19 May 2007 04:28

SOMALIA WATCH

In Association with Amazon.co.uk

 
Country
  • Title: [SW Country] Dastuurka DAWLAD-GOBOLEEDKA PUNTLAND EE SOOMAALIYA - Part 3
  • Posted by/on:[AAJ][23 July 2001]

Part 2....


Part 3 

QAYBTA LABAAD

QAAB-DHISMEEDKA DAWLADDA

QODOBKA 42AAD

SADDEXDA QAYBOOD EE DAWLADDA

 

1.         Saddexda qaybood ee awoodaha Dawladdu waxay u kala baxaan: 

b:         Golaha Wakiillada

t:          Golaha  Xukumadda

j:          Golaha  Garsoorka. 

2.         Qofna kama mid noqon karo in ka badan qayb ka tirsan saddexda awooddood ee Dawladda.

 

XUBINTA 1AAD

 XEER-DEJINTA

QODOBKA 43 AAD

GOLAHA WAKIILLADA

 

1.         Awoodda Xeer-Dejinta ee Puntland waxaa leh Golaha Wakiiladda oo matala shacabka puntland oo dhan.

2.         Golaha Wakiilladu waxa uu ka kooban yahay 66 wakiil oo dadweynuhu soo dooranayo.

3.         Muddada Golaha Wakiilladu waa afar sanno (4) laga bilaabo maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo.

4.         Golaha Wakiilladu waxa uu si rasmi ah u dhismayaa 30 maalmood guduhood laga bilaabo maalinta nadiijada doorashadu soo baxdo.

 

QODOBKA 44 AAD

SHURUUDAHA LAGU SOO DOORANAYO GOLAHA WAKIILLADA

 

1.         Golaha Wakiillada waxaa loo dooran karaa Muwaadin kasta oo xilkas ah, miyirkiisu dhan yahay, reer Puntland ah, da'diisuna aanay ka yarayn 30 sano.

2.         Waa in aysan Maxkamaddi horay ugu xukumin dembi khiyaamo qaran.

3.         Waa in uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waaya-aragnimo u dhiganta.

4.         Maxkamadda sare ayaa leh awoodda-sharciyeed oo lagu hor istaagi karo musharaxii aan buuxin shuruudaha doorashada.

 

QODOBKA 45 AAD

SHURUUDAHA LAGU LUMIYO XILKA GOLAHA WAKIILLADA

 

1.         Xubinimada Golaha Wakiiladda waxaa lagu waayi karaa haddii xubintu: -

b:         geeriyooto;

t:          Istiqaalad Golaha keento Goluhuna ka aqbalo;

j:          Iyo haddii fal dambiyeed kama dambays ah maxkamad ku xukunto.

2.         Haddii xubin ka mid ah Golaha Wakiillada lumiso Wakiilnimadeeda, waxaa       baddalkeeda soo galaya qofka qaabka doorashaddii hore qaannuun u yeesha 30 maalmood gudahooda.

 

QODOBKA 46 AAD

WAAJIBAADKA GOLAHA WAKIILLADA

 

1.         Goluhu fadhiga ugu horeeya waxa uu iska dhex-dooranayaa Guddoomiye iyo 2 Guddoomiye-ku-xigeen, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad.

2.         Goluhu Waxa uu iska dhex-dooranayaa Guddiyo fuliya uruuriyana hawlaha Golaha Wakiillada, muddada labada kalfadhi dhexdood ah.

3.         Goluhu wuxuu yeelanayaa Xog-haye joogto ah, oo aan xubin ka ahayn Golaha Wakiillada  guddoonka Golaha Wakiilladuna soo magacaabo.

4.         Goluhu waxa uu yeelanayaa la taliyayaal waxayna hoos imaanayaan Guddoonka.

5.         Golaha Wakiilladu waxuu yeelanayaan Xeer-Hoosaad u gaar ah.

6.         Golaha Wakiilladu wuxuu leeyahay awoodda ka-doodista, wax-ka-sheegidda iyo talo-ku biirinta siyaasadda guud ee Xukumadda.

