19 May 2007 04:14

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News](Sources) News Round-up
  • Posted by/on:[AMJ][Monday, October 9, 2000]

  
Md. Sheikh Aden Maxamed [Madoobe] oo maanta ku soo laabtay Baydhabo

by BAYDHABO PRESS


BAYDHABO 8, 2000(BP)- Wafdi balaaran oo uu horkacyo guddommiye ku xigeenka kowaad ee ururka RRA Md. Sheikh Aden Maxamed [Madoobe] ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada BAYDHABO ka dib markii ay soo dhameysteen boqashooyin ay ku tageen dalka Itoobiya iyo qeybo ka mid ah dalka.

Md. Sheikh Aden iyo wafdiga la socda ayaa soo maray magaalooyinka ay ka midka yihiin Saakow, Tiyeglow, Waajid iyo kuwo kale oo ka tirsan gobolada Bakool iyo Jubada Dhexe ugu danbeeynti waxaa Md. Sheikh Aden iyo wafdigiisu ay soo booqdeen magaalo madaxda gobolka Bakool ee Xudur waxaana halkaas ku soo dhaweeyay madaxda gobolka Bakool oo uu horkacyey guddommiyaha gobolka Md. Aden Maxamed Nur [Sarnsoor] iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka goblka. Md. Sheikh Aden mudadii uu joogay gobolka Bakool waxaa uu soo indha indheeyay xaalada guud ahaaneed ee gobolka isaga oo si gaar ah ugu kuurgaly soona booqday xeryaha ciidamada RRA ee gobolka Bakool.

(BAYDHABO PRESS)

______________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Gobolka Bay Md. Maxamed Cali Aden Qalinle oo saxaafada u waramay


BAYDHABO 8, 2000(BP)- Guddoomiyaha Gobolka Bay Md. Maxamed Cali Aden [Qalinle] ayaa xalay sheegay mar uu saxaafada ugu waramay xaruunta maamulka RRA ee magaalada BAYDHABO in maamulkoodu diyaar u ahayn isla markaana ogolaan doonin in dowlada cusub ay xarun ka dhigato magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Md. Qalinle ayaa sheegay in sidii la filayay aysan noqon dowlada cusub ee lagu dhisay Carta oo isbedel badan uu yimid isla markaana ay qolo kasta waajib ku tahay inay nabadgelyada goboladeeda sugto oo ismaamul goboleed sameysato.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Bay Md. Qalinle waxa uu cadeeyay inay Baydhabo yimaadeen xubno Digil iyo Mirifle oo dhan 16 kana tirsan Golaha Baarlamaanka ee lagu dhisay CARTA ayna ka mid yihiin Md. Maxamed Cali Xaamud. Md. Sayid Axmed iyo Cali Marguus waxaana uu sheegay inay u yimaadeen si ay qeyb uga qaatan dhismaha DOWLAD goboleedka Digil iyo Mirifle.

(BAYDHABO PRESS)

_____________________________________________________________________________________________________

Shirar loogu gogol xaarayo dhisamaha Dowalad goboleedka oo ka socda BAYDHABO

BAYDHABO 8, 2000(BP)- Magaalada Baydhabo ayaa waxaa in mudo ahba ka socday shirar loogu gogol xaarayo dhismaha Dowlad goboleedka dhawaanta looga dhawaaqi doono Magaalada BAYDHABO.

Shirarkaas oo sii xoogeystay labadii todobaad ee aan soo dhaafnay ayey wararku sheegayaan in ay ka soo qeybgaleen ergooyin isugu jira Malaaqyo, Salaadin, Culumaau'diin, Haween iyo Aqoonyahano ka kala socda dhamaanba degaanada ay degaan beelaha Digil iyo Mirifle, guddiyada kala duwan ee ku hawlan soo diyaarinta dastuurka iyo qaab dhismaha Dowalada cusub ayaa shaqeeya habeen iyo maalin in ka bada 16 saacadood.

