- Title: [SW Country] ( Sources ) Geerida Abdullahi
Mohamud Hassan OO KU CAAN DHEERAA (MATUKADE) 1924-2001
- Posted by/on:[AAJ][10 July 2001]
INAA LILAAHI WAA INAA LILLAHI RAAJICUUN
TAARIIKH NOLOLEEDKII Abdullahi
Mohamud Hassan OO KU CAAN DHEERAA (MATUKADE) 1924-2001
Abdullahi Mohamud Hassan oo ku dhashay Gobolka Muduga, wuxuu hana qaaday isagoo aad u
dhallin yar, wuxuu ahaa nin keligiis wax is baray, wuxuu ku caan baxay waxbarasho jaceyl,
karti dheeraad ah, dadaal aan kala go lahayn, iyo inuu ahaa nin an la loodin karin
oo an marna ka waaban runta, xaq ku dirirka iyo waxa u aaminsanyahay.
Wuxuu ahaa nin aad waxbarashada u jecel, tabobarro aad u farabadanna ku qaatay
xirfadiisa isagoo u aaday waxbarasho waddamo badan oo ay ka mid yahiin Talyaaniga,
Ingriiska, Maraykan iyo Rush-ka..
Wuxuu aad ugu dadaalay inuu waxbaro caruurtiisa si ay dadkooda iyo dalkoodaba u
anfacaan.
Wuxuu u soo shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisaba muddo aad u dheer isagoo inta badan ka
tirsanaa Ciidanka Boliska Somaliyeed.
Waxuu u soo dagaalamay xorriyadii dalka, is hortaagidii xukunkii kali taliyaha ahaa ee
Mohamed Siyad Barre, waqatigan danbana dib u soo celinta dowlanimadii Somaliyeed iyo
qoridda taariihk nololeedkiisii iyo taariikhda Somaliya guud ahaanba.
Si uu u difaaco qadiyadda saxa iyo qaranimada Somaliyeed, waxuu u babac dhigay shaqo ka
erid, musaafiris iyo xabis aad u dheer intaba.
Waxaan halkaan idiin ku soo gudbinayna taariihkdiisii oo aad u gaaban.
- 1924 Abdullahi Mohamud Hassan wuxuu ku dhashay Gobolka Mudug ee Dalka Somaliya
- 1942 wuxuu ku biiray ciidamadii Boliska ee waqtigaas oo la oranjiray
"Gendarmeria"
- 1944 wuxuu ku biiray SYL
- 1950 waxaa laga eryey ciidamadda boliska, oo Talyaanigu ku eedeeyey inuu kaalmeeyo SYL
- 1952 wuxuu ku jiray laba nin oo SYL u diratay dalka Ethiopia si ay uga codsadaan in
Ethiopia ay garab istaagto qadiyadda SYL
- 1953 wuxuu ku biiray ciidamada Boliska ee Kenya halkaas oo u ka soo shaqeeyey muddo
sideed sano ah.
- 1960 wuxuu ku soo laabtay dalka somaliya oo u ka qaybgalay dabaaldagii xoriyadda is
maalintaasna uu ku biiray ciidamada Boliska.
- 1961 waxaa loo magacaabay inuu hogaamiyo ciidamada gaarka ah (Special Branch) ee
gobolada waqooyiga ee Somalia
- 1964 waxaa loo magacaabay inuu hogaamiyo ciidamada gaarka ah (Special Branch) ee dalka
oo dhan
- 1967 waxaa loo beddeley taliyaha ciidamada boliska ee jubada hoose.
- 1969 wuxuu ka mid ahaa madaxdii gobolka jubada hoose oo xilka la wareegay markii
waddanka inqlaabku ka dhacay.
- 1970 wuxuu ku jiray ragii ugu horeeyey oo Mohamed Siyaad Barre ka wareejiyey ciidamada
asagoo lagu magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer (Governor)
- 1972 waxuu ku jiray dadkii ugu horeeyey oo loo masaafuriyey Russia. Halkaas oo uu ka
bilaabay wax barasho Jaamacadeed ( Lavof University)
- 1974 si lama filaan ah ayaa loogu magacaabay inuu noqdo hogaamiyaha ciidamada Boliska
Somaliyeed (Commander in chief)
- 1978 ayaa la xiray iyadoo lagu eedeeyey inuu ka soo horjeedo kacaankii Mohamed Siyad
Barre, halkaasna u ku xiranaa xabiskii caanka ahaa ee LAANTA BUUR muddo dhan LIX SANO IYO
AFAR BILOOD
- 1984 ayaa laga sii daayey xabisgii, wuuna diiday inuu jago cusub ka qabto wadanka in
kastoo Mohamed Siyaad barre u soo jeediyey.
- 1990 mar kale ayaa la xiray isagoo ku jiray odayaashii Somaliyeed oo saxiixay warqadii
caanka ahayd ee la magacbaxday "MANIFESTO"
- 1991- 2000 wuxuu aad isugu masquuliyey inuu ka qayb qaato dib u soo celintii
dowladnimada Somaliyeed asagoo ka qayb galay shirar kala duwan oo ay ka midiahiin kii 1991
ee dalka Jabuti iyo 1993 dalka Ethiopia
- 2001, Axad Lulyo 8, 1dii aroornimo ayuu ku geeriyooday gurigiisa, aydoo ay la joogaan
dhammaan caruurtiis, magaalada Lorton, Virginia ee Dalka Maraykanka
- Waxaa lagu aasi doona Gobolka Mudug ee Dalka Somaliya
- Wuxuu ka tagey Xaaskiisa Xalima Warsame iyo 26 qof oo isuku jira waxuu dalay iyo waxay
sii dhaleen.
- Waxaa dhawaan soo bixi doona boog uu qoray Marxuumku oo ka hadlaya taariikh
nololedkiisii iyo taariikhda Somaliya guud ahaan laga bilaabo xorriyad u dirirkii ilaa iyo
burbuka waqtigan lagu jiro
- Allaha u naxriiso Abdullahi Mohamud Hassan, samir iyo iimanna allaha ka siiyo
eheladiisii iyo asxaabtiisiiba iyo Ummada Somaliyeed Guud ahaanba.
[Country] |