7.         Kharash kasta oo ka baxsan miisaaniyadda horay loo ansixiyay waxaa la horgeeynayaa Golaha Wakiiladda isticmaalkeeda ka hor.

8.         Xeer kasta oo Golaha la keeno waxaa looga doodayaa qodob-qodob codna loogu qaadayaa. Haddii aan dastuurku xaddidaad keenin, cod haldheeri ah ayaa lagu gudbinayaa ama lagu diidayaa.

9.         Qaanuun kasta oo Goluhu ansixiyo madaxweynuhu waxa uu ku saxiixayaa muddo 30 maalmood ah ugu badnaan, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee dawladda wuxuuna ku dhaqangelayaa 15 cisho ugu yaraan.

10.       Go'aannada Goluhu waxay ku ansaxaan kala-bar iyo hal tirada lagu furo, fadhiga Golaha haddii aysan jirin qodob Dastuuri ah oo si kale u xaddiday.

11.       Meel kasta oo hanti dadweyne ku jirto sharciyaynteedu waxay ku xiran tahay ansixinta G/wakiillada.

12.       Haddii M/wenaha iyo ku-xigeenkiisu geeriyoodaan, iscasilaan ama xilka laga wada qaado, Gudoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa xilkii sii wadaya ilaa inta Golaha Wakiilladu 15 maalmood gudahood ku soo dooranayaan M/weynaha Dawladda iyo ku xigeenkiisa.

 

QODOBKA 47 AAD

AWOODAHA GOLAHA WAKIILLADA

 

1.         Ansixinta/diimada degmo ama gobol cusub haddii xukuumadu soo jeediso.

2.         Dib-u-eegidda, oggolaanshaha, wax-ka-beddelidda iyo diidmada qaanuunnada iyo xeerarka Xukuumaddu soo jeediso

3.         Ansixinta/diidmada iyo wax-ka-beddelka Miisaaniyadda Golaha Xukuumaddu soo bandhigto.

4.         Haddii Ansixinta miisaaniyadda cusubi dhammaan weydo ka hor sannad-maaliyadeedka cusub, waxaa lagu sii dhaqmayaa Miisaaniyaddii hore muddo bil ah.

5.         U-codaynta kalsoonida Wasiirrada mid-mid markii uu madaxweynuhu soo jeediyo, waana in 2/3 ee xubnaha Golaha Wakiillada oggolaadaan.

6.         Ansixinta/diidmada barnaamij waxqabad ee Xukuumaddu soo gudbiso.

7.         Ansixinta ama diidmada heshiisyada uu soo bandhigo Golaha Xukuumaddu ee la xiriira dhismaha dawlad federaal ah oo Soomaaliyeed.

8.         Ansixinta/diidmadda iyo wax ka bedelka heshiisyada caalamiga ah ee Xukuumaddu gasho.

9.         Ansixinta/diidmada qorshayaalka Xukuumadda ee la xiriira baahinta awoodda Maamulka.

10.       Ansixinta ama diidmadda muddo 30 maalmood gudahood ah haddii Xukuumaddu soo saarto xeer xaalad degdeg ah oo ah: (b) musiibo timaada sida duufaan, (t) dagaal Puntland gasho iyo (j) qalalaase gudaha ah oo lagu burburinayo jiritaanka puntlnad.

11.       Haddii la diido xeerka xaaladda degdegga ah waxa uu noqonayaa waxba kama jiraan, hase yeeshee hawlihii lagu fuliyay xaaladdaas degdegga ah, Golaha Wakiillada ayaa ansixinaya.

12.       Goluhu waxa uu dooranayaa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo lagu dooranayo si shaqsi, sinnaan, toos iyo qarsoodi ah marka 1aad iyo marka 2aad waa 2/3 tirada Golaha, marka 3aadna waa haldheeri.

