DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND EE SOOMAALIYA
SHIRKA GOLAHA ISIMADA
Garoowe, Juun 16, 2001
Ku: Xoghayaha
Guud ee Qaramada Midoobay, N.Y. USA
"
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Mr. David Stephen
" IGAD
" Ururka
Jaamacadda Carabta
" Ururka
Islaamka (OIC)
" Ururka
Midowga Afrika (OAU)
" Ururka
Midowga Yurub (EU)
" Dawladaha
Daneeya Arrimaha Soomaaliya
" Jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee Dibedda
Ujeeddo:
Bayaan Aayo-masiireed
Sida la wada ogsoon yahay, dalka soomaaliya waxaa ka
dhacay 1991kii dagaallo sokeeye oo qabiilaysan, oo dhumuc, dherer, dhimasho,
dhaawac iyo dhacba lahaa, kalifeyna in beelihii kala qaxaan, qof walibana ku tubbado
beeshiisii degaan ee abtirsiimo oday, is aaminid iyo isku kalsooni la'aan darteed.
Sidaa awgeed, abuuritaankii Puntland waxay ku salaysnayd
aragtidaas ah, isir-wadaagnimada reereed, oo marxalad wakhtiyeedka kala guur lagama
maammaan u ah damaanad qaadista nabadgelyada ku noolaanshaha beeleed; gun-dhigna u ah
aragti falsafadeedka dhisidda Federaalka Soomaaliyeed ee mustaqbal oo ah hoos ka unug, kor u dhis (From botton up approach).
Haddaba, go'aan maxkamadeedkii ka soo baxay maamulka
Maxamed Ibraahim Cigaal ee isku magacaaba Somaliland, 13 Juun, 2001 oo ku saabsanaa in 97%
bulshadu u codaysay Dastuurkii kala go'a Soomaaliyeed ee gooni isu taagga iyo gaar isu
maamulidda Gobollada Waqooyi-galbeed ee laga baahiyey BBC-da; ayaa Dawlad Goboleedka
Puntland, Isimada iyo shacbi weynaha Puntland andaco ka qabaan, iyagoo u arka been-abuur
iyo majara habaabin siyaaso.
Arrintaas waxa bar-tilmaameed caddayneed u ah
qodobada hoos ku qoran: -
Ugu Horayn:
1998kii, beelaha Isir-wadaagta Harti Galbeed ee deggan Gobollada Sool, Sanaag iyo
Degmada Buuhoodle (Togdheer), iyagoo ay hoggaaminayaan Isimadooda kala ah: -
- Garaad
Cabdiqani Garaad Jaamac
Dhulbahante
- Garaad
Saleebaan Garaad Maxamed
"
- Ugaas
Cabdullaahi Ciise Nuur
"
- Garaad Abshir
Saalac Maxamed
"
- Garaad
Cabdullaahi Garaad Soofe
"
- Suldaan Saciid
Cismaan Cali
"
- Suldaan Saciid
Suldaan C/salaan M. Cali Shire
Warsangali
- Garaad
Cabdullaahi Cali Ciid
"
- Islaan Xuseen
X. C/salaan
"
- Ugaas Maxamed
Saciid Ugaas
Tiinle
- Amiir Ismaaciil
Suldaan Maxamuud
Warsangali
Waxay laf dhabar u noqdeen oo dhidibada u aaseen
jiritaanka Dawlad Goboleedka Puntland; iyagoo ka qayb qaatay shir-weynihii aayo ka talinta
masirka Ummaddeed ee Garoowe, Mey 15, ilaa Ogoosto 1, 1998kii, isla markaana
ansixiyeen axdiga iyo dhismihii maamul Dawladeedka Puntland.
Waxa Kaloo
Daliil Cad ah: Guddigii caalamiga ahaa ee
xaqiiqo raadinta (International Fact Finding Committee) ee isugu jirey IGAD, UN, EU, OAU,
Arab League, OIC iyo Dawladaha daneeya arrinta Soomaaliya, sida: Talyaaniga, USA, UK,
Masar, Liibiya, Ethiopia, Yemen IWM, oo Isimada kor ku xusan ee beelahaasi u cadeeyeen ka
mid noqoshadooda buuxda ee Puntland, markii ay shir kula yeesheen Garoowe, 1999kii,
Guddigaas oo war bixintoodii ku faafiyey adduun-weynaha; taasoo bartil-maameed u ahayd in
beelaha Harti ee Gobollada Sool, Sanaag iyo Degaanka Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ka
madax bannaanaadeen Maamulka Cigaal ee waqooyi-Galbeed, kana mid noqdeen Dawlad Goboleedka
Puntland, iyagoo ku sugaya midnimo Soomaaliyeed oo leh Dawlad Dhexe oo Federaali ah, kana
soo horjeeda kala go'a dalka Soomaaliya.
Daliilka
Sadexaad: Shir ay ku yeesheen Laas-caanood,
27-29/05/2001, Isimada Dhulbahante ee kala ah:
- Garaad
Cabdiqani Garaad Jaamac.
- Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.
- Garaad
Ismaaciil Ducaale
- Ugaas
Cabdullaahi Ciise Nuur iyo
- Suldaan Saciid
Cismaan Cali.
Waxay go'aan sadeen inaan marnaba sanaadiiq
xambaarsan Afti u qaadista Dastuurka kala qaybinta Soomaaliyeed la keeni karin dhulka
Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ee shacbiga Dhulbahante, waxayna toos arrintaas ugala
xaajoodeen islana aqbaleen Maxamed Ibraahim Cigaal, isagoo Wasiirkiisa Arrimaha Dibedduna
goob joog ahaa, sidii laga baahiyey Idaacadda BBC-da.
