19 May 2007 04:31

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country] [Garowe-PL] Warbixintii Guddiga Doorashada DG PL
  • Posted by/on:[AAJ][18 June 2001]

 

 

DAWLAD G. PUNTLAND

EE SOOMAALIYA

 

 

 

PUNTLAND STATE OF SOMALIA

 

 

             

 

 

 

 

 

 

 

 GUDDIGA DOORASHADA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND 


WARBIXIN GUUD.                                                                                                                                   12/06/2001.

 Salaan xushmad iyo qaddarin mudan ka dib, waxaan halkaan idiin ku soo gudbinaynaa war-bixin dhammays tiran iyo talooyin ku saabsan hawl galladii  Gudiga Doorashada, waxyaalihii u qabsoomay muddadii ay hawsha ku dhex jireen, waxyaalihii aan qabsoomin, caqabadaha hor taagan iyo waxyaalaha looga baahan yahay in mustaqbalka la qabto, si looga hirgeliyo Aftida Dastuurka & Doorasho xor ah oo caddaalad ku dhisan Deegaanada ay ka kooban tahay D.G.P/land. 

I. TIRADA IYO WAAJIBAADKA GUDDIGA DOORASHADA. 

              Guddigu wuxuu ka kooban yahay 13 Xubnood oo isugu jira Saddexda Gole oo ay ka kooban tahay DGP/land, Golaha Wakiillada, Golaha Xukuumadda iyo Golaha Garsoorka iyadoo Waajibaadkiisu yahay sida Axdiga ku qeexan qaban-qaabinta iyo hirgelinta Aftida   Distoorka iyo Doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanada oo ku yimaada nidaamka Xisbiyada badan. 

Marka laga eego qaban-qaabinta guud iyo socodsiinta hab-maamulkooda labada mashruuc tan Aftida Distoorka iyo tan Doorashada Golayaasha waa iskaga mid dhinacyo badan sida; Goobaha Cod-bixinta, Guddiyada Maamulka, habka socodsiinta cod-bixinta, diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha, Sanaadiiqda, Waraaqaha cod-bixinta iyo qalabka kale.  Taasi waxay ina tusmaynaysaa in haddii la suura geliyo Aftida Dastuurka  Doorashada Golayaashuna suuragal tahay. 

 

II. Wax-qabadka Guddiga 

Guddiga wuxuu hawshiisa bilaabay 19/01/2001, isagoo ka bilaabay hawshiisa xaalad banka ood ah oo aanay jirin wax la raad-raaco iyo marjac loo noqdaa toonna, wuxuu Guddigu mudnaanta kowaad ee hawlgalkiisa u qaatay bal in marka hore laysku taxalujiyo sidii loo diyaarin lahaa Shuruucdii lagu Maamuli lahaa Aftida Dastuurka iyo Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Deegaanada. Labadan Sharci ee Aftida iyo Doorashooyinka ee Guddigu diyaariyey, sugayana ansixinta Golaha Wakiillada ayaa si dhab ah looga qiyaas qaadan karayaa dhumucda baaxadda hawsha looga baahan yahay hirgelinta Aftida iyo Doorashada, Waxay kaloo qeexayaan xilalka iyo waajibaadyada laga doonayo inay fuliyaan Hay’adaha kala duwan ee ku shaqada lihi, xilliga cod-bixintu socoto, ka hor iyo ka dibba. 

Diyaarinta Shuruucda ka dib Guddigu wuxuu deraasaad iyo xog-ururin ka sameeyey sidii loo suura gelin lahaa dhaqan gelinta Shuruucdan, caqabadaha hor taagan iyo arrimaha u baahan in la dhamays tiro Aftida ka hor. Taasoo Guddigu ku ogaaday inaanay xilligan suuragal ahayn in laga hirgeliyo Deegaamada Puntland Afti  loo qaado Dastuurka cusub iyo Doorashada Golayaasha oo ku timaadda nadaamka xisbiyada badan. 

