19 May 2007 04:30

SOMALIA WATCH

In Association with Amazon.co.uk

 
Country
  • Title: [SW Country]( A.C. Maxamuud (Xaabsade) War-gelin ku wajahan Dadweynaha Puntland iyo saxaafadda Madaxa-bannaan ee dalka iyo kuwa dibadeedba. 
  • Posted by/on:[AAJ][31 July 2001]

Garoowe, Luulyo 30, 2001

Ka:      Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)

            Wasiirka Ganacsida & Warshadaha

            Dawlad Goboleedka Puntland,

            Garoowe, Soomaaliya.

 

Ujeeddo:         War-gelin ku wajahan Dadweynaha Puntland (Gudo iyo Dibedba) iyo saxaafadda Madaxa-bannaan ee dalka iyo kuwa dibadeedba. 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

u      Anigoo tixraacaya war-bixinno badan oo laga sii daayey idaacadda BBCda iyo saxaafadda dalka gudihiisa, oo ku saabsanaa qaabkii loo maray dheeraynta (Kordhinta) muddo wakhtiyeedka xil ee Golayaasha Wakiillada iyo Xukuumadda ee Dawlad Goboleedka Puntland, 

u      Anigoo xubin kaa ahaa Guddigii qaban-qaabiyey shirweynihii Dastuuriga ahaa ee Garoowe, 1998kii, ee lagu dhisay Dawlad Goboleedka Puntland, 

u      Anigoo Guddoomiye u ahaa Guddigii Diyaarinta Axdi-Dawladeedka Puntland ee shirweynihii Dastuuriga ahaa ee Garoowe, 1998kii, 

u      Anigoo xubin ka ahaa ergooyinkii shirweynihii Garoowe ee 30 Juun, 1998kii ansixiyey Axdiga DGPL,

 Waxay iigu muuqatay: 

In loo baahan yahay qeexid sharciyeed oo ku saabsan qodobada Axdiga Puntland ee lagu doodo, lasoo qaato, loona adeegsado jaho-wareerinta Bulsho iyo iney lagam maarmaan tahay in dadweynaha loo bayaamiyo, loona faah-faahiyo sidii qodobadaasi u qorraayeen iyo macnayaasha uu midba xambaarsan yahay. 

Sidaa awgeed, waxaan gartay in aan sharax kooban ka bixiyo sidii qodobadaasi Axdiga ugu dhignaayeen, nuxur-duluceedyadoodii macnawiyadeed iyo guud ahaanba qaab sharciyeedkii wax-ka-bedelka Axdiga iyo kordhinta muddada xil-sii-haynta ee Golayaasha Dawladda Puntland.

 Haddaba, Axdiga Dawlad Goboleedka Puntland wuxuu ahaa ku-meel-gaadh jiritaankiisu 3 sano uun ku ekaa, waxaana wax-ka-bedelidda qodobadiisa awood sharci loo siiyey Golaha Wakiillada oo keliya; sida ku cad qodobka 8.1, oo lala akhriyo qodobada 35.1 iyo 35.2 ee Axdiga; kuwaasoo u qornaa sidan soo socota: - 

1.     Qodobka 8.1: 

Awoodda Xeer-Dejinta dalka Puntland waxa u xil saaran Golaha Wakiillada oo metela shacbiga Puntland oo dhan. 

2.     Qodobka 35.1: 

Qodobada Axdiga waxaa wax-ka-bedeli kara Golaha Wakiillada, marka laga reebo qodobada ku cad qodobka 35.2, wax-ka-bedelkaas oo ku imaanaya marka labo jeer oo ugu yaraan bili u dhexayso mar walba afar meelood seddex (3/4) xubnaha Golaha Wakiilladu isku raacaan bedelka qodob ka mid ah Axdigan. 

3.     Qodobka 35.2: 

Qodobada 1.1, 2, 6, 7 iyo 34 ee Axdigan lama bedeli karo.

 F.G.            Qodobka 8.1 wuxuu tilmaamay in Golaha Wakiilladu yahay kan keliya ee awood-sharci u leh dejinta qawaaniinta iyo xeerarka lagu hoggaaminayo dalka Puntland iyo kuwo lagu dhaqayo dadweynihiisaba. 

