K"
Qore:
Mohamed-Deeq | Sahan, Bosaso | Distributed: SomaliTalk.com | July 5,
2001
Waa sharci iyo sharci maaha, waa gar iyo gar maaha, awood uma laha
iyo awood bay/buu u leeyahay, waa loo diray iyo yaa u dirsaday, waa
shaqadoodii iyo shaqadooda maaha; waa la doortay iyo yaa doortay,
Isimadaa ansixiyay, iyo xaq uma laha; erayadan iyo kuwo kale oo aan
macne ahaan ka fogeyn ayaa beryahaan si aan heer kore iyo mid hoose
mid dhaafin degaanka Buntilaan afartiisa gaar si aad ah loogu hadal
hayaa, iyadoo ay dadka qaarkood arrintan ku tilmaamayaan horyumar aanu
jirin meel kale oo Soomaaliya ah oo gaartay, ayaa hadana waxaa jira
culays weyn oo tan iyo markii ay soo dhawaatay mudadii saddexda sano
ahayd ee shirweynihii lagu dhisay Buntilaan u qabtay jiritaanka mudada
xukuumadda ku meelgaarka ah ee xilligaas la dhisay.
Dareenkan ayaa ugu horayn ka dhashay xukuumadda Buntilaan oo ka soo
bixi wayday balan qaadyadii axdigu dhigayay oo ahaa in ay xukuumaddu
mudadaas ku diyaariso dastuur lagu ansixiyay afti dadweynaha Buntilaan
laga wada qayb galiyo iyo cadaadisyo aan kala go' lahayn oo xukuumadda
lagu saaray in ay xilka iska dhigto haddii ay balantaas fulin
wayday.taas waxaa ka sii horeeyay magacyo dhawr ah oo ku yeeray
xukuumadda sida madax-ka nool, Bush ka adag, fayl iyo findhicil,
kaligood noole iyo kuwo la mid ah, iyadoo aysan dawladdii la dhisay
marna maara u helin in ay khilaafto aragtiyaha same doonka ah ee
dadweynuhu ku taba tusayeen.
Kalsoonidii shacabku intiisa badani ku qabeen xukuumadda ayaa lumay,
dawladdana waxa aad moodaysay in ay ku shaqaynayso sidii ay dadka u
hilmaansiin lahayd ka hadalka arrimaha siyaasadda dhan, si ay u soo
baxaan dad kooban oo ka hadla Siyaasadda, hase yeeshee taasi ma noqon
mid dajisa caradii dadweynuhu ku dhaliilayeen dawlad goboleedkoda.
Balse horta inta aynaan u guda degin, qormadan oo ah mid si looga
bogto aan u dheereeyay iyo sawirka dhabta ah ee ay xaaladda Buntilaan
yeelatay maalmihii u danbeeyay iyo waliba waxa laga saadaalin karo
maalmaha soo aadan, aan marka hore yare jaleecno arimaha muranka
dhaliyay iyo waxa aragtiyaha sharci ee kala qabo, iyo qodobada kale ee
leh muhiimadda faham ee arrintan; inaga oo inta badan arrimaha ka eegi
doona dhanka siyaasadda gudaha ee aan miisaan siin doonin kaalinta ay
arrimada socday ku leeyihiin dalal iyo hay'ado shisheeye oo laf
ahaantooda lagu tilmaami karo inay yihiin jilayaasha dhabta ah.
Laba qodob ayaa ugu muhiimsan kuwa doodani dhanka sharciga ka
fariisan la' dahay, kuwaasoo nuxurka qodobka hore aan wax khilaaf ahi
ka jirin, kaasi waa kan oranaya nuxur ahaan "haddii saddexdan
sano gudahood xukuumaddu diyaarin waydo dastuur waa dhacaysaa dawladdu,
waxaana awoodii madaxweynuhu ku wareegaysaa gudoomiyaha maxkamadda
sare" waxaa kaloo qodobkani dugsanayaa qodob kale oo ka mid ah
axdiga oo xaaraantinimaynaya wax ka badalka dhawr qodob oo qodobkan
hore ka mid yahay, iydoo uu jiro qodob kale oo golaha wakiiladda u
fasaxaya wax ka badalka axdiga marka laga reebo qodobadda la xarimay
ee dhawrka ah; waana tan midda ay qayladhaantooda ku xoojinayaan
musharixiinta iyo kooxaha xukuumadda dhaliilayaa, iyaga oo leh Axdigii
baa lagu xad gudbay, gudoomiyaha maxkamadda sare ayaan taageersanahay,
baarlamaanku xaq uma laha in ay wax ka badalaan axdiga iyo erayo la
mid ah. Hase ahaatee muranku waxa uu ahaan lahaa mid gartiisu cadahay
haddii arintu taas kaliya tahay, baarlamaankuna haba yaraatee ma jirto
meel uu wax kaga badalay qodobadii axdigu mamnuucay wax ka badalkooda,
waxase doodu salka ku haysaa qodob aanu jirin wax baarlamaanka ka
xayiraya in ay badalaan, ahaana qodobka hore mid macne ahaan aad u
saamaynaya, qodobkaasi waa midka sheegaya Dastuurka axdigu jideeyay in
la sameeyo cidda uu ogolaanshaheeda ku ansaxayo.