III. Caqabadaha hortaagan Aftida Dastuurka. 

Marka laga reebo diyaar garowga dhanka farsamada, abaabulka iyo isku dubba-ridka Afti-bixinta, caqabadaha wa aweyn (Major obstacles) ee saldhigga u ah inaan la hawaysan karin xilligan Afti iyo Doorasho toonna waxaa ka mid ah:- 

a)      Nabadgelyada oo aan sugnayan illaa xad.

b)      Baahinta maamulka Dawladda oo aan sidii la rabay uga hirgelin Degmooyinka iyo Tuulooyinka Dalka.

c)      Tiro-koob sugan oo aan laga qaadin Dadka. 

d)      Dhaqaalaha. 

e)      Tababar la’aanta hawlwadeenada. 

f)        Dhibaatooyinka siyaasadaha jaah-wareerka ah ee Soomaaliya ka jira. 

 

1.Nabad-gelyada. 

In kastoo marka dhab ahaan loo qiimeeyo Xaaladda nabadgelyo ee Dalka ay meel fiican marayso marka la bar-bar dhigo qaybaha kale ee soomaaliya iyo weliba dalal badan oo Afrika ah oo aan bur-bur ka dhicin, sida Jimciyadda quruumaha ka dhexeysaa ku qiimaysayna  Puntland ku jirto meelaha xasilloon ee ka soo raynaya maalinba maalinta ka dambaysa. 

Haddana waxaa marag ma doonto ah inaan amnigu sidii la rabay u sugnayn, aanuna gaarsiisnayn heerkii loo baahnaa ee munaasibka u ahaa hirgelinta aftida Dastuurka iyo Doorasho Dimoqraadi ah oo ay xisbiyo ku tartamaan.

Tiirarka saldhigga u ah sugidda iyo gacan ku haynta Ammaanka oo aan sidii la rabay wax uga qabsoomin una baahan in dib loo eego ahmiyadooda,waxyaalaha ka qabsoomay,waxyaalaha u dhiman iyo qorshaha loogu tala gelayo waxaa ka mid ah:- 

a)      Hub ka dhigidda. 

    Hubka xad dhaafka ah ee ku jira gacanta Dadweynaha ayaa ah caqabadda ugu weyn ee sababta u ah sugnaan la’aanta Nabad-gelyada.Waxaa is xusuusin mudan sida xaaladu ahayd, doorashadii ugu damaysey ee si dimuquraadi ah uga dhacda dalka 1968dii, waxaynu wada ogayn xiligaas hubka shacabka gacanta ugu jiray in uu aad u yaraa ama la oran karo maba jirin marka laga reebo qori-qori uu ugu weynaa kow iyo tobanle oo aagaga baadiyaha si kontaro baan ah ugu qarsoonaa , xilligaas oo arimuhu iska fududaayeen dadkuna ka nidaam wanaagsanaa dadka maanta jooga dhinacyada ilaalinta shuruucda, dhawridda haybadda dawladnimo, ismaqalka iyo kala dambaynta dhexdooda ayeynu haddana ka dheregsanahay gacan ka hadalkii ay isu bedeleen ololoyaashii iyo tartankii ka socday axsaabta dhexdooda iyo dhibaatooyinkii ka dhashay, kuwaasoo keenay dhimasho, dhaawac, goobo iyo  gaadiid la gubay; iyo colaado ku baahay gebi ahaanba shacabka dhexdiisa oo khal-khal geliyey xasiloonidii guud ee dalka.

Haddaba marka la bar-bardhigo xaaladda ay maanta ku sugan tahay Puntland, iyadoo xiligan uu shacabka gacantiisa ku jiro hub xad dhaaf ah oo ka kooban nooc kasta oo wax gumaada, min bastoolad ilaa taangi iyo min Bambo gacmeed ilaa madaafiic oo weliba in badan oo ka mid ah ay gacanta ku hayaan dad aan xilkas ahayn, taasi waxay ina tusmaynaysaa halista ka iman karta haddii iska hor imaad kooxaysani dhaco ama loo isticmaalo hab argagixiso.