Qodobka 35.1 wuxuu tilmaamay in Golaha Wakiilladu awood sharci u leeyahay bedeledda qodobada Axdigu ka kooban yahay, marka laga reebo shanta qodob ee ku cad qodobka 35.2, iyadoo bedelidda qodobku ansaxayso, marka Goluhu u codeeyo 2 goor, mar walbana afar meelood oo seddex (3/4) Xildhibaannadu ogolaadaan in la bedelo. 

Sidaa awgeed, waxaa caddaan ah in Golaha Wakiilladu awood sharci u lahaa, ayna xil-waajibaadkiisa shaqo ahayd wax-ka-bedelidda Axdiga, looguna talo galay marka ay dhibaatooyin ku soo fool yeeshaan jiritaanka iyo siyaasadda DGPL, in Golaha Wakiilladu jiheeyo, una dejiyo qawaaniin la raaco; iyadoo laga reebay shan qodob oo ku kala saabsan arrimo lama taabtaan ah. 

4.     Qodobada lama taabtaanka ah: 

Qodobka 1.1; waxaa la dhisay Dawlad Goboleedka Puntland,

Qodobka 2aad: oo u qoran sidan: diinta Islaamku waa tan keliya ee dalka Puntland saldhigna u ah dhammaan qawaaniinta iyo dhaqanka bulshada. 

Qodobka 6aad: oo tilmaama in Dawlad Goboleedka Puntland si xushmad leh qof kasta ugu ballan qaadayso dhawrista xuquuqda caalamiga ah ee loo aqoonsan yahay, takoorid la'aan, si gaar ahna u aqoonsan tahay xorriyadda iyo xuquuqda asaasiga ah ee qofka iwm. 

Qodobka 7aad 

7.1: Saddexda qaybood ee awoodaha Dawladdu waxay u kala baxaan sidan;

b) Golaha Wakiillada,

t) Golaha Xukuumadda iyo

j) Golaha Garsoorka. 

7.2: Qofna kama mid noqon karo in ka badan qayb ka tirsan saddex awoodood, qofkii loo magacaabo xil cusub waa inuu iska casilaa xil kasta oo uu hore uga hayey qayb kale.

 Qodobka 34aad:  

Qodobkan oo ka mid ah kuwa lagu doodo, wuxuu u qoran yahay, qeexidiisuna tahay sada hoos ku faah-faahsan: 

Qodobka 34.1 oo u qoran sidan:

Axdiga Puntland wuxuu dhaqan gelayaa maalinta shirweynaha Garoowe, 15 Mey, 1998, ansixiyo, wuxuuna jirayaa 3da sannadood ee kala guurka ah keliya, waxaana bedelaya Dastuurka cusub ee Puntland. 

Qodobka 34.2    oo u qoran sidan:

Haddii sabab kasta awgeed Dawladdu diyaarin weydo Dastuurka cusub 3da sano ee kala-guurka ah gudohooda, Golaha Xukuumadda iyo Golaha Wakiilladuba waa jiritaan beelayaan, xilkii Madaxweynaha Xukuumadduna wuxuu ku wareegayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo laga doonayo inuu 30 maalmood gudahood isugu yeedho shirweyne Gobolladii ku bahoobey Dawladda Puntland, si ay xaaladda cusub uga go'aan qaataan. 

5.      Qeexidda qodobka 34.1 (Qodobkani wuxuu tilmaamay oo keliya): - 

a.       Maalinta Axdiga DGPL dhaqan gelayo oo noqotay 01/07/1998.

b.      Muddada ku dhaqanka Axdiga DGPL oo ka soo bilaabantay 01/07/1998, kuna dhammaatay 30/06/2001.

c.      In uu Axdiga bedelayo Dastuurka cusub oo Puntland yeelan doonto marka lagu dhaqmo 3 sano ama wakhtigiisu dhammaado. 