13.       Xeer Goluhu diiday dib looguma soo celin karo golaha ilaa kalfadhiga xiga ee caadiga ah.

14.       Ansixinta xiritaanka iyo dacwad-ku-oogista Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo xeer-ilaaliyaha guud haddii midkood ama dhamaantood lagu qabto isaga/iyaga oo faraha kula jira faldambiyeed culus.

15.       Diidmada qayaxan ee M/weynuhu waxay ku buri kartaa codayn cusub oo Golaha Wakiilladu ku soo celiyo sharrciga saddex-meel oo labo (2/3) tirada guud ee Golaha 30 casho gudahood, laga bilaabo taariikhdii diidmada qayaxan.

16.       Hubinta iyo dabagalka xeerarka Goluhu ansixiyo.

17        Goluhu waxa uu cod haldheeri ah kaga qaadi karaa xasaanada mas’uul kasta oo xasaanad leh, haddii uu xeer-ilaaliyaha guud soo hordhigo caddayn ay ku qancaan oo la xiriirta gelid faldambiyeed, markii laga reebo kuwa ku xusan.

18.       Awoodda oggolaansha daabacaada lacagta.

19.       Canshuur aan xeerkeeda Goluhu oggolaan laguma dhaqmi karo.

20.       Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxaa Goluhu dooranayaa 2 bilood ka hor xiliga xukuumada.

21.       Oggolaanshaha/diidmada xisaab-xirkii miisaaniyad-sannadeedkii hore.

 

QODOBKA 48 AAD

FADHIYADA GOLAHA

 

1.         Golaha Wakiiladu waxa uu yeelanayaa kalfadhiyadiisa caadiga ah labo jeer sanadkiiba, Juun iyo Oktoobar.

2.         Kalfadhiga aan caadiga ahayn, waxaa isugu yeeri kara Gudoomiyaha Golaha, codsi ka yimaada Madaxweynaha iyo 1\4 xubnaha golaha, iyaga oo dhammaan codsi qoraal ah ku soo dalbanaya.

3.         Golaha Xukuumada & Saraakiisha sare (Agaasime guud iyo wixii ka sareeya) ee dawlada waxaa loogu yeeri karaa ama ay dalban karaan ka-qaybgalka fadhiyada Golaha Wakiilladda, si ay uga jawaabaan ama caddayn uga baxshaan su'aalo xilalkooda khuseeya.

4.         Xaaladda degdegga waxaa laga ansixinayaa Golaha Wakiillada 30 beri gudahood. 

5.         Kalfadhi kasta oo Goluhu yeelanayo waxa uu ku furmayaa 2/3 tirada guud ee Golaha.

 

QODOBKA 49AD

XASAANADDA GOLAHA XEER-DEJINTA

 

1.         Xildhibaannada Golaha Wakiilladu xasaanad ayey leeyihiin.

2.         Xasaanad waxaa loola jeedaa: - 

Qofna lama baari karo gurigiisa iyo jirkiisa, lamana qaban karo haddii uusan faraha kula jirin fal-dembiyeed culus. 

3:         Xasaanad waxaa lagu waayi karaa: -

b.         Markii qofka xasaanadda leh lagu qabto isaga oo faraha kula jira faldambiyeed culus,

t.          Markii uu lumiyo xilkii uu xasaanada ku yeeshay.          

4.         Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa xildhibaan kasta iyada oo    aan loo baahnayn oggalaanshaha Golaha Wakiillada, wuxuuse u wakiilan karaa qareen.

 

QODOBKA 50AAD

KALADIRIDDA GOLAHA WAKIILLADA

 

1.         Golaha Wakiillada waxaa la kala diri karaa markii arrimaha ku xusan qodobkan faqradihiisa 2, 3, iyo 4, ay wada dhacaan ama qaarkood dhaco.