Malaha qodonkan waxa ay ahayd in lagu daba xiro qodobka hore ama
waxa ay ahayd in lagu daro qodobada mamnuuca ah in la badalo, midnase
lama yeelin, ee waxaa la qotomiyay meel gaar ah oo ka mid ah qodobka
8-aad baalamaankuna inta tirtire qaatay ayuu qodobkaas oo ahaa "dastuurku
waxa uu ku ansaxayaa afti dadweyne waxa ay u badaleen waxa uu ku
ansaxayaa baarlamaanka oo laba fadhi inta badan isku raacdo"
markaas ayay labadii mariyeen oo yiraahdeen dastuurkii waa dhaqan gal.
Hase ahaatee taas dadweynaha badankiis iyo dadka xukuumadda mudada
dheeraysatay diidani arrintaas uma arag xal ee waxa ay ku macneeyeen
nin meel uu wax aan sharci ahayn kala baxo doondoonaya, sidase
musharixiinta qaarkood qirayaan haddii arrintan dood sharci ah la hor
geeyo baarlamaanka lagagama gar heli doono.
Intii ka danbaysay marka go'aankaasi ka soo baxay golaha
wakiiladana waxa jiray doodo ku wajahan in wax kasta oo ka soo baxaa
yihiin far shaydaan la malookeeyay oo aan sharci ku dhisnayn, waxaana
aragtidaasi fursad xood leh ka heshay dadweynaha caadiga ah oo aan
siyaasaddaha ku dhex labnayn iyo taageerayaasha kuwa diidan maamulka
Buntilaan, taasoo ahayd sababta ku kaliftay xukuumadda in ay isugu
yeerto shir Isimadu ku yeeshaan Garoowe, si ay kalsooni dheeraad ah
ugu helaan qodobkan muranka dhaliyay.
Waxaase doodu sii laba lixaadsatay markii uu gudoomiyihii
maxkamadda sare ku dhawaaqay in isagu yahay ku sime madaxweyne oo
sharci ah tan iyo inta laga soo dooranayo madaxweyne kale oo shir
weyne lagu doorto, qodobkan ayaa isaguna qaatay qaybta labaad ee dooda
dhinaca sharciga, waxayna golayaasha dawladda iyo taageerayaashoodu ku
doodayaan in shuruuduu ahayd haddii aysan dawladdu dastuur diyaarin ay
dhacayso in ay tahay mid xukuumaddu ka soo baxday, taasoo ay kuwa
doodanina kaga jawaabayaan oo ma dastuur aan afti dadweyne lagu
ansixin ayaa noqonaya dastuur sax ah.
xeer ilaaliyaha guud ee Buntilaan oo aan meel madal ah aan ku
waydiinay waxa uu sharcigu ka qabo sheegashada gudoomiyaha maxkamadda
sare ayaa sheegay in gudoomiyuhu uusan xaq u lahayn qoraalka uu soo
saaray, wuxuuna intaas raaciyay in sidii loogu dhiibay looga qaaday
xilka madaxweynuhuna leeyahay awoodda xil ka qaadista iyo u dhiibidda
labadaba sida axdigu qorayo iyo in madaxweynuhuna wado sax ah u maray
xil ka qaadista gudoomiyaha, halka musharixiintuna ay ku doodayaan in
aan madaxweynuhu xaq u lahayn xil ka qaadista godoomiyaha maxkamadda
sare iyadoo saacaddo u hareen muddadii sharciga ahayd ee laysla ogaa
in uu xilka sii hayo. Doodan ayaa mar aan dhex dhignay dad aqoon yahan
ah oo dhexdhexaad ah waxa ay ku soo uruuriyeen in mucaaradku ay
haystaan taageero weyn oo shacbi oo aan sharciyad wadan, dawladuna ay
haysato sharcigii oo ay qiilal layasla doondoontay ku banaysteen, hase
ahaatee aan dadweynuhu ku qanacsanayn habka ay dawladdu u maamushay.
