Guud iyo            Gaadiidka (oo caafimaad          dibedda ugu maqan)

2-     Wasiirka Kalluumaysiga      Dekedaha iyo Gaadiidka           Badda

3-     Wasiirka Caddaaladda (oo aan weli xilkii Wasaaradaas la wareegin)…

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiil-lada Md, Yuusuf Xaaji Siciid ayaa Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee xukuumadda u gudbiyay ujeeddada Golaha Wakiilladu ugu yeeray Golaha Xukuumadda…

Waxaana ereyadiisii ka mid ahaa:-

Mudane, Madaxweyne!!! Howl-eheenna iyo xilalkeennu way kala duwan yihiin… haddana isku meel ayay u wada socdan… sidaa darteed waa inaynu ka wada soconnaa… Golaha Wakiillada ayaa idiin ku yeeray xisaabtan aan turxaan lahayn… Maxay xukuumaddu qabatay muddadii ay jirtey?, maxaa u qorshaysan?…Madaxweynuhu salaan ka dib, wuxuu yiri…

Waxaan Golaha Wakiillada ku bogaadinayaa waajibaadkooda ay sida habboon u gudan-ayaan…Golaha Xukuumadda waa u sharaf inaad u yeertaan… waa idiinku mahad-naqaynaa… sidii Guddoomiyuhu sheegay howshu waa inoo qaybsan tahay… waana midaysan tahay… dadweynaha ayaa meesha idin keenay… wuuna idin la xisaabtamayaa… aniga iyo Madaxweyne-ku-xigeenkana wuu nala xisaabtamayaa… idinkuna xaq ayaad u leedihiin inaad xukuumadda la xisaabtantaan… Anigu Golaha wax aan ku dhaliilo hadda ma xusuusni… waa gar inaad nala xisaab-tantaan… ha yeeshee yeeristu kedis ayay nagu noqotay… waxay ahayd inaad bilowgii kalfadhiga noo sii sheegtaan in naloo yeeri doono… waxa aad hadda na weydiiseen waa wax weyn… taasoo ah warbixin ka warramaysa wixii xukuumaddu ay qabatay muddadii ay jirtey… waa buug dhan marka wasaarad-waliba ka warbixiso wax-qabadkeedii saddexda sano oo wax yar dhiman… annana xukuumad ahaan waanu rabnaa in buug sidaas ahi naga haro… waa inaannu soo diyaar-garownaa… sidaa darteed waxa-annu codsanaynaa inaannu war-bixintaas keenno kalfadhiga danbe ee bisha Juun 2001-da.

 

Golaha Wakiilladu codsigaas wuu ka oggolaaday… Madax-weynuhu wuu u mahad-naqay Golaha… wuxuunna sheegay in uu diyaar u yahay in uu ka jawaabo haddii su’aalo gaar ahi jiraandhowr arrimood ayaa loo jeediyey… waxaa ka mid ahaa:-

Xildhibaan Mahdi Maxamed… wuxuu jeediyey su’aasha ah “Guddiga loo magacaabay wax-ka-qabadka dhibaatada sicir bararku sidee ayay u shaqayn doontaa?”… waxaa u jawaabay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Md, Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)… wuxuu yiri “Guddigu arrintaa baaris ayuu ku soo samaynayaa… ka dibna warbixin iyo tallooyin-soo-jeedin ayuu Golaha Wasiirrada soo hordhigayaa”…

 

Madaxweynaha ayaa jawaabtaas sii kabay oo ka warramay asbaabta sicir bararka keentay iyo cidda mas’uulka ka ah… wuxuunna xusay :-

1-      In kooxda Carta iyo dalalka Carabta qaarkood ku heshiiyeen in iibka xoolaheenna la xayiro… si la inoogu khasbo inaan Carta oggolaanno…

2-Lacag been abuur ah oo          badan ayaa Muqdisho la             keenay…

3-      Waxaa jirta cid dhaqaalaha wadanka iyo ganacsiga gacanta ku haysa oo rabta in ay khal-khal dalka ka abuurto…

 

Madaxweynuhu wuxuu hadal-kiisaas ku khatimay in xuku-umaddu ku dadaalayso wax-ka-qabashada sicir-bararka… Xildhibaan Cabdi Jibriil ayaa jeediyey saddex qodob oo ah :-

