19 May 2007 04:15

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country](Burtinle)Worthy Cause/Meeting the Donnors Halfway
  • Posted by/on:[AMJ][Tuesday, November 21, 2000]

                          BURTINLE SECONDRY                                        SCHOOL                                 


Buurtinle, Nugal Region, Puntand State of Somalia

KU: DIASPORADA DIBEDDA

Ujeeddo: Dhismo & Qalabayn Dugsi Sare ee Degmada Buurtinle

A) Horudhac

Waxaa degmada Buurtinle wax ka barta 600 oo arday, marka laga reebo ardada macalcamadaha quraanka. Hase yeeshee waxaa surtagal noqon karta in laga kor
dhin karo intaas in dhowr jeer ka badan, haddii la siyaadiyo wacyiga
waridiinta lana helo fursado dhiiri-geliya waxbarashada.

Ardada aadda dugsiyada rasmiga ahi waxay isugu jirtaa kuwo aadda dugsiyo
hoose-dhexe iyo machad diini ah ee laga taakuleeyo Sacuudiga - haya'dda
Al-Muntadda Al-Islaami.  Waxaa baahida Buurtinle la wadaaga ardada wax ka
barata beelha Godobyar, Magacley, iyo Jalam oo ah meesha ugu ardo badan
marka laga reebo Buurtinle.

Sidoo kale waxaa iyagana baahida dugsi sare la'aani ka jirta beelha Xarfo,
Balli-Busle iyo tuulooyiin kale ee mustaqbalka yeelan karo dugsiyo
hoose-dhexe. Deegaamadaasi waxay ku dhow yihiin degmada Buurtinle, lana
wadaagaan nolosha bulshada iyo dhaqaalaha.

Waxay ku khasbanyihiin aradada ka baxda dugsiyada hoose -dhexe ee Buuurtinle
iyo agagaarkiisu inay ama ka haraan waxbarashada (badiyaaba) ama u aadaan
Gaalkacyo/Garoowe, taasoo culays weyn saaraysa waalidiinta, oo dan-yar u
badan, haddaynan wada ahayn.

Xagga macalimiinta waxaa hadda wax ka bara dugsiyada degmada 18 macallin,
waana sida soo socota:
1. Buurtinle:       8 macallin, macaa maamulaha
2. Jalam:             4 macallin, macaa maamulaha
3. Godob-yar:     3 macallin macaa maamulaha
4. Magacley:      3 macallin macaa maamulaha

Waxaa hadda ka qallin jabiyey sannadkaan fasalkii 8aad  dugsiga hoose dhexe
ee Buurtinle 20kii arday ee u horreeyey intii bur-burku dhacay. Sidoo kale
waxaa sannadka soo socda laga filayaa in fasalkii u horreeyey ee 8aad ka
qalin jabiyo Jalam. Sannad dugsiyeedka 2000/2001 waxaa dugsi  sare u baahan
arday tiradeedu dhantahay ugu yaraan soddon arday. Wixii ka danbeeyana waa
sii kordhaysaa ardada u baahan tacliinta dugsiga sare.

Macalimiintu kama helaan mushahaar maamulka Dawlad Goboleedka, iyo hay'adaha
caalimaga toona marka laga reebo sh.so 172,000 bishii ee ay bixin jirtey
UNESCO PEER (Program for Emergency Education and Reconstruction) laguna bari
taari jiray kaalada waaliidinta.  Lacagtaasi waxay ku egtahay Oktober 2000.
Inkastoo UNESCO dadka ku wacyigelisay inay tacliinta carruurtooda lacag ku
bixiyaan, weli dadku uma bisla inay wada baxshaan tacliinta ilmahooda.
Qaarbaaba ilmahooda dugsiyada uga saray intay bixin lahayeen lacagta ku soo
aadda.

B) Cidda soo gudbisay dalabka: 

 Guddiga Waxbarashada Bulshada ee Buurtinle
(Community  Education Committee - CEC)

C)  Waqtiga uu soconayo dhismaha mashruuca: 30 cisho dhismaha qolalka + 15
cisho dhismaha Deyrka, ,musqulaha iyo berkadda: wadar = 45 cisho

D) Waqtiga Bilowga Mashruuca: Bilowga 2001

E) Meesha laga dhisayo: waa dhul bannaan oo dugsigu leeyahay una dhow
Guddoonka Waxbarashada Degmada

F) MIISAANIYADDA MASHRUUCA

  1.  Qaybta 1aad ee mashruuca - Dhismaha      
  • Qaaraanka bulshada: 9.52%, taasoo ay ku bixinayaan dhagaxa, dhoobada iyo biyaha
  • Qaraanka ilaha kale:
    a) WFP 20.22%)

         b) Jaaliyadaha Dibedda 70.25%

G) Qiimaha alaabta (shilin Somaali)

 

No.

Item

Cost

Total (Somali Shilling)

1.

Albaabbo bir ah

4 x 650,000

2,600,000

2.

Daaqado bir ah

16x300,000

4,800,000

3.

Sofiito

48x50,000

2,400,000

4.

