19 May 2007 04:28

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News](Sources)  Renewed Mogadishu Fighting
  • Posted by/on:[AMJ][Sunday, May 13, 2001]

 

Xuseen Caydiid oo shir jaraa'id oo degdeg ah ku qabtay xaruntiisa Villa Soomaaliya

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: Ingiriis@yahoo.com

Dagaalo ka soo cusboonaaday magaalada Xamar - Halkaan ka dhageeyso BBC

 

May 12 (HOL) - Hoggaamiye kooxeedka Xuseen Maxamed Caydiid ayaa aroornimadii (09:00) shir jaraa'id ku qabtay fadhigiisa saacad kaddib markii uu ka soo baxay dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho oo uu ku go'doonsanaa, halkaas oo uu shalay galab ku qabsaday dagaal dhex maray maliishiyooyinkiisa iyo kuwa dowladda KMG ah.Xuseen Caydiid, waxa uu u sheegay koox warfidiyeen ah oo aan ka mid ahaa in dagaalkii shalay dhacay oo soo gaaray illaa saakay arroornimadii uu ahaa shirqool lagu doonayey in isaga lagu dilo amba lagu qabto.

"Shirqoolkaas lagu doonayey in laygu dilo waxaa ka dambeeyey Ismaaciil Cumar Geelle, Cabdiraxmaan Boorre iyo Maxamed Deylaaf" ayuu yiri Xuseen Caydiid oo sheegay in dowladda Yemen ay horey ula socodsiisay war sheegaya in dowladda Jabuuti damacsan tahay in la qaarajiyo.

Waxa uu sheegay in koox ka tirsan ururkii USC ay ku martiqaadeen inuu kala soo qayb galo kulan ka dhacayey dekedda gudaheeda, waxaana uu xusay in kooxdaasi ay wargeliyeen kulankooda dowladda KMG ah. Xuseen Maxamed Caydiid, waxa uu xaqiijiyey inuu ku geeriyooday dagaalkaas Col. Faarax Gubadley iyo Col. Axmed Cumar Baashi oo ahaa labo sarkaal oo ka mid ahaan jiray ururkii USC, waxaana ku dhaawacmay ayuu yiri Maareeyaha dekedda Maxamed Jaamac (Furux) iyo Col. C/llaahi Maxamuud Samatar (Black).

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday Faarax Gubadley inuu ahaa nin la soo halgamay aabbihiis Jen. Maxamed Faarax Caydiid. "Wuxuu ka mid ahaa dadkii garabka u ahaa aabbahay" ayuu yiri. "Weerarka laygu soo qaaday wuxuu qalqal ku abuuray carruurteyda, xaaskeyga iyo waalidkey" ayuu ku daray. Waxa uu qiray in laga gubay afar gaari oo kuwa dagaalka ah (Beebe, gaari uu saaran yahay qoriga Zuu ee lidka diyaaradaha iyo laba tikniko oo yar yar). Falka lagu laayey ilaaladayda waxaa mas'uul ka ah kooxda Carta" ayuu yiri. "Nabaddii lagu wada deggenaa Xamar way luntay, waxaana baa bi'iyey dowladda Jabuuti" ayuu sii daba dhigay.


Xuseen Caydiid, waxaa kaloo uu xaqiijiyey in la bililiqeystay bakhaar ka soo horjeeday dekedda oo uu lahaa ganacsade Maxamed Cabdulle Deylaaf, halkaas oo ay ku xareysnaayen maliishiyooyinkii ay iska hor yimaaddeen. "Waxaa bakhaarka loogu tagay lacag been abuur ah, dharka ciidammadu xirtaan iyo hanti kale oo Qaran" ayuu yiri.


Mar aan weydiiyey Xuseen Caydiid tallaabada tan xigta ee uu qaadayo, waxa uu yiri "dagaal kuma dhaqaaqayo, waxaanse ku baaqayaa Jihaad fiisabiilillaah." Waxa uu sheegay inay Jihaadkaasi kala qayb qaadanayaan dhammaan hoggaamiye kooxeedyada ay gacan saarka leeyihiin.

Waxa uu digniin u jeediyey idaacadaha Muqdisho ee STN iyo HornAfrik oo uu sheegay inay ka fidinayaan dacaayad joogto ah. "Labada idaacadood maalin walba waxay igu soo qaadaan weerar joogto ah, hase yeeshee
si degdeg ah ayaan uga jawaabayaa" ayuu yiri Xuseen Caydiid oo farta ku fiiqay Agaasimaha HornAfrik inuu yahay nin u shaqeeya sirdoon dibadda ah. "Cali Iimaan wuxuu ku gabbanayaa free press-ka aan annagu hirgelinnay, mana laha HornAfrik standard saxaafadeed" ayuu yiri.