Waxaa kale oo maalinitii shalay ka hadlay shirkaas qaar ka mid ah xubnihii 16 ka ahaa ee ku soo laabtay BAYDHABO kana tirsanaa golaha baarlamaanka Somaaliyeed ee dhawaanta lagu soo dhisay CARTA oo sheegay sida loogu baahan yahay muhimna ay u tahay in Qowmiyadda Digil iyo Mirifle ay sameystaan maamul goboleed ka kooban dhamaan gobolada ay degaan beelaha Digil iyo Mirifle sida Bay, Bakool, Jubada Dhexe, Gedo, Shabeelaha Hoose iyo qeybo ka mid ah Jubada Hoose doortaana Madaxweeynahooda, mid ka mid ah xubnahaas ayaa si kulul u yiri "Cabdiqaasim isku helimaayo Dowalad Somaaliyeed iyo dadkisa oo dhulkeena xoog ku heysta waxaana aan dalbanaynaa ayuu yiri in dhulka Digil iyo Mirifle si nabad ah looga baxo".

Madaxa guddiga u xilsaaran soo diyaarinta dasturka Dowlad goboleedka ayaa noo sheegay in ay hawshoodu gabo gabo ku dhawdahay isaga oo sii raacshy in ay talo iyo fikradaba ka helaan aqoonyahanda u dhashay Digil iyo Mirifle ee ku baahsan aduunweynaha wuxuu kalo uu noo sheegay in Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] uu kala taliyo guddigooda dhinacyo badan oo wax ku ool ah, Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] ayaa la sheegay in mudadii uu joogay dalka Mareykanka in uu lacag dhan $1500:00 oo doolar uu ku iibsaday bugaag la xiriira dasturada wadamada ay ka midka yihiin Mareykanka, Canada iyo wadamo kale oo dhowr ah, dastuurkan cusub ayaa la sheegay in wax xooga ah uu ka duwanaan doono kii kol hore ee sanadii 1995 ta.

(BAYDHABO PRESS)

____________________________________________________________________________________________________


Waxaa maqaalkaan qoray oo ka faaloonaya Ms. Ruqiyo Maxamed

Dad-badan ayaa ku kalsoonaa in ay dhalandoonto dowlad caadil ah, qofkasta oo sheegto Muslimnimada weey fiicantahay in uu ka shaqeeyo nabada ummadooda. Laakiin Walaalyaal Habargidir iyo Mareexaan sida ee noo galeen iyo dhibaatadeey inoo geesteen miyaan ilaawe karnaa, dad u dhashay Digil iyo Mirifle ayaa rabo in ay Dowlada la wadaagto Habargidirk iyo Mareexaan taas waa nasiibdaro sida aad ogsoontihiin waxaa noo soo halgamay Ururrka RRA Maamulka RRA waxaan istaaginay mooqif aad u adag ee qatar gelisay jiritaanka Ururrka iyo Umadaba.

Walaalayaa markii la soo magac-qaaday shir nabad ku sheegii lagu qabtay magaalada Carta markii lagu martiqaaday Ururrka RRA weey diideen in kastoo ay ka qayb-galaan markii danbe dad badan oo Digil iyo Mirifle ah ayaa aad iyo aad u rabay in ay ka qeeybgalaan shirkaas waxeey eedeen u jeediyeen Maamulka RRA oo diidanaa ka qaybgalka shirkaas waayo waxaa eey ogaayeen in ummadaas eeysan aheen ummad wax lagu darsan karo eey colaad naga dhexeeyso markii laga hadlay ee la ogaaday in dadbadane eey rabaan in la tago ayaa waxaa la diray ergoo waxaa dhacay wax aad ogsoontihiin sidaa awgeed ayaa Dr.Hassan Mahamed Nuur (Shatiguduud) ugu qaybgalay ujeedadiisana waxeey aheeyd in eeysan Digil iyo Mirifle kala Jabin oo eey ku gancaan beenta meesha lagu haayay soo ogaadaan in aan waxba loo quurin sida caadada ahaan jirtay in la xaqiro xaqeena. Ilaa mudo ayuu ku simay ooo uu dareensiinaayay dadkii ka qaybgalay shirka Cart in eey gartaan Qiyaanada meesha taalo in beenta la doonaayo in la dhiso Dowlad Gacan ku rimis ah hase yeeshee Dad-badan oo Oqoonyahano ah ayaan dareemin Qiyaanada iyo beenta eey wataan Habargidir iyo Ismaaciil Omar Geele oo weli rajo ka qabo in eey Dowlad Somaaliyeed ee KMG ah dhalatay.