Sida ay xusayso Daraasad laga sameeyey arrintan waxaa lagu qiyaasay Dadka hubaysan e jooga Puntland inay gaadhayaan in ka badan 150,000 oo qof oo u kala baxa ganacsato iyo xoola dhaqato u haysta difaaca naftooda iyo hantidooda; iyo dad dhallin yaro ah oo aan xilkas ahayn oo gaaraya ilaa 25,000 oo qof.

Guddigu markuu waday daraasaddiisa, waxa u soo baxday arrin u baahan in si gaar ah loo tixgeliyo loona dejiyo siyaasad loo dhan yahay oo lagu hago wax ka qabadkeeda; arintaas taas oo ah Dadweynaha ku nool xuduudaha iyo jiidaha hore ee Puntland ee ay sida weyn u saameeyeen welina culayska ku hayaan colaadaha sokeeye ee soomaaliya ka dhacay. Xiriir uu la sameeyey Guddigu mas’uuliyiin iyo odayaal ka tirsan Deegaanadaas oo ku saabsan nabadgelyada iyo hub ka dhigidda, waxay muujiyeen in ay riyo tahay xilligan in arrintan laga hadlo maadaama aanay weli dhammaan colaadihii sokeeye Dadyowga ay deriska yihiinna sidoodii hubka u sitaan.

Waxay kaloo dadkaasi ku cel-celinayaan in hubka ay haystaan yahay hantidooda gaarka ah iyaguna Go’aankiisa leeyihiin iyo in marka hore ciidan ku filan difaacooda oo laysku hallayn karo la helo inta aan laga hadlin hubka dhigista. 

Arrimaha hub ka dhigista dadweynaha waxaa fududayntooda lagama maarmaan u ah in la dejiyo Barnaamijyo ku aaddan jihaynta iyo dhaqan celinta maleeshiyada taasoo aan weli ka hirgelin gebi ahaanba dalka Puntland  

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa hubaal ah, haddii aan xal waafi ah loo helin Hubka ku jira gacanta Rayadka, inaan marnaba la heleyn xasilooni, Afti Distoor iyo Doorasho lagu tartamo midna.  

B). Miinada 

 Miinada iyo waxyalaha kale ee qarxa ee ku baahsan Deeganada Dawlad Goboleedka Puntland ayaa ka mid ah caqabadaha xannibaya hawlaha lagu fulinayo Deeganada ay ku aasan yihiin iyo guud ahaan isu socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha.

Sida ay tilmamaysao xogo uu Guddigu ka helay Hay’adda Dawladda ee qaabilsan Miino gurida, waxaa ilaa hadda la dhamays tiray daraasad iyo sahamin lagu sameeyey Aagaga  lagu tuhmayo Miinada ee gudaha Wadanka, taasoo sheegaysa in la hubiyey 30 Aag oo kala duwan oo ku kala yaal dhamaan gobolada ay ka kooban tahay Dawlad Goboleedka Puntland inay ku daadsan tahay Miinadu, haddana loo diyaar garoobayo in la bilaabo dhowaan wejigii koowaad oo lagaga gurayo goobahaas Miinada ku duugan, wejigaas oo socon doona Muddo afar sano ah. Waxaa kaloo qorshaysan laba weji oo ka dambeeya kaa hore.  

C)   . Ciidamada 

 Iyadoo la garowsan yahay in Nabad gelyadu saldhig u tahay arrin kasta oo Ummaduhu ku fulinayaan danahooda guud iyo kuwooda gaar ahaaneedba, dhan dhaqan, dhaqaale iyo horumarba;  ayaa jiritaanka ciidan u tahay furaha koowaad iyo aaladda lagu meel mariyo sugidda ammaanka dibadda iyo gudahaba. 