F.G. qodobkani kuma xidhin Dastuurka cusub ee Puntland wax shuruud ah oo ka baxsan

a.    Inuu noqdo Dastuur Cusub.

b.    In Dastuurka Puntland yeelato iyo

c.    In Dastuurka Cusubi bedelo Axdiga.

6.      Qeexid qodobka 34.2 (Qodobkani wuxuu tilmaamay oo keliya)

In haddii sabab kasta awgeed saddexda sano ee Axdigu jiro Dawladdu diyaarin weydo Dastuur Cusub: 

a.       Ay markaas Golaha Wakiillada iyo kan Xukuumadduba xilalkooda waayayaan oo jiritaan beelayaan.

b.      Uu markaas, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare noqonayo Madaxweyne u yaal, shirweyne ugu baaqa, oo 30 bari gudahood isugu keena Ergooyin haysta kalsoonida iyo idinka (Mandated Deligates) Sharciga reer Puntland.

c.      Ay markaas, Ergoyinka Shirweynuhu yeelan doonaan ka go'aaminta Aayo Masiireedka Ummadeed iyo Dib u dhisidda Maamul Dawladeed Sharci ah oo Puntland hogaamiya. 

F.G. Qodobkan 34.2. ee Axdiga Puntland, sharci kama dhigin in Dastuurka Cusub lagu ansixiyo Afti Dadweyne, cid kalena uma diidin. 

7.     Qodobka 30aad     Isimmadda 

(Qodobkan oo isna ka mid ah kuwa lagu doodo wuxuu u qoran yahay sidan soo socota).

30.1: Axdigani wuxuu aqoonsan yahay oo xaqiijinayaa jiritaanka iyo xilka Hogaamiye-Dhaqameedyada Bulshada (Isimmada). 

30.2: Wixii muran iyo is afgaran waa ka dhexdhasha Beelaha oo xal kale loo waayo, iyadoo la raacayo Axdigan iyo xeerarkiisa, waxaa loola noqonayaa Isimmada, si ay talo uga soo jeediyaan ama go'aan kama dambays ah uga gaadhaan. 

30.3: Mudada kala guurka ah, Xulidda Xubnaha Golaha Wakiillada waxa soo ansixinaya, soona gudbinaya Isimmada, sida ku cad Qodobka 8.6. ee Axdigan. 

30.4: Distuurka Cusub ee loo dejinayo Puntland ayaa qeexi doona xilalka iyo dawrka Isimmadu yeelan doonaan si loo xaqiijiyo haybadooda.

F.G. Qodobkan (30aad), wuxuu tilmaamayaa xilalka iyo waajibaadyada uu Axdiga siinayo Isimmada ee ay ku leeyihiin Dawlad Goboleeka Puntland, oo ah sida hoos ku qeexan: 

b) In Puntland leedahay Hogaamiye-dhaqmeedyo (Isimmo) bulsheed oo la aqoonsan yahay. 

t) In Isimmadu Talo bixin Dawladda ka siiyaan, ama go'aan kama dambays noqda ka gaadhaan, xurgufaha iyo is-maan-dhaafyada ka dhex dhaca beelaha reer puntland, marka Xuukuumadu u wakiilato xal u helidooda, uguna egmato si waafaqsan Axdiga D.G.Puntland iyo qawaaniinta isaga ka dheeganta (ka farcanta). 

j) In Isimmadu soo ansixiyaan, Magacyadoodana soo gudbiyaan xubnaha Golaha Wakiiladda, inta uu Axidgu dhaqan galka yahay, (Marka Beeluhu soo xulaan kadib). 

x) Qodobkan (30aad) iyo mid kale oo ka mid ah qodobada Axdigan, midkoodna siin maayo Awood Siyaasadeed Isimmada Puntland, taasina waxa Axdigu u dhaafay Dastuurka Cusub. 

8.     Qodobada Axdi ee Golaha Wakiilladu Beddeley: 

Golaha Wakiillada D.G.Puntland markuu arkay Qodobada 8.1. iyo 35.1. ee Axdiga oo siiyay awood xeer dajin Dalka iyo taas ah, wax-ka-bedelidda Qodobada Axdiga ee ka baxsan Shanta qodob oo ku cad Qodobka 35.2. 