Xiisaduse intaas kuma eka, 2 dii June shirkii xukuumaddu ku baaqday
ee Isimada ma qabsoomin wakhtigiisii, ee dib ayuu in badan uga dhacay
sidii ku talo galku ahaa, kadib markii ay imaatinkiisa ka gaabiyeen
qaar badan oo ka mid ah Isimadii soo jireenka ahaa, waxaana isimadii
soo jireenka ahaa ka shirkaas ka fadhiyay oo Kaliya 2 Isim oo kala
ahaa Islaam Maxamed Islaan Muuse iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo
madasha shirka ku soo biiray saacadihii u danbeeyay ee go'aan gaarista
kadib markii uu halkaas si siibtay isagana tagey Garaad Maxamed Cilmi
Shirwac oo hogaaminayay Isimada Mudug, iyadoo shirkani ahaa kii ugu
horeeyay ee siyaasadeed ee uu ka qayb galo Islaan Bashiir tan iyo
markii la caleemo saaray 1998-dii.
Culays aan marna la qiyaasi Karin oo dhinacyo kala duwan ka
imaanayay ayay taasi saartay Islaan Maxamed oo ahaa gudoonka shirka,
iyadoo uu dhan waliba culayska ugu badan saarayay sidii ay Islaanka
uga raaridi lahaayeen dareenkooda iyo sida ay u rabaan in xaaladda
Buntilaan looga saaro mugdiga soo wajahan ee siyaasadeed iyo maamul;
taasina waxa ay qaybta ugu wayn ka noqon kartaa sababta Islaan Maxamed
iyo Isimada kale ee Nugaaleed markii danbe uga mawqif duwanaadeen
Isimadii kale ee shirka ka qayb galay badankood, kuwaasoo intoodii
badnayd ku taliyeen in baarlamaanku ka go'aan gaaro mudada lagu darayo,
halka Islaan Maxamed iyo qaar kale oo ka mid ahaa odayaashii dhaqanku
ku arimiyeen in golayaasha dawladda la kala diro marka laga reebo
saddexda xubnood ee shirweynihii hore lagu doortay, taasina waxa ay
Islaanka iyo inta la ragtida ahayd dhaxalsiisay in labada dhinac ee
awooda ku loolamaya labaduba ku gacan sayraan wadadii ay qaadeen,
iyadoo dhinacba u tirinayo in uu dhanka kale u janjeero, waxayna taasi
dhashay in mucaaradka intiisa badani ay soo dhaweeyeen go'aanka uu
isku caleemo saaray gudoomiyaha maxkamadda sare, oo sheegtay in uu
yahay ku simaha madaxweynaha.
Arrimahaasi waxa ay keeneen in dadka waxgaradka ah ee la socda
arrimaha siyaasaddu ay walwal la seexan waayaan iyadoo siyaabo kala
duwan loo sii odorosayay sida uu xaalku noqon doono, dad badani waxa
ay rumaysnaayeen in xaaladda amaanku faraha ka bixi doonto, ciidamada
iyo in badan oo ka mid ah golaha xukuumaduna ay qaadan doonaan mawqif
dhan ka ah kan ay baarlamaanku gaareen, waxaana arrintaas door xoog
leh ka qaatay warar is burinaya oo ay idaacadaha shisheeye ka
baahinayeen Buntilaan tan iyo markii Maxamed Xaaji aadan iyo
Cabdullaahi Yuusuf isku jiireen sida loo maamulayo adeegyada
wasaaradaha todobaadkii ugu danbeeyay ee saddexda sano, waxaa kaloo
arrintan qayb lixaad leh ka qaadanayay dilal bilihii tagey ka dhacay
magaalada Gaalkacyo iyo warar sheegayay in haddii mudo kordhintu
hirgasho Cabdullaahi Yuusuf balan qaaday in uu kala eryi doono dhamaan
golihiisa wasiiradda.
