19 May 2007 04:29

SOMALIA WATCH

In Association with Amazon.co.uk

 
Country
  • Title: [SW Country] Baaqa Isimada Bari
  • Posted by/on:[AAJ][17 Aug 01 ]

 

 

KU: DADWEYNAHA DGPL   PUNTLAND

KU: SAXAAFADA MADAXA BANAAN                                               FADHIGOODA .

UJEEDDO:- B  A Y A A N.

Anagoo ku hadlayna magaca Isimada gobolka Bari, Puntland Somalia, waxaan halkaan shacbiga reer P/land iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu caddeynaynaa mawqifkayaga siyaasadeed ee ku wajahan arrimaha la isku khilaafsan yahay ee hoggaanka maamul Goboleedka P/land waana sidan aragtida aan aaminsanahay oo kooban:-

  1. Puntland waa maamul Goboleed ay ku bahoobeen Shan gobol oo kala ah Mudug, Bari, Sanaag, Nugaal iyo deegaamada Buuhoodle waana talo-wadaag.
  2. Dowlad goboleedka waxaa u dhameystiran dhamaan xeerarkii iyo qawaaniintii dawladdu ay laheyd
  3. Isimadu waa madax-dhaqameed aan kaalin ku laheyn dhismaha dawladda, doorkooduna (Role) wuxuu ku kooban yahay xalinta khilaafaadka beelaha dhexdooda ah, sida ku cad Qod.30.2 ee Axdigii Puntland.
  4. Puntland waxaa lagu maamulayey Axdi mudadiisu ku ekeyd 3 sanno ee kala guurka ah, side ku cad Qod.34.1 ee Axdiga Qod.34.2 ee isla Axdiguna wuxuu sheegayaa  in haddii Saddexdaas sanno gudahooda dowaldda ay ku diyaarin waayo dastuur in golaha xukuumadda iyo golaha wakiiladuba ay jiritaan beelayaan.

Sidaas awgeed, waxaa cad qodobadaas Axdigu ay leeyihiin macne sharci oo qeexan, cid si kale u tarjimi kartaana aysan jirin. Haddaba waxaa jirtay in xukuumadii DGPL ay 2/6/2001 shir isugu yeertay Isimada deegaamada Puntland, waxaana ka soo qayb galay in ka badan 60 Isin si ay talo uga soo jeediyaan xiligii saddexda sanno ahaa ee kala guurka oo ay xukuumaddu u aragtay in uu gabaabsi yahay, isla amrkaasna wax badani ay dhiman yihiin, Isimadaas waxaa loo soo bandhigay qoraalo ay soo gudbiyeen guddigii doorashada, warbixintii xukuumadda, warbixintii G/X/Dejinta iyo dastuurkii cusbaa oo dhameystiran.

-         Isimadu markii ay si fiican u derseen qoraaladaas isla markana fahmeen nuxurka ay xambarsanaayeen

-         Markii ay tixgeliyeen danaha Puntland iyo shacbigeeda, xogogaalna u yihiin duruufaha qalafsan ee hadda soo foodsaaray dalka

-         Markaan aragnay sharciga  (Axdiga) lagu maamulay Puntland State mudadii kala guurka aheyd .

 Waxaan Go’aaminay

a)      in xukuumadii ka talineysay dalka loo kordhiyo mudada xilka si ay doorasho xor ah u suurto galiso.

b)      In Golaha Wakiilada oo ah Hay’adda shaci dejinta dalka sida ku cad Qod.8.1 ee Axdiga ay muddeeyeen xilliga, sidaas ayey howshaasina ku hirgashay, dowladaasuna ku sharciyowday.

Afeef:

Go’aamada ka soo baxay qaar ka mid ah Isimada habayaraatee wax sharci ah kuma fadhiyaan, isla markaasna cid si gaar ah awood ugu leh in ay ishortaagto go’aan ay Isimo isku raaceen ma jiraan, waxaana jira hab dhaqameed soo jireen ah, tilaabadii ay sida bareerka ah u qaadeen, kooxdaas Isimada ka mid ahina waxay dhaawac soo gaarsiiyeen midnimadii Puntland, waxayna sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

B A A Q   G U U D:

a)      waxaan ugu baaqeynaa dhamaan Isimadii ka qayb glaay shirkii wada tashiga Garoowe 2/06/2001 in ay shir deg deg ah isugu yimaadaan si ay fidnada bilaabatay u daba qabtaan, adkeynta sharciga iyo nidaamkana soo celintoodii uga tala bixiyaan.

b)      Waxay Isimadu si aad ah uga digayaan qabashada shirar siyaasadeed oo dhaawacaya midnimada Puntland taasoo horseedi karta dhibaato hor leh iyo burbur soo gaara walaalihii ku bahoobay dhismihii Puntland, isla halkaan waxay Isimadu ku wargelinayaan dadweynaha in ay ka feejignaadaan shirqoolada iyo dabinada qarsoon ee loo dhigayo.

Ugu danbeyntii waxaan ummadda Puntland ka codsaneynaa in ay ilaaliyaan midnimadooda wadajirkooda iyo nabadgelyadooda , wixii fidno iyo qalalaase keeni karana iyagoo isku duuban ka hor taga.

 

ISIMADA SAXIIXAY.

  1. Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin _________________
  2. Beeldaaje Yaasiin Cali Xasan ____________________
  3. Beeldaaje Cali Nuur  Cali  (Binjaceyl)______________
  4. Beeldaaje Axmed Maxamed Xirsi _________________
  5. Suldaan Maxamed Cali Maxamed _________________
  6. Suldaan Siciid Guuleed Sanyare ___________________
  7. Suldaan Bashiir Cabdi Maxamed __________________
  8. Suldaan Maxamed Ismaaciil ______________________
  9. Ugaas Cumar Maxamed Axmed ___________________
  10. Beeldaaje C/laahi Xaaji Axmed ___________________
  11. Suldaan Ciise Xasan Cumar ______________________
  12. Ugaas Jamaal Cabdi Ducaale._____________________


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:16 AM. Webmaster HomePage