Wuxuu badeley Qodobada Soo Socda: 

i.        Qodobka 28.4 (oo markii hore u qornaan jirey sidan).

(Dastuurka Cusub ee Puntland wuxuu dhaqan geliyaa taariikhda afti lagu ansixiyo) 

Waxaa haddeer loo badeley  

Qodobka 28.4 

b) Axdiga waxaa beddelaya Dastuurka Cusub ee Golaha Wakiilladu ogolaadeen 09/06/2001, wuxuuna dhaqan gelayaa 01/07/2001.

t) Dastuurka cusub waxaa loogu dhaqmayaa si ku meel gaar ah, inta Afti Dadweyne loo qaadayo. 

J) Wakhtiga Dastuurka Afti Dadweyne loo qaadayo, waxaa ka go'aan qaadanaya Golaha Wakiillada. 

F.G. Qodobka 28.4. Golaha wakiilladu, waxay ku oggolaadeen cod buuxa (Unanimous Vote) in sidaa dambe loo beddelo 24/04/2001 (markii kowaad) iyo 25/06/2001 (markii labaad) oo uu qodobku u dhaqan galay sidaa dambe ee loo beddeley. 

ii.     Qodobka 8.4 (Oo markii hore u dhignaan jiray sidaan): 

Golaha Wakiilladu wuxuu si rasmi ah u dhismi doonaa 45 maalmood gudahood oo ka bilaabanta maalinta Axdigan la saxiixo, ama wakhtigii ka horreeya ee magacaabidda wakiilladu soo ebyoonto, jiritaankiisuna wuxuu ku egyahay dhammaadka Axdiga oo saddex sano ah.

Waxaa haddeer loo badelay

Qodobka 8.4

Muddada xilka Golaha Wakiillada waxa la dheereeyey 3 sano oo ka bilaabanta 01/07/2001 iyadoo markii hore ku ekayd 30/06/2001, wuxuuna yeelanayaa awoodaha iyo waajibaadyada Dastuurku siinayo. 

iii.    Qodobka 12.1.   Oo markii hore u dhignaa jirey sidaan: 

Muddada uu dhaqan galka yahay Axdigani, Awoodda fulinta ee Dalka waxa u xil saaran Golaha Xukuumadda.

 Waxa haddeer loo beddelay 

Qodobka 12.1

Mudada xilka Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka Madaxwynaha waxaa la dheereeyey 3 sano oo ka bilaabanta 01/07/2001 iyadoo markii hore ku ekeyd 30/06/2001, waxayna yeelanayaan awoodaha iyo waajibaadyada Distuurka cusub ee Puntland siinayo. 

F.G. Qodobadan (8,4) & (12.1), waxaa Golaha Wakiilladu sidaa dame ee loo beddeley ku ogolaaday cod buuxa (Unanimous) 26/05/2001 (Markii 1aad) iyo 27/06/2001 (Markii 2aad) oo uu qodob waliba sidaa dambe ee loo beddeley u dhaqan galay. 

9.     Qodobada (28.4.), (8.4) & (12.1). 

Sedexdaas Qodob (28.4.), (8.4), & (12.1), ee Axdiga Dawlad Goboleedka Puntland oo ah kuwo Golaha Wakiilladu beddeley, sadexduba waxay ka mid yihiin qodobada wax ka beddelidooda Goluhu Awoodda sharciyeed u lahaa; yacni: - ma aha Qodobada Axdiga wax ka bedelkooda u diidey, sida ay dadka qaarkood yidhaahdaan.

10.                        Doorasho: 

Waxaa is xasuusin mudan, loona baahanyahay in qof kasta oo Puntland u dhashay uu maskaxda ku hayo dhawrista, ku dhaqmidda iyo Ilaalinta Axdiga, waxaana lagama-maar-maan ah in qof waliba iimaansado, kuna xisaabtamo kaliya wixii Axdigu tilmaamay. 