Marar badan waxaa u soo baxaysay dadka wax qiimeeya in meesha belo
ka soo socoto oo lagu kala tagi doono, dadku canshuuraha diidi doonaan,
dagaalna lama huraan yahay, qaar kalana waxayba odorasayeen in Kornayl
Cabdulaahi oran doono haddii aan gabay cid u dhiibta; isla mar
ahaantaasna waxaa si xawli ah u baahayay warar khalkhal lagu galinayay
nidaamka talada haya, kalsoonida dadku ku qabeena lagu daciifinayay,
iyadoo dhanka kalana wararkaas badankooda lala beegsanayay dadka
dibada iyo idaacadaha Muqdisho qaarkood oo aad ugu muuqday maalmahaas
kuwo u xil saaran buunbuuninta xaaladda Buntilaan ee cakiran, iyadoo
dadweynuhuna si aad ah uga qayb qaadanayay weerarka ku socday kooxda
talada haysa, kuwaasoo badankoodu cadaadis ku saarayay Isimada,
Baarlamaanka iyo xukuumadda in xukuumaddu hawsha ka fariisato marka
mudadeedu dhamaato; iyadoo isla mar ahaantaas lagu kala duwanaa cidda
talada la wareegaysa 30ka June kadib, hase ahaatee illaa iyo hadda
arrimahaas oo dhami ma dhicin; .
Hase ahaatee markii ay iska soo daba baxeen go'aamadii is
taageerayay ee Isimada iyo baarlamaanku mudada ku kordhiyeen, sida
Islaan Maxamed u aamusay ayaana dadweynaha badankiisna u aamusay,
wallow magaalada Garoowe oo aan anigu joogay dhawr dharbaaxo laysku
waydaarsaday goobaha fadhi ku dirirada loo yaqaan qaarkood, iyadoo
dooduhu ahaayeen kuwo aan la isugu turayn oo car iyo wir leh laysla
hor joogay, waxaana maalmahii xigay dadweynaha caraysani isku
qancinayeen in loo dulqaato maalmaha u haray xukuumadda.
Dhawr warqadood oo gudoomiyihii maxkamadda sare iyo musharixiinta
qaarkood ka soo baxay mooyee ma jiro hadal baahsan iyo kacdoomo bulsho
oo go'aankaas ka dhiidhiyay, mana dhicin mudaharaadyo taageero iyo
diidmo toona ah oo ka dhacay geyiga Buntilaan, go'aanka gudoomiyihii
maxkamadda sare oo haatan sheegay in uu yahay ku simaha madaxweynaha
oo lagu yaqaanay nin af gaaban ayaa isna ahaa wax aan la filayn,
taageero ay siiyeen musharixiintuna waxba kuma kordhin aan ahayn in uu
mar kale BBC-da ka hadlo, inkasta oo uu jiray tuhun xoog leh oo
muujinayay mudaba in uu madaxda Dawladda Carte qaarkeed la leeyahay
xiriir dhaw, hadana marna looma qaadan in uu yahay nin arrintaas ku
talaabsan kari doona.
Isku soo duuboo guuxii ka baxay dhagaha dadka Buntilaan waxa uu
noqday mid ku biyo shubanayay maalmahaas dhamaadkii mudadii hore ee
xukuumadda oo ku ekayd 30 June waxaana dhalatay cabsi le'eg tii ay
saynisyahanada qaarkood saadaaliyeen sanadkii 2000 bilowgiisii, iyadoo
sida dadka badankiisu la socdo uu jiray shaki xoog leh laga qabay in
kala guurka labada qarni la imaan doono arrimo waaweyn oo halis galin
kara nolosha aadanaha, taasoo keentay in dunidu u socdaasho cirifka
koowaad ee sanadkaasi ka bilanayay.
Maalmahaas ayaa xaaladda Buntilaan 1-da July ku ahayd 1-dii Jan ee
sanadkii 2000, iyadoo isla mar ahaantaas aaanu jirin aaladii loo
diyaarsaday in looga badbaado haddii khatar timaado ee ahayd 2yk,
waxaase wax lala yaabo noqotay in aysan haba yaraatee wax mushkilad ah
la imaan 1dii july, iyadoo ay xaaladda gobolku u muuqato mid aan waxba
iska badalin oo sideedii hore u socota, inkastoo la saadaalin karo
dhawr arrimood oo keeni kara khatar amaan daro.
Malaha markii hore ayaa saadasha la khalday, mise waxaan jirin cid
doonaysay in ay Buntilaan khatar u horseedo, waa jiraan dad qaba in ay
khatartii riman tahay, mase badna mucaaradkuna waxa uu u muuqdaa mid
aan doonayn in uu cudud milatari u maro isbadalka siyaasadeed ee la
doonayo, sidoo kale xukuumadda ayaa yaraysay gawaarideeda gaashaaman
ee magaalada u soo baxa.