Tarniig

172x35,000

6,020,000

5.

Alwaax

4x4 108x50,000

5,400,000

6.

Alwaax

2x2 120x45,000

5,400,000

7.

Sibir

240x55,000

13,200,000

8.

Misaamiir(kg)

24x10, 000

240, 000

9.

Nuurad (Jawaan)

20x20,000

400,000

10.

Rinji (Galaan)

12x50,000

600,000

11.

Niis (Kaariko)

20x180,000

3,600,000

12.

Ciid/xaani (Kariko)   

10x180, 000

1, 800, 000

13.Wadar

 

 

46, 460, 000

 

H) Kharajka shaqaalaha

 

Xirfad

Tiro

Maalin

Joornaato

Wadar(So. Shilling)

Fuundi

16

25

50, 000

20, 000, 000

Kuuli

16

25

25, 000

10, 000,000

Farayaamo

8

5

70, 000

2, 8000, 000

Kaaliye

4

5

40, 000

800, 000

Foreman

1

30

50, 000

1, 500, 000

Ilaaliye

2

45

20, 000

1, 800, 000

Wadar

 

 

 

36, 900, 000

 


 
I) Qaaraanka bulshada Buurtinle


1. Dhagaxa 80 kaarijko 80x100,000 8,000,000
2. Dhoobo   15 kariiko      15x160,000 2,400,000
3. Biyo      3 boote 3x300,000 900,000
Wadar 11,300,000

J) Qaaraanka  WFP


1. Deyr (Kaariko) 80x100,000 8,000,000
2. Barkad "  "  " 7x100,000 700,000
3. 2 Musqul "  " 8x100,000 800,000
4. Shamiinto (kiish) 100x55,000 5,500,000
5. Fuundi 8 15 50,000 6,000,000
6. Kuuli 8 15 25,000 3,000,000
Wadar 24,000,000

Qaraanka WFP 24,000,000 (20.22%)
Qaraanka Bulshada 11,300,000   (9.52)
Qaaraanka Jaaliyadaha 83,360,000   (70.25)
Wadar Guud 118,660,000
Qalabaynta Diakonia 56,000,000

II. Qaybta 2aad ee Mashruuca:

QALABAYNTA DUGSIGA


A) Qaraanka Diakonia


Ka dib markii lagu guulaysto inuu fulo mashruucu, waxaa laga sugayaa
Hay'adda Diakonia inay noogu deeqdo qalabka soo socda:

1. 15 Kursi-miis (desks)  x 4 fasal 60x800,000 = 48,000,000
2. Armaajooyin (khaanado leh) 2x700,000 = 1,400,000
3. Kuraas mid-mid ah 10x220,000 = 2,200,000
4. Armaajo taag ah 1x1,000,000 = 1,000,000
5. Makiinado qoraal 2x1,000,000 = 2,000,000
6. Miis xafiiseed 2x700,000 =1,400,000
Wadar = 56,000,000

B) Qaaraanka UNESCO


Afarta macalin ee wax ka dhigaysa dugsiga (iyo maamule) waxaa qaar laga
helayaa Buurtinle, qaar kalena waxaa laga heli karaa deegaamada kale ee
Puntland, markay suurto gasho in la hawlgeliyo. Waxaa laga dalbayaa UNESCO
PEER inay ka taageerto dugsiga arrimaha manhajka iyo kabista mushahaarka
baraha  oo ah sh.so.1,600,000 midkii. Waxaa UNESCO laga sugayaa 65%,
waalidiintana 35%.

C) Wada shaqaynta kooxaha ku hawlan mashruuca


Waxaa laga filayaa in laga wada helo wada shaqayn buuxda kooxaha mashruucu
khuseeyo sida CEC, Golaha xariirinta (iyo cidda ay wakiilato), haya'daha
deeqda bixiya iyo Dawlad Goboleedka Puntland.

Fulinta mashruucu waxaa wada go'aaminaya kooxaha bixiya kharajka mashruuca,
ayadoo u kala mudnaan doona siday u kala tabarruc badan yihiin.

C) Kormeerka mashruuca


Eegitaanka habsami u socodka mashruuca waxaa iska kaashanaya Guddiga
Waxbarashada Bulshada  (CEC) iyo ciddii ay u soo wakiishaan Guddiga
xariirinta Jaaliyadaha Dibedda iyo Guddaha.  Sidoo kale waxaa ka qayb geli
kara kormeerka haya'daha gacan ka geystey hirgelinta mashruuca.

D) Xariirka (Contact person)


Waxaa hadda la filayaa in dib loo habeeyo Guddiga Waxbarashada Bulshada
(CEC), sidaa darteed ilaa inta arrinta guudigu dhammaanayso, waxaa ku
meel-gaar ahaan arrinta mashruuca loogala soo xariirayaa Guddoomiyaha
Waxbarashada Degmada Muxyaddiin Dhagaweyne.

NB. Waxaa codsiga mashruuca lagu qori doonaa af-ingriis si loogu gudbiyo
hay'adaha loo gudbinayo marka ay munaasib noqoto.
 

 


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:03 AM. Webmaster HomePage