2.         Markii ay iscasilaan aqlabiyadda Golaha Wakiillada;

3.         Markii Goluhu fariisan waayo labo kalfadhi oo isku xiga, aysan jirinna daruuf kalliftay;

4.         Markii ay sugnaato in Goluhu si bareer ah ugu xadgudbay dastuurka;

5.         Markii ay dhacaan arrimaha ku xusan qodobkan faqradihiisa, 2, 3 iyo 4, M/weynuhu waxa uu Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbinayaa qoraal uu ku dalbanayo caddaynta qodobkan faqradihiisa 2, 3 iyo 4;

6.         Haddii ay u caddaato maxkamadda dastuuriga ah gelidda qodobkan faqradihiisa 2, 3 iyo 4, waxa ay M/weynaha u gudbinaysaa in ay sugnaatay gelidda eedayntii lagu oogay;

7.         Caddaynta Maxkamadda markii uu helo Madaxweynuhu   ayuu soo saarayaa qoraalka kaladirista Golaha, isaga oo isla qoraalkaas ku caddaynaya xilliga doorashada Golaha cusub muddo 45 beri gudahood ah.

    8.        Inta Gole cusub laga soo dooranayo Golahahii hore ayaa xilka sii haynaya fulinayana      qorshayaashii hore mase abuuri karaan qorshe cusub.

QODOBKA 51AAD

KALSOONI KALA-NOQOSHADA Wasiirada

 

1.                  Golaha Wakiilladu waa uu kala noqon karaa kalsoonida Wasiirada mid, iyo wadarba.

2.                  Ugu yaraan 6 xildhibaan ayaa soo jeedin karta ka-doodidda kalsooni kala-noqoshada Wasiirada.

3.                  Ugu yaraan 1/3 ee xubnaha Golaha Wakiillada waa in ay isku raacdaa in laga doodo kalsooni kala-noqoshada.

4.                  2/3 xubnaha golaha wakiilladu waa in ay u codaysaa kalsooni kala-noqoshada Wasiirada.

5.                  Haddii xaaladda ku xusan qodobkan faqradiisa 4aad dhacdo, Wasiiradu waa dhacayaan, iyaga ayaase hawlihii sii fulinaya qorshe cusubna ma samayn karaan inta mid cusub laga soo dhisayo.

6.                  Muddada Wasiirada cusub lagu soo dhisayo waa tan ku xusan qodob 54.2. 

 

XUBINTA 6 AAD

GOLAHA FULINTA

QODOBKA 52 AAD

QAAB-HAWLEEDKA XUKUUMADDA

 

1.         Nidaamka Xukuumadda P/Land waa parlamaani iyadaana leh awoodda fulinta.

2.         Waxay xoojisaa fulisaana nidaamka Dimoqraadiga ah ee Dastuurku jideeyay.

3.         Waxay ilaalisaa nabadgelyada iyo xasiloonida Guud ee Dalka.  

4.         Xukuumadda Puntland waxay u qaybsantaa: -

 

b:         Xukuumadda dhexe ee P/land;

t:          Maamulada Gobollada/Degmooyinka.

5.         Awoodda iyo xiriirka Xukuumadda Dhexe iyo maammullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaa kala qeexaya xeer gaar ah.

6.         Xukuumaddu waxay dajisaa, fulisaa Istiraajiyada dhaqaale, siyaasadeed iyo qorshaha guud ee horumarka dalka.

7.         Waxa ay dajisaa fulisaana oddoroska maaliyadeed, lacagta iyo maalgelinta shisheeyaha.

8.         Waxa ay diyaarisaa Miisaaniyad-Sannadeedka ku-talagelka ah ee Dawladda.

9.         Qaadashada Saraakiisha sare ee Dawladda iyo Madaxda ciidamada waxaa soo jeedinaya madaxda ay khusayso, waxaana oggalaanaya Golaha Xukumadda, iyada oo lagu xulanayo aqoon iyo waayo-aragnimo.

