19 May 2007 04:15

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (Baydhabo Press) Khilaaf Soo Dhexgalay  "Wasiirada" Kooxda Carta
  • Posted by/on:[AMJ][Wednsday, November 22, 2000]

  

Xubnaha golaha wasiirada ee kooxda CARTA oo u khilaaf daran soo kala dhexgalay.
by BAYDHABO PRESS

Xubnaha golaha wasiirada ee kooxda CARTA oo u khilaaf daran soo kala dhexgalay.

BAYDHABO Nove 22, 2000 (BP)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Xamar ayaa sheegaya in xubnihii golaha wasiirada ee kooxdii CARTA ay kala qaybsameen khilaaf darana uu soo kala dhexgalay.

Xubno badan oo ka tirsan wasiiradaas una dhashay beelaha Daarood, Digil iyo Mirifle iyo Isaaq ayay waraku shegeen in ay dalbadeen in lagu celiyo degaanadooda iyaga oo sheegay in ay Xamar u imaadeen sidii loo dhisi lahaa dowlad Somaaliyeed ee uma aanan imaan ayay yiraahdeen in aan waqtigeena ku qaadano hoteelada Xamar amaankeenana khatar la geliyo.

Waxaa kale oo qaar ka mid ah xubnahaas ay dhaliileen madaxa kooxda CARTA sida uu noo soo sheegay xubin ka tirsan golaha wasiirada oo la soo xiriiray wargeyskan iyaga oo cadeeyay in Cabdiqaasim uusan ahayn nin dhisi kara dowlad Somaaliyeed oo loo dhanyahay, waxayna ku tilmaameen in uu yahay nin sii kala fogeeynaya ummadda Somaaliyeed ee la rabo in la isu keeno, wuxuu ka badin la'yahay ayay yiraahdeen in uu uruuriyo maleeshiyo ay dhalasho wadaagaan iyo in uu ku qaraabto magaca golaha wasiirada isaga oo ka dalbanaya kaalmo wadamada Somaaliya taageera.


(BAYDHABO PRESS)

http://network54.com/Forum/44498  


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:03 AM. Webmaster HomePage