BUNTILAAN
WAXAY KA BAXDAY XUKUN KALIGI TALIYE WAXAYSE HALIS U TAHAY XUKUN
MAAFIYO.!!!
Maxamed-deeq
Abdulqadir
Ciddii
doontaa lacag ha qaadato, cidday doontana haka qaadatee, cid kasta
oo ka baxsan dadka Buntilaan oo
si aan kala har lahayn u diiday taliskii uu madaxda ka ahaa kornayl
Cabdullaahi Yuusuf waxa ay ku lahayd miisaan aad u yar hawlgaladii
Bosaaso iyo Garoowe uu kaga baxay Kornaylku, wallow aan la inkiri
Karin dhaqaalaha Dawladda ku maalgaarka ah ee Carte ay ku bixinaysay
abaabulka qorshaha lagaga soo hor jeeday maamulkaas. kaasoo dadka
maamulayay ama xiriirka la lahaa kooxda Carte ay ku fasiraan in
dhaqaalaha dawladda ku maalgaarka ah ka soo gaaraa uu yahay qayb yar
oo ka mid ah xaquuqdii degaan ee ay ku lahaayeen deeqda caalamku
siiyo Soomaaliya ee soo marta dhinaca Maamulka Carte lagu dhisay,
kana gilgisha marka lagu dhaliilo in lacagtaasi tahay mid ay ugu
adeegayaan nidaamkaas, sababta kaliya ee loogu soo diri karaana ay
tahay in ay taageero u hayaan siyaasadda nidaamkaas.
Ma aha lacagaha Carte ka yimaadaa wax ay isku inkiri karaan dadka
gudaha jooga ee xog ogaalka ahi, waloow sawirka uu dhawaan arrintaas
ka bixiyay qoraalkii uu ku saxiixnaa Xasan Takoow ee lagu soo
bandhigay shakadaha Internetka qaarkood uusan ahayn mid xaqiiqda ku
fadhiya, haddiise aan arrinta lacagaha Carte iyo samayntooda kuu
daayo akhriste, sow ma aha arrin mudan in aan eegno natiijadii ka
dhalatay abuubulkii muddo kororsiga lagu diidanaa iyo saadaasha waxa
soo aadan.
Cid waliba abaalka ha lahaatee way cadahay haatan in la gaaray guul
wayn oo ah in aan nina sharci iyo sharci daro midna ka hor imaan
karin rabitaanka dadweynaha khalad
iyo saxba, tani waa mid meel mar noqotay ayna qayb wayn ka qaateen
ciidankii uu kornaylku isku halaynayay oo intoodii badnaa diideen in
ay amarka dagaalka ka qaataan kornayl Cabdullahi, iyadoo arrintani
ahayd go’aan shaqsi ah oo si kala gooni gooni ah ay u qaadanayeen
xubnaha ciidanka dawladda oo dhab ahaantii ay muuqato in ay
dadweynaha la wadaageen tabashadooda, marka laga raabo beelo kooban
oo si gaar ah isu abaabulay.
Marar badan ayaa la isku soo qaaday waxa laga yeelayo hanaanka
siyaasadeed ee Buntilaan Cabdullaahi kadib si uusan u dhicin firaaq
(Gab) maamul iyo jahawareer ku yimaada talada guud ee Buntilaan,
hase ahaatee taas ma noqon mid ay isla meel dhigaan hormuudyadii
abaabulkan oo ku doodayay in cududa Cabdullaahi lagaga hor tagayaa
kala firdhi doonto haddii isaga oo fadhiya Garoowe la bilaabo
gorgortan siyaasadeed oo dhinacyada mudo dheeraysiga dawladd
Cabdullaahi diidan ka dhex dhaca.
Hase yeeshee manta ayaa waxa cad in uu soo baxay dhibkii shalay laga
dhuumanayay, maalin kadib markii kornaylku Garoowe ka baxayba waxaa
si xawli ah u soo burqaday damacyo iska soo hor iyo daba jeeda
oo ka kala imaanaya dhinacyo kala duwan oo gaarsiisan heerka
jifooyin xin beeleedka hoose ka dhexeeyo, illaa heer caalami.
Isimada waaweyn ee wax is bidayay oo mid waliba jilayo damaca
beeshiisa iyo hankiisa gaarka ah ayaa si kala gooni gooni ah ula soo
baxay damacyo kala fog fog oo mid waliba ku doonayo awooda ugu
saraysa ee degaanka beeshiisa, taasoo u badan in aysan garaysnayn
beelaha kale ee la degaanka ah. Awoodii dawladeed ee isku xirnayd
ayaa u kala daadatay si aan qorshaysnayn, waxaana soo baxