Warsidaha Puntland
Tirsi 66
2 Oktoober 2000
Garoowe - Puntland
__________________________________________
ü
XOGWARANKII MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA
PUNTLAND SIIYAY SHACABKA REER PUNTLAND BOGGA 2 AAD
ü
TILMAAHA
MADAXWEYNAHA IYO UJEEDOOYINKEENA BOGGA 5 AAD
ü ARRINTA SOOMAALIYA - SOMALILAND OO MARKALE KA SOO SHAACDAY
JABUUTI BOGGA 4 AAD
ü JANARAAL GALAAL OO LALA RAADINAYO
DEMBIILENIMO BOGGA 4AAD
ü
SUUQA
XOOLUHU SUCUUDIGU KALIGIIS MA AHA BOGGA
6 AAD
ü
WARBIXIN GUDDOOMIYAHA ISBOORTIGA GOBOLKA
MUDUG BOGGA 8 AAD
ü
MAXAA
SABAB U AH KALA SHAKIGA INA SALAAD-BOOY IYO INA KHALIIF? BAGGA 8 AAD
ü
AFKEENU
WAA ISSU AMMAAN BOGGA 8 AAD
ü
SUUGAAN MINDIYO QARSOON BOGGA 6 AAD
ü
DICTATOR
SHIP OF ANOTHER KIND, THE WORST KIND BOGGA 7 AAD
_________________________________________________________
XOG-WARRANKII MADAXWEYNAHA
DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND SIIYAY SHACBIGA REER PUNTLAND.
Halkan ku soo faafinaynnaa og-warrankii Madaxweynaha Dawlad
Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed uu ku siiyay shacbiga Reer
Puntland shirarkii kala duwanaa ee uu la yeeshay...Xog-warrankii Madaxweynuhu
waa kan isagoo tifaliran:-
CAAFIMAADKA MADAXWEYNAHA:-
Madaxweynuhu wuxuu sheegay, markuu ayaamo Garoowe ku
xanuunsanayay ka dib, in takhtarradu ku taliyeen ka dib, in Nairobi loo qaado
sidaasna uu afar saacadood oo duullimaad ah ka dib galay Nairobi Hospital
takhtaradu waxay markiiba soo saareen in xanuunkiisu yahay KULLETi ( oo ah nooc
qabsinka uu dhow)... markii uu socday shirweynihii Puntland lag dhisayay ayaa
xanuunkaas laftiisa Madaxweynuhu u galay Isbitaalkaas ah Nairobi
Hospital...waxaana hadda ka daweeyay takhtarkii ayaantaas ka daweeyey....
Madaxweynuhu wuu kaftamay oo wuxuu yiri aniga haddii hargab
igu dhaco, dadku wuxuu yiraahdaa:- beerka ayuu u jirranyahay wuxuu yiri
beerkaygu aniga waa iga da'yaryahay waana 29 sanno jir...aad iyo aadna wuu u
caafimaad qabaa ku jiray lix maalmood... in uu markuu ku jiray shaqeynayay oo
dad badani ku soo booqday markii uu ka soo baxay Nairobi shaqo ka bilaabay
imminkana aad u caafimaad qabo.
Madaxweynuhu wuxuu yiri:- Labo nin oo mucaarid ah oo
majeerteen ah ayaa telifoonno diray oo faafiyay C/laahi Yuusuf wuu
dhintay...wuxuu yiri, waxaa la sheegay ina Salaad-Booy markii uu warkaas maqlay
inuu farax badan muujiyay.
QORSHAHA INA SALAAD-BOOY DEGDEGGA AH:-
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ina-Salaad-Booy qorsheystay
qodobbadda soo socda:-
B- Inuuu isku dayo inuu keligii daabacdo lacagta Soomaalida,
isagoo adeegsanaya Bangiga Jabuuti.
T- Inaanu Berbera iyo Bosaso soo gelin markab aan saga fasax
ka haysani.
J- Inuu soo saaro Pass-port cusub oo yiraahdo kaa keliya
ayaa sharci ah oo lagu dhoofikaraa...arrintaasi waa arrinta (Maxamed Ibraahim
Cigaal ku kalliftay inuu si deg deg ah u soo saaro Pass-port Somaliland u gaar
ah.
CARTA:-
Madaxweynuhu wuxuu yiri:- Puntland markii hore way
taageertay Carta, waayo waxaannu ka rajaqabnay inay Soomaalida wax-u-tarto
Bishii Jannaayo ee 2000 ayaan Jabbuuti kula kulmay Ismaaciil Cumar Geelle labo
saacadood ayaannu doodaynnay maalintaas ayaan hubsaday inuu Ismaaciil Cumar
Geelle qorshe qalloocan wato markaas ayaa Puntland ka quusatay wanaag ka dhasha
Jabuuti... Carta yaa saldhig u ah?!?!/ waxaa saldhig
u noqday kooxo wadaaddo ah oo nooc gooni ah iyo nadaamkii
Maxamed Siyaad Barre.
Nidaamkii Maxamed Siyaad Barre, hoggaamiyeyaashiisii wixii
dhintay mooyee, wixii noolaa, waxaa ka maqnaa shan nin ama in ku dhow.
CAALAMKU MUXUU KA QABAA CARTA:-
Marka laga reebo dawladda Sudan, Caalamka intiisa kale wuxuu
qabaa:- Carta ma aha wax Soomaalidu u dhantahay, ee waa in helaa wax Soomaalidu
u dhantahay, ilaa taas la helana arrinta Soomaalidu halkeedii hore ayay taagan
tahay.
SOOMAALIDA IYO
CARTA:-
Madaxweynuhu meesha dadka
Soomaaliyeed ka taaganyahay Carta wuxuu kaga warbixiyay sida soo socota:-
1. 1.
DIGIL IYO MIRIFLE:-
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in
Digil iyo mirifle uu socdaan inay ka baxaan go'aammada Carta oo ay dhistaan
Dawlad Goboleedka, ka dibna ay ka qaybgalaan Soomaaliya Fadaraal ah... waana
Gobolkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee FADARAAL dalbada 40 (Afartan) sano ka
hor.
Eeg Bogga xigga
Ka yimid Bogga
2aad
2.
2.
GEDO IYO LABADA JUBBA:-
Sidoo kale wuxuu sheegay in mareexaan Majority-giisu ha soo
horjeedo qorshaha Cumar Xaaji Massale uuna kuurka ugu jiro in uu dhsto Dawlad
Goboleed Saldhiggeedu yahay Geddo...hawshaasina waa socotaa.
3.
3.
MUQDISHO:-
Madaxwenuhu wuxuu sheegay in xoogag badan oo muqdisho ka
faltamayaa ay rabaan inay genefka ku fhuftaan Carta una howlgalaan inay
aakhirka dhistaan Dawlad Goboleed kulmisa shabeellooyinka iyo Banaadir... kana
mid noqoto FADARAAL-WEYNAHA Soomaaliyeed... Madaxweynuhu wuxuu yiri:-
Wataa meesha siyaasadda Somalidu u
socoto...caalamkuna wuxuu qabaa sida arrinta Somalidu ku samikartaa inay sidaas
tahay
4.
4.
WOQOOYI GALBEED (SOMALILAND)
Madaxweynuhu wuxuu uu sheegay inay wefdi Somaliland ah oo ka
kooban wasiirka arrimaha Dibaddu (Maxamuud Saalax Fagare) inay ku kulmeen
Nairobi, wefdigaas oo Maxamed Ibraahim Cigaal ka sida waraaqo ay Dawlado badan
gaarsiinayaan, iyagoo caalamka u sheegaya mowqifkooda ay Carta ka taagan
yihiin... Madaxweynuhu wuxuu xusay in wefdigaasi soo jeediyay in Somalland iyo
Puntland isu gaashadaan siyaasaddooda ka soo hormeeda Carta Madaxwe-ynuhu wuxuu
tbaaxay inay suurtagal in arrintaas labada dhinac ka wada hadlaan.
5.
5. SIYAASADAHA PUNTLAND
EE XILLIGAN:-
Siyaasada
Puntland ee xilligan wuxuu ka kooban yahay qodobbada soo socda:-
1.
Puntland
Carta cidna uma dirsan, cidna uma wakiilan, qofkii reer Puntland ah oo ka
qaybgalayna waa qof shakhsi ahaan isaga tegey.
2.
Dadka
reer Puntland-na waxaa siyaasaddooda wakiil ka ah oo matala maamulka ay iyagu
doorteen...Maamulka muddadii la igmaday waxaa ka haray muddo ka yar hal
sano...muddadaasna maamulku isagaa wakiil ka ah siyaasadda Puntland, sidaa
darteed waxa Carta laga soo sheegaa ma khuseeyaan dadka reer Puntland.