Hadaba Walaalayaal Digil iyo Mirifle waxaan idin leeyahay guntiga dhexda ku adkeesta Gacmahana is qabsada ee dhulkiina u soo jeesta ee taageero buuxda siiya Ururka RRA ee usoo Halgamay welina u soo taagan in uu ka xoreeyo cadawga Dhulka Digil iyo Mirifle.

Mar dhow wexeey ku dhawaaqi doonaan Dowlad Madax-banaan oo ah Digil iyo Mirifle iyo in eey xoreeyso dhulka inta ka dhimaan raga u hanqaltaagaayo Dowlada Cabdiqaasin waxaan idin sheegayaa taas waa eey bur-burtay bur-burtay, bur-burtay, bur-burtay. ee u soo laabta dadkiina iyo dhulkiina difaaciisa.

W.Q. Ruqiyo Maxamed

____________________________________________________________________________________________________

SOMALI REFUGEES TO STAY IN UGANDA
Sept 06, 2000

SOMALI REFUGEES TO STAY IN UGANDA

By AFP

06 October 2000

Kampala – Some 6,000 Somalis who fled upheaval at home and sought refuge in Uganda remain fearful of returning to their war-torn country despite the installation of a new president under an August peace deal. In interviews with AFP here, the Somalis said they still feared returning home because some Somali warlords have yet to recognize the new Somali president Abdi Qassim Salad.

Uganda is host to some 6,000 Somali refugees, most of whom have refused to be transferred to refugee camps in western Uganda and are living illegally in Kampala and its Kisenyi suburb. But, officials at the Ministry of Gender and community Development say that Uganda will not force the Somalis refugees legally residing in the country to return home until they feel it is safe to go there.

_____________________________________________________________________________________________________

Oct 7, 2000
by Jamhuriya Newspaper

MADAXWEYNE CIGAAL OO CAFISKII KALA NOQDAY GARAAD ABSHIR SAALAX.

Hargeysa (jam)………Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ayaa la noqday cafiskii uu u fidiyey Garaad Abshir. Warsaxaafadeed uu madaxweyne Cigaal soo saaray xalay saqdii dhexe waxa uu ku sheegay in Garaad Abshir mustaafir abadiye ah waligii ka yahay shan gobol oo ka mid ah lixda gobol ee dalku ka kooban yahay . gobolka qudha ee uu fasaxa u yahay in uu joogi karana waa gobolka Sool . shanta gobol e kale, kii uu soo galaba Garaad Abshir waxa lagu doonayaa isagoo ku xukuman todobadii sano ee xadhiga ahaa ee maxkamadu ku xukuntay. _____________________________________________________________________________________________________

Xubnaha Baarlam…

Jabuuti: [Xiddigta Banaadir]

Xubnaha golaha Baarlamaanka Soomaalida ayaa amar lagu siiyay inay tagaan magaalada Muqdisho kahor maalinta Sabtida ah ee soo socota iyadoo uu fadhigoodu noqon doono Hotel Ramadaan ee W/Muqdisho.

Wararka ka imaanaya magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweyne C/qaasim iyo Guddoomiyaha Baarlamanka ay taas isku waafaqeen inkastoo ay diidan yihiin qaar ka mida xubnaha Baarlamaanka oo horay uga soo horjeestay arrintaas. Waxaana lagu wadaa in wafdiga Madaxweynaha ay Muqdisho yimaadaan maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

_____________________________________________________________________________________________________

Wafdigii ka socday

Addis Ababa: [Xiddigta Banaadir]

Wafdigii ka socday Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo ay ka mid ahaayeen C/llaahi Axmed Caddow, Yuusuf Dheeg iyo Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa weli jooga magaalada Addis Ababa.

