19 May 2007 04:30

SOMALIA WATCH

In Association with Amazon.co.uk

 
Feature
  • Title: [SW Feature] (SRRC - Baidoa ) Dagaalada Jubba iyo Shabeelle - Digniin SRRC
  • Posted by/on:[AAJ][31 July 2001]

DAGAALKA KA SOCDA GOBOLADA JUBADA HOOSE IYO SHABEELADA HOOSE

Ujeedo:  DIGNIIN

Sida aad lawada socotaan waxaa bilowday dagaalo ka socda Goloda Shabeelada Hoose Jubooyinka ee Koonfurta Soomaaliya, Dagaaladan oo u dhaxeeya dadkii lahaa degaandaas oo ku bahoobay midowga SSRC iyo Ciidamada xaqdarada ku jooga goobahaas kana yimid gobolka galguduud oo ay taageerto kooxda CARTA,

Dagaalka oo asbuucii lasoo dhaafay geystay qasaare aad u weyn ayna ku nafwaayeen dad aad u tiro badan kuna dhaawacmeen tiro intaa ku sadex jibaaranta wuxuu ku jiraa bilow,

Ururka SRRC, Maamulka RRA, Dowlad Gobeleedka Buntilaan ee Soomaaliya, iyo Hogaamiyo Dhaqameedyo aad u fara badan ayaa isku dayay in ay mudo labo sano iyo dheeraad ah ku qanciyaan Kooxahaan xaqdarada ku jooga dhulkaan in ay si nabad ah uga baxaan si looga badbaado dagaal sokeeye
oo dib uga bilowda Soomaaliya.

Nasiib daro may aysan qancin Kooxaha tirada yar ee Xaq darada ku jooga dhulkaan, Waxeyna dan bideen inay Dadka Soomaaliyeed ku fidiyaan dacaayad raqiis oo aan Sal iyo Raad toona laheyn,

Marlabaad waxaan DIGNIIN ADAG usoo jeedinaynaa Kooxahan in ay SI DEG DEG AH OO SHARUUD LA AAN AH AY UGA BAXAAN Gobolada Jubada Hoose iyo Shabeelada Hoose ee ay xaqdarada ku joogaan, Hadii aan nahay Ururka SRRC iyo Inta NABADA jecel ee Soomaaliyeed,


Wabilaahi Towfiiq, Guul iyo Barwaaqo

Mahdi Miicaad - SRRC Representative,
Baydhabo, Somalia - 30 Luulyo, 2001


Muqdisho: Dowladdu waa in ay dhex dhexaad ahaataa


29 xubnood oo isugu jira mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka iyo Dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka soo saaray baaq ay u jeediyeen dhinacyada ku dagaallamaya gobolka Jubbada Dhexe iyo weliba dowladda.

Waxay ugu baaqeen dowladdu in ay dhex dhexaad ka ahaato dagaalkaas.

Waxay dowladda ugu baaqeen in hanti ka dhexeysa ummadda Soomaaliyeed aanay ku taageerin dhinacyada dagaallamaya midkood.

Haddii ay taasi dhacdo, ayeey yiraahdeen, waxay dhaawacaysaa axdigii lagu dhisay dowladda.

Mas'uuliyiintaasi waxay ku taliyeen in Duqey iyo xubno dowladda ka tirsan oo dhex dhexaad ah loo diro dhinacyada ku dagaallamaya Jubba si ay u dhex dhexaadiyaan.

Arrintani waxay ka dambaysay markii ay dowladdu muddo laba maalmood ah shir u fadhiday oo la sheegay in ay go'aan ka qaadan weyday arrinta dagaalka.

Waxayna u muuqataa in ay jirto kalsooni darro ku kala dhex jirta xubnaha dowladda dowladda, maaddaama ay xubno iyada ka tirsan digniin u jeedinayaan.

Xubnahaasi waxau isku tilmaameen in ay yihiin xubnaha beelaha Puntland, ee ku jira dowladda iyo baarlamaanka.


[Feature]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:17 AM. Webmaster HomePage