Daliilka
Afraad: Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, Garaad
Saleebaan Garaad Maxamed iyo Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ku hadlaya magaca Beelaha
Dhulbahante iyo Warsangali, waxay goonni goonni dabayaaqadii bishii Mey ee 2001,
warbaahinta BBC-da iyo saxaafadda gudahaba uga caddeeyeen in afti u qaadista kala go'a
Soomaaliya ee uu wado Maxamed Ibraahim Cigaal aaney haba yareetee khuseyn, aadna ay uga
soo horjeedaan shucuubta Harti ee degaamada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
Daliilka Shanaad: Maalinta taariikhdu ahayd 31/05/2001, oo ku qoondaysnayd afti u qaadis ku
sheegta Dastuurka Cigaal, waxa tagey magaalada Laas-caanood Weriyaha BBC-da ee Puntland
iyo saxaafado Madax bannaan; waxayna caddeeyeen, kana sii daayeen BBC-da lafteeda,
xaqiiqada ah in dhammaanba shacbiga Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, oo ay Tuulo
Tuulo ula xidhiidheen ay qaadeceen aftidaas.
Daliilka Lixaad: Isla maalintaas, 31/05/2001, waxa shakhsiyaad calooshooda u
shaqaystayaal ahi isku dayeen iney meelo ka mid ah degaamada Sool si tuugo ah ku soo
geliyaan, 15 sanduuq oo ah kuwa Cigaal ku andacoonayo in cod-bixin lagu qaaday. Hase
yeeshee, dadweynaha iyo Maamulka Puntland oo feejignaan iyo is-xilqaan dheeraad ah
muujiyey ayaa dhammaantood soo qab qabtay; kuwaasoo maanta, yaalla laguna arki karo
magaalooyinka Laas-caanood iyo Xarunta Dawlad Goboleedka Puntland ee Garoowe.
Daliilka Todobaad: Sidoo kale, bulsho weynta iyo Hoggaamiye dhaqameedyada Harti ee Gobolka
Sanaag, si wadajir wadareed ah ayey uga gil gisheen, isuna hortaageen, afti ku sheeggii
Maamulka Cigaal ee ku salaysnayd kala go'a Soomaaliya; iyagoo sanaadiiqdii doorasho iyo
xubnihii siteyba 30kii Mey, 2001 ku go'doomiyey, kuna hor taagnaa guri ku
yaalla Tuulada Hadaaftimo ilaa 5tii Juun, 2001.
Hawl galkaasna waxaa ku dhintay naftii hure ka
tirsanaa Ciidanka Bol/Daraawiish ee Puntland, waxaana isla markaas ku dhaawacmay 3 qof oo
shcbi ah, taasoo hoga tusaale markhaatiyeed u ah inaan haba yaraatee wax cod bixin ahi ka
dhicin qaybta Hartiga ee Gobolka Sanaag oo ay ku jirto magaalada Ceerigaabo.
GEBEGABO:
Sida ku cad qodobada kor ku xusan, waxaannu Beesha
Caalamka Hay'adaha Calaamiga ah, ururka Goboleedyada, Dawladaha daneeya Arrinta Soomaaliya
iyo shacbiga Soomaaliyeed gudo iyo dibedba daaha uga qaadaynaa oo aanu gaarsiinaynaa in
sheegashada Maamulka Waqooyi-Galbeed ee Maxamed X. Ibraahim Cigaal ee ah in uu afti
Dastuur ka qaaday Gobollada Harti ee Sool, Sanaag iyo deegaanka Buuhoodle tahay bar kuma
taal, wax kama jiraan ah.
Sidaa awgeed, Hay'adaha Caalamiga ah waxa laga
codsanayaa in ay tixgeliyaan kuna dhaqmaan rabitaanka iyo go'aansiga Masiir ee Dadweynaha
Beesha Harti ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ee ah, ka mid noqoshada buuxda ee
Puntland.
ISIMADA
SAXIIXAY:
- Garaad
Cabdiqani Garaad Jaamac (Wakiil)
_____________
____________
- Garaad
Saleebaan Garaad Maxamed (Wakiil) _____________
____________
- Boqor Cali
Garaad Maxamuud C/Shire
_____________
____________
- Garaad
Cabdullaahi Cali Ciid
_____________
____________
- Suldaan
Cabdullaahi Cartan X. Faarax
_____________
____________
- Ugaas
Cabdullaahi Ciise Nuur (Wakiil)
_____________
____________
- Islaan Xuseen
X. Cabdisalaan
_____________
____________
- Garaad
Cabdullaahi Garaad Soofe (Wakiil)
_____________
____________
- Ugaas Maxamed
Ugaas Saciid Ugaas
_____________
____________
- Suldaan Xasan
Cali Jibriil
_____________
____________
- Suldaan Saciid
Cismaan (Wakiil)
_____________
____________
- Ugaas Bashiir
Cabdi Ciise
_____________
____________
- Diiriye Maxame
Cali (Wakiilka)
- Garaad Abshir
Saalax Maxamed
_____________
____________
- Amiir Ismaaciil
Suldaan Maxamuud
_____________
____________
- Suldaan Cali
Ismaaciil Cali
_____________
____________
- Ugaas Ibraahim
Cali Shire
_____________
____________
- Boqor
Cabdullaahi Axmed Cali
_____________
____________
- Garaad Cali
Buraale Xasan (Wakiil)
_____________
____________
- Garaad
Ismaaciil Ducaale (Wakiil)
_____________
____________