Sidaas darteed waxaa hubaal ah in dawladdu isku taxalujisay abuuridda Ciidamo amni oo isugu jira daraawiish, booliis iyo asluub kuwaasoo dhaqaale badan iyo dadaaal xoog leh oo loo wada dhan yahay shacab iyo Dawladba la geliyey abaabulidoodii iyo dhismahoodiiba,

In kastoo ay jiraan dhaliilo badan oo lagu saluugsan yahay qaabkii xulidooda iyo hawl-gelidooda, haddana waxaan shaki ku jirin in ciidamadu tallaabooyin iyo hawlgallo loo khushuuco ka fuliyeen nabad ku soo dabbaalidda Bulshada ayna xilligaan gacanta ku hayaan amniga magaalooyinka waaweyn. Hase  ahaatee ciidankeenna oo aan ka haqab la’ayn aadna uga hooseeya heerkii la rabay dhinacyada tirada, tayada, taba barka, hubka, rasaasta, gaadiidka, saadka iyo sedka;  ee aasaaska u ah awoodda wax qabad iyo mooraalka ciidanka ayaa sababay in ciidanka Puntland aannu gaarin heerkii uu si buuxda ugu hanan lahaa nabadgelyada gudo iyo dibadba,  

Waxaynu niri nabagelyada ayaa saldhig u ah hawl kasta oo la hirgelinayo, nabad gelyadana waxaa fure u ah ciidan awood u leh sugideeda, kolkaas marka kaalinkaa la daboolo ayaa runtii laga hadli karaa sharci fulin, hub ka dhigid , maamul fidin, tiro koob, afti, doorasho iwm. 

2. Fidinta Maamulka Dawladda. 

     Dawladihii soomaliyeed ee u kala dambeeyey xukunka dalka waxay mareen jidkii ay ka dhaxleen gumaysiga ee ku shaqayn jiray barasaab, dhiisay iyo taliye booliis oo laga soo magacaabi jiray London ama Roma. Waxaa uun is bedelay madaxdii caddaanka ahayd oo kuwa madaw oo muqdisho ka yimi meeshoodii fariisteen kuwaasoo ujeedadoodu mabd’a ahaan ahayd ka danaysi iyo dhaqaale urursi. Taasi waxay keentay in dadweynuhu u aamino Maamulkii iyo hantidii ummadda waxaan cidi lahayn, ka dibna markii dawladdii dhexe meesha ka baxday loola dhaqaaqay bur-burin, boob iyo bililiqaysi iskuulladii, Isbitaalladii, bankiyadii, xafiisyadii, dhulkii iyo dhammaanba hantidii qaran ee dawladdu gacanta ku haysay.  

Haddaba si looga guuro habkaa faashilka ah waxaa Axdiga DGP/land ina farayaa in la hirgeliyo nidaamka baahinta Maamulka taasoo looga jeedo in dadweynaha la gaarsiiyo inay abuurtaan xukun ay iyagu leeyihiin oo danahooda sida ay  doonayaan uga shaqeeya. Baahinta Maamulka meel marintiisu waxay u baahan tahay in la siiyo  waqti ku filan loona helo aqoon, dhaqaale iyo adkaysi.  

Haddaba Dawladdu iyadoo ka shidaal qaadanaysa ahmiyadda ay arrintani leedahay, waxay isku dayday wax ka qabadka fidinta Maamulka dawliga ah, waxaana la magacaabay xubnihii Maamulada ee Gobolada & Degmooyinka. Hase  yeeshee tani ma noqon mid guul macno leh dhalisa waayo qiyaastii 70% Maamuladdii la dhisay waxay ku dambeeyeen fadhiid , loomana helin dadkii hanan lahaa ama dabooli lahaa kaalinkaas.

Waxaa kale oo taa garab taal oo iyana u baahan tixgelinteeda iyo nidaaminteeda waa xuduudaha degmooyinka oo aan sugnayn. Iyadoo xilligii ay dalka ka talinaysay dawladdii xukunka caskariga ay samaysay degmooyin farabadan oo aan loo samayn xuduudo iyo khariidad la raacomidna. Kuwii horay u lahaana ay khal-khal geliyeen. 

