19 May 2007 04:29

SOMALIA WATCH

In Association with Amazon.co.uk

 
Feature
  • Title: [SW Feature]( Courtesy APL) Dagaalada Jubba iyo Shabeelle - Dagaaladu wax ma ka  badalidoonaan Siyaasadda Mustaqbalka Soomaaliya?
  • Posted by/on:[AAJ][31 July 2001]

Dagaalada Ka dilaacay Koonfur-Galbeed Soomaaliya wax ma-ka  badalidoonaan Siyaasadda Mustaqbalka Soomaaliya?

[APLNews] (Baydhabo)

July 31, 2001

Marka laga qiyaas-qaato marxaladda cusub ee Somalia ay hadda gashay, gaar ahaan dagaalada dib uga soo cusboonaaday jiida Koonfur Galbeed, waxaa soo baxaya sawiro markii dhan laga eego muujinaya qas iyo jah-wareer hor-leh, markii dhanka kale laga eegana la moodo in uu soo dhawaaday soo af-jaridii gulufkii iyo collaadihii qola-qolada ku salaysnaa ee Goboladaas ka bilaamay horaantii sagaashameeyadii.

Haddaad eegtid is-bahaysiga cusub ee SRRC, gaar ahaan kuwa aan USC ku abtirsan (marka laga reebo Daaroodka) waa Digil iyo Mirif, Biyo-maal, Tunni, shiikhaal, intooda badani waxay si toos ah iyo si dadban ugu jireen dagaaladii sokeeye ee lidiga ku ahaa Daaroodka Koofurta oo wax laga saarayey tolnimada ay la wadaageen Madaxweynihii hore ee Somalia, Siyaad Barre.

Laakiin taas waxaa wax ka badalay duulaanadii iyo siyaasaddii qar-iska-tuurka ahayd ee marxuum General Mohamed Faarax Caydiid ee silica lama ilaawaanka ah u gaysatay qowmiyadaha jiidaas ku nool iyo qorshihii Habar-Gidir ee ahaa iney degaan gobolada hodanka ah ee Jubbada Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, kuna tarmaan, wiilka ku dhashaana 20 sano ka dib isagoo sheeganaya inuu yahay reer Jubba Valley iyo Wabi Shabeelle si ay aakhirka taasi qayb ka noqoto nabaddaa guud ee somalia ayaad moodaa inay soconwayday ayna hada isa-soo afjarayso.

Waxayna u eg tahay in fikradii ahayd qolo waliba degaankeeda ha ka taliso in ay xoog-badatay. Taas waxaa daliil u ah tubta ay hadda ku socdaan kooxaha isku-bahaystay SRRC, gaar ahaan RRA, SPM, Biyo-maal, Tunni iyo Shiikhaal oo dhinac ah iyo USC, SNF oo dhinac ah.

Kuwa hore waxay ku haminayaan in maamul loo bixiyey Koofur-Galbeed oo dastuurkisii la qoray uu ka talin doono dhawaan lix-gobol oo kala ah labada shabeele, Bay, Bakool, Gedo, J/hoose iyo J/dhexe.

Dagaaladan iminka socdaana waxay ifinayaan in qorshahaasi soo dhawaaday sababtoo ah Bu'aale waxay u gacan gashay is-bahaysiga K/Galbeed oo ay ku jiraan inta badan kooxda loo bixiyey OTHERS, ee aan Daarood, Hawiye, D/Mirif iyo Issaq midna ku abtirsanin.

Haddii Kismaayo, Jilib, Qoryooley, Marka ilaa Afgooye inta u dhexeysa ay u soo gacan-gasho is-bahaysiga K/Galbeed (waa sida muuqata in qorshahooda cusub yahaye), ma dheera inuu dhismo Maamul-dawladeed gobol oo xaruntiisu Baydhabo noqoto Kismaayana ay dekad u noqoto, oo haddii nabadgalyada goboladaas oo dhan ay si buuxda u hantaan noqon doona meesha ugu dhaqdhaqaaq weyn Somalia xag ganacsi, siyaasad iyo bulsho.

Intii ka hodantay boobka iyo dhaca goboladaas (siiba beeraha, dekadda iyo muruq-maalka dadka dhulkaa) malaha qorshe la'aan ma joogaan, hase ahaatee, waa hal qabiil oo marka la xaqiiqda loo daadego aan ku deg degi doonin in ay xoog-adeegsdaan, laakin si kasta isugu dayi kara kala qayb qaybin qabaa'ilka ku bahoobay SRRC.

Dad badan oo Soomaali iyo ajinabi ahi waxay rumeysan yihiin in haddii qorshahan cusub iyo dagaaladan Koofurta ay SRRC ku guuleysato in habkii dib u heshiinta Soomaaliya isna dib loogu noqon doono. Kooxda Cabdiqasim Salaad uu hormoodka u yahayna ay soo fariisandoonoto madasha dib-u-heshiisiinta ayadoon Dawladnimo ku dhaganayn haysana wax wayn oo ay ku gorgortanto!

Taasi waxay sahli doontaa in aakhirka xaqiiqda loo wada hadlo, oo qabiil waliba uu cadka uu qaranka ku leeyahay qaybtiisa qaato, isagoon wax laga dhimin, waxna loogu darin. Waxaa kale oo dadka qaarkiis aaminsan yahay in xulafeysigan cusub uu sanooyin kadib keeni karo, inay soo baxaan qabaa'il berigii hore is-dili jiray oo siyaasadda iyo nidaamka goboleysiga ku heshiiya, kadibna soo dhaweeya kooxaha Others loo bixiyey. Taas oo xasiloonida guud ee Soomaaliya ku soo celin karta deganaan waarta, baajin doontana burbur iyo kala goo'go dambe oo ku dhaca Soomaaliya.

Waxayna noqon doontaa cashar taariikhi ah oo ay ka tusaala qaataan dadyowga kale ee mustaqbalka ay ku habsato mid la mid ah masiibada haatan haysta Soomaaliya.

Mohamed Cabdi Sheikh

Baydhabo

Somaliya
30/7/2001


[Feature]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:16 AM. Webmaster HomePage