- Title: [SW Feature ] ( Courtesy BP) kismayo
- dagaalka Jubbada dhex
- Posted by/on:[AAJ][30 July 2001]
Wararki ugu dambeeyey ee dagaalka Jubbada
dhexe,iyo saraakiishii lagu dilay dagaalkaas
July 28 2001 at 12:59 PM |
|
Wararki ugu dambeeyey ee dagaalka Jubbada
dhexe,iyo saraakiishii lagu dilay dagaalkaas iyo fannaaniin Soomaaliyeed oo lagu qabsaday
gobahii dagaalka
mic-28-07-2001, Mar kale ayaa xalay dagaal culus uu ka qarxay deegaanno ka tirsan gobolka
Jubbada Dhexe,gaar ahaan nawaaxiga Buaale,halkaas oo shalay uu dagaal ka dhacay
kadib waxaa gacanta ku wada dhigay Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi(Morgan) oo hoggaaminayey
maliishiyo xooggan oo ka kooban beelo isu tagay.
Dagaalkii xalay dhacay ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u culus waxayna ilo xog-ogaal ahi
sheegayaan in dhinaca maliishiyada beesha Cayr ee dowladda taageerta uu ka dhaawacmay
sarkaalkii ugu qaybsanaa xagga dagaal gelinta oo la yiraahdo Seeraar, kaas oo maanta
barqadii dhaawaciisa landcruser lagu keenay magaalada Muqdisho, sidoo kalena xalay ayaa
warqad qoraal ah oo xafiiska Midnimo ee magaalada Muqdisho loo soo diray lagu sheegay in
saraakiishii laga dilay dhinaca isbaheysiga dowladda taageera ay ka mid yihiin Carrabey
Cali, Siyaad Saqle, Ilka Case iyo Deeq Caabbi,kuwaas oo ku dhintay jiidda hore ee
dagaalkii Buaale lagu qabsaday.
Golaha SRRC wuxuu kaloo sheegay in ay qabsadeen laba teknio ah, hub fudud iyo afar qori oo
ah nooca loo yaqaan dabajeexa (BKM), sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen 15 fannaaniin
Soomaaliyeed ah oo uu hoggaaminayey abwaan Yuusuf Maradoon,kuwaas oo goluhu sheegay inay
madadaalinnayeen maliishiyooyinka beeleed ee halkaas ku sugnaa.
War kale oo qoraal ah oo warqabadka Midnimo uu isla Caawa ka helay xarunta SRRC ee
Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in Xoghayaha koowaad ee golahaas Mowliid Macaani Maxamuud
oo maanta Cusbitaalka Baydhabo ku soo booqday dhaawaca maxaabiistii shalay iyo xalay lagu
soo qabtay dagaalladii dhacay,wuxuuna kula dardaarmay dhaqaatiirta in la xurmeeyo baaqyada
caalamiga ah ee ilaalinta maxaabiista iyo dhaawaca, sidoo kale wuxuu goobta lagu hayo ku
soo booqday fannaaniinta la soo qabtay,isagoo ugu bishaareeyey inaysan la haystayaal ahayn
oo ay dareemaan in ay joogaan dhul Soomaaliyeed.
Dhanka kalena xoghayaha Guud ee Ururka SPDM ee beesha Shiikhaal oo taleefoon kula soo
xiriiray Midnimo ayaa ugu baaqay maliishiyada waxa uu ugu yeeray kooxda Carta inay isu
dhiibaan xoogagga is baheystay ee SRRC, si looga badbaadiyo jab iyo halaag ku
yimaada,wuxuuna u ballan qaaday inaan waxba la yeeli doonin loona nabad gelin doono
maalkooda iyo naftooda.
Xoghayuhu wuxuu intaas raaciyey in maliishiyada kooxda uu ku sheegay Carta in laga gudbin
doono haddii ay is dhibaan goobaha ay ku aasan yihiin miinooyinka wuxuuna uga digay
gurmadkooda inaysan soo dhaafi karin halka lagu magacaabo Xaramka. www.midnimo.com |
[ News] |