July 15, 2001
Baaq cad oo ka soo baxay odayaal u dhashay Puntland ee degan
Australia.
1. Hordhan
Waxaan dadka Rer Puntland oo dhan u soo jeedineynaa salaam
walaaltinimo oo niyad ah. Salaan dabadeed, waxaan halkaan ku soo
gudbineynaa aragtiyada ku saabsan sidii xal caafimaad qaba loogu heli
lahaa dhibaatada siyasadeed ee maanta ka oogan Puntland. Waxaa kale oo
aan idiin so bandhigeynaa shucuurtayada ah sida aan uga xunnahay in ay
dhacdo is-marinwaa siyaasadeed oo u soo jiidikarta khatar weyn guud
ahaan jiritaanka Puntland, taasoo ciribdambeed xuma ku keeni karta
bulshada reer Puntland. Waxaan kale oo si gaar ah aan uga xunnahay
dhiga ku daadanya Bariga Sanaag oo ka dhashay is-qabad siyaasadeed,
waxaanna qabnaa in si deg deg ah loogu helo xal nabad nasteexo ku
yimaada.
2. Qiimaha Puntland ay ku fadhido
Kadib burburkii Somaliya, markii dagaalka sokeeye ee fooshaxumaa,
qabyaladdana salka ku hayey, uu dalka ka qarxay, degaanka Puntland
waxaa lagu badbaadiyay dhig badan oo qaali ah ee ku daatay iyo maal
loo huray. Taas ayaana sabab u noqotay in degaankaas iyo dadweynihii
ku noola badanaaba ka badbadeen musiibadii ku habsatay Konfurta
Somaliya, marka laga reebo magalada Gaalkacyo oo iyada dadbadan lagu
xasuuqay maalkii yaalleyna la dhacay. Sidaas darted, maatadii ka soo
firxatay Koonfurta Somaliya - oo hantiddodi la dhacay, dad badan oo
eheladoodi ahna la laayeey, darxumo iyo ilhaamo (humiliation)
beni-a’adanimada ka baxsanna loo gestay - waxay ku badbaadeen
degaanka Puntland oo markii hore loo yiqiin gobollada Woqooyi Bari ee
Somaliya.
Dadkaas ka soo barakacay gobollada Koonfureed ee nabadgelyada iyo
xasiloonida ka helay Puntland ma aysan ahayn oo keliya kuwi markii
hore asalahaan ay dhalashadoodu ka soo jeedey degaanka Puntland, balse
waxay isugu jireen Somali oo dhan, iyadoo hadda cid waliba si
nabadgeliyo iyo karaama leh ay ku degantahay, kagana shaqeysato
magaalooyinka waaweyn ee Puntland.
Taas ka sokow, Puntland waxay il ganacsi iyo nololeedba u soo ahayd
Somali oo dhan ila 1991. Dekedda Bosaso waxay si nabad geliyo ah u
shaqeyneysay intii ka dambaysey burburkii Dawladdi Mahamed Siyad Barre.
Waxaa dekaddaas badecaddu uga soo degeysey Gobollada Somaliland (Woqoyi
Galbeed) markii horaantii 1990aadkii (1990s) dagaaladda sokeeye ka
dhex-qarxeen beelaha halkaa degan, dekedda Berbera na ay xirantay.
Ilaa haddana ganacsatada reer Somaliland way isticmaalaan dekeddas.
Sidaas si aad uga badan, ilaa horrantii 1990aadkii, waxay badecaddu
uga soo gudbeysay dekeddas, si toos ah iyo si dadbanba, gobolladda
Dhexe iyo kuwa Koonforeed - xataa markii dagallada laysku haystay
Konfurta Galkacayo.
Waxaa runtii si gaar ah in loo xuso mudan horumarka ay gaareen
dadka reer Puntland muddadii dhibaatda dabada dheeratay ka jirtay
Somaliya inteeda kale, khaasatan Koonfurta Somaliya. Muddadaas,
Puntland waxay ka horumartay dhinacyada ganacsiga, nabadda,
ballaarinta iyo dhismaha bilicda san ee magaaloyinka waaweyn. Waxaan
qarsoonayn in Puntland ay noqotay meel lagu soo hirto nabadeeda iyo
horumarka ay gaartay darteed. Taasina waxay keenatay in dad badan oo
Somaliyeed ay dibadaha ka yimaadan ayna degsiima ka dhigtaan, si ay
caruurtooda ugu korsadaan. Sidaas darted, Puntland waa meel aan u
baahnayn in dhib loo geysto, balse u baahan in la tiiriyo si ay
horumarka ay gaartay hore loogu si waddo.
Haddaba, Puntland waa halbowlaha iyo xuddunta Somaliya oo dhan. Waa
xarrunta nabadgeliyada (safe haven) oo dadkii gobolladda kale ka soo
barakacay hoy u noqotay. Waa jangooyada (model) qaab-dhismeedka
siyasadeed ee Jamhuriyadda Somaliya ee berrito (future Somali
government federation system), sidaasna ku heshay tixgelyo calami ah.
