19 May 2007 04:15

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (http://www.somalilander.org/) SNM Eying the Hot Seat
  • Posted by/on:[AMJ][Tuesday, Nivember 21, 2000]

 Siilaanyo iyo SNM oo isku Diyaarinaya inay Cigaal Bedelaan

Wasiirkii hore ee Qorshaynta, Mr. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay in uu qorshaynayo sidii uu dalka u hogaamin lahaa marka Cigaal wakhtigu ka dhamaado. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Mr. Siilaanyo uu damacsan yahay in uu Cigaal kula tartamo madaxweynenimada Somaliland sanadka 2002 da oo la filayo in doorasho lagu soo dooran doona madaxweynaha dalka la qaban doono. Cigaal ayaa isagu ilaa haatan aan shaaca ka qaadin in uu damacsan yahay in uu mar labaad isasoo sharaxo iyo in kale, hase yeeshee warar aanu ka helnay ilo ku dhowdhow madaxweynaha ayaa sheegaya in aanu Cigaal weli ka fulin madaxweynenimada dalka uuna isasoo sharixi doono mar kale doorashada dambe.

Mr. Siilaanyo iyo rag kale oo uu ka mid yahay Cumar Carte ayaa la sheegay in uu hunguri kaga jiro sidii ay jagadaa u hantiyi lahaayeen. Somaliland waxa tan iyo 50 nadii ka talinayey rag iku wada fac ah, marka laga reebo sanadihii dalku ku jiray Soomaaliya.

Mr. Siilaanyo wuxu ahaa gudoomiyihii 4aad ee SNM isagoo si weyn looga tixgelin jiray siyaasada dibada oo uu ururka SNM kaga adkaaday taliskii Afweyne ee uu halganka kula jiray. Siilaanyo waxa dad badan ay ku tilmaamaan nin hadal kar ah oo hawl yar jirtoo la sheegay in uu ka mid ahaa wasiirada ugu tayada fiican ee dalka soo maray.

Siilaanyo waxa uu aad ugu caan ahaa cambaaraynta dawlada Cigaal ka hor intaanu noqon wasiirka isagoo mar ku tilmaamay cigaal Maamulaha dawlada dhexe, gudoomiyaha baanka,  madaxweynaha dalka iyo mid jecel in uu maamulo wax kastaba. Siilaanyo intii uu wasiirka noqday wuxu ka dhawrsoomay cambaaraynta siyaasada dawlada. Sidoo kale waxa la sheegay in uu Axmed Siilaanyo ku milmay musuqmaasuqa dalka ka jira iyadoo lagu tilmaamay in uu yahay mid ka mida kuwa ugu musuqmaasuqa badan wasiirada Cigaal. Madaxweyne Cigaal oo mar wax laga waydiiyey musuqmaasuqa wasiiradiisa ayaa caddeeyey in dhamaanba wasiiradiisu ay yihiim kuwo musuqmaasuq googooyey taasina ay tahay xaqiiqda dhabta ah ee dalka taala.

Mr. Siilaanyo ayaa maalmahan dambe lagu arkay meelaha ay isugu yimaadaan guddida dhexe ee ururka SNM iyadoo la sheegayo in uu Siilaanyo ku hawlan yahay soo celinta awoodii iyo karaamadii SNM.

Back to the Main Page

RELATED ARTICLE:

Somaliland frees supporters of Somalia government

  


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:02 AM. Webmaster HomePage