3.
Puntland
waxay diyaar u tahay inay ka qaybgasho shir dib-u-heshiisiin Soomaalidu ku
dhsato dawlad Fadaraal ah, ka dib marka deegaanwaliba soo sameeysto dawlad
Goboleedkiisa gaarka ah.
4.
Ciddii
sida-yada dhisata dawlad Goboleed, waxaannu diyaar u nahay innaannu
iskaashi-kasta oo mac-quul ah la yeelanno.
5.
Cid kasta oo diidan waxa Carta lagu
abuuray, waxaa naga dhaxaynaya hawlaha waxa Carta ka dhashay lagaga hortegayo.
6.
Caasimadnnimada
Garoowe, Muqdisho u rarimaynno, ee Caasimaddayadu waxay ahaanaysaa
Garoowe...wayna ahaanaysaa...wayna ahaanaysaa.
7.
Ciidammada waannu u dadaaleynnaa wax-u-qabashadooda iyo dhismahooda.
8.
Ardaydu waa mustaqbalkii dalka, sidaa
darteed waxbarashada xoog badan ayaannu saaraynnaa.
9.
waxaannu sidaas oo kale ahmiyad weyn
siinaynaa Caafimaadka Dadka, Xoolaha iyo deegaanka.
10.
Amniga iyo nabadgelyadu waxay noo
leeyihiin tixgelinta kowaad.
11.
Haweenka waxaannu siinaynnaa qadderinta
weyn ee ay mudan yihiin... Anigu dabeecad ahaan gabdhaha waxaan siiyaa xushmad
ka badan midda aan ragga siiyo.
12.
Maamulka iyo ciidammadaba waxaannu ka
saaraynnaa dadka maamulka mucaaridka ku ah.. cashuurta dadweynaha laga qaado,
mushahar u siinmaynno mucaaridka maamulka ka soo horjeeda.
WARARKA GUDAHA
ARRINTA
SOOMAALIYA-SOMALILAND OO MARKALE KA SOO SHAACDAY JABBUUTI
Bosaso Sept, 28
Xiriir aannu isgaarsiinta kula
yeelannay Magaalada Bosaaso, ayaa soo sheegay in Issimmada reer Sool iyo
Buuhoodle ee hadda ku sugan Jabuuti, cid ka mid ahi ay ina-Salaad-Booy kula
talisay inaannu xukuumaaddiisa ku darin cid ka soo jeedda Somaliland-tii hore
ee uu ku koobo reer koonfureed, si had-dhow loogu wada xaajoodo loogu
wax-qaybsado Soomaaliyadii-hore iyo Somaliland-tii hore...ina kasta oo ciddaas
lagula dooday in qaabkaasi gudbtay markii Carta laga saaray xubno ah
Somalland-tii hore oo galay Baarlamaanka (Waa say u qabaane) Carta ka soo
baxay, waxaa la sheegay fikraddaas ciddii wadatay in aanay intaas ka harin.
BARAN SHIR HOWLEED.
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Mudane
Cismaan Cashuur Cabdalle ayaa dhawaan xafiiskiisa shir ugu qabtay xubno ka
tirsan Golaha Wakiillada Puntland, Odayaasha iyo waxgaradka kale... shirkaas
waxaa la isku
guubaabiyay in howlaha Gobolka
dardar cusub la geliyo... iyada oo in isu kaashanayo howlfulinta iyo
wax-qabadka.
JANARAAL GALAAL OO LALA
RAADINAYO DANBIILENNIMO XASUUQ
(London - Xiriir
Telifoon)
Waxaa warar London ka yimid, lagu
soo sheegay in laba kooxood oo Yurub deggani, isu kaashanayaan oo diyaarinayaan
dacwad ay u gudbinayaan Hay'adaha xuquuqda Bani-aadamiga ee Jamciyadda
Quruumaha Midoobay iyo kuwa kale ee Caalamiga ah, dacwaddaas lid ku ah.
Janaraal Maxamed Nuur Galaal, iyadoo
loo diyaarinayo in lagu oogo dacwad ah inuu dhowr jeer dad xasuuqay, oo miditay
raggii lagu xasuuqay gurigiisa taariikhdii 01/02/1991, oo ay ka mid ahaayeen:-
1.
1.
Prof. Ibraahim Maxamuud (Abyan)
2.
