19 May 2007 04:15

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country] (GAROWE) CALL FOR FEDERAL GOVERNMENT
  • Posted by/on:[AMJ][Saturday, October 28, 2000]

 
  25/10/2000

 

SHIRKA SADDEX GEESOODKA AH EE PUNTLAND, RRA & SPM 

Shir ay isugu yimaadeen waftiga RRA oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Dr. Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud) oo dhawaan yimid Puntland, Guddoomiyaha SPM Aadan C/llaahi Nuur (Gabyow) iyo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa lagu go'aamiyey in laga wada hadlo mustaqbalka iyo horumarka Somaaliya. 

Waxaa Madaxdu isku raacday in si faahfaahsan loo guda galo Ajendaha hoos ku xusan: - 

 

AJENDAHA 

  1. DHISMO MAAMUL GOBOLEEDYO IYO HIRGALINTA HANAANKA FEDERAALKA.
  2. KA BIXITAANKA GOBOLADA LA HAYSTO.
  3. QABASHO GUDDI FARSAMO OO U GOGOL XAARA SHIRWEYNE SOOMAALIYEED IYO DIYAARINTA DASTUURKA SHIRWEYNAHA.
  4. SHIRWEYNE LOO DHANYAHAY EE DIB-U-HESHIISIINEED OO LAGU QABTO WADANKA GUDIHIISA.
  5. CIDA SHEEGANKARTA MAS'UULIYADDA GUUD EE SOOMAALIYA.
  6. RRA, SPM, SNF & SSNM OO SAMAYNDOONO MAAMUL GOBOLLEED.
  7. JOOGTAYNTA XIRIIRKA PUNTLAND, RRA IYO SPM. 

 

Maanta oo ay taariikhdu tahay 26-10-2000 waxaa shir isugu yimid Dawlad Goboleedka Puntland iyo ururada RRA iyo SPM, waxayna ka wada hadleen Ajendaha kor ku xusan. 

Waxaa fadhiga shirka shir-gudoon loogu doortay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Md. C/llaahi Yuusuf Axmed  

 

GO'AANNADA SHIRKA SADDEX GEESOODKA AH EE PL, RRA & SPM

 

1.      Dhismaha Dawladda federaalka ah ee Soomaaliyeed, waa inuu ka soo bilowdaa Dawlad goboleedyo sidan ah: -

a.      Dawlad Goboleedka Puntland.

b.      Dawlad Goboleedka Waqooyi-galbeed (Somaliland)

c.      Dawlad Goboleedka gobolada dhexe, iyo

d.      Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed

 

q       Dawlad Goboleedka Koonfur-galbeed, wuxuu ka koobnaan doonaa:

;    Shabeelada hoose

;    Bay

;    Bakool

;    Gedo

;    Jubada hoose, iyo

;    Jubada dhexe.

 

q       Dhismaha Dawlad goboleedka Koonfur-galbeed waxaa ka qayb qaadan doona Ururada RRA, SPM, SNF iyo SSNM, iyadoo la tixgelinayo xuquuqda dadka deegaanadaas ku nool oo dhan.

q       Ka hor dhismaha Dawlad Goboleedka Koonfur-galbeed, waa in shacabka ku nool goboladaas oo dhan la wacyi-galiyaa, loona diyaariyaa, lagalana tashadaa dhismaha Dawlad goboleedka.

2.      -     In la qabto shirweyne dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed.

-         Shirweynaha ka horna la magacaabo guddi farsamo oo soo diyaariya dastuurka Dawladda federaalka ah.

-         Shirweynaha waxaa ka soo qaybgalaya ergooyin ka socda Dawlad Goboleedyada.

-         Dawlad Goboleedyaduna waa in ay noqdaan kuwa shacabkoodu soo doortay.

-         Shirweynaha dib-u-heshiisiinta waa in lagu qabtaa dalka gudihiisa.

3.      Inta laga gaarayo, shir ay u dhan yihiin Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed ee hadda jira iyo kuwa dhawaan la dhisi doono, shirkaasna lagu dooran doono dawlad dhexe ee federaali ah, cid sheegan karta mas'uuliyad guud ee Soomaaliya ma jirto.