Haddaba, Axdiga D.G.Puntland, dhigimaayo, doorasho aan ahayn in Distuurka cusub ee Puntland Afti Dadweyne loo qaado. Wuxuuna Axdigu tilmaamida doorashooyinka Madaxtinimada D.G.Puntland u dhaafay Distuurka Cusub. 

Axdigu, sidoo kale, wuxuu jideeyey in shirweyne loo noqdo, keliya haddii 3da sano ee axdiga lagu dhaqmayo, Dawladu diyaarinba weydo Distuur Cusub oo marka wakhtigiisu dhammaado looga guuro Axdiga. 

11.                        Diyaarinta Dastuurka : 

Golaha Wakiilladu waxay 15/08/2000, magacaabeen Guddiga Diyaarinta Distuurka cusub ee Puntland oo ka kooobnaa 21- Xubnood oo isugu dhafan (b) Golaha Wakiillada 10- Xubnood (t) Golaha Garsoorka 3-Xubnood, (j) Golaha Xukuumadda 3-Xubnood, iyo (x) Wakiilo Dadweynaha laga soo magacaabay 5-xubnood, iyada oo magacaabista iyo qoondaynta xubnaha Guddigu ku salaysnayd sida ku tilmaaman qodobka 28.1 ee Axdiga. 

Guddigu: Wuxuu soo diyaariyey Distuur ku salaysan, kuna tiirsan shareecada Islaamaka oo Casri ah, Dhaqamaysan, kana turjumaya rabitaanaka mujtamaca kuna wajahan gaadhista nidaam dimoqraadi ah iyo xaqiijinta Danta iyo Masiirka Bulshada reer Puntland iyo guud ahaan tan Ummadda Soomaaliyeed. 

Distuurka Cusub: Ayaa si buuxda u tilmaamaya qaabka loo marayo loona gaadhayo doorashooyinka Madaxda kala gaddisan ee Hoggaamin doonta D.G.Puntland, waxaana diyaarintiisii Dadweynaha Reer Puntland ka dhiibteen, kuna kordhiyeen talooyin wax ku ool ah oo wax weyn ku biiriyey, korna u qaaday tayadiisa. 

12.                        Guddiga Doorashada 

Maadaama, Distuurkii Cusbaa ee Puntland diyaar noqday, waxa 15/01/2001, Golaha Wakiilladu Magacaabeen Gudiga Doorashada Distuurka Cusub, ee ku tilmaaman Qodobka 10aad, Faqradda 10.3. Xarafkeeda (s), Xubinta (ii). 

Guddigu iyagoo xog ogaal u noqday Dhumucda, Baaxada iyo Baahsanaanta Hawlaha madhaafaanka u ah Afti u qaadista Distuurka cusub, waxay Golaha Wakiillada u soo bandhigeen war bixin faah faahsan oo si cad u bayaaminaysa in aan doorasho guud (one Man, one Vote) sinaba wakhtigan uga hirgali karin Dalka Puntland. Isla markaasna, Golaha laga tusaaleeyay in xaaladdu lagama maar-maan ka dhigayso, in dib loo qaado wakhtiga afti u qaadista Distuurka.

 

Sidaa awgeed, Guddigu waxay Golaha u soo jeediyeen in marka hore xoogga la saaro qaadidda caqabadaha hortaagan fulinta doorashada sida; baahinta Maamulka, wacyi gelinta Bulshada, Miino saarida Dalka, Hub ka dhigista, adkeynta iyo sugidda ammaanka & nabadgelyada, tiro koobidda Dadweynaha, iyo guud ahaan raadinta maaliyad miisaaniyadeed lagu hawl geli karo. Iyagoo isla markaasna ka codsaday in Axdiga dib loo eego, lana helo maarayn sharci ah. 

Kolkaas, Golaha Wakiilladu, iyagoo garawsaday war bixintaas gudiga Doorashadu soo hor dhigay, wuxuu bedeley Qodobbo Axdiyeedyada kor ku xusan, gaar ahaan qodobka 28.4. oo sidaas dambe ee loo beddeley Golaha Wakiillada awood u siisay (si ku meel gaadh ah u dhaqan Gelinta Distuurka Cusub ee Puntland & Dib u dhigista afti u qaadista Distuurka ee Dadweyne). 