1-      Golaha Garsoorku waa in uu fadhiyada wada tashiga sida kan oo kale waa inuu nala wadaagaa oo ka soo qayb-galaa…

2-      Nin wax dilay oo suuqa maraya… baabuur la dhacay oo magaalo boolis joogo dhexyaal… ma aha arrimo sugi kara Juun iyo kalfadhiga aynu ballannay… waa in deg-deg wax looga qabtaa…

3-      Madaxweynuhu ha iska daayo difaaca uu mar walba xukuumadda difaacayo… oo mar mar dhexdhexaad ha noo noqdo…

Madaxweynuhu wuxuu yiri arrimahaas waxaannu u qaadanaynaa tallooyin naloo soo jeediyay

 


Warsidaha   Puntland Tirs 90-aad   Khamiis          03/05/2001                  Bogga 6-aad              

 

MA AHA GOLAHA WAKIILLADU INUU DHINAC U DHEELLIYO

(Xildhibaan Maxamed Cabdi Naalleeye”.


Isniin 16 Muxarram 1422… 09/04/01-da Garowe… WARSIDAHA.

Maanta ayaa Golaha Wakiil-lada Puntland beddelay qaabkii guddiga diyaarinta dastuurku u soo jeediyey, faqrada B. ee xubinta 4-aad ee qodobka 40-naad… faqraddaasi waxay sheegaysay in 12-haween ahi doorasho la’aan ku soo galaan Golaha Wakiillada iyagoo u qaybsan deegaammada kala du-wan ee Puntland… iyadoo isla markaasna haween kale door-asho ku soo geli karaan Golaha Wakiillada… Goluhu wuxuu go’aamiyey in haweenku Golaha ku soo galaan doorasho kaliya oo aanay jirin qaar la soo magacaabaa…

 

Arrintaas ayaa WARSIDUHU Xildhibaannada Golaha Wakii-llada qaarkood ka af-qaaday… waana kuwaan jawaabahoodii oo koob-koobani… :-

1-     Xildhibaan Maxamed Cab-di Cadde (Sanaag), “ Annagu gabdhaha doorasho ayaannu ku keenaynaa Gol-aha Wakiillada… waannu soo dooranaynaa”…

2-     Xildhibaan Maxamed Isma-aciil Maxamed (Sanaag), “Anigu ma diidani haweenku in ay soo galaan Golaha Wakiillada… waase haddii ay samaystaan Ururro iyagu ay leeyihiin oo ay adeegsadaan… waa inay iyagu jidka bann-aystaan”.

3-     Xildhibaan Maxamed Cabdi Naalleeye (Sanaag), “Dhowr iyo toban qof oo isku wada meel laga soo wada magacaabay… isku fikrad ayay mar walba noq-onayaan… oo arrin walba isku meel ayay mar-ayaan… markaasna miisaa-nka Golaha ayaa dhinac u dheelliyaya… mana aha Golaha Wakiilladu in ay dhinac u dheelliyaan… ma diidani in haweenku soo galaan Golaha Wakiillada”.

4-     Xildhibaan Cali Saxar Guulleed (Bari), “ Qof la soo doortay iyo qof la soo magacaabay codkoodu Golaha gudihiisa ma sinnaan karaan… sidaa darteed, gabdhuhu waa inay Golaha soo galaan iyagoo xooggan oo huwan codkii shacbiga… gabdhuhu codka shacbiga way helayaan oo waa la soo daaranayaa… ee yaan si daciif ah Golaha lagu keenin… ma diidani  in gabdhuhu Golaha soo galaan… fekerkayguna ma aha feker akhwaan”…

5-     Xildhibaan Maxamed Cumar Xodh-Xodhle (Bari), “Waxaan leeyahay gabdhahu Golaha ha loo soo magacaabo… si kale… cod ku heli maayaane… oo la soo dooranmaaye”…

6-     Xildhibaan Maxamuud Xirsi Aadan (Sool), “ Weli looma bislaan in gabdhaha la soo doorto… ee ha la soo mag-acaabo”…

7-     Xildhibaan Jaamac Xasan Kaarshe (Buuhoodle), “ Sinnaan iyo caddaalad… ciddi Golaha immaanaysaa ha ku timaaddo codka sha-cbi weynaha…. Gabdhuhu codka shacabka wey helayaan… oo waa la soo dooranayaa”…

8-     Xildhibaan Cumar Ismaaciil Maxamed (Bari), “ Gabdhuhu Golaha Wakiillada waa in ay ku yimaaddaan doorasho… waxaa la yiraahdaa haw-eenku waa 60% dadw-eynaha dalka… markaa sidee ayay codka ku waayaan!!!??? Iyagaaba isugu filan inay majority-ga Golaha noqdaane??? Waxaa jira gabdho badan oo ragga ka aqoon badan… codka shaca-bka ha ku qaateen aqoo-ntooda iyo garas-hadooda…”.