 Garsoorka

Dhinaca kale garsoorka oo ah halbowlaha jiritaan ee qaranimo iyo sharci fulin ee dal kasta isla markaana looga miqyaas qaato maamulkiisa, qaabka garsoorkiisu u dhisan yahay , habka uu shaqeeyo iyo kalsoonida dadku ku qabaan ayaa sida Maamulka iyo ciidanka isna ah qayb muhiim ah oo kaalintii uu ku lahaa fulinta aftida Distoorka iyo Doorashada ay banaan tahay maadaama aanay ka hirgelin haba yaraatee Degmooyinka Dalka oo aan ka ahayn kuwa xarumaha Gobolada.  

Gunta iyo gunaanadka arrintani waa iyadoo aan la hayn ama ay fara ku tiris yihiin dadkii aqooonta, khibradda iyo kartida u lahaa gaarsiinta dalka Maamul wax ku ool ah iyo Garsoor u cuntama dadweynaha iyadoo aqoon yahanadiii Puntland waxna qaxooti dibdda ugu baxeen; qaybta yar ee dalka ku hartayna ka door bideen dantii caamka ahayd tooda gaar ahaaneed oo ay ku mashquuleen. Sidoo kale waxa lama huraan ah in arrintan loo huro dhaqaalaha ay istaahisho. 

3. Tira koobka. 

 Tirakoob  saxa oo laga qaado Dadweynaha wuxuu fure iyo saldhig tixraac u yahay dhammaan qorshayaasha loo samaynayo Aftida iyo Doorashada sida qaybinta xubnaha GolahaWakiillada iyo diiwaan gelinta cod-bixiyayaasha.

Xilligan tirakoob l;a’aantu waxay ka mid tahay caqabadaha waaweyn ee sababay in aan Afti Distoor laga qaadi karin Dadka, mustqbalka haddii aan ahmiyadeeda la siin oo sida ay tahay wax looga qaban waxay ahaan doontaa caqabad taagane ah. 

  4. Dhaqaalaha: 
Dhaqaalaha ayaa isna noqday caqabad weyn oo aan la dhaafi karin marka laga fekerayo meel marinta aftida distoorka iyo qaban qaabinta doorashooyinka.

Waxaa kale oo iyana xaqiiqo aan indhaha laga lalin karin ah arrimaha kale ee saameynta culus ku leh aftida iyo doorashada ee aan kor kaga hadalnay sida ciidamada, hub ka dhigidda, fidinta Maamulka, tira koobka, iwm aan laga gudbi karayn ilaa loo helo dhaqaale baaxad leh oo aan qiyaas sugan laga bixin karin xilligan balse si guud loo tilmaami karo.

 Guddigu isagoo maanka ku haya xaalladii ban ka abuurka ahayd ee lagu asaasay puntland ayadoo aanay wax dhaxal ah oo wax tara uga aayin Maamulladii uga horeeyey xukunka dalka , iyagoo og duruufihii la saan qaaday  dhismaha dawlad goboleedda oo ay ka mid ahaayeen abaarihii wadanka ku habsaday, suuqla’aantii ku dhacday xoolaha nool markii dawladaha carabtu ka joojiyeen suuqyadooda, sicir bararka ku dhacay badeecadaha Ganacsiga iyo hoos u dhaca qiimaha ee shilinka soomaaliga.

Inagoo ogsoon ineyan marnaba puntland ka helin beesha caalamka taageera dhaqaale iyo mid siyaasadeed toonna; balse mabda’a ay kula shaqeynayeen ahaa cadaadin iyo curyaamin lagu waday nidaamka dawliga ah ee socday.

Iyagoo Guddigu ogsoon yahay in aanay marnaba si habboon uga hirgelin Dalka canshuurihii berriga ee saldhigga u noqon lahaa dhaqaalaha dawladda ee waxa keliya ee la helayey ahaa xoogaa khidmad ah ( nominal fee) oo laga ururiyo furdadda dekedda iyo garoomada diyaaradaha taasoo markay ugu badnayd dakhli sannadeedkeedu uu gaaray 40 Billion shillin.Iyadoo uu xusuusan yahay arrimihii kaga yimid P/land dhinaca soomaalida kale ee lahaa  culayskooda dhaqaale sida; arrimihii ka dhacay jubbaland, dhibaatooyinkii shirka carta dhaliyey iyo majara habaabintii dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska qaranimo. Taasoo  laysku deyayey in dowrkii P/land ku lahayd meesha laga saaro.