Waa ka-qiyaas-qadashada suuban ee qof walba oo wax garanya, Somali
maslaxadeedana doonaya, uu higsan karo. Waxayse cadow ugu muuqataa
intii Somali hore u qastay, jariimadahana ka gashay - waagii Maxamed
Siyad Barre iyo waqtigii ka dambeyey ee dagallada fosha xum ee
qabiiliga ah dalka ka qarxeen. Waayaha la soo maray waa u taarikh,
waxaa soo socodna wa u odoros ninkii aragti dheer leh; “nin adduunka
joogow maxaa aragti kuu laaban!”
3. Maareynta khilaafka Puntland ka jira
Adaamaha inuu iskhilaafo waa dhacdo joogta ah, waxaase nasiibdarro
ah inuu maareyn kari waayo is-qabadkiisa. Runtii, haddii is-qabadku ku
saleysan yahay wax wanaajin (search for correction) waxaa hubantii ah
in maareyntiisa aaya fican laga dhaxlikaro.
Haddaba, waxaa haboon in arrinta Puntland laysku khilaafsan yahay
la maareeyo, waxaanna si xushmad leh u weydiisaneyna dhinacyada isku
khilaafsan arrintas inay harddanka ka daayaan, balse lagu dhameeyo
maslaxad, iyadoo maanka lagu hayo ayaa-katalinta iyo jiritaanka rer
Puntland, iyo dawlad goboledkooda ( the interest, self-determination
and existence of the Puntland state and its people). Waxayna nala
tahay in arrinta lagu maareyn karo sida soo socota:
- In la joojiyo herddanka dhowr geesoodka ah, laguna kala baxo
qaab dastuuri ah, sida addunka demoqaradiga ah ee manta lagaga
dhaqmo. Tasoo macneeheedu yahay in dasturka laga baaraandego,
dabadeedna loogu kala baxo si cadaalad iyo degannaansho leh.
- In is-qabadku si walba uga madaxbanaan yahay faragelin dibedda
Puntland ka timaada laguna duminayo jiritanka Dawlad Goboleedka
Puntland iyo maslaxadda guud ee degaanka.
- In si deg deg ah loo abuuro guddi (commission) aqoonyahano heer
sare ah, oo ay ka mid yihiin kuwa garyaqaanno ah iyo kuwa maamulka
aqoon sare u leh. Dadkaasi waa in ay yihiin kuwo lagu yaqaan inay
daacad u yihiin jiritanka iyo danta siyaasadeed ee Puntland (the
existence and political interest of the Puntland state), kuwaas oo
aan lagu tuhmayn inay xiriir la leeyihin cid kale oo aan dan u
hayn Puntland.
- Waxaan muhiim u aragnaa, in tixgelin weyn la siiyo arrimaha
siyaasadda. Maxaayeelay, manta waxaa Soomaliya oo dhami ku jirtaa
xaal siyaasadeed oo aad iyo aad u qalafsan. Sidaas darted, ma
fiicna, danina kuma jirto in Puntland oo nabdoonaan, xasilooni iyo
horumar ku jirtaa uu is-af-garanwaa siyaasadeed haddeer ka dhex
abuurmo. Taas oo sii fogayneysa dhismaha dawlad Somaliyeed oo
federal ah oo hadda la raadinayo, lana rabo inay ku dhisanto
cadaalad iyo dimuquraadiyad.
Waxaanu ku soo gunaanadeynaa, waa in wax walba maslaxada caamka ah
iyo ilaalinta nabadgelyada guud ee degaanka Puntland laga hormariyaa.
Taasoo aan u aragno in ay tahay midda ugu weyn ee saldhiga u ah
horumarka, nolasha iyo jiritaanka busho kasta. Waxay noogu muuqataa,
in qofkii taas ka horyimaada uu yahay cadowga kowaad ee Puntland iyo
Somalia. Waxaan rajaynaynaa in Ilaahay talada wanaagsan ina wada
waafajiyo.
Dhamaantiin waad salaamantihiin.
Liiska odayaasha bayaankaan qorey
1. Sheekh Ciise Abdow
2. Maxamud Cali Axmad
3. Abdirahman Mohamad Faroole
4. Cabdiwali Faarax Qambi
5. Axmad Maxamad Warsame
6. Xaaji Xirsi Cilmi
7. Cumar Maxamud Dhoolawaa
8. Yasiin Maxamad Faarax (Diihaal)
9. Ciise Maxamad Faroole
10. Faarax Cali-Shire Afballar
11. Ciise Maxamuud Dhoolawaa
12. Cabdi Mohamed Hassan Walax
13. Cabdi Maxamad Cilmi
14. Siciid Cali Kaarshe
15. Khaliif Shire Cali
16. Maxamad Abdi Faarax
17. Cabdulqaadir Xuseen Faarax
18. Maxamad Warsame Abdule
19. Xasan Cali Siciid (Dhurwaa)
20. Xuseen Cali Xirsi
21. Cali Maxamad Xirsi
22. Jaamac Faarax Maxamud (Shabeel)
23. Cabdixakiim Maxamad Siciid Aw-Jusuf.
24. Cumar Shire Maxamad
25. Maxamad Cabdi Maxamad Guhaad
26. Axmed Ciise Fahiye