10.       Agaasimayaasha guud ayaa u xil saaran fulinta maamulka wasaaradaha iyo hay'adaha iyaga oo raacaya siyaasada Dawladda.

 

QODOBKA 53 AAD

SHURUUDAHA LAGU DOORANAYO MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA.

 

Shuruudaha lagu dooranayo Madaxweynaha Dawladda iyo Ku-xigeenkiisa waa sidan: -

 

1.         Waa in uu yahay Somali (Labadiisa waalid), muslin ah kuna dhaqma Diinta Islaamka, isla markaasna ah muwaaadin Puntland, miyirkiisu taam yahay, dadiisuna aan ka yarayn 40 sano marka uu xilka qabanayo.

2.         Waa in uu aqoon maamul, waayo-aragnimo hogaamineed iyo tacliin sare leeyahay, waana in uusan qabin xaas ajnabi ah, guursana karin inta uu xilka hayo.

3.         Waa in uu uusan gelin dembi khiyaamo qaran, dembi bini aadaminimada ka horjeeda iyo in aan lagu aqoon fal mujtamaca dhexdiisa ku xun.

4.         Qofka madaxweyne ama madaxweyne ku-xigeen isu soo sharrxayaa Golaha wakiillada iyo Dadweynahaba waa ka imaan karaa. 

QODOBKA 54 AAD

AWOODAHA IYO XILALKA MADAXWEYNAHA

 

1.         Waa Madaxa Dawladda iyo guddoomiyaha golaha fulinta. Waxa uu metelaa midnimada  dadweynaha P/land..

2.         Madaxweynaha iyo Mamaxweyne ku-xigeenku xukuumadda waxa ay ku soo dhisayaan 21 beri gudahood.

3.         Waxa uu leeyahay magacaabidda\xilkaqaadista Xubnaha Golaha Xukuumada, isaga

            oo la tashanaya ku-xigeenkiisa.

4.         Waxa uu leeyahay Awoodda saxiixyada heshiisyada caalamiga ah.

5.         Waxa uu leeyahay awoodda saxiixyada heshiisyada Dawlad Soomaaliyeed oo Federaal ah.

6.         Waa taliyaha guud ee Ciidamada Nabad-gelyada.

7.         Waxa uu leeyahay awoodda fidinta saamaxaada iyo cafiska markii uu helo talo-soo-    jeedinta hay'adaha garsoorka.

8.         M/weynaha ama Xaafiiskiisu waxay leeyihiin qaabbilaadda martisharafka Ajinebiga ah.

9.         Waxa uu dalka dibeddiisa ugu safri karaa danaha puntland.

10.       Waxa uu u xilsaaran yahay ilaalinta, dastuurka, Diinta Islaamka, dhaqanka suuban, iyo xeerarka dalka.

11.       Waxa uu leeyahay awooda hadal-jeedinta furintaanka kalfadhiyada Gol/wakiillada.

12.       Waxa uu leeyahay awoodda ku-dhawaaqidda xaaladaha degdegga ah, markii uu la tashado Golihiisa xukuumadda, isla markaana wargeliyo Golaha Wakiillada (arag 47.10).

13.       Madaxweynaha iyo xaafiiskiisu waxa ay leeyihiin in ay billadsharaf iyo abaalmarin ku bixiyaan magaca iyo haybadda umadda puntland.

14.       Waxa uu saxiixaa xeerarka Golaha Wakiilladu ansixiyaan.

15.       M/weynuhu waxa uu awood u leeyahay awoodda dib u-celineed ee xeerarka Golaha Wakiilladu ansixiyaan. Waa in uu sababayn cad raaciyaa dibu-celinta xeerka  (arag 47.15).