9-     Xildhibaan Salaad Xareed Cali (Bari), “Gabdhaha ha la soo doorto… waa in ay Xisbi ku soo galaan… oo ka soo galaan… Gabdhuhu codka shacbi weynaha way heli karaan… ma sinna-anayaan xildhibaan dadw-eynuhu soo doortay iyo xildhibaan magacaabis ku soo galay”…

10-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Idiris (Bari), “ Waa in Golaha Wakiillada loo soo magacaabaa tiro kooban oo gabdho ah… sababtoo ah bulshada ayaan weli u bislaan inay gabdhaha soo doo-rato…Gabdhuhu iyagu ha isa soo magacaabeen… Gabdhaha Golaha maga-caabidda ku imaanayaa yaanay ka badnaan lix gabdhood”… 


 

Warsidaha   Puntland Tirs 90-aad   Khamiis          03/05/2001                  Bogga 7-aad

 


HORUMARKA HAWEENKA PUNTLAND OO QAADAYA TALLAABOOYIN LA HUBO.


24 Muxarram 1422…Arbaca 18/04/01-da Garowe… WARSIDAHA.

Subannimadii saaka 9:30-kii… ayaa Dugsiga Sare ee Garowe, waxaa lagu qabtay xaflad aad loo soo abaabulay oo lagu maamuusayay gabdhihii ka qalin-jebiyey fasalka 3-aad ee Barnaamijka Ciribtirka Akhris iyo Qoris la’aanta ee Haweenka Gobolada Puntland… xaflad-daas si xamaasad iyo riyaaqid leh ayay uga soo qayb-galeen xildhibaanno Golaha Wakiillada, Xubno Golaha Wasiirrada…Agaasimayaal Guud, Madaxda Gobolka Nugaal, Hay’ado Waddani ah, Hay’ado Ajnebi ah iyo dadweyne aad u faro badan…

 

Wasiirka Arrimaha Bulshada Md, Farax Warame Cismaan, ereyadii uu halkaas ka jeediyey waxaa ka mid ahaa “ waxaan u mahad-naqayaa dadkii xafladdan qiimaha badan soo qabanqaabiyey… Annagana  nagu casumay ka soo qaybg-alkeeda… waxaan bogaa-dinayaa gabdhaha soo dham-aystay fasalka saddexaad… kuwa da’doodu u oggolaato waxay ku biirayaan Dugsiyada Waxbarashada caadiga ah… waxaan ammaan u soo jeeddi-nayaa Hay’adda Diakonia… waxaan Diakonia ka codsanayaa inay barnaamijkan sii waddo, siina kordhiso…isla markaasna ay gaarsiiso Gobolada Puntland  oo dhan… waxaa Wasiirka hadalka ku soo dhoweeyey Madaxa Waxbarashada Gobolka Nugaal (REO) (Regional Education Officer) Md, Cali Maxamed C/raxmaan (Cali Hayaan)… waxaa warbixinno muhiim ah halkaas ka jeediyey :-

1-     Muumino Axmed Nuur (Xiriiriyaha Barnaamijkan Waxbarasho)… oo ka xog-warrantay heerarka barna-amijkani soo maray iyo heerka uu maanta gaaray… waxay mahad-naq u jeeddisay xafiisyada waxbarashada qaarkood…

2-            C/raxmaan Khaliif Max-amed (Sheekhunaa) “Agaasimaha Waaxda Manaahijta iyo Waxb-arashada Dadban”… oo warbixin aad u habaysan ka bixiyay Ololaha Ciribtirka Akhris-Qoris la’aanta iyo Waxbarashada dadka waaweyn…

3-      Batuulo Cabdi Bullaale oo ka warbixisay waxbarashada haweenka… barnaamijka oo ay xiriiriye ka ahayd Safiya Sugulle.