Wafdiga oo dhambaal ka siday Dr. C/qaasim waxay warar aanu ka helnay Addis Ababa sheegayaan in si aan habooneyn loola dhaqmay oo aan la ixtiraamin isla markaana weli aysan la kulmin wax mas’uuliyiin ah oo ka socda dowladda Federaalka Itoobiya.

Wararku waxay sheegayaan in wafdigu la soo xiriireen Dr. C/qaasim oo la filayo inay arrintaas ka wadahadlaan Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya

______________________________________________________________________________________________

Xasan Shire: “…..”

La-Guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Dr. Ismaaciil Jimcaale ayaa sheegay in xiriir adag ay la leeyihiin Maxkamadaha Islaamiga ah, “Bishii May 1997 iyadoo aan adeegsaneyno cadaadiska dadweynaha ayaanu joojinay gacamo goyntii Maxkamaddii Sheekh Cali Dheere ee ka jirtay W/Muqdisho, kadibna waxaa K/Muqdisho laga dhisay Maxkamado beelo ku saleysan, waxay aad u daneynayeen inay beelaha ka difaacaan dhaqdhaqaaqa maleeshiyada, sharcigoodana ma dhaafsiisneyn beeshaasi gaarka ah” ayuu yiri Xasan Shire Sheekh.

“Waxaan u arkaa inay yih-iin meelo lagu dhaqan celiyo dha-linyarada asluubta daran halkii ay ka ahaan lahaayeen Maxkamado dhab ah, ma laha ciqaabta dilka ah mana gooyaan gacmaha, waxaana kormeernaa saddexdii biloodba xaaladda xafiisyada Maxkamad-aha halkaas oo ay ku hayaan dh-alinyarada aan asluubta lahayn, waxaana ka soo saarnaa warbixin, waxaana fiirinaa haddii ay raaca-an xeerka caalamiga ah” ayuu yiri Xasan Shire oo wareysi dhowaan siiyay IRIN.

Xasan Shire waxa uu sheegay in loo baahan yahay taxa-dar, mar la weydiiyay cida difaacda, “Looma baahna inaad seexato W/Muqdisho markii warbixin aad ka qorto Jameecada Misra, marka aad warbixin ka qorto Qoryooley ma seexan kartid K/Muqdisho, marka aad ka hadasho inuu Muuse Suudi xiray ciyaartooy ma haboona inaad seexato Madiina, waa inaad taqaan sidaad u socon lahayd adigoo raacaya warbixinta wa-qtigaas jirta….waa taas xaalada Muqdisho laakin haatan waxaan rajeynayaa inaan helno meel joogto ah oo aan seexano oo aan ku nasano”.

[Xiddigta Banaadir]

______________________________________________________________________________________________

Xubnaha beelaha…

Wararka naga soo gaaraya Jabuuti ayaa sheegaya inay si aad ah uga caroodeen xubnaha beelaha Isaaq ee Golaha Baarlamanka magacaabida Md. Cali Khaliif Galleyr loo magacaabay jagada Wasiirka koowaad shalay.

Arrintan ayaa la sheegay inay ka careysan yihiin mudana-yaal badan oo Baarlamaanka ugu jiray beeshaas, kuwaasoo filayay in jagadaas loo magacaabo nin ka socda degaanada W/Galbeed, taasoo meel mar noqon weyday, waxaana la sheegay inay qaarkood ku hanjabeen inay qaadici doonaan tegitaanka Golaha Baarlamaanka ee Muqdisho kana soo horj-eesan doonaan magacaabidiisa.

Sida la ogyahay waxaa gacan ka hadal Hotel Sheraton ee Jabuuti ku dhex maray taageerayaal ka kala socday gobolada W/G-albeed iyo W/Bari oo kala taageerayay musharaxnimada jagada Ra’iisal Wasaaraha, waxaana aad loogu han weynaa in Md. Ismaaciil Buubaa loo magacaabo.

[Xiddigta Banaadir]


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:02 AM. Webmaster HomePage