2.
Sheekh Muuse Aadan.
3.
3.
Cawil Saleebaan Mursal.
4.
4.
Axmed Green Shaar
Iyo dhacdooyin kale xasuuqa ee
Hay'adaha la rabo in loo gudbiyo, sida la sheegay waa ilaa lix dhacdo.
NABADOONO LAGU BEEN
ABUURTEY.
RAADIYOW GAALKACAYO
Labo nin oo k mid ah 32 qof oo hal
beel oo wargeyska Riyaaq ee tirsigiisii ugu dambeeyey ee soo baxay 29/9/2000 ku
qornaa magacyadooda oo la kale yiraahdo.
1.
1.
Nabadoon Abul Omar Xayd
2. 2.
Sanweyne Mursal Faarax.
Ayaa isla
29/9/2000 ka hadlay Idaacadda Raadiyow Gaalkacayo.
Labadaasi nin
waxay sheegeen in lagu been abuurtay ayna ogeyn meel lagu qoray qoraalkaas iyo
meel ay beesha reer khalaf isgu yimaadeen ogana wada hadleen arrin uu leeyahay
C/risaaq Muuse Xirsi oo ka tirsan isla beesha.
Waxay kale oo
intaan raaciyeen in C/risaaq ay beeshu wax gaar ah ka gaarin, balse uu yahay
shakhsi tegayna Carta Dawlad Goboleedkuna ay go'aan ka gaartay ragga la mid ka
ah isaguna in ragaas wax la qabo.
Ugu
dambayntii waxay maamulka Gobolka Mudug iyo ka degmada Gaalkacayoba ka
codsadeen in wariyaha Riyaaq u fadhiye Gobolka Mudug sharciyo la hor keeno uuna
caddeeyo, waxa ku kallifay arrintaa been abuurka ah
TILMAAMAHA
MADAXWEYNAHA IYO UJEEDDOYINKEENA.
Qoray (Prof. Maxamud
Ismaaciil)
Sida dhabta ah qof keligiis ama kooxi ma dabooli karaan
baahida nololeed ama wax walba ma qobsan karaan xalka bulshada aadamigu u
heshay xaqiijinta daboolidda baahida qofka kooxda iyo guud ahaan bulshada waa
wadajir, ujeeddoyin wadaag ah iyo isku tiirsanaan, qofka iyo kooxda gaar ama
beeshuba ma laha awood, aqoon, farsamo, mana haystaan waqti ay wax kasta ku
qabsadaan, qof kasta ee inaka mid ah, wuxuu ku tiirsan yahay dad kale si uu
baahidiisa u daboolo ama himiladiisa u gaaro sida Askariga difaaca iyo amniga
qaabilsan Baraha, dakhtarka, ganacsadaha shaqaalaha, reer miyiga xoolaha dhaqa,
farsamo yaqaanka, hooyada ubadka barbaarisata, wadayaasha gaadiidka, cuno
kariyaha, aqoon yahanka ilaa hoggaamiyaha shacabku doortay.
Haddii dadku isu geeyaan awooddooda, waxa wada jirtku u
suura gelinayaa inay gaaraan guulo aan qof koox ama beeli gaari karin sida
xoojinta amniga, hirgalinta iyo hagaajinta adeegyada guud, kobanta dhaqaalha,
baahinta sinaanta iyo caddaaladda iyo kor u qaadidda wacyiga dadweynaha iwm
Ujeeddooyinka aynu wadaagno si aynu ku gaarno, waxa lagama
maarmaan ah in aan midayno dadaalkayaga, iskuma duba ridno hawlaheena kala
duwan iyo habka fulintooda isla markaasna isku dayno in aan carqalad kasta ee
gudaha iyo dibedda nooga timaadda uga gudubno sida ugu habboon.
Arrimahaas oo idil waxa tilmaamo ka bixiyey Madaxweynaha
dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed oo shir lagu qabtay
Gobolka Nugaal 25/9/2000, ugu baaqay dadweynaha midnimo wadajir iyo wada
shaqayn aynu ku gaarno xoojinta, difaaca, horumarinta Puntland iyo dardar
gelinta dadaalka aynu ugun jirno dib u dhis dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan
yahay ee federaali ah, Dawlad dhowrta xuquuqda muwaaddinka, xuquul insaanka iyo
axdiyada dawlgia ah oo hanata xukunka dalka, kuna timaadda wada xaajood dawlad
Gobolo, isuna dheeli
tiran, lagana hormariyo dhismeheeda
abaabul iyo gogol xaar lagu xaliyo mashaakilka heshiiska ku gudboon oo hadda ka
hor dhiciseeyey shirarkii isku deyidda dib u heshii siinta soomaaliyeed oo ku
Carta ee ugu dambeeyey ahaa midka ku dhamaaday guul darrada ugu weyn.