16.       Mudadda Madaxweynahu xilka hayn karo waa 4 sanno, waxaana la dooran   karaa 2(labo) jeer oo keli ah.

17.       Hadiyadaha la siiyo mas'uuliyiinta sare iyo murwooyinkooda ee leh muuqaalka qaran waa hanti qaran.  

18.       Ku dhawaaqida wakhtiyada doorashada.

19.       Soo-saarida xeerar hawlfulineed.

20.       Madaxweynuhu dalka kama maqnaan karo 60 beri ka badan.

 

QODOBKA 55 AAD

AWOODAHA IYO XILALKA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA

 

1.         Sii wadidda dhammaan xilalka M/weyanaha markii uu dalka ka maqan yahay, ama uusan si        kumeelgaar ah xilka u gudan karin.

2.         Kala-talinta Madaxweynaha xulashada wasiirada iyo shaqo-ka-fariisintooda.

3.         Fulinta hawlaha M/weynahu u wakiisho oo aan ka baxsanayn xilalka iyo waajibaadka Madaxweynaha.

4.         Haddii uu Madaxweynuhu geeriyoodo, xilka laga qaado ama uu iscasilo, xilkiisu waxa uu ku wareegayaa  Madaxweyne Ku-xigeenka muddada inta ka hartay.

5.         Haddii xaaladda ku xusan Qodobkan Faqradiisa 4aad dhacdo, Golaha Wakiilladu waxa uu soo dooranayaa ku-xigeen 30 maalmood gudahood.

 

QODOBKA 56AAD

XIL-KA-QAADISTA M/WEYNAHA IYO KU XIGEENKIISA

 

1.         Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa xilka laga qaadi karaa markii Golaha Wakiilladu ku oggolaadaan Cod 2/3 meelood oo shaqsi, sinnaan, toos iyo qarsoodi ah markii lagu soo eedeeyo khiyaamo qaran, xil-gudasho la'aan, ku-xadgudub dastuur iyo fal-dambiyeed culus oo Xeer-ilaaliyaha Guud soo hordhigo Golaha, Goluhuna ku qanco.

2.         Golaha Wakiilladu, markii ay u codeeyaan kuna aqbalaan laba-dalool (2/3) ee xubnaha Golaha Wakiillada ayaa eedayn lagu soo oogi karaa M/weynaha iyo ku-xigeenkiisa.

 

QODOBKA 57 AAD

GOLAHA XUKUUMADDA

 

1.         Golaha Xukuumaddu waxa uu ka kooban yahay madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeen iyo   ugu badnaan 9 Wasiir, iyo ugu badnaan 9 wasiir-ku-xigeeno.

 2.        Muwaadin kasta oo leh sharuudaha lagu doorto Xildhibaanka ka sakow, qofka loo magacaabayo Wasiir waa in uu leeyahay aqoon sare oo gaarsiisan heer jaamacadeed iyo xirfad maamul oo gaarsiisan ilaa 5 sano.

3.         Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirrada, iyo Saraakiisha sare ee Dawladdu ma geli karaan dhaqdhaqaaq ganacsi oo gaar ah, inta ay xilka hayaan

4.         Markii madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirada iyo Saraakiisha sare ee Dawladda loo magaacabo xilka, waxaa la diiwaangalinayaa hantidooda iyo sidoo kale marka xilka laga qaado, waxaana diiwaangelinaya Hantidhawrka guud.

5.         Qaab-dhismeedka waaxyaha Xukuumadda waxaa lagu soo saarayaa xeer hoosaad kala qeexa hawlahoodda.

6.         Sida ku cad 47.20, xukuumaddu waxa ay ku diyaarineysaa xil-wareejinta labada bilood ee xilligeeda ugu dambeeya.

QODOBKA 58 AAD

WAAJIBAADKA WASAARADAHA IYO HAY'ADAHA XUKUUMADDA

 

1.         Xukuumaddu waxa ay ka kooban tahay 9 wasaaradood. Meeshii wasaaradii caddaalada waxaa gelaya wasaarada Diinta iyo awqaafta.

