19 May 2007 04:30

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country] (Garowe - Sources)  War Saxaafadeed OGGOL, BBC iyo Puntland.....
  • Posted by/on:[AAJ][4 July 2001]

   wpe5E.jpg (3111 bytes)wpe5F.jpg (5737 bytes) 

 

Ref: OGGOL/07/2001 Date: 02/07/01 

 

War Saxaafadeed

OGGOL, oo ah urur madaxbannaan, ahmiyaddiisuna tahay inuu noqdo CODKA dadka tirada badan ee aammusan, taageersanna jiritaanka Dawlad Goboleedka Puntland cambaaraynaynaa sida ugu adag, warkii Yuusuf Xaaji Nuur ay 01/07/2001 BBC-da laanteeda afka Soomaaigu baahisey, oo u suurto gelisay in si caddaan ah mugdiga ugu maran habaabiyo dadka aan shuruucda aqoonin, halkaasna ay BBC-du la qaybsanayso wax allaalle wixii dembi ah ama dhacdo ah oo khatar gelinaya xasilloonida, annagoo u arkayna tilaabo khalad ah in aan la sixin qof la waraysanayo oo dadka dhegeysanaya isku dayaya in uu carro indhaha uga shubo (ka been sheegid xeer ku dhaqameed ama ka been abuurid taariikheed).

Marka ugu horreysa waxaannu BBC-da ka rajeynaynaa in ay adkayso ku socodka sharciga, runta, dhexdhexaadnimo iyo sugidda xuquuqda in laga faalloodo war dhinacyo badan ay khuseyso, annagoo ogsoon in BBC-du ay dano gaar ah u adeegto (shaqo bixiyaha), marna aanu illaawayn in manta ay u shaqaysato sidii NGO oo nabadda ka shaqaysa, deeqna ay ka hesho EU (barnaamijka Geedka Nabadda ee UNESCO, taasina ay inoo ifinayso in meelo badan looga dacwoon karo oo aanan ahayn (BBC Complaining Board).

Waxaad BBC-da ka sii deyseen wareysi 28/06/01, shaqsi, sida hadalka uu u dhigey "weligeed adduunka kama dhicin in Golaha Wakiilladu ay xilliga u kordhiyaan haykalka sare ee dawladda". BBC-du waxay ahayd in aqoonyahan taariikheed ama sharci yaqaan ah ay barbar dhigto wareysigaasi, ama dhinacyada ay khuseyso war saxaafadeedkooda ay tebiso haddii ay jirto, sababtoo ah waa ka been sheegid taariikheed.. Fiiri OGGOL/05/2001 oo idin soo gaadhey.

Waxaad BBC-da ka siideyseen 01/07/2001 wareysi aad la yeelateen hawl-gab Yuusuf Xaaji Nuur (Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee DGPL), oo ka faalloonaya shaqo ka fariisintiisa, wuxuuna yiri "Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxaa shaqada laga fariisan karaa markii Xeer Ilaaliyaha Guud uu dembi ku helo, xasannaadda laga qaado, Golaha Wakiilladuna ay ansaxiyaan. Aniga si sharci ah shaqada la igama qaadin".

Hadalkaasina runta ayuu barbar marey, sababtoo ah:-

1. Wuxuu isku lifaaqay Madaxweynaha, Ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, xilalkaasi oo lagu doortey Shirweynihii lagu dhisay DGPL.

2. Maxkamadda Sare (Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo Xubnaba), waxa magacaabay Golaha Wasiirada waxaana ansaxiyey Golaha Wakiillada.

Haddii aan soo qaadanno shaqo ka fariisintoodana waa:-

1 Markii ay lumiyaan dhexdhexaadnimada, xanuun ama xagga da’da, markaas oo hawlgab laga dhigayo ama loo isticmaalaa shaqo ka fariisin.

