19 May 2007 04:29

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] Sources -  Somali News Roundup
  • Posted by/on:[AAJ[10 June 2001]

Ethiopia 'push' into Somalia denied - June 8, 2001

People in Somalia's southern Bakol region have denied a Somali Government claim that hundreds of heavily armed troops from Ethiopia entered the area overnight.

Local residents contacted by a BBC correspondent in Mogadishu said the claim was false. But they confirmed that a number of Ethiopian troops had previously entered Bakol and were still there.

Earlier, Somali Deputy Defence Minister Mohamud Mohamed Heyd told the French news agency AFP that about 300 Ethiopian troops had crossed the border on Thursday night and Friday morning.

He said that the troops were supported by armoured personnel carriers and artillery.

The deputy minister said troops of the Somali transitional government were being sent to the area.

There has been no word from Ethiopia itself.

Insecurity

Somalia has made claims in the past that Ethiopia is infringing on its territory.

The Somali Government has said that its neighbour is actively trying to destabilise the country and is trying to establish a breakaway state in the south-west.

The Somali Government was elected at a reconciliation conference in Djibouti last August and is the country's first central administration since 1991.

The government under President Abdulkassim Salat Hassan, however, has failed to take control of much of the country beyond pockets of the capital, Mogadishu.

The rest of Somalia is divided into areas either seeing themselves as independent countries or as fiefdoms of warlords.

In January, Somalia took its claims to the United Nations.

Ethiopia responded by saying that Somalia was using Ethiopia as a scapegoat for its own problems.

Ethiopia argues that, given its long border with Somalia, the country has legitimate national security concerns when the political situation is so volatile.

 

BAARLAMANKA DOWLADDA KMG OO CODSADAY IN DOWLADDA LA KAL DIRO

June 7,2000

Warar xogogaal ah oo laga soo xigtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegaaya in golaha baarlamaanka dowladda ku meel gaar ah iyo Madaxwaynaha ku meel gaar ah Abdiqasim Salad hassan uu muran soo dhex galay.

Wararku waxay sheegayaan in Golaha baarlamaanku uu ku taliyay in Rasiisul Wasaaraha Dowladda ku meel gaarka ah iyo Dowladda uu madaxda ka yahayba la badalo.

Madaxwaynaha Abdiqasim Salad ayaa wararku sheegayaaan in uu ka madax adaygay in Rasiisul Wasaaraha Mr. Glaydh la casilo , laakiin ogolaaday in dowladda lakala diro.

Baarlamaanka ayaa u janjeersan in dowladda cusub ee la magaabi doono wax looga daro ragga hadda ka soo horjeeda si markaas looga baxo dhibaatada muddada dheer hor taagnayd Dowladda ku meel gaarka ah.

Musse Sudi Yalahow oo ka mid ah ragga sida xooga leh uga soo hor jeedda Dowladda Ku Meel Gaarka ah ayaa sheegay in uusan ka qayb qaadan doonin dowladda cusub ee la soo dhisi doono, halka Cusman Caato uu weli waan waan hoose kula jiro Dowladda Ku Meel Gaarka ah.

CABDIQAASIM OO KU EEDEEYAY XUKUUMADDA GALAEYR FASHILAAD

June 5, 2001

Sida ay qortay maanta jariidada Al-Khaliij ee luqada carabiga,kana soo baxda dalkan Imaaraadka, Waxaa uu Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan si weyn ugu eedeeyay Dawladda KMG ee uu madaxda ka yahay Cali Khaliif Galaydh inuu ku guuleysan kari waayay barnaamijkiisii boqol maalmood ahaa ee uu hore u ballanqaaday , isagoo Madaxwenaha ku caddeeyay hadalkiisii in ceebaha dawladda kmg ay noqdeen iminka kuwa ay dad badani arkayaan.

Waxyaabaha uu Madaxweynaha soo qaatay waxaa ka mid ah in Dawladda KMG ay xitaa ku fashilantay dabagalka iyo soo ururinta lacagihii ay dawladaha aanu walaalaha nahay iyo kuwa saaxiibka nala ah ugu deeqeen Jamhuuriyadda Soomaaliya, furitaanka Safaaradihii Soomaaliyeed ee hore u xirmay , soo saaridda Baasaboorada cusub iyo dhismaha Hay'adaha Dawladda .

Wuxuu kaloo ku eedeeyay in Dawladda KMG ay ku guuleysan kari weyday sugidda amniga Caasimadda Muqdisho iyo Gobolada dalka. Waxaa kaloo jira in Wargeyska Sanca cadadkiisii ka soo baxay shalay (4th June) Muqdisho uu daabacay fariin uu Cabdiqaasim Salaad ugu sheegay Ra'iisul Wasaaraha sida ay lama huraan ugu tahay in miisaaniyad joogto ah loo qoondeeyo Ciidamada Booliiska , si loo sugo amniga , iyo in mashruucyada dib-u-dhiska ee Wasaaradda Hawlaha Guud tixgelin gaar ah la siiyo .

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) ayaa isna ku eedeeyay in Raiisul Wasaaraha uusan haba yaraatee la kulmin in muddo ah Golahiisa Wasiirada, sidaas darteedna uu mas'uul ka yahay guul-darada soo gaartay Xukuumadda, gaar ahaana dagaalada ka dhacay dhowaan Caasimadda iyo amni la'aanta jirta guud ahaan .

Ugu danbeyntii waxay kaloo Jariidada Al-Khaliij ku xustay warkeeda in shan qof oo midi ay haween tahay ay geeriyoodeen kadib markii bas ay saarnaayeen oo u jeeda degmo ka tirsan gobolka Hiiraan, kana soo baxay Muqdisho dorraad ay niman dabley ah tacshiiradeeyeen.Waxay kaloo iyana sheegtay miino ku qaraxday gaari marayay xaafadda Hodan ee isla magaalada Muqdisho.

[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:16 AM. Webmaster HomePage