Dhaqan-gelinta Dastuurku, waxay sidaa awgeed, meesha ka saartay bar-kuma- taalna ka dhigtay awooddii sharci ee qodobka 34aad, oo ku doodii, Daliil u adeegsi iyo Cuskasho beelay. 

b) Markii Distuur Cusub oo Puntland leedahay la diyaariyey, intaaney dhammaan 3dii Sano ee kala Guurka ahayd.

t) Markii Distuurka Cusub loo dhaqan geliyey si waafaqsan Axdiga Dawlad Goboleedka Puntland ee (01/07/1998-30/6/2001).

j) Markii si qaanuuni ah 01/07/2001, loogu guurey Distuurka Cusub ee Puntland, iyadoo Axdigii hore 30/06/2001 la laabay. 

Haddaba, waxaa marag madoonto, muran iyo mugdi ka bax ah, in Golaha Wakiilladu ku tallabsaday, guteyna xil waajibaad Distuuri ah oo Ummadeed, meel marintiisana ka ambaqaaday, kuna fuliyey si ku eg, si aan ka baxsanayn awoodihiisa sharciyeed, taas oo cadaynaysa in dadka qaarkood Axdiga u gafayo, mujtamacan si khaldan ugu tarjumo, nin walibaana u fasiranayo kolba siduu isagu u rabo Dadweynuhuna noqday (qoom ay culimo qasatay). 

13.                        U hoggaansanaanta Axdiga  

Sideedaba, dhawrista ku dhaqmidda iyo ilaalinta Axdigu waa Mas'uuliyad Qofeedda kowaad ee muwaaddinka, waxaana lagama maarmaan ah in in qof waliba iimaansado, kuna xisaabtamo kaliya wixii uu Axdigu jideeyey. Waxaana qofkasta ka reeban u hanqal-taagid iyo mindi-horarsi ku raadin waxyaabo aanu Axdigu tilmaamin. Kolkaas, waxaa is xasuusin mudan, loona baahan yahay iney Dadweynaha Puntland aad u fahmaan, maskaxda ku qabtaan, hoostana ka xariiqaan arrimo ay ka mid yihiin kuwa hoos ku qoran: 

b) Qabasho Shirweyne Labaad 

Axdigii saddexda sano ee DGPL, marka 35ka qodob ee uu ka koobnaa laysku soo xoodhiyo, ma waajibin, haba-yaaratee, qabasho shirweyne labo ku noqda kii Dastuuriga ahaa ee Garoowe, 1998kii, haddii aysan dhicin xaalad mawqifeedka ku cad qodobka 34.2. Taas oo imaan lahayd kaliya. 

i.                    Haddii sabab kasta awgeed Dawladdu Distuur Cusub diyaarin weydo 3da sano ee Axdigu jiro gudahooda, lana waayo gabi ahaanba, Dhamaadka Axdiga kadib, marjac-sharciyeed lagu socdo oo buuxiya kaalintii Axdigu ku jirey. Taasina keento in Goloyaasha xeerdajinta, khasab ka dhigi lahayd iyo fulintuba laa laabmaan Axdiga wakhtigiisii dhammaaday markaas oo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare yeelan lahaa Awood Madaxwyne-u yaalnimo.

ii.                 Taasoo, Distuur la'aanta Dawladeed iyo jiritaan la'aanta Gole Xeer-Dejineed, khasab ka dhigi lahayd in la qabto Shirweyne kuna ansixiyo Axdi Dawladeed labadaa oo ku meel gaar ah oo ay ku dhismaan, kuna shaqeeyaan Maamul kale oo labaad oo isna ku meel gaadh ah, Xilkooda ugu muhiimsana noqdo diyaarinta Distuur Cusub, lana siiyo muddo wakhtiyeed xil oo kale oo ay iyana ku meel gaadhnimo u sii jiraan.

