|
Warbixin ku Saabsan
Waxqabadka Ururka HIRDA
Maxamad Adan (Holand)
Ururka HIRDA, (Himilo Relief
Rehabilitation and Development Association) waa urur samafal
ah oo ujeedadiisu tahay in uu ka qayb qaato howlaha samafalka
ah ee ka socda Soomaaliya gaar ahaan Gobollada Gedo, Jubbada
Hoose iyo Galgaduud. Ururkani waxaa uu howl dhinaca
waxbarashada ah ka wadaa Degmada Bardere, Gobolka Gedo.
Dugsiga Hoose dhexe ee
Bardere oo hoos yimaada HIRDA waa dugsiga kaliya ee ka jira
degmadaas oo ay ku nool yihiin qiyaastii dad gaaraya 70,000 oo
qof. Sanaddugsiyeedka 1999/2000 waxaa imtixaanka u fariistay
carruur tiradoodu gaarayso 312 arday. Ururkan HIRDA oo illaa
iyo hadda ku tiirsan dhaqaale ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee
u dhashay asal ahaan degaanada uu ururkani ka howlgalo ee kor
ku xusan, isagaas oo kaliya ayaa ka jira degmadaas wax urur ah
oo ku howlan waxbarashada. Haseyeeshee Gobolka intiisa kale
marka laga reebo Luuq waxaa dhinaca waxbarashada ka taageera
ururro caalami ah oo kala ah TROCARE iyo NCA.
Sanadadii 1998iyo 1999 waxaa
uu ururku ku howlanaa wacyi galinta Jaaliyadda si ay uga qayb
qaataan howlaha samafalka. Sanadkan 2000 ururku waxaa uu ku
tallaabsaday in uu xiriir iskaashi ka raadiyo ururrada
caalamiga ah, waxaana noo suurta gashay in aan gayno Gobolka
ururka NOVIB wakiil ka socda si uu u soo arko xaaladda dhabta
ah ee ka jirta Gobolka kaddib markii ay soo mareen degmooyinka
Bardere, Burdhubo, garbahaarey iyo Baled xaawo.
Waxaan diyaarinnay Daraasad
(Project proposal) suurta galinya in aan helno kaalmo ka
baxsan tan Jaaliyadda. Waxaana farxad noo ah in aan idiin soo
gudbinno in hayaddii tagtay Gedo, kaddib markay arkeen
dadaalka aan samaynay waxay ogolaadeen in ay na dhex marto
wadashaqayn joogto ah (partnership). Sidaas darteed waxaan
rajaynaynaa in aan mustaqbalka wadajir u fulinno mashaariic
waxtar u leh bulshada dhibaataysan ee ku dhaqan Gobolladaas.
Arrimahaas waxaa suurta galiyey Deeqda ay jaaliyadda bixiso
iyo dadaalka guddiga fulinta iyo xubnaha HIRDA ee ka howlgala
gudaha dalka.
Safarkii Warbixinta Gedo
|