19 May 2007 04:15

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country](Bosaaso) Warbixin Ku Saabsan The East African University
  • Posted by/on:[AMJ][Tuesday, November 21, 2000]

 

Walaalayaal waxaan halkaan idinkugu soo gudbinaynaa warbixin ku saabsan jaamacadda East Africa.

1-Barnaamijka jaamacadda  fikradeedu waa horreysay waxaase  shaqo ahaan loo bilaabay muddo 3 sano ah. Waxaa kulamo badan lagu qabtay (Makka 1998, Bosaso 1999, Dubai 2000). Waxaa shirarkaas lagu gorfaynayay barnaamijka jaamacadda.Fikradda ugu weyn ee dhalisay baahida jaamacadda waxaa ka mid ahaa arrimahan soo socda:

  • Mandiqada oo ay ka jirto macalimiin la'aan gaar ahaan dugsiyada sare, una baahan in loo soo saaro macalimiin
  • Ardayda dugsiyada sare dhiganaya oo aan haysan waxbarasho ka sarraysa oo ay tigsanayaan.
  • Mandiqada oo dhanka ganacsiga si xoog leh uu u horumarayo laakiin ay ku yar yihiin dad aqoon u leh maamulka iyo ganacsiga (Business, Accounting, Management, Marketing.)
  • Mandiqada oo aad u ballaaran una baahan in loo tababaro dad yaqaan shareecada Islaamka dadkana bara.                                                                                                   
  • Baahidaas markii la darsay ayaa la go'aamiyay in loo baahan yahay in marka hore la aasaaso 3 kulliyadood oo baahidaas daboosha (Shareecada - Education -Business and management).

    Tusaale ahaan mandiqada waxaa hadda ka jira 9 dugsi sare oo celcelis ahaan ay dhigato 900 arday, sannad walbana ay ka soo baxayaan 300 arday, ardaydaas waxay u baahan yihiin waxbarasho heer jaamacadeed ah oo ay higsadaan.

    Waxaa Guddiyadaasi xooga saarayaan in Jaamacaddu ay ahmiyadda u weyn saarto sidii ay ku noqon lahayd mid tayo (quality) leh. Sidaa awgeed waxaa wakhti qaatay sidii Curriculum ka loo samayn lahaa iyo sidii macalimiinta lagu xuli lahaa.

    Waxaa Guddiga howsh waday xooga saareen 2 arrimood:
  • Inay howsha Alla dartii u qabtaan
  • Inay ummada u adeegaan wax fiicana u qabtaan.

    Dhanka farsamada  (polytechnic schools) ama (nursery institutes)iyo baahida kale ee bulshada  la is kama indhotirin, laakiin waxaan la soconay dadaalka laga waday arrintaas,haddana sidaad la socotaan waxaa ka furan magaalada Boosaaso oo ay maalgelisaa hay'ad Kuwait ku taal Machad farsamo oo la furay sannadkii 1997 bishii Octoobar markii horena ahaa sannad, haddase laga dhigay 2 sano, wuxuuna ka kooban yahay qaybaha (electrical-mechanical-and carpentry) haddana waxaa lagu darayaa qayb construction ah. Sannad walba waxaa gala 60 arday . Aad buu machadkaas magaalada wax ugu taray hadda qalabyada xafiisyada albaabada ganjeelooyinka isagaa sameeya oo dadka ka
    iibiya.

    Sidoo kale bishii Septembar sannadkan 2000 waxay isla hay'adaasi ka furtay magaalada boosaaso machad (Nursing Institute) waxayna ka dhistay meeshii ahaan jirtay wakaalada (inji) ee boosaaso waxaana hadda dhigta 80 gabdhood waana 4 semesters (2 years) gabdhaha macalimiinta ka ahna Kuwait baa la keenay oo 4 month intensive course lagu siiyey. Isaguna mandiqada wax weyn buu u tarayaa waxaana loo beddeli karaa kulliyad jaamacadda la hoos geeyo.

    2-Guddiyo ayaa la sameeyay howsha dhaqaajiya (Academic committee - Logistic Committee-Construction). Guddi walbana howshiisa ayuu watay, intii howshu socotay waxaa kormeer lagu tagay jaamacadaha waddamada aynu deriska nahay (Yeman-Sacuudiga-Kuwait-imaaraadka) si aan uga faa'ideysano.

    Jaamacadda Dhismaheeda waxaa maalgeliyey hay'ad Kuwait joogta waxaana contract ku qaatay eng. Ahmed Barre waxaana ku baxay 315,000 USD, Waxay ku fadhidaa dhul dhan (800 meter x 600 meter) magaalada Boosaasana 2 km ayay u jirtaa dhanka qardho. Waxay ka kooban tahay (16 fasal + 4 officess+lecture hall) guryihii ardayda (100 arday), library, Restaurant, Masjid, Guryihii macalimiinta (8 macalin) waxaana la dhagax dhigay bishii March kowdeedii waxaana dhagax dhigay Gen. Cismaan Fatiig, Barasaabka Boosaaso, odayaasha mandiqada iyo ganacsatada waaweyna way ka soo qayb galeen. Waxay jaamacaddu hada u baahan tahay qalabayntii oo dhan 135,000 USD. Waxay ardaydu hadda ku sii dhigtaan Imaam shaafici secondry school.