Magaalada Bosaaso oo ahayd meesha ugu xiisadda badan ee dhinaca
siyaasadda ayaa waxaa ka muuqda xasilooni aan qiyaas lahayn,
ganacsataduna waxa ay diideen talooyin ka yimid dadka isbadal doonka
ah oo ku talinayay in ay soo saaraan qoraal ay canshuuraha ku
joojinayaan.
| waxaana soo
baxay in Buntilaan tahay ishii adayga iyo ayaanka la kala
dooransiiyay ee ayaanka dooratay. |
Marka la isku soo xooriyana waxaa cadaatay in Buntilaan ka gudubtay
1-dii July iyada oo aan haysan aalad u dhiganta tii loo diyaarsaday
1-dii Janaayo 2000, waxaana soo baxay in Buntilaan tahay ishii adayga
iyo ayaanka la kala dooransiiyay ee ayaanka dooratay.
Wallow ay wali sii muuqdaan arrimo soo cusboonaysiin kara iska hor
imaad iyo qalalaase ka dhaca degaanka Buntilaan xilligan, marka la
eego hadafka siyaasadeed ee ay kala leeyihiin dhinacayada kala duwan
kaasoo haatan sida ay dadka siyaasadda falanqeeyaa rumaysan yihiin ku
wajahan cidda Buntilaan uga qayb galaysa shirka dib u heshiisiinta
Soomaaliyeen ee soo aadan oo la filayo in la qabto dabayaaqada
sanadkan, waxaana dadka arrimahan lafa guraa ku qabaan in xubnaha ugu
muhiimsan ee dadaalka isbadalka ku hawlani ay haystaan taageero
dibadeed oo ku dhiiri galinaysa in aysan marnaba aqbalin in masiirka
Buntilaan ee ku wajahan xaaladda dib u heshiisiinta aan marna loo
ogolaan in kornayl Cabdullaahi siduu doono ka yeelo, taasoo ah
qorshaha ugu weyn ee ay haatan higsanayaan musharixiinta muddo
kororsiga diidan iyo gudoomiyaha is caleemo saaray labaduba, iyadoo
dhanka kalana xukuumadda mudada dheeraysatay ay ka go'an tahay in wax
kasta oo ay ku kacayso ay ka hor tagto shirka gudoomiyaha maxkamadda
sare ku baaqay ee 1-da Ogosto.
Guusha iyo guul darada shirkan ayaa waxa ay inta badan ku xirnaan
doontaa sida ay u soo dhaweeyaan Isimadii ka aamusay is maandhaafkii
hore oo uu islaan Maxamed ugu horeeyo, iyo sida hadba dadka u
ololaynaya looga dhex arko dad miisaan leh oo soo jiidan kara
bahweynta Buntilaan oo aan haatan xiiso badan u qabin maamulka 3da
sano kororsaday.
Gabayada kuma fiicni ee hadaan gabay aqoon ahaan lahaa waxa aan
markan oo kale dareerin lahaa tixihii Cabdullaahi macalin Dhoodaan ee
bilowgeedu ahaa;
Gardaroy dhibaad geysataa goor iyo ayaane
Gefkii aad samaysaa batiyo godobahaagiiye
Gashi aan yarayn baad qabtaa jeer lagaa gudo'e
Waxaad goyso mooyee la waa nimaad gargaartaaye
Gurigii barwaaqaysan baad gubi taqaanaaye.
Waa dheer tahay tixdani, laakiin waxa ay ku dhamaataa hadii aanan
khaldin'
Is gundhin iyo guul guul haddii laga gayoon waayo
Gabgablayntu kuma caawisiyo faan gobshaysiguye
Nabadii garoobaysayee loo gayaxa duubay
Kol hadaan gidiba loo helayn amay is guunguuntay
Ninkay godobsanaysaa intuu laad isugu gaabsho
Waa inuu gadaamada jaraa ooy galgalataaye
Markii laga gilgilo baydidaa kii gunada haystay
Gorros iyo isgaylaamin iyo gadhdhac mooyaane
Inuu giriftamaa waa waxaan goorna la arkayne
Waase gogosha doonkii intaa kaad galaafaniye
Gardarooy ninkaagii adaa gawracaas badiye.
Qore: Maxamed-deeq Cabdulqaadir
Tifaftiraha Sahan
Email: maxdeeq50@hotmail.com