 

waxaa lagu soo bandhigay Riwaayad kooban… Heeso… iyo Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaq-anka… dhinaca Hay’adda Diako-nia, waxaa ka soo qayb-galay Siciid Xirsi Cigaal… xafladaas oo si farxad leh ku dhamaatay khati-mkeedii waxaa abaal-marin Wasiirka Arrimaha Bulshadu ku  guddoonsiiyey labadii gabdhaha qalin-jebiyey ugu numbaradda sareeyay oo kala ahaa :-

1-      Nimco Ciise Axmed

2-      Suhayro Cabdi Faarax

 

Waxaa iyana Akhlaaqda Suuban iyo aadaabta wan-aagsan lagu abaal-mariyey :-

1-      Xaawo Ciise Barre

2-      Xaliimo Maxamed Jibriil

3-      Marxuumad Xaliimo Cism-aan Cali (oo maalintii hore geeriyootay)

 

WARSIDAHA ayaa barna-amijkaan wax ka weydiiyay :-

Faadumo Yuusuf Faarax… kor-meerka Waxbarashada Nug-aal… Madaxa Dugsiga Dhaqa-alaha Haweenka ee Garowe…

WARSIDAHA:- Adigu waxaad qaabilsan tahay Waxbarashada Farsamad (Dugsiga Dhaqaalaha Haweenka)… maxaad uga qayb-gashay howsha ololahan? FAADUMO:- Farsamada ayaa u baahan waxbarashada… xis-aabta… qiyaasaha… xusuus-qorka I.W.M

WARSIDAHA:- Guulo intee le’eg ayaad barnaamijkaan ka gaarteen?

 FAADUMO:- AL-xamdu Lil-aahi… Guulo faro badan… ilaa Tuullooyinka ayaannu gaars-iinay!!!

 

GABDHAHA DHAMAYSTAY FASALKA 3-AAD QAARKOOD :-

WARSIDAHA:- Magacaa?. Da’da-adu waa immisa?

Magacaygu waa Xaliimo Maxamed Jibriiil… da’daydu Waa 17-sanno…

WARSIDAHA:- markii aad galaysay waxbarashadan… maxaad u geli wayday dugsiga caadiga ah?

Xaliimo M. Jibriil:- Kharashka iskama bixin karin…

WARSIDAHA:- Yaad mahad-naq u diraysaa?.

Xaliimo M. Jibriil:- Macallim-iinta… Xiriiriyaha Barnaamijka iyo Hay’adda Diakonia…

WARSIDAHA:- Waxbarashadaada yaad abaal ugu haysaa?.

Layla Siciid Faarax:- Maamulka Dugsiga… Macallimiinta… Gabdha Barnaamijka Xiriiri-yaha ka ah iyo Hay’adda Diakonia.

WARSIDAHA:- Macallimiintiinna wax dhaliil ah ma u haysaan?

Hodan Maxamed Muuse :- Maya… Maya.. ee waan u bogaadinayaa waxaan intaa ku darayaa, Diakonia Garowe wax weyn ayey ka qabatay… Anigu waxaan leeyahay guri… waxaan hooyo u ahay wiil jira 7-sano… waan isku wadaa waxbarashada iyo maamulka qoyska….

WARSIDAHA:- Ninkaagu raali ma ka yahay in aad waxbarato?

Hodan M. Muuse:- Haa… waa ka raali… oo gacan ayuu igu siiyaa… aad ayuu ugu mahads-an yahay…

WARSIDAHA:- Adna waad mahadsan tahay



a   Puntland Tirs 90-aad       Khamiis          03/05/2001                  Bogga 8-aad              

 

JIMCIHII IYO JAAMACA WEYNudbadda Salaada Jimcaha ee Jaamaca Weyn ee Maga-alada Garowe (Jaamaca Qadiimka ah ) ayaa maalintii Jimcaha ee 4-tii Safar 1422… 27/04/01…waxy ku saabsaneyd Mowduuca Ammaanada… Khadiibku wuxuu mowduuca udub-dhexaad uga dhigay Ayaadda 72-aad…ee Suuradda Al-Axsaab…wuxuu yiri Khadiibku:- Shacbiga oo si caddaalad ah loo dhaqaa waa ammaanad saaran Madaxda… isla markaas in shacbigu Madaxda u naseexeeyaa oo wanaag kula taliyaa waa ammaanad saaran shacbiga… mas’uuliyiinta Waxbarashada waxaa ammaanad saaran ah inay ubadka iyo da’yarta waxbarasho suuban siiyaan oo wanaag u horseedaan…

 

TASAWUFKA IYO TAARIIKHDII SHEEKH C/QAADIR AL-JIILAANI.