WARARKA DIBADDA
SIIRIYA OO SAYRUUQ AH CUSUB TIJAABISAY BBC SEPT 28-2000.
Siiriya ayaa tijaabtisay sayruukh cusub oo riddadiisu
gaarayso dherer ah 500 (Shan boqol oo kiiloo mitir).
Dhammaan dalalka carabta ee hadda ay qabsadeen ragga
dhallinyarada ahi, waxaa ka muuqda siyaasado cusub oo ku dhisan horumar iyo soo
nooleyn qabweynidii Carbeed...
HAWEENKA BAXRAYN OO GALAY
BAARLAMAANKA
AFB SEPT 28/2000
Amiirka Baxrayn sheekh khaliifa Aala taani, ayaa 4 (Afar) ka
mid haweenka baxrayn oo midi tahay nasraaniyad, ayuu u magacaabay Golaha
Guurtida Baxrayn (Barlaamaanka)...
Waxaa la orankaraa tallaabadaasi waa mid haweenka Baxrayn
iyo haweenka khaliijkuba u arkaan guul horumar oo ay soo dhoweeyeen...
IRAAN OO SAMEYSAY
DIYAARAD AH JET
BBC-28 SEPT
2000
Markii uguhorreysay ayaa dawladda Iraan weshedeheeda ka soo
saartay diyaarad nooca Jet ka ah diyaaraddaas mudddo ayaa Jitaabo lagu haynayaa
sancada dalka Iraan ayaa xagga Milliteriga iyo madigaba waxay ku socotaa xawlli
dheer arrintaas oo islaamkana u ah farax, ciddii islaamka necebna u naxdin iyo
murugo.
BUUSH OO U HANJEBEY
DAWLADAHA KHALIIJKA.
BBC-30 SEPT
2000
Ninka u tartamaya Madaxweynnimada dalka Amerika ee ka tirsan
xisbiga Jamhuuriga ah Mudane Bush ayaa khudbad uu fagaare ka jeediyay ugu
hanjebebay dawladaha khaliijka.
Waxaa la sheetgay ninkaasi inuun yiri saaxiibbadayada khaliijku ha ogaadeen shidaalka iyagaa
leh laakiin waxaa ilaaliya dalka Maraykanka waxaana kaga baxa kharaj fara
badan...dawladahaasina yaanay
khaldamin oo arrinta moodin xiriir ganacsi oo caadi ah keliya.
SUUQA
XOOLUHU SUCUUDIGA KELIGIIS MA AHA.
Ummad waliba oo adduunku ku
nool, waxay xoog saartaa oo hormarisaa ilahooda dhaqaale, say tartan joogta ah
ula galaan saylahadaha wax lagu ganacsado ee caalamka.
Hadday tahay, Warshado, Beero, Xoolo, Kalluumaysiga iwm.
Ummadda Soomaaliyeed, waxaa ilaahay ku manneestay Xoolo Nool
Beero iyo kheyraadka badda kuwaas ayaana dhaqaalahoodu laf dhabarka ahi ku
xiran yahay.
Maadaama dhaqaalaheenna laf dhabarka ahi ku xiran yahay
Xoolaha Nool oo aynu ka ganacsanno, waxaa waajib ina saaran ah, innaynu wanaajino Caafimaadkooda io
Daaqsintooda iyo had iyo jeerba laga federo.
Waayahaan dambe aad iyo aad buu u wanaagsan yahay
Caafimaadka Xoolaheena.
Waxaa jirtay labo sanno ka hor, in dawladda Sucuudigu ay
xayirtay Xoolaha Somaliya ku qaadan jirtay iyadoo ku sheegtay in Xoolaha
Soomaaliya ay jiran yihiin oo ay qabaan cudurka R.V.
Arrintaasina waxay ahayd arrin aan wax ka jiraa jirin,
sababtoo ah waxaa soomaaliya yimid Hay'addo caalami ah iyo kuwo Goboleedba
waxayna baareen Xoolaha Nool ee Soomaaliya waxayna adduun weynaha u caddeeyeen
in aysanwax cudur ah aysan qabin
Xoolaha Soomaaliya nooc kasta ha ahaadeen.
Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa bishaan 2000, Dawladda
Sacuudiga marlabaad ka soo yeeray inay joojisay Xoolihii Noolaa ay ka qaadan
jirtay Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Yemen iyaduna jeysaan ee Sacuudiga cudurkaas
si sbabann u ahaa Xoolahaas, markaas Sucuudigu Xoolaha Soomaaliya joojinayo
waxaa waddanka Sucuudiga Boqosho ku joogey ina Salaad-Booy kamana hadlin
arrinta Xoolaha la joojiyay.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Md C/laahi Yuusuf
Axmed, bishiin Sept 25/9/2999 mar uu la hadlaayey waxgaradka, Odayaasha,
Nabadoonada Gobolka Nugaal Hoolka shirarka ee xarunta Gobolka Nugaal, wuxuu ka
hadley Xaalada Joojinta Xoolaha Soomaaliyeed ee Sacuudigu joojiyay wuxuuna
sheegay inay tahay arrin siyaasadeed ee Xoolaha Soomaaliyeed aysan qabin wax
cudur ah.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaan loo fadhiyeen, adduunkuna
sicuudiga ahayn.
Isla bishaan sept 28/2000 waxaa baaq cad soo saaray
ganacsatada dhoofiya Xoolaha Nool ee Dawlad Goboleedka Puntland, waxaana baaqooda
u kala direen hay'ado caalamiga ahiyo kuwa Goboleedka sida UN, EU, FAO, IGAD,
waxayna baaqooda ku sheegeyn in meel ka dhac ku yahay ummadda Soomaaliyeed
qadafka ka soo yeeray sacuudiga, sumcad xumana loogu geystay, Xoolaha
soomaaliyeed aysan jiranayn, waxay Hay'adahaas ka codsideen inay baaraan
Xoolaha Soomaaliyeed warcadna ka soo saaraan.
Haddii aan dib u eegno deegaamada Dawlad Goboleedka
Puntland, waxaa u si dheer Xoolaha Nool ee ka ganacsadaan kalluunka, Libaaxa
dhagihiisa iyo cadkiisa oo la dhoofsho, aargoostada, meydiga iyo Beeyada oo
iyaguna Kaalin mug leh ka qaata dhaqaalaha Puntland.
Waxaa haboon Dawladda iyo Ganacsatadaba inaan u guntano,
sidaanu caalamka kala aynu xiriir ganacsi oo wax wada qabsi ula yeelan lahayn,
ugana baxno suuq keliya ee Sacuudiga oo aan xorta ahayn.
Sidaas darteed Sacuudigu keligiis suuq ma aha.
Qore:- Y. A Rooble
SUUGAAN.
MINDD IYO
QARSOON
1. 1. WAA
LAGU QIYAAMEYNAYAA ARABKA QAAROW-E
2.
2.
BAL QALLAACADAUA GEEDDIGAA IDIN QADDAACAAA.
3. 3. QOSOL
BEENA FOOL WADA QAYAXAN QIIL AAN GARANAAYO.
4. 4. BOORAAN
AFKII LA QAFILAY QABARNA HOOSEYO.
5. 5. MA
ANAA MINDDIYO LAY QARSHAA LAYGU QALI-DDOONO
QORE:-
FAARAX NUUR
A DICTATORSHIP OF ANOTHER
KIND, THE WORST KIND
(By Nuuradiin Aadan
Diiriye- London)
In a recent interview with Mr.
Hassan by Al-Hayat (Arabic Paper) reporter he was specifically asked why should
the Somali people trust him when he loyally served under a dictatorial regime.
The answer he gave did not give us any scrap of comfort but instead made us
more dismal abut our future being in the hands of these people. He blatantly
said "the Somali people must trust, and they have already trusted me"
he showed us how complacently he took our trust for granted. What he does not
realize is that it will be incomprehensible for Kosovo-Albanians to be asked to
trust anyone who loyally served under Slobodan Milosvic's government. Nor will
it be understandable for Europeans to trust anyone who was in Hitler's cabinet.
For that same reason it will be hard for the Somali people to trust a loyal
lieutenant of Siyad Barre specially when he surrounded himself with former
colleagues in crimes.
