19 May 2007 04:16

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country] BAAQ NABADEED - JAALIYADDA PUNTLAND/JUBBALAND EE AUSTRALIA  IYO NEW ZEALAND
  • Posted by/on:[AAJ][2 Sept 2001]

 

BAAQ NABADEED 

JAALIYADDA PUNTLAND/JUBBALAND EE AUSTRALIA  IYO NEW ZEALAND

Xiriiriye: Mohammad A. Farah dafedow@primus.com.au

Taariikh: September 2, 2001       

Ku:  

  • Dhamaan Shacabka PL
  • Dhamaan Issimada PL
  • Maamulka Iyo Siyaasiyiinta PL
  • Ciidamada Qalabka Sida Iyo Poliska PL

·        Culumaau'diinka PL

  • Dhamaan Wax-Garadka Aqoonyahanada PL
  • Dhamaan Ururada Ganacsatada PL
  • Dhammaan Jaaliyadaha dibedda ee PL iyo JL

 UJEEDDO: BAAQ NABADEED

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Anagoo ah Jaaliyadda Reer Puntland/Jubbaland, Somalia, ee ku nool waddamada Australia iyo New Zealand waxaanu halkaan shacabka Reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu caddeynaynaa mawqifkayaga talo soo jeedineed ee ku aadan arrimaha cakiran ee Puntland.

Ka dib markaan aragnay wadciga iyo daruufaha qalafsan ee ay maanta marayso Dowlad-Goboleedka Puntland iyo shacabkeeduba.

Kadib markaan ogaanney shir-qoollada iyo dibin-daabyada loo maleegayo si dahsoon iyo si cadba, taas oo ulajeeddada iyo nuxurka ka dambeeya ay tahay in lagu kala tuuro, laguna kala dhantaalo, laguna wiiqo horumarkii iyo nabbad-gelyadii ay ku gaareen walaalnimada iyo waddajirkooda soo jireenka ah.

Haddaba annagoo dareensan duruufaha qalafsan ee ka jira Dawlad-goboleedka Puntland iyo boobka, xusuuqa iyo dhaca lagu hayo Gobolada koofureed gaar ahaan degaanada Jubbada Hoose, Shabeelada Hoose iyo Jubbada Dhaxe kuwaas oo ay si cad uga dambeyso Kooxda Carte, ayagoo mucaawinaddii adduunka magaca Soomaaliyeed looga soo baryey u adeegsanaya ficillada banii-aadnimada ka fog ee aan soo xusnay oo lagu barakicinayo shacabka masaakiinta ah ee degaanadaas.

TALO SOO JEEDIN:

Waxaanu talo ku soo jeedinaynaa, anagoo ka turjumayna dareenka Jaaliyadda aanu kor ku soo xusnay, qodobadan hoos ku xusan:

·        Waxaanu shacabka Puntland u soo jeedinaynaa inay adkeeyaan midnimadooda, wadajirkooda, walaalnimadooda iyo amnigii lagu yaqiiney; iyo in wax kasta laga hormariyo, Eebbe keliyeelidiisa ka sakow, jiritaanka iyo maslaxadda guud ee degaanka Puntland.

·        In wax kasta oo khilaafaad siyaadeed ah ee jira amase imaan kara lagu xalliyo wada-xaajood iyo isu-tanaasulid taasoo aan marna looga maarmi Karin maslaxadda iyo jiritaanka Reer Puntland.

·        In laga digtoonaado gacmaha dibadeed ee hurinaya kana faa’idaysanaya murugga siyaasadeed ee reer Puntland, kuwaas oo nuxurka ula jeedadeedu tahay wiiqidda iyo burburinta Maamulka Puntland, iyo inaan marnaba gacan banaan loo helin shacabkooda lagu xasuuqayo degaanadaas.

·        Ugu dambayntii, waxaanu si buuxda uga codsanaynaa Issimada, nabaddoonada, waxgaradka, siyaasiinta iyo culamaa’u diinka Reer Puntland inay u qumaan sidii loo magacaabi lahaa Guddi loo wada dhan yahay oo maareeya murugga siyaasadeed ee manta ka jira Puntland, isla markaasna la joojiyo wax allaale wixii khilaafaadka sii kordhin kara.