2 Markii ay fal dembiyaad galaan, dil, kufsi, xatooyo, laaluush, iwm. (waana tan midda uu ka hadlayey hawlgab Yuusuf Xaaji Nuur).

Wuxuu hawlgab Yuusuf Xaaji Nuur ku andacooday in dastuur uusan Baarlamaan ansaxin karin afti mooyee.

Waxaa adduunka oo dhan dastuurka wax ka beddela baarlamaanka oo laga doonayo ansaxintiisa 2/3 xubnaha ka tirsan, laba kal fadhi oo is-xiga. Middaasina waa aqoon darro la war baahiyey. Haddii aan Soomaaliya u soo noqonno waxaa dalka lagu dhaqayey muddadii u dhaxaysay 1960-1962 dastuurka si ku meel gaar ah uu u ansaxiyey Golaha Baarlamaanka 1960, aftina loo qaaday 1962. 1960-1962 Golaha Baarlamaanka waxaa la oran jirey (Assemblea Legislativa), 1962-1969 waxaa lagu beddelay (Assemblea Nazionale) markii lagu guuleystey aftida oo reer waqooyigu ay u bixiyeen Koonfurta Soomaaliya "reer Wanlaweyn".

Haddaba, waxaannu arkaynaa dad aqoon u leh sidii ay maamulladu isu beddelaan oo ujeeddo fog oo siyaasadeed leh, kuwaasoo BBC-da kala qayb qaadanaya been abuurka, sidii mugdiga iyo marin habowga loogu hayn lahaa dad aan wax badan ka aqoon sidii ay maamulladu isu beddelaan, shuruucduna ay isu beddelaan, marxaladda hadda taaganna wax tilmaan ah aan ka bixin karin.

Waxaan tafaftiraha BBC-da laanta Afka Soomaaliga u soo jeedinaynaa in faallo ku saabsan aragtida runta taariikhiga ah ee barbar yaalla uu sumcadda BBC-da ku badbaadiyo, asagoo xusaya maalinya 29/06/2001, in Maxkamadda Sare ee DGPL uu madax u noqday Guddoomiye ku Xigeenkii DGPL.

Haddii aannu nahay OGGOL, waxaannu baaq u jeedinaynaa dhammaan kooxda yar ee degdegaysa in aan ka soo horjeedno, iyagoo dano gaar ah leh, una shaqaynaya dad shisheeye ah oo dano gaar ah wata, jecelna baabi’in iyo iska hor imaadka dadka reer Puntland, iyo inay ka dhacaan dhibaatooyin Ilaah naga korshey oo la mid ah kuwo Koonfurta Soomaaliya ka socda hadda, Ilaah ha ka qaboojiyee.

OGGOL, waxay ugu baaqyasaa Ururrada Jaalliyadaha ee Reer Puntland (Scandinavian Countries, Germany, Holland and UK) in si deg deg ah lagu qaado OLOLE ADAG, Xafiiska Wakiilka (EU Representative Office) ee dalalka aad joogtaan, idinkoo wareysanaya nuqulka heshiiska BBC-EU ee mashruuca (Geedka Nabadda) oo loo marsiiyo UNESCO, adinkoo sii qaadanaya in EU aad dhalashadeeda haysataan.

Baarlamaanka EU wuxuu guddoomiyey inuu muwaaddin kasta uu nuqul ka dalban karo Xafiiska Wakiillada EU, kana heli karaan. Waxaad Wakiillada kala hadashaan hawsha BBC-da, isku deyidda xaalad abuurka iyo deeqda canshuurteenna loo qoondeeyey. Waxaa mudnaanta la siin (Xisbiyada Social Democratice, The Green and Liberal Parties) Xubnaha Baarlamaanka EU dalalkaasi ka jira. Mudnaan gaar ah ha la siiyo la xiriirka Xoghayaha Xiriirka Caalamiga ee Xisbi kasta.

 

 


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:18 AM. Webmaster HomePage