4.      Waxaa la magacaabay xoghayn joogta ah, oo ka shaqaynaysa hawlaha xiriirka iyo shirarka Dawlad Goboleedka Puntland iyo ururada RRA, SPM, SSNM iyo SNF.

 

Baaq Gaar ahaaneed 

 

Waxaan beelaha Soomaaliyeed ee xoogga ku haysta deegaan/deegaamada aysan lahayn ugu baaqaynaa in ay si nabad ah uga baxaan, kuna noqdaan deegaamadooda, si uu u abuurmo jawi is-aaminaad iyo wada shaqayn ah, la isagana ilaaliyo inuu dagaal sokeeye dib u bilowdo-taasoo fududaynaysa dhismo dawlad dhexe oo federaali ah ee Soomaaliyeed. 

Waxaan kaloo ugu baaqaynaa in si dhakhso ah looga dhiso Dawlad Goboleedyo meelaha aysan wali ka jirin. 

Sidoo kale waxaan Dawladdaha daneeya arrimaha Soomaaliyeed & ururada IGAD, Arab league, OIC, OAU, UN & dhammaan bulshada caalamku inay gacan siiyaan Dawlad Goboleedyada hadda jira iyo kuwa dhawaan la dhisi doono, si ay u suurtogasho in la dhiso Dawlad Soomaaliyeed ee Federaali ah, oo loo dhan yahay.

 

Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Madaxweynaha Dawladda  

 

Dr. Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud)

Guddoomiyaha Ururka RRA 

 

Gen. Aadan C/llaahi Nuur (Gabyow)

Guddoomiyaha Ururka SPM

________________________________________________________________________________

 

Somali factions call for federal government

Source: Agence France-Presse (AFP)
Date: 27 Oct 2000
NAIROBI, Oct 27 (AFP) - Three Somali factions meeting in the northeastern city of Garowe on Friday called for the formation of four regional states to establish a new Federal Republic of Somalia.

The demand came from Puntland leader Abdullahi Youssuf Ahmed, Rahanwein Resistance Army (RRA) commander Hassan Mohamud Nur "Shatigudud" and General Aden Abdullahi Nur "Gabyow" of the Somali Patriotic Front (SPM).

The three suggested that these states should be Puntland, a self-proclaimed autonomous territory in the northeast, the self-styled "independent" Somaliland in the northwest, a state in central Somalia and another in the southwest.

The faction leaders also called for the formation of a technical committee to prepare a new national reconciliation conference for the country, which has been torn among rival warlords since the collapse of central government with the May 1991 ouster of dictator Mohamed Siad Barre.

Most of the warlords reject the authority of a government newly formed by President Abdulkassim Salat Hassan, a head of state chosen this year by Somali parliamentarians meeting in exile in neighbouring Djibouti.

The Garowe proposal for a new federal state was made in a joint communique faxed to AFP here.

The chairman of the Southern Somali National Movement (SSNM), Abdullahi Sheikh Ismail, who is in Nairobi and endorsed the outcome of the Garowe meeting, also appealed to the international community to show political and diplomatic restraints in Somalia.

Ismail urged the international community not to extend financial assistance Somalia that could be used to perpetuate violence in the wartorn Horn of Africa nation.

The Garowe meeting also called for the "liberation" of areas currently occuped by alien clans, a reference to the presence of militiamen of Habr Gedir in southern Somalia's Lower Shabelle and Middle and Lower Juba regions.

"The clans that occupy the land of others should vacate to avert renewed bloodshed in Somalia," the communique warned.

Signatories of the communique, which was the outcome of a three-day meeting, later told AFP by telephone that they considered the establishment of a Somali government at the Djibouti resort of Arta was "a hostile action that could provoke further violence in Somalia."

amu/lto/jhl/nb AFP

Copyright (c) 2000 Agence France-Presse
Received by NewsEdge Insight: 10/27/2000 06:35:34

©AFP 2000: The information provided in this product is for personal use only. None of it may be reproduced in any form whatsoever without the express permission of Agence France-Presse.


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:03 AM. Webmaster HomePage