 Wa Bilaahi Towgiiq

Saxiixayaasha Bayaankan:

1)      Jaamac Faarax Maxamad (Shabeel)

2)      Xaaji Cabulaahi Maxamad Cowl

3)      Xaaji Cali Faarax Qambi

4)      Xaaji Xirsi Cilmi Faarax

5)      Xassan Yuusuf Dhuux

6)      Dr Axmed Maxamed Warsame

7)      Axmad Maxamed Shire

8)      Cabdiraxmaan Jaamac Cismaan (Raas)

9)      Cabdirahman Jaamac Gayre

10) Xuseen Abshir Waraabe

11) Cumar Maxamuud Faarax (dhoolawaa)

12) Maxamed Warsame Cabdulle (Jabhad)

13) Dr Cali A Barkhadle

14) Dr Cabdiwali Faarax Qambi

15) Mahdi Cabdisalam Sh. Axmed

16) Faarax Cali Shire (Afbalaar)

17) Maxamed Cabdi Faarax

18) Ciise Maxamuud Faarax (dhoolawaa)

19) Cali Cabdi Maxamed

20) Yaasiin Maxamed Faarax

21) Abduqaadir Faarax Baashane

22) Cabdiwahaab Maxamed Barkhadle

23) Axmed Ciise Faahiye

24) Khaliif Shire Cali Xagar

25) Bashir Shire Cabdulle

26) Cabdi Maxamed Cilmi

27) Saciid Sheekh Abdi sheekh Xussen

28) Maxamed Cali Kaarshe

29) Maxamed Xuseen Faraax

30) Guuleed Abdiqaadir Jaamac

31) Yuusuf Cabdullahi Faarax

32) Jaabir Maxamed Macalin

33) Axmed Cabdi Xaashi

34) Cadirisaaq Cabaas Nuur

35) Ibraahim Xassan yuusuf

36) Cabdiraman Jamac Cismaan

37) Muqtaar Faarax Cali

38) Axmed Xaaji Adam

39) Axmed Cali Jaamac

40) Maxamed Y. Jaamac

41) Mahad Faarax Xayir

42) Cumar Axmed Maxamuud (Islaweyn)

43) Maxamed Baribari

44) Axmed Cali Uruurshe

45) Nuux Maxamed Warsame

46) Axmed Maxamed Axmed (Waydow)

47) Cabdullahi Cabdisamad Warsame

48) Maxamed Cabdi Axmed

49) Cabdullahi Cali Musse

50) Axmad Cisman Wardheer

51) Cabdirisaaq Adam Axmed

52) Cabdirashiid A. Diiria

53) Cabdullahi Cabdi Yussuf

54)  Cabdullahi Cali Muuse

55) Maxamuud Maxamed Faarax

56) Cabdiqafaar Cilmi Jaamac

57) Cabdi Y. Salaad

58) Cabdi Jamaac Faarax

59) Cabdirisaaq Adam Axmed

60) Bashiir Cawad Axmed

61) Maxamed Maxamuud Warsame

62) Xassan Cali Saciid

63) Cabdirisaaq Cali Xassan

64) Maxamed Axmed Cumar

65) Cabdi Jaamac Walax

66) Cummar Maxamed Maxamuud (Boqor)

67) Bashiir Jamac Gurrac

68) Cisman Saciid Hassan Cadde

69) Xassan Maxamed Faarax

70) Abdicasiis Saciid Xirsi (Boqor)

71) Yussuf Cumar Xaaji Faarax

72) Liibaan Mahdi Cadisalaan

73) Axmed Cabdixamiid Islaan Faarax

74) Cali Maxamed Caligaas

75) Maxamed Axmed Bayaxow

76) Maxamed Xassan Faarax

77) Adam Abdi Faarax

78) Cabdikariim Faarax Warasme

79) Cabdulqaadir Xuseen Faarax

80) Cabdiwali Yaasiin Caabi

81) Bashiir Jaamac Gaas

82) Maxamuud Maxamed Maxamuud

83) Cabdiraxmaan Cabdullahi Khaliif

84) Cabdiraxmaan Sheekh Axmed

85) Muuse Maxmed Cali

86) Cabdi Axmed Cabdi

87) Cabdulaahi Cabdi Xabiib

88) Cabdisalaam Nuur Cirfe

89) Cabdiqaadir Maxamed Diite

90) Abuukar Xaashi Xirisi

91) Cabdiraxmaan Xaashi Faarax

92) Cabdiqaadir Saalax Xeero

93) Cabdullahi Cabdiraxman Canbaar

94) Cabdixakiim Maxamed Saciid

95) Maxamed Cabdi guuleed

96) Khaalid Cabdikarim Faarax

97)  Cabdixabiib Axmednuur Sugulle

98) Axmed Faarax (Adelley)

99) Cabdixaafid Saalax Maxamed

100)                  Xuseen Xaaji Jaamac

101)                  Ibraahim Maxamed Yussuf

102)                  Cabdikariim Maxamed Faroole

103)                  Xassan Cali Cigaal

104)                  Cismaan Axmed Dheel

105)                  Mahad Jaamac Tigay

106)                  Cabdiraxmaan Maxamed Faarax


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:04 AM. Webmaster HomePage