There has been a public relations
campaign for Mr. Hassan most of it by the UN information service in Somalia
known as IRIN and by the BBC Somali service. It is clear why most Somali people
do not believe whatever public relations exercise these two services comes up
in relation to Abdi Qassim Salad Hassan. A lot of Somalis are aware of the fact
that the editor of IRIN in Somalia is non-other that Abdi Salad Hassan, Abdi
Qassim's own brother. It is not surprising why most Somalis listen to UN's
information service with contempt and regard it to be very amusing to hear what
spin Mr Hassan can master for Mr. Hassan. Evern more Somalis know about the
fact the the chief editor of the BBC Somali service, Mr. Garad, is a close
cousin of Mr. Hassan, so is the BBC's Somali section reporter from Mogadishu.
The people was also made aware of what kind of a man Mr. Garad is, he has even
gone far enough to sack most of the experience Somali radio journalists in the
BBC's Somali section and substituted them with three close in experienced
Somali cousins of his. A person who did not shy away to commit the most
outrageous nepotism against informed Somali journalists should not be expected
to impartially inform Somali public about his close cousin the
"elected" president in Djibouti.
Despite the hard work of Mr.
Hassan's brother and cousins, and despite the spins they have tried so hard to
put on his image and presentation, "the president-elect" has
frequently let himself down in the press. That close net media originations
around him must have got to statements he makes to the press on the first come
first serve basis. We are getting mixed messages from the "president
elect" in relation to how he will deal with the existing administration,
Puntland and Somaliland, and what system he will be governing the country with.
The president elect seems to be amusing everybody who interviews him without
much regard for any dismal contradictions his statements might make. His
sometimes declares that he will use a dialogue in order to make his
administration more inclusive, while, depending on the addressed person at that
time, he also declares that he will use force to unite Somalia. He does not
want to be punished by Allah if he chooses to rule the country with a different
system, while on the same rationale he declares to western journalists that he
has absolutely nothing to do with Islamists and whatever he believes in as a
person is totally different from what he will rule the country with. He
concedes that Siyad Barre's government was dictatorial regime, while on the
same line he shows his delight to have loyally served under that regime.
All those statements can not be
right, and Mr. Hassan ought to distinguish which one of them is right and which
one of them is wrong. He must tell us which one of those statements were a true
conviction of his and which one of them was a joke. I am afraid that Mr. Hassan
has to be told that he can not have it both ways, he is either to be using a
dialogue or he is going to use force, or he is either going to introduce
Shariah law or he isn't. he must
courageously stand by the policies
he heavily contributed to its making or he must denounce everything he has done
in his life for that long years he remained a loyal lieutenant to Siyad Barre.
He can't be using force and call that to be a dialogue, as he cannot be
believing in the sovereignty of the people and call that to be the Sharah law
or visa versa. He cannot be calling Siyad Barre's regime to be a dictatorial
regime and solely exempt himself from their dark memory. He must at least have
the decency to state what his convictions are, if there are any that is. He must state clearly whether he
understands the wish of the Somali people to have a devolved federal system or
the need for them to sustain and build upon the form of decentralization they
have so far achieved.
The Somali people's wishes to have a
devolved federal system is a real one, it is the dream of the people to see
life being possible in each one's territory. It is a dream that the people made
it closer to reality in the few years in which they started to do it out of
desperation. It is the cornerstone of security and stability in today's Somalia
and Mr. Hassan must not be allowed to wreck those fundamental rights of the
Somali people. While a lot of emphases have been made on the need to make a
government regardless of the system it will operate with, it is said that the
central argument on what the people want have been missed in Djbouti
conference.
What has been done in Arta, Djibouti
is an imposition of opinions without really looking down to the practicalities
on the ground as well as the strong and genuine feeling of the people in their
respective localities. In that sense it could only be described not less than a
dictatorship of opinions, and that could only be the worst kind of
dictatorship.
AFKEENNU WAA ISSU AMMAAN.
Diidane:- Waaryaa Nuxnux-le...Afkeenu waa issu ammaane!!! Dadkan
qofwaliba Radiyow-ga yar dhegta ku hayo ee lala soconayo!!! Yaa u wada
iibshay??? Maxaase ka dhegeystaan.....Maxaase u diiday inay wada
dhegeystaan!!!???
Nuxnuxle:- Warkii ayaa dadku isku
aamini la'yahay....qof waliba wuxuu rabaa inuu isagu warramo mooyee, inaan loo
warramin!!!???