Waxaa kaloo uu u digay shirkado ka mid ah kuwa ganacsiga oo aanu carrab dhabin. Xuseen Maxamed Caydiid, waxa uu sheegay maliishiyadiisu inay sii daayeen maxaabiistii ku jirtay Xabsiga Dhexe oo tiradooda uu ku sheegay 400. "Dadkii ku xirnaa xabsiga waxaa qabiil ugu awood sheegtay Cabdi Qaybdiid" ayuu yiri. Mar aan weydiinnay Xuseen Caydiid, waxa uu ka qabo Guddiga Dib-u-heshiisiinta iyo Isu-celinta hantida la kala haysto waxa uu sheegay inuusan waxba ka oranayn.

"Waa odoyaal waqtigoodii dhammaaday uun baan leeyahay" ayuu yiri. Intii uu socday shirka jaraa'id, waxaa Xuseen Caydiid teleefoon u soo diray hoggaamiye kooxeedyada, Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaargaduud) iyo Muuse Suudi Yalaxow. Waxa uu sheegay inay sidoo kale la soo xiriireen hoggaamiye kooxeedyada, Col. C/llaahi Yuusuf
Axmed iyo Cawad Axmed Casharo.


  ___________________________________________________________________________________ 

 
May 13, 2001 

 

40 Killed in Renewed Somalia Fighting

 

By THE ASSOCIATED PRESS

 

MOGADISHU, Somalia, May 12 — The worst fighting in several years here in Somalia's battered capital left 40 people dead today, including 21 civilians, and 100 people wounded after a fierce 15-hour gun battle between rival militias.

The intense fighting underscored the tenuous hold on power of the year-old transitional government in a city still carved up among clan- based faction leaders.

One faction leader, Hussein Aidid, a former United States marine, said he had been invited to the capital's port for "peace consultations" when he was ambushed by a pro-government militia from the Suleiman clan, which controls the area.

Mr. Aidid's forces eventually gained the upper hand in the battle, but later agreed to withdraw.

"In a serious plot, they have mercilessly massacred many civilians," Mr. Aidid said by mobile phone during the fighting.

Nurses at Al Hayat hospital, where many of the dead and wounded were taken, said most of the civilian victims had been killed by random mortars and antiaircraft shells that fell on their homes.

The transitional government of President Abdikassim Salad Hassan was elected by representatives of Somali society a year ago in Arta, in neighboring Djibouti, in an effort to restore order in Somalia, which has been mainly in anarchy since the overthrow of Siad Barre in 1991.

Mr. Aidid and other militia leaders refused to take part in the Arta conference, however, unless their factions were recognized.

Today he said that the transitional government had made "a deliberate attack against my people."

"As long as the provocation of the Arta group continues," he said, "the struggle of the Somali National Alliance will continue."

____________________________________________________________________________________________________________

 

  
Midnimo Information Center


XUSEEN CEYDIID: “Waxaa ka dambeeyay dilkii Mujaahidiintii ku dhimatay weerarkii gaadmada ahaa Ismaaciil Cumar Geelle, Cali Khaliif, Maxamed Deylaaf iyo C/qaasim Salaad”

mic-12-05-2001, Xuseen Maxamed Ceydiid oo ah hoggaamiye kooxeed si aad ah uga horjeeda dowladda KMG ah ayaa manta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Xuseen Ceydiid oo ka hadlay weerarkii lagu soo qaaday xarun uu shir kula lahaa Mujaahidiintii hore ee ururka USC ayaa ka hadlay cidii mas’uulka ka ahayd weerarkii lagu soo qaaday Dekedda weyn ee Muqdisho.

“Waxaa mas’uuliyada weerarka lahaa C/qaasim Salaad, Ismaaciil Cumar Geelle, Maxamed Deylaaf iyo Cali Khaliif Galleyr oo intaba ah kooxda Carta, waxaa la isku dayay in la i dilo hase ahaatee Mujaahidiinta ururka USC iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa iigu soo gurmaday goobtii ay igu soo weerareen canaasiirta Carta” ayuu yiri Xuseen Ceydiid oo u waramayay Saxaafadda gudaha.

“Waxay iga gubeen kooxda C/qaasim Afar gaari oo ah nooca dagaalka, waxay dileen intii Ciidan ahayd oo gudaha ila joogay, markaas yaan goi’asanay naan s difaacno, waxaan ku guuleysanay saakay 8:00 subaxnimo inaan ka soo baxno xaruntii Dekedda Muqdisho kaddib markii ay ii soo gurmadeen Mujaahidiinta ururka USC, markii ay ka war heleen weerarkii gaadmada ahaa ee lagu damacsanaa in leygu dilo, dagaal ma rabin anaga kolkii hore waxaana meesha igu balamiyay raggii ka tirsanaa ururkii USC, maadaama aan ka aqbalay waxaa dhacay amarkan” ayuu yiri Xuseen Ceydiid.

