19 May 2007 04:30

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (SAHAN) Mudane C/Rizaak: "Waxaa Jiray Heshiis Ina Dhex Maray Aniga Iyo Dawladda Ku Meelaarka ah" 
  • Posted by/on:[AMJ][Tuesday, May, 8, 2001]

WARAYSI WARGEYSKA SAHAN C/RISAAQ XAAJI XUSEEN UU KALA YEESHAY GUDDIGGA CUSUB EE KOOXDA CARTA MAGACAABEYN.

www.Sahanonline.com 

Bosaaso, May 6, 2001

Maxamed-deeq Cabdulqaadir.

 

Waxaa noo suuro galay kadib markii uu soo gaaray xarunta wargeyska Sahan ee Bosaaso war sheegayay in uu wasiirka koowaad ee dawladda ku meelgaarka ahi magacaabay guddi shan iyo labaatan xubnood ka kooban oo uu madax ka yahay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ah oday Soomaliyeed oo aad loo qadariyo, horayna Ra’iisul wasaare uga soo noqday dawladdii rayidka ahayd ee dalka ayaa waxaa noo suuro gashay in aan waraysi gaaban khadka Teleefanka kula yeesho C/risaaq Xaaji Xuseen oo haatan ku sugan dalka Maraykanka isaga oo jooga gurigiisa, waraysigaasna waxa uu u dhacay sidan:

S: C/risaq maxaad kala socotaa guddiga dib u heshiisiinta ee maanta Xamar lagaga dhawaaqay ee aad madaxda ka tahay.?

J: Dhawaaqiisa lama socon laakiin waan filayay.

S: horay baad uga wada hadasheen oo aad u aqbashay dawladda ku meelgaarka ah miyaa.?

J: waa filayay baan ku iri adeer, in la dhiso guddi dhibaatada iyo foolxumada ay maanta Soomaaliyi ku jirto sidii looga bixi lahaa falowgeed gala, dadkeenii waad ka war haysaa waxa maanta dhib haysta, caruurtii iyo haweenkii waa baaba’een, cid daryeelaysaa ma jirto, sidoo kale…

S: xaggee rabtaa in aad wax ka bilowdo haatan haddii lagu magacaabay.?

J: ma doonayo in aan ka hor dhaco hawsha bilowgeeda, arrintu waa arrin cusub oo hadda bilow ah, inkastoo aan waxyaabi dhawr ah niyada ku hayno laakiin illaa gudigu dhismo oo hawlihii la isku ogaa fulaan ma doonayo in aan hawsha ka hor dhaco.

S: guddiga waa la magacaabay dhismaha kale ee dhiman ee aad sheegaysaa muxuu yahay?

J: Guddiga Hadda la magacaabay final (kama danbays) ma aha, way ku jiraan rag wanaagsan oo aan raali ka ahay laakiin sidaas ma aha.

S: guddiga dawladaa magacawday adigana gudoomiyaad ka tahay maxaa ka dhiman oo aad goobaysaa, sow in aad hawshii bilowdo ma aha.?

J: sidaas ma aha adeer, guddiga in cid kale magacawdo ma ahayn waxa ay ahayd in ninka Gudoomiyaha noqonaya loo daayo in uu xusho dadkii la shaqayn lahaa, arintaasna haddaan anigu qabanayo wax baa ka dhiman.

S: sharci miyaa jira sidaas qeexayay mise heshiis, sidee ku tiri.?

J: Heshiis ayaa jira saxiixan oo arintaas ka hadlaya.

S: oo yuu dhex maray heshiiskaasi.?

J: aniga iyo nimankaas.

S: kuwee.?

J: dawladda ku meelgaarka ah.

S: Xagee rabtaa in aad wax ka bilowdo haatan haddii hawshii dib u heshiisiinta laguu dhiibay.?

J: hawshu wali ma dhamma, marka guddigu dhismo ayaan galaynaa wixii nala gudboon ee aan is niraahno Soomaaliya ayay dawo u keeni karaan.

S: waxaa idin magacawday dawladda ku meelgaarka ah ee Jabuuti lagu dhisay, waxaana jira maamulo iyo hogaamiye kooxeedyo ka soo hor jeeda marka sidee dib u heshiisiin u samaynaysaan mar haddii dhinacyadii kale idiin arkaan in aad ka mid tihiin kooxda ka Carte.?