Diidane:- Subixii Talaadadii dhowayd
ee Madaxweynuhu ka hadlayay fagaaraha xarunta Boliska, waxaa la arkay askari
meheradaha gelaya oo oranay soo xir oo kaalay khudbadda Madaxweynaha Dhageyso.
Nuxnuxle:- Waar dadku waa dadkii
nadaamkii Maxamed Siyaad ku tababbartayoo... waxba lama aha inay fekeraan in
sonkarta duqa magaaladu qaybiyo!!!
WAREYSI LALA YEESHAY
GUDDOOMIYAHA ISBOORTIGA GOBOLKA MUDUG
Guddoomiyaha Isboortiga iyo dhallinyarada Gobolka Mudug
Mudane Ilyaas C/nuur Xirsi oo jooga Magaalada Garoowe ayaa weirye ka tirsan
Warsidaha Puntland Faarax K.K la kulmay, wuxuuna siiyay warbixin ku saabsan
arrimaha uu u yimi Xarunta Maamul-Goboleedka ee Garoowe.
Guddoomiyuhu waxa uu weriyaha u sheegay in uu hlkaan u yimi,
ka dib markii uu safar dheer ku soo maray meelo ka tirsan maamulka Somaliland,
sida Hargeysa iyo Burco ayna ku soo kulmeen qaar ka mid ah madaxda Isboortiga,
Tababarayaal iyo weliba kooxo, ayna soowada hadleen, bal in uu uga warramo
waxyaabihii uu halkaas kula soo kulmay.
Mudane Ilyaas waxa uu sheegay inay habboon tahay maaddaama
isboortigu yahay mid gacanweyn ka geysan kara wax wada qabsiga iyo wadajirka
shacabka inay tahay mid aad u muhiim ah in dhallinyaradu isdhexgasho lana
sameeyo kulamo isboorti, sidaas darteedna ay tahay in annagu Puntland ahaan aan
qaadanno lbta oo aan walaalahayo ku casunno inay noo yimaadaan oo nala qaataan
tartan isboorti, Arrrimahaas iyo kuwo la mid ah ayaan u joogaa Xarunta, ayuu
yiri, waxaana jecelnahay in Gobolkayaga Mudug aan marka hore casunno Koox ka
socota Togdheer (Burco) haddii ay iga aqbalaan madaxda Wasaaradda Arrimaha
Bulshada, gaar ahaan Agaasinka Isboortiga iyo dhallinyarada iyo Guddiga
Olombigga Puntland.
Mudane Ilyaas waxa kale oo uu sheegay weriyaha in Garoomada
Gobolku ay dayacan yihiin qaarkoodna aysan gacantaba ugu jirin, iyagana waxa
weeye muhiimadda kale oo aan u imi halkaan, waxaana aan rajaynayaa in iyagana
sida ugu dhakhsaha badan wax looga qaban doono
MAXAA SABAB U AH KALA
SHAKIGA INA SALAAD IYO KHALIIF???!!!
Waxaa hore la inoo fahamsiiyay in cali Khaliif Galayr markii uu ka haray wareeggii labaad ee Madaxweyne u
tartanka, inuu codadkii taageerayaashiisa ku biiriyay ciidankii ina
Salaad-Booy.
Waxaa dib la inooga sheegay in ina
Salaad jagada Ra'iisal wasaaraha uu diyaariyay Cali Khaliif Galayr. Sidaasna ay
ku wada galeen socdal dheer.
Waxaa mar kale la inoo soo sheegay
inay labada nin safarkaas dhexdiisa, saddex jeer dib issu dhaarsadeen oo issu
mareen.
Saddexda iimaan iyo dheeraad...Hadda
wararka Jabuuti ka imanayaa waxay leeyihiin saddex nin oo kale ayaa Cali
Khaliif hadda kaga dhow-dhow ina Salaad-Booy maxaa sababay in arrintu halkaas
gaarto??? Dadka qaar waxay leeyihiin:-
1.
1.
Ina Salaad oo aan ballan ka xirmin.
2.
2.
Cali Khaliif oo qaar xigtadiisa ahi majo xaabinayaan.
3. 3. Hawiye
oo aan jagada la rabin Dhulbahante.
4. 4. ina
Cigaal oo aan jagada la rabin nin u dhashay Somaliland-tii hore isagoo
adeegsanaya farsamooyin qarsoon, iyo sababo kale