 Haddaba Guddigu markuu dhinacyo badan wax ka eegay, wuxuu garawsaday in dhaqaalaha looga baahan yahay hirgelinta hawlaha lagama maarmaanka u ah Aftida dastuurrka cusub iyo doorashooyinka Golayaasha kala duwan uu ka baaxad weyn yahay awoodda DGP/land saas darteedna  looga baahan yahay qorshe mustaqbal oo dhinacyo badan leh in loo dejiyo baarlamaan iyo xukuumadba.

Qiyaas guud oo guddigu isku tusaaleeyey maaliayadda ugu yar ee looga baahan yahay dhamystirka hawlaha muhiimka ah ee mustaqbalkana waa sidan soo socota:- 

  1. Hub ka dhigidda oo ku salaysan Lacag celin.

 

a)      Hubka     yar-yar                                 =                                   $ 30,000,000.

b)                  Waaweyn                             =                                   $ 30,000,000.

c)      Jihaynta   Malayshiyada                       =                                   $ 10,000,000. 

     2. Ciidamada.                                                          =                                  $ 10,000,000.

     3.  Baahinta Maamulka & Garsoorka                       =                                  $   5,000,000.

     4.  tira-koobka                                                        =                                  $   3,000,000.

     5.  Aftida                                                                 =                                  $   1,500,000.

     6.  Doorashada                                                        =                                  $   2,000,000.

                                                                                                                        ___________

                                                            Isugeyn guud      =      $          91,000,000

 

Qiyaastan  waxaa looga tusaale qaadan karaa marka la bar-bar dhigo miisaaniyadda Dawladda inaanay rubuc ka daboolayn dhaqaalaha ay u baahan tahay hawsha gogol xaadhka aftida iyo doorashada. 

iv. Hawlaha Gogol xaadhka aftida Dastuurka iyo Doorashada  

Waxaa ma huraan ah inaanu soo bandhigno arrimaha ma dhaafaanka ah ee mudan in la dhamays tiro xilliga diyaar garowga ee ka horreeya cod-bixinta Aftida ama Doorashada Golayaasha, si Golaha Wakiillada, Xukuumadda iyo ciddii kale ee danaynaysaa uga qiyaas qaataan dhumucda baaxadda ay leedahay hawshani awoodda  Dad (Man Power) ee ay u baahan tahay, Dhaqaalaha gelaya iyo Muddada ay qaadan karto dhamaystirkeedu

Hawlahan oo abaabuliddooda, diyaarintooda iyo hubinta dhamaystirkoodaba si gaar ah looga sugayo Guddiga Doorashada DGP/Land waxaa ka mid ah:-  

  1. Shuruucda:-  

a)      In Golaha laga ansixiyo sharciga aftida Dastuurka iyo sharciga Doorashooyinka baarlamaanka iyo Golayaasha Deegaanka ee hadda diyaarka ah.

b)      In la diyaariyo Golahana laga ansixiyo Sharciga Axsaabta iyo Sharciga Muwaadinka Puntland. 

  1. In la diyaariyo barnamijyo wacyi gelineed oo dadweynaha loogu baahinayo

Distoorka, Lifaaqyada iyo Qaynuunada aftida iyo Doorashooyinka.      

  1. In loo qaybiyo tirada guud ee Xubnaha Golaha Wakiillada Degmooyinka laga soo

Dooranayo, iyadoo lagu salaynayo tirada dadweynaha deggan degmo kasta iyo baaxadda deegaankeeda. Taasoo habka guddigu u qoondeeyo soo hor dhigidoono Golaha wakiillada si rasmiyan loogu ansixiyo.      