Haddaba: 

Maadaama Dastuur Cusub Dawladdu diyaarisay, soona ebidey wakhtigii laga sugayey, isla markaasna iyadoo la raaciyo, loona hogaansamayo Axdiga DGPL, lana adeegsanayo, ku xad gudub la'aanta awoodda Axdigu siiyey Golaha Wakiillada, lana dhaqan galinyey loona guurey Dastuur Cusub ee Puntland, waxaa sharcigu markhaati u noqonayaa, caddeyn suganna looga helayaa:- 

i.                    In si sharci ah loo gutey dhammaan waajibaadyadii uu farayey Qodobka 34.1. ee Axdiga lana meel-mariyeey shuruudihii iyo nidaamkii uu ilaalintooda u taagnaa. 

ii.                 In tilmaan kasta oo laga qaadan lahaa Qodobka 34; siiba faqradiisa 34.2. (Sida, qabasho Shirweyne Labaad) tahay wax laga kaaftoomay, oo laga gudbey; Yacni, looma baahdaan (Null Character). 

iii.               In gabi ahaanba, Awoodihii sharciyeed ee Qodobka 34.1 & kaa 34.2. Ay tixraac iyo xigasho beeleen (Invalid). Yacni, qodobka 34 oo dhan wuxuu jiritaan iyo ku dhaqanba beeley markii Dastuurka Cusub ee Puntland dhaqan galay (01/07/2001) wuxuuna noqday waxba Kama jiraan (Null & Avoid). 

t) Doorasho Madaxeed  

Sidoo kale, waxaa Axdigu ku wajahnaa, gun-dhigna u ahayd falsafaddiisa guud oo dhan, u googol-xaadhidda iyo gaadhidda Dastuur Cusub oo ay Puntland ku socoto. Dastuurkaas oo horseeda, jideeya loogana shidaal qaato ku dhaqmid iyo Isku Maamulid Nidaam Dimoqraadiyadeed oo Mambac shuruuceedkiisu ku dhisan yahay xukun baahsan oo xulashada iyo doorashada shacbigu leeyahay. 

Sidaas daraadeed, 35ta qodob ee Axdiga ku qornaa, sidiisana kuma saabsanayn, wax Axdiga u yaalna maba ahayn, in Habayaraatee, lagu maamulo Xukummo ku lug leh, ama loo nisbayn karo doorashooyinka Madaxtinimo. Taasina tilmaanteeda, qaabaynteeda iyo Ilaalinteeda Sharciyeed wuxuu Axdigu u dhaafay oo xil u saaran Distuurka Cusub ee Puntland. 

Haddaba, lama qarin karo, in markii Axdiga la sameynayey ay dad yar oo diidanaan jireen, balse, intii badnayd mujtamacu rabeen oo hir-geliyeen welina jiraan in yar oo diiddan, oo qaalliinka u rogaysa go'aamo sharciyeedyada Distuuriga ah ee Golaha Wakiilladu xeeriyeen ee wax-ka-beddelidda Axdiga, kuwaasoo lagu sharciyeeyey dhaqan gelinta Distuurka Cusub. Yacni; Dib u dhigidda aftidii Dadweyne ee loo qaadi lahaa Distuurka Cusub.

Kolkaas, Maaddaam, qof kasta gaar looga sugayo, dhawridda iyo u hoggaan sanka Axdiga iyo Qawaaniinta Dalka, diidmo iyo horjoogsi kasta oo liddi ku noqosho go'aamadda Golaha Wakiilladu waxay noqonaysaa Axdi jebin toos ah. Falka noocaas ah cidda ku kacda iyo cidda ku gacan siisaaba, waxay noqonayaan kuwo faraha la galay dambi aad u culus. Yacni; majirto cid xaq u leh ku tumashada xuquuqda & karaamada Axdiga iyo Xeerka Dalka. 

14.                        U Guuridda Distuurka Cusub: 

Maadaama, DGPL u guurtey 01/07/2001da ku dhaqmidda Distuurka cusub ee Golaha Wakiilladu Sharciyeeyeen 09/06/2001, waxaa waajibaad qofeed noqonaysa in Distuurka la wada xushmeeyo, loo wada hogaansamo, lana wada ilaaliyo. Isla markaana, Dawlad iyo Dadweyneba loo guntado, laysuna kaashado xal u helidda iyo maaraynta dhibaatooyinka hortaagan Afti Dadweyne u qaadista Distuurka. Taasoo fure u ah gaadhidda iyo dhidibo u aasidda Nidaam Dimoqraaddi ah oo qof waliba codkiisa xorriyad wax ugu doorto. 