2.         M/weynuhu isaga oo la tashanaya M/weyne ku-xigeenkiisa waxa uu abuuri karaa wakaalado gaar ah oo loo xilsaaro hawlo cayiman.

3.         Xeer gaar ah ayaa lagu kala qeexayaa howlahooda, waana in xeerku ka horeeyo dhismaha wakaaladda.

4.         Dhammaan wakaaladaha  Xukuumaddu waxay u shaqaynayaan hab waafaqsan Dastuurka.

5.         Mas'uuliyadda Golaha Xukuumaddu waa wadar iyo shaqsi.

6.         Cid aan Dawladda ahayn ama aysan fasax u siin hub kuma haysan karto dalka gudihiisa.

7.         Tayeynta ciidamada nabadgalyada dalka.

8.         Qorshe-u-dejinta dadka qaxootiga ah iyo kuwa soo bara kacay.

9.         Dhaqancelinta bulshadii ku aafoowday dagaallada sakooye.

10.       Diyaarinta qorshe dhaqan-dhaqaale oo isu dheelitiran, iyada oo la sameynayo baaris-cilmiyeed  ku wajahan khayraadka dabiiciga ah.

11.       Tayeynta arrimaha bulshada.

12.       Ilaalinta iyo diiwaangelinta hantida dadweynaha.

 

QODOBKA 59AAD

XILKA WASIIRKA

 

1.                  Wasiirku waa mas'uulka ugu sarreeya wasaaradda loo magacaabo.

2.                  Waxa uu fuliyaa siyaasada guud ee dawladda.

3.                  Waxa uu go aamiyaa soona jeediyaa dallacsiinta, casilaadda, abaalmarinta iyo shaqo-ka- fadhiisinta shaqaalaha xilkiisa hoos yimaada isaga oo latashanaya wasiir ku-xigeenka.

 

QODBKA 60 AAD

XILKA WASIIR KUXIGEENKA

 

1.         Wasiir ku-xigeenku waxa uu qabanayaa dhammaan xilalkii wasiirku qaban jirey markii uu maqan yahay ama uusan si kumeelgaar ah xilka u gudan karin.

2.         Waxa uu kala taliyaa wasiirka dhammaan hawlaha wasaaradda.

3.         Fulinta hawlaha wasiirku u wakiisho oo aan ka baxsanayn xilalka iyo waajibaadka wasiirka.

 

QODOBKA 61AAD

HAY'ADAHA MADAXA BANNAAN

 

1.         Hay'adaha Madaxa bannaan ee dawladdu waxay ka kooban yihiin oo keli ah:- 

b:         Hanti-dhawrka guud,

t:          Bankiga Dhexe,

2.         Guddoomiyayaasha Hay’adaha Madaxabannaan waxa soo jeedinaya Golaha xukuumada waxaana ansixinaya Golaha Wakiillada.

3.         Hay’adaha madaxabannaan waxa ay u hoggansamayaan sharciga oo keli ah, warbixinta hawlahoodana waxa ay siinayaan Golaha Xukuumadda iyaga oo ogeysiin siinaya Golaha Wakiillada.

4.         Bankiga dhexe wuxuu yeelanayaa Guddi sare oo ka kooban 7 xubnood oo kala ah:-

b.         Guddoomiyaha Bankiga,

t.          Aggaasimaha Guud ee Maaliyadda,

j.          Aggaasimaha Guud eeWasaarada Ganacsiga,

x.         Aggaasimaha Guud ee Shaqada iyo shaqaalaha

kh.       3 xubnood oo ka socda maamulka sare ee rugta ganacsiga, iyo xog-hayn aan cod         lahayn, oo noqonaya Aggaasimaha guud ee Bangiga.

5.         Xilwaajibaadka Guddiga waxaa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda waxaana ansixinaya Golaha Wakiillada.

 

QODOBKA 62 AAD

WAKAALADAHA

 

1