  1. Qorsheynta iyo u qaybinta Dalka goobo cod-bixineed (Polling Stations) oo Degmooyinka ah, kuwaasoo loogu talo gelayo in Dadweynuhu si fudud ugu codayn karaan Aftida iyo Doorashada siiba meelaha Dadku ku arursan yahay iyo Deeganada fof-fog (remote areas)
  2. In la diyaariyo lana daabaco qalabka iyo dukimintiga lagama maarmaanka u ah  cod-bixinta sida; Sanaadiiqda, Shaabadaha Guddiyada kala duwan, Waraaqaha codaynta, Shaxaha tirada, Khadadka aan tirmin iwm.
  1. In la dhiso xilliga ku habboon Guddiyada Doorashada kuwaasoo u kala baxa Guddiyada Doorashada ee Degmooyinka iyo Guddiyada Goobaha cod-bixinta.
  1. In la diiwaan geliyo Muwaadiniinta xaqa u leh cod-bixinta muddada ka horaysa taariikhda loo qabto Aftida Distoorka iyo Doorashada Golayaasha.

8.  Inla tababaro hawl wadeenada ka hawl gelaya mashaariicda Aftida Dastuurka   iyo Doorashada Golayaasha.

Arrintan ku xusan qodobka 8aad waxay leedahay ahmiyad gaar ah xiligaan, maadaama aanay Afti iyo Doorasho xor ah midnaba soo arag Dadka Puntland ku nooli mudo ka badan 30 Sanno. Iyadoo  ay ugu dambaysay codayn si xor ah loo bixiyo iyo Dawlad si dimuqaraadi ah loo doorto tii Cabdirashiid Cali Sharmaake ee 1969. Dadka ku nool maanta Puntland qiyaas ahaan in ka badan 89% waxay dhasheen ama garaad sadeen 1969 ka dib. 

Dhinaca kale Dadka loo baahan yahay in loo tababaro hawsha waa guddiga dhexe ee Doorashada, Guddiyada Degmooyinka, Guddiyada goobaha cod-bixinta iyo hawl-wadeenada kale ee taakulaynaya sida; Maamulada Degmooyinka, Maxkamadaha iyo Ciidamada Nabad-gelyada. Tirada Dadkaasi waxay u dheelitirmaysaa goobaha codbixinta ee loo qoondeeyo guud ahaan Dalka oo dhan.  

Tusaale ahaan Degmada Laascaanood Doorashadii ugu dambaysay 1986 ee haa iyo mayada ahayd ee madexweynihii hore lagu doortay, siduu noo sheegay Mayorkeedii Xilligaas waxay lahayd 37 Goobood oo cod-bixineed. Markaa haddii la qaato qorshihii Xilligaas waxay hawl wadeenadeedu noqonayan sida soo socota:- 

Ø      Guddiga Doorashada Degmada                                        5 Qof.

Ø      Guddiyada Goobaha cod-bixinta                       37x5 = 185 Qof

Ø      Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada                            1  “ “

Ø      Taliyaha Ciidanka Boliiska                                                1  “ “

Ø      Duqa Magaalada                                                              1 “   

Taasi waxay ina tusaysaa in Degmada Laas-caanood looga baahan doono in loo tababaro ugu yaraan 193 Qof.  

Haddii la eego guud ahaan Puntland waxay hawl wadeenada degmooyinka tiradoodu noqonaysaa: 

 193   X   24                Degmo             = 4632 qof.     

Haddii aan tusaale ka bixino tirada ciidan ee ay u baahan tahay degmada laascaanood marka lagu jiro hawlaha aftida ama doorashada waxay noqonaysaa sida soo socota:- 

            Goobaha          37 X 15 =        555                  askari.