Haddaba, waxaa sharcigu tusmaynayaa, caqliga suubbanna lagu garan karaa, ahmiyadda ay shacbiga Puntland u leedahay hirgalinta dastuurka Cusub oo Dadweynaha Reer Puntland u ballan qaadaya furidda Axsaab Siyaasadeed iyo Doorashooyin madax banaan oo guud, sida, Maamullada heer Degmo, Gobol, Dawlada Goboleed iwm.   

Sidaa daraadeed, waxaa haboon in mudnaanta kowaad la siiyo (Dawlad iyo Shacbiga), sidii loo xaqiijin lahaa, ku talaabsiga iyo meel-marinta tilmaamaha Distuurka Cusub ee kor ku xusan; intii lagu mashquuli lahaa, wakhtina lagu lumin lahaa u hiilinta arrimo lidi ku ah maslaxadda guud ee ummadeed, sida dhiiri galin kala danbayn la'aan, fawdo abuurid iyo marin habaabin bulsho. Yacni raadin iyo u ololayn shirweyne aan sharci ahayn, oo nuxur duluceedkiisu yahay in DGPL dib isugu noqoto halkii ay taagnayd 3 sano ka hor (1998kii), iyada oo la tir tirayo Maamul sharci ku dhisan iyo wax qabadkiisii; waxa lagu beddeleyaana yahay maamul isna xilkiisu yahay inuu fuliyo wax qabad ah, midka haddanba diyaarka ah ee hore loo soo qabtay. 

15.                        Geba Gebo 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan kor ku soo faah faahiyey guud ahaan Qodobada Axdiga ee khuseeya go'aammada Golaha Wakiillada DGPL xeeriyeen ee ku wajahan dib u dhigista aftidii Dadweyne ee loo qaadi lahaa Distuurka Cusub, iyo kordhinta muddo wakhtiyeedka xil ee Goloyaasha Dawladda, taasoo aan uga gol leeyahay in Dadweynaha Puntland xog-ogaal u noqodo xaqiiqada jirta ee dhinaca shuruucda Dalka. 

Sidoo kale, waxaa si cad halkan ugu bayaamiyey qodobbada Axdiga ee lagu doodo, laguna jaha-wareeriyo Bulshada, gaar ahaan sidii qodob kasti u qornaa, wuxuu ku saabsanaa, iyo Awooddiisu siday ahayd (Sharci ahaan). 

Haddaba, Sharcigu waa cad yahay, kumana jiro mugdi, mindi mindi ku taagna ma geli karo. Sidaa awgeed, waxaan Dadweynaha u soo bandhigayaa in tallaabooyinka Golaha Wakiilladu ku taagan yihiin uu yahay sharci sugan oon badhax ku jirin. 

Kolkaas, waxaan leeyahay, una soojeedinayaa Dadka muranka wada hadii aysan arrintu ahayn (Taqra-Aaya-Wa-Tansa-Aaya), ninkii haya daliil sharci ah oo uu taydaas ku burin karo inuu qoraal ku soo bandhigo, soona qaabilo garsoorka iyo sharciga loo siman yahay hortiisa, kuna iimaan samaado natiijada. 

Ugu dambaystii, oon ugu danbayntii ahayn, waxaan Dadweynaha Reer Puntland (gudo iyo dibadba) ku boorrinayaa difaacidda iyo xaqiijinta aaya-masiireedkooda mustaqbal, isku taxalujinta iyo xoog saaridda ka soo kaabashada tabaalooyinka bur bur iyo guud ahaan u hawl-gelidda tubta toosan ku aaddinta arrimeed iyo ka gudbidda taaganayaasha turxaan-siyaaso, dhaqan-dhaqaale iyo nabadgelyo.

  Iga Guddooma Salaan  


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:18 AM. Webmaster HomePage