    Dhanka Running cost jaamacadda waxaa loogu talagalay (as planned) in laga soo saaro :
  •  Fee ga ardayda laga qaadayo (300$/year)
  •  Kaalmada laga helayo jaaliyadaha dibedda iyo hay'adaha kaleba
  •  Jaamacaddu inay mustaqbalka dhow samaysato ilo dhaqaalo haddana barnaamijkaas hirgelintaas waa la bilaabay.

    3-Bishii October 1999 ayaa la register gareeyay ardaydii u horreysay waxayna qaateen 6 bilood intensive course. Kadibna waxaa la bilaabay register gareynti ardayda jaamacadda si rasmi ah u geli lahayd waxaana is qoray 180 arday, waxaana waxbarashada loo bilaabay kowdii octoobar 2000, waxayna kala dhigtaan kulliyadaha shareecada iyo business and management. Waxaa ardaydaas
    hadda gaaray buugtii (text books) ahaa oo dibedda looga soo iibiyey si free ahna loogu qaybin doonaa Waxaa guddiga jaamacadda go'aan ku gaaray in kulliyada kale dib loo dhigo semesterkaan inta laga wada helayo baahideeda oo kala ah (qualified teachers, laboratories (physics-chemistry-biology), library.

    4- Waxaa jaamacaddu scholarship siisay ardayda gobolada si ay uga faa'ideystaan waxbarashada jaamacadda, hadafkii hore ee jaamacadduna waxay ahayd in mandiqada ay ka haqabtirto baahida aqooneed intii awoodeeda ah.
Waxayna u kala helen sidatan:
  • Sool  10 arday
  • Sanaag 10 arday
  • Mudug  11 arday
  • Caabudwaaq 6 arday
  • Goldogob 6 arday
  • Nugaal   7 arday

    Bari (oo ardayda u badan yihiin weli looma xadidin scholarshipkeeda)Ardaydaas gobolada jaamacaddu waxay ka bixinaysaa fee ga sannadka  (300$) waxayna siinaysaa, text books, jiif iyo cunto free ah.

    Waxaana Jaamacadda Boosaaso xarun looga dhigay maadaama ay u dhaxayso goboladaas oo dhan, ardayda ugu badana laga heli karo iyada, uguna dhaqdhaqaaq badan tahay, Dadkana ay u dhaxayso oo aysan noqon jaamacad gobol gooni ah leeyahay . Si looga hortago kuleylkeeda jaamacadda oo dhan waxaa la gelinayaa (airconditons).

    5-Jaamacadda waxaa hadda macalimiin ka ah rag qualified ah waxayna kala yihiin:
Magaca Shahaadada Waddanka uu ka qaatay
  • Dr. Abdulqaadir Mahamed Abdalla    PHD in Aqida Sacuudiga
  • Dr. Ahmed Hagi Abdirahman    PHD in Sunna Sacuudiga
  • Bashiir Khaalid Master in Fiqhi    Suudaan
  • Abdirashid Sheekh Saled Master in Qoran Pakistan
  • Mohamed Abdullahi Ismail MA (commerce) Trondheim
  • Abdulkadir Dualeh MBA Sidam (Somalia)
  • Mohamed Mumin Yusuf MBA Sidam (Somalia)
  • Yaasiin Jabuutaawi Gr.(English Language)

    Waxaa bisha Ramadaanka jaamacadda ku biiri doona:
  • abdirisaak Hussein Ahmed PHD in Koran  from Saudia
  • Mohamed Abdi Ahmed Master in English from Yeman
  • Abdirashid Sh. Maxamuud  Master Languistic from Suudaan


    6- Jaamacaddu waxay leedahay Board sare oo ay ka mid yihiin Aqoonyahanada iyo Odayaasha mandiqada waxaana ka mid ah:
  1.  Burhaan Boqor,
  2. Beelldaaje Cali Faarax,
  3. Garaad Maxamed Cilmi Shirwac,
  4. Eng. Hassan Yaasiin Ugaas,
  5. General Cismaan Fatiig, C/casiis Guureeye Kaarshe.  <?xml:namespace prefix = o ns = "urn:schemas-microsoft-com:office:office" />
  6. Iyo rag kale oo ka mid ah acyaanta mandiqada.

    Ugu dambeyntii walaalayaal Barnaamijka jaamacadda East Africa waa mid strategic ah mandiqadana wax badan ka beddeli doona, faa'idooyin badanna laga heli doono. Arrinta ugu weyn oo u baahan inaan iska kaashano waa sidii ay jaamacaddu lugaha isugu taagi lahayd xagga dhaqaalaha inaan naf iyo maalba u hurno, wax walbana dhaqaalaha ayay ku xiran yihiin. 


    Walaalihiin
    Maamulka Jaamacadda East Africa
    Boosaaso

 


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:02 AM. Webmaster HomePage