Gurmadka                                200                     

                                                            ___

755                                    Askari. 

Markaas iyadoo laascaanood loo qaadan karo inay dhex-dhexaad u tahay degmooyinka Puntland dhanka baaxadda ayey noqonaysaa ciidanka looga baahanayo meel marinta aftida iyo distoorka guud ahaan dalka sida soo socota:-  

755 X 24 degmo          =                      18,120             askari. 

 Qiyaasta qorshahan ku salaysan doorashadii 1986 waxay ka anba qaadaysaa marka xaaladda waddanku guud ahaaan xasiloon tahay dawladduna si buuxda gacanta ugu hayso amniga.

 

Talo soo jeedin. 

 Guddigu isagoo ka duulaya daraasadda uu sameeyey iyo xogaha uu ururiyey isla markaana si gaar ah u tixgelinaya arrimaha lagama maarmaanka u ah fududaynta in la hirgeliyo aftida dastuurka iyo doorashooyinka wuxuu soo jeedinayaa:-

      1.   In dib loo eego qorshena loo sameeyo xukuummad iyo baarlamaanba dib u  habaynta ciidamada iyo sidii loo heli lahaa dhaqaale lagaga haqab tiro dhanka  imkaaniyaadka iyo waxyaalaha ka dhiman,

  1. In siyaasad loo dejiyo habka loo fulinayo hub ka dhigidda (Disarmament policy) taasoo qeexaysa hubka in dadka  lacag looga celinayo iyo in lagala wareegayo, iyo sida loo maamulayo hubka lagu haysto jiidaha hore ee weli dagaalladii sokeeye ka sii hulaaqayaan.
  1.  Maadaama ay sidii larabay u shaqayn waayeen maamuladdii hore, waa in Degmooyinka laga dhiso Golayaal Deegaan oo lagu xulo hab dhaqameed iyadoo laga tusaale qaadanaayo Degmooyinkii laga hirgaliyay arrintan oo kale xiligii ay Dalka joogeen ciidamadii Unosomo, isla markaana loo dajiro xeer gaar ah.

4.    In Guddiga Doorashadu la socodo  isla markaana ilaalin  iyo kantaroolid ku Sameeyo hawlaha la qabanayo mustaqbalka ee lagama maarmaanka u ah suura  gelinta aftida Dastuurka iyo Doorashada Golayaasha, iyagoo yeelanaya     kormeer, qiimayn, talo soo jeedin iyo baraarujin hay’adaha kala duwan ee xilku ka saaran yahay arrintan, si looga digtoonaado in  mar labaad dib u dhac yimaado.

 

   Gebo-gebo 

      Haddaba Mudanayaal, marka laysku soo xooriyo nuxurka ay xanbaarsantahay warbixintani waxaa marag ma doonto ah inaanay xilligan suuragal ahayn in Puntland laga hirgeliyo Afti Dastoor iyo Doorasho Demoqoraadi ah oo xisbiyo ku tartamaan midnaba. Ka gudbidda caqabadaha waaweyn ee xanibka ku ah meel marinta arrintan iyo dhamaystirka hawlaha farsamo ee kor ku faah-faahsan ee loogu gogol xaarayo Aftida iyo Doorashada, Guddiga isagoo ka shidaal qaadanaya baaxadda ay leedahay hawsha la doonayo in la qabto mustaqbalka, isla markaana maanka ku haya awoodeenna dhaqaale iyo duruufaha lagu jiro,waxay ugu muuqataa inay qaadan karto muddo dheer, weliba marka si siman isku mar looga wada hawl galo.  

            Saas darteed Guddiga Doorashadu wuxuu ku soo jeedinayaa talo ahaan in loo qoondeeyo muddo ku filan oo aan iska dheh ahayn balse lagu miisaamo caqli fayow oo caadifadi ka maran tahay kana tarjumaya xaqiiqada dhabta ah ee ina hor taalla. Oo  Dalka lagu gaarsiiyo Doorasho xor ah, loo siman yahay oo caddaalad u dhacda kuna timaadda nidaamka xisbiyada badan.  

 

Allaa Mahad leh.

MD. Maxamed Axmed Kulan.

Guddoomiyaha Guddiga Dhexe Doorahada

 


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:18 AM. Webmaster HomePage