Guddi Dib u heshiisiin
Qaran ah oo ay magacowday Dowladda KMG ah
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: Ingiriis@yahoo.com
May 6 (HOL) - Waxaa goor dhoweyd lagu qabtay guriga Madaxweynaha
KMG ah kulan lagu magacaabay Guddi dib u heshiisiin Qaran ah. Waxaa
kulanka ka qayb galay Madaxweynaha KMG ah, Cabdiqaasim Salaad Xasan,
Ra'iisal Wasaaraha Cali Khaliif Galayr iyo Wasiirro ka tirsan
dowladda KMG ah.
Sida lagu xusay qoraal na loogu qaybiyey kulankaas, waxaa
Guddigan oo ka kooban 25 xubnood ay noqon doonaan Guddi heer qaran
ah. Waxa ay xubnahuhu kala yihiin:
1. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Guddoomiye
2. Cabdulqaadir Maxamed Aadan (Zoppe) Guddoomiye ku xigeen
3. Axmed Xaaji Ducaale (Keyse) Guddoomiye ku xigeen
4. Maxamed Xaaji Cagey Guddoomiye ku xigeen
5. Cali Shiddo Cabdi Xubin
6. Maxamed Buraale Ismaaciil Xubin
7. Aadan Amiin Cawil Xubin
8. Xaaji Axmed Raage Cabdi Xubin
9. Maxamed Khaliif Shire Xubin
10. Nuuraddiin Faarax Xubin
11. Islow Abuukar Socdaal Xubin
12. Maxamed Sheekh Xasan Xubin
13. Cabdi Maxamed Tarax Xubin
14. General Axmed Jaamac Xubin
15. Sheekh Maxamed Axmed Maxamuud (Sheekh Abba) Xubin
16. Cabdullaahi Maxamed Hirad Xubin
17. Xaashi Abiib Xubin
18. Cabdullaahi Warsame Nuur Xubin
19. Sheekh Maxamed Guud Xubin
20. Isaaq Malaaq Ibraahim Xubin
21. Cabdullaahi Xaaji Maxamed (Insaaniya) Xubin
22. Maxamed Ramadaan Arbow Xubin
23. Cabdicasiis Nuur Xersi Xubin
24. Cali Cumar Sheegow Xubin
25. Xasan Cabdi Camalow Xubin
Madaxweynaha KMG ah, Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxa uu
sheegay inay arrintani tahay mid farax gelinaysa dhammaan dadweynaha
Soomaaliyeed ee nabadda jecel iyo dalalka Soomaaliya la saaxiibka
ah.
"Howsha guddi ma aha mid annaga islaax na loogu sameynayo ee
waa mid islaax loogu sameynayo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waana
danta shacabka" ayuu yiri adaxweynaha KMG ah, Cabdiqaasim
Salaad Xasan.
Ra'iisal dowladda KMG ah, Cali Khaliif Galayr oo munaasabadda
ka hadlay, waxa uu sheegay in Guddigan la magacaabay ay noqon
doonaan guddi ka madax bannaan maamulkooda. Waxa uu sheegay Galayr
in dhismihii guddigan lagala arrinsaday dad Soomaali iyo ajnabiba
isugu jira. "Waxaa la tala gelinayaa dadka dibadda ka taageera
nabadeynta iyo badbaadinta Soomaaliya" ayuu yiri.
Markii ay dhacaysay magacaabista waxaa ka joogay xubnahan Cabdulqaadir
Maxamed Aadan (Zoppe), Maxamed Xaaji Sabriye (Cagey), Cali Shiddo
Cabdi, Axmed Raage Cabdi, Islow Abuukar Socdaal, Sheekh Maxamed Guud
iyo Isaaq Malaaq Ibraahim.
C/qaadir Zoppe oo hadal gaaban jeediyey, waxa uu sheegay inuu
Guddiga ugu deeqay dhisme ka mid ah guryihiisa oo ku habboon sida uu
sheegay inay ku howlgalaan, waxaana uu fogeeyey inay howlahooda wax
lug ah ku yeelan doonto dowladda KMG ah. Guddoomiyaha Guddiga la
magacaabay, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, waxa uu ku nool yahay gobolka
Minnesota ee dalka Mareykanka. Sidoo kale, badankood xubnahan waxa
ay ku kala dhaqan yihiin gobollada iyo dalka dibaddiisa.