J: arrintu sidaas ma aha, waase ogahay in ay dadka qaarkood ka boodi doonaan arrinta iyaga oo aan waxba hubsan, anagu adeer kama mid nihin qolada Carta iyo qolo kale midna, taladu waxay ka mid ahayd waxyaabihii ka dhashay shirkii Jabuuti, taladune meel kasta way ka imaan kartaa, anagana waa masuuliyad na saaran in aan kuwa Shirkii Jabuuti taageersan iyo kuwa diidan labadaba ku qancino in aan nahay dad Soomaalinimo doonaya oo dhexdhexaad ah, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaana guddigu waa madax banaan yahay.

S: Muqdisho goormaad haatan tageysaa.?

J: muqdisho iyo dhinacyada kale ee dalka meeshii hadba ay markaas nala noqoto in aan tagno waan tageynaa haddii guddigu dhismo, haddase wax waliba waa biloow, khayr ayaan Ilaah ka rajaynaynaa.

Sahan Bosaaso.

__________________________________________________________________________________

TAARIIKHDA MUDANE C/RIZAAK

Guddoomiyaha guddiga oo ah mudane C/risaaq Xaaji Xuseen waxa uu ku dhashay agagaarka magaalada Gaal kacyo sanadku markuu ahaa 1926 dugsi quraanka ayuu ka galay degaankaasi wuxuuna 1937 ku biiray madaraso Carabi ah iyadoo 1939 uu Muqdisho u soo wareegay uuna ku dhameystay waxbarashada Dugsiga Dhexe .

Mudane C/risaaq wuxuu iibin jiray dukaan galabtiina wuxuu wax ka baran jiray Dugsi Talyaani ah,1943 wuxuu ku biiray Askartii Ingiriiska isagoo 17 jirkiisii loo qaatay qeybta taararka ee Militariga ,1943 ayuu C/risaaq Xaaji Xuseen ku biiray Ururkii Leegada SYL wuxuuna ka soo qabtay xilal kala duwan ,waxayna SYL 1954 u diray qeyb Qaramada Midoobey , 1956 wuxaa loo doortay Baarlamaanki wakhtigaasi jiray 1960-kiina C/risaaq wuxuu noqday Wasiirki Arrimaha Gudaha 1964-kii waxa loo magacaabay Rai’isul Wasaare . C/risaaq wuxuu furay Xisbigii DAB IYO DHAGAX isagoo mucaarad ah

Diinaari -- Warfaafinta Madaxtooyadda j.s.
diinaari@yahoo.com

__________________________________________________________________________________

Guddiga Qaranka ee Dib u Heshiisiinta iyo Isu Celinta Hantida
Update/Sawiro, May 7

http://www.somaligov.com/

____________________________________________________________________________________

SOMALIA: New reconciliation committee formed

NAIROBI, 8 May (IRIN) - The office of the prime minister of the Transitional National Government (TNG) of Somalia on 6 May appointed a new 25-member peace and reconciliation committee. According to Somali political sources, the committee is expected to send representatives to all regions of Somalia requesting recommendations on how the reconciliation process can be completed.

Committee representatives will attempt to act as intermediaries between the TNG and the existing regional administrations and factions. The committee had been tasked to define the most suitable way towards establishing a federal system, and to find methods of addressing property and land issues, the source said. The restoration of private property looted or lost during the last 10 years was one of the most contentious and pressing issues in any reconciliation process, a Somali analyst told IRIN.

The committee includes representatives of most of Somalia's clans, and some prominent individuals. Its chairman is former Prime Minister Abdirazzaq Hajj Husayn; the former minister and Rahanweyn elder, Abdiqadir Muhammad Zope; and Somalia's internationally renown novelist, Nuruddin Farah.

In order for the committee to carry out its mandate effectively, it will have to include missions to the self-declared independent state of Somaliland, northwestern Somalia, and the self-declared autonomous region of Puntland, northeastern Somalia. Both administrations have rejected the TNG.


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:17 AM. Webmaster HomePage