Dhanka kale wuxuu mahad ballaaran u jeediyay hoggaamiye kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow, Ing. Maxamed Xuseen Caddow, shacabka ku nool W/Muqdisho. “Ganacsatada iyo Ciidanka beelaha waxaan uga digayaa inaysan dagaalka u bedelin arrin qabiil.

shalay galab ayaa waxaa la jebiyay xabbad joojintii wayna ka jawaabi doonaan Mujaahidiinta weerarkii lagu qaaday, waxan ku tala jirnay inaan soo dhoweyno wafdigii golaha dib u heshiisiinta iyo dib u soo celinta Qaranka Soomaaliyeed SRRC, laakiinse weerarkan ayaa dib noo dhigay” ayuu yiri Xuseen Ceydiid”.

“400 Maxaabiis ah ayaan ka sii daaynay xabsiga dhexe, dareyska Ciidamada uu shaqsi ku xareystay garaashna waxaa furtay shacabkii halkaa ka dhowaa, Ciidamada SNA-na waxay ku sugan yihiin Iskoolkii Dugsiga sare ee Booliska, Dekedda weyn ee Muqdisho, xabsiga dhexe iyo Isbitaalka Martiini mana ku shiri karaan Baarlamaan ku sheega Dugsiga Booliska” ayuu yiri Xuseen Maxamed Ceydiid.

Dagalka oo shalay galab ka bilowday Dekedda weyn ee Muqdisho 4:300 galabnimo ayaa waxaa leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana halkaa ku geeriyooday dad tiradoodu gaareyso 30-qofood, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 50-qofood sida aan ka soo xiganay dad dhaawac ah oo ku sugnaa Isbitaalo lagu daweynayay, dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa: Faarax Gubadley oo ka mid ahaa saraakiishii USC, Cali Baashi, iyo saraakiil kale oo ku dhaawacantay, waxaana ka mid ahaa Maxamed Jaamac Furux, iyadoo dagaalka maalinimadii Sabtida iskii u joogsaday, inkastoo aanay jirin wax dhexdhexaadin ah oo lagu qaboojinayo dirirtaas.

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho
Muqdisho-Soomaaliya
Kala xiriir panorama@somalinternet.com

 

www.midnimo.com

 

____________________________________________________________________________________________________________

 

SLUG: 2-275961 Somalia/Violence (L) DATE: NOTE NUMBER:

 

DATE=05/12/01

TYPE=CORRESPONDENT REPORT

TITLE=SOMALIA/VIOLENCE (L)

NUMBER=2-275961

BYLINE=SCOTT STEARNS

DATELINE=NAIROBI

CONTENT=

 

VOICED AT:

 

INTRO: More than 40 people have died in fighting between Somalia's transitional government and a Mogadishu faction leader. V-O-A's Scott Stearns reports from Nairobi.

TEXT: Faction leader Hussein Aideed says the fighting started when his men were ambushed by gunmen loyal to the country's transitional government. Mr. Aideed says 33 of his men were killed when their convoy was hit by anti-tank fire and heavy machine guns (fire) near Mogadishu's port.

His faction called in reinforcements, and fighting carried on through the night, with several buildings hit by mortar fire. When the violence ended early Saturday, Mr. Aideed's faction had won control of the port from a rival militia, allied with the year-old transitional government.

That government said it pulled back its fighters Saturday to help end the confrontation. Losing the port has little strategic significance, as it has been closed since 1995. But the violence is a step backward for this transitional administration, which Mr. Aideed says has tried to kill him because he has not signed-on to their plan.

The faction leader says he was on his way to the port to meet representatives of transitional President Abdiqassim Salad Hassan, when the attack occurred.

Mr. Aideed told reporters that the attempt on his life came from neighboring Djibouti and two Arab countries he did not name. President Salad's government was founded in Djibouti at a conference that Mr. Aideed and the country's other major faction leaders did not attend.

The most serious fighting in months followed an arms delivery to faction leader Musa Sude Yalahow. Officials said it was an attempt to destabilize their transitional administration. Mr. Yalahow's rivals say the 12-truck convoy of weapons and ammunition came from Ethiopia. Ethiopia's foreign ministry says that it is not true.

Ethiopia has opposed Somalia's transitional government. Mr. Aideed, Mr. Yalahow and other faction leaders went to Ethiopia earlier this year. They founded a Somali Restoration and Reconciliation Council to replace the transitional government with what the faction leaders call a more "representative" administration.

Somalia has been without a federal government since the fall of dictator Mohamed Siad Barre in 1991. (SIGNED)

 

NEB/SS/DW/TDW

 

 

  

 

 

 

 


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:16 AM. Webmaster HomePage