- Title: [SW Feature]
Dagaalka ka socda labada Jobooyin ma aha dagaal ay wadaan hal nin iyo hal qabiil
- Posted by/on:[AAJ][30 July 2001]
Dagaalka ka socda labada Jobooyin ma aha dagaal ay wadaan hal nin iyo hal
qabiil
July 29 (Ra'yipress) - Waxaa maanta qadka isgaarsiinta kula soo xiriiray Rayipress: u
qaybsamaha warfaafinta xarunta golaha SRRC, isla markaana ah xoghayaha warfaafinta SPDM ee
beesha sheeqaaleed Cali Baashi Xaaji Maxamed.
Wuxuuna yiri waxaa nasiib xumo ah in dagaaladaan maalmahaan ka socoday labada jubooyin
in ay saxaafada ay siiyaan hal nin iyo hal qabiil taasin waxaan dhihi karaa waa mid
xaqiiqada ka fog horay ayaan loo yiri runta inta ay kabaha gashanayso ayey beento soo
wareegtaa aduunyada oo idil, taa waxaan ula jeedaa saxaafada hadii ay ahaan lahayd
wargeysyada, raadiyayaasha iyo qolada internetka in dagaaladaan baryahan socday ay ka
dhigeen,dagaal uu dhaxeeyo Moorgan iyo isbahaysiga xooga ku jooga labada jubooyin hadaba
waxaan leenahay dagaalkan waxuu u dhaxeeyaa dadka deegaanka iyo kuwa ka yimid gobalada
dhexe mana ah dagaal ay wadaan hal nin iyo hal qabiil ee waa isbahysi ay ku midoobeen
golaha S.RRC, oo ka kooban.
1 SPDM Beesha sheeqaaleed.
2 SSNM Beesha Biimaal
3 SPM labadiisa garab Ogaadeen iyo Harti
Hadafka aan ku midoownay waa shan qodob waxayn kala yihiin.
1 Waa in sinaan iyo cadaalada ku wada noolaadaan dadka soomaaliyeed.
2 Waa in deegaan kasta uu ka taliyo dadka u dhashay, xukunkeedana u qaybsadaan si
cadaalad ah
3 In la sameeyo dib u heshiin buuxda oo ay soomaali u dhan tahay si loo sameeyo qaran
soomaaliyeed.
4 In la helo dowlad ku dhisan is maamul gobaleed.
5 In laga hortago maamul walba oo ku dhisan dulmi.
Hadab waxaan leenahay isbahaysiga xooga ku jooga labadaan gobal kala badbaadiya dhiiga
soomaaliyeed ee isaga taga jubooyinka una daaya dadka deegaanka maamulkiisa
[Feature] |