Khudbadda Jimacaha ka hor waxaa mowduucan ka hadlay Sheekh C/risaaq Sheekh Aadan…arrimihii Sheekhu sheegay waxaa ka mid ahaa:-

Sheekh C/qaadir Jiilaani wuxuu ku dhashay Jiilaan oo ka mid ah  dalka Ciraaq sannadkii 470 (H)… 1165 A.D wuxuuna Magaalada Bagdaad (Caasimadda Ciraaq) ku geeriyooday sannadkii 561 (H)… 1177 A.D … wuxuu Baghdad yimid isagoo jira 20-sano…wuxuu bartay oo ku taxmay Culuumta Xadiiska iyo Fiqiga… culimo badan oo ah Mad-habta Xambaliyadda ayuu arday u noqday… wuxuu Muftinimo ka gaaray Mad-habaha Xambaliyadda iyo Shaaficiyadda… ka dibna wuxuu u go’doomay saahidnimo iyo gooni joogga… dariiqadiisa wuxuu ku dhisay 8 (sideed) arrimood…. Kuwaasoo ah :- Deeqsinnimadii Nebi Ibraahim (C.S)… Raalinnimadii Nebi Isxaaq (C.S)… Sabirkii Nebi Ayuub (C.S)… Ishaaradii Nebi Sekeriya (C.S)… Cidloodkii Nebi Yaxye (C.S)… Duug-huwashadii Nebi Muuse (C.S)… Dalmarkii Nebi Ciise (C.S)… iyo Sahiidnimaddii Nebi Muxamamed (C.S.W.S)… 

Wuxuu yiri dariiqadiisu Asiya iyo Afrikaba way ku faaftay… Xertiisu Isticmaarkii reer Yurub way la jahaadeen… Kutubta uu allifay waxaa ka mid ahaa:-

Al-Qunya… Tafsiirka Qur’aanka… Sirrul-Asr-aar… Yuraynta Firqadda AL-Raafidda… 

Abtirsiintiisu waa :-

C/qaadir… Muuse… Yaxye… Maxamed…Daa’uud… Muuse… C/laahi…. Muuse… C/laahi… Xasan… Alxan… Cali… Abuu-Daalib… Cabdul-Mudalib… Haashim…

Hooyaddii waa Umul-Khayr… waxayna ku abtirsataa AL-Xuseen… Cali… Abuu-Daalib…

Karaamaadkiisa waxaa ka mid ahaa :-

Isagoo yar ayuu safar Xajka u raacay… Tuug ayaa safarkii heshay waxay C/qaadir weydiiyeen maxaad xoolo sidataa!!!… runtii ayuu sheegay oo wuxuu ku jawaabay 40-Diinnaar… oo waa kuwan… hormuudkii tuugta ayaa weydiiyey!!! Maxaad u qarsan weyday???… wuxuu ku jawaabay:- Hooyaday ayaa igula soo ballantay been ha sheegin… hormuudkii tuugtii ayuu eegay oo yiri :- yarku ballanta hooyadii ayuu xurmaynayaa… innana ballantii Alle ayeynu ku tumanaynaa…

Tuugtii safarkii xoolihii oo dhan ayey u celiyeen… waxayna u raaceen Xajkii… Allaahu-mmanshur  nafaxaati Ridwaani Calayhi… wa amiddanaaa bil asraari latii awdactahaa ladayhi…


 

 

OGEYSIIS IMTIXAAN QAADIS.

 

Waxaa la ogeysiinayaa dha-maan u tartamayaasha saddexda jago oo horey loo soo bandhigay ee ku saabsanayd Saxaafadda Wararka ee Wargeyska (PUNTLAND).

[

In la qaadayo imtixaankii ayadoo dib loo dhigay ilaa 20/05/2001, sababtoo ah Gobollada qaarkood oo ayan gaarin faafintaan, waxaan dib u dhignay soo gudbinta araajida ilaa 20/05/2001-da.

Wada shaqayn wacan

 

Eng. Yaasiin Axmed Jaamac.

Agaasimaha Waaxda Shaqo Qorista iyo Tababarada

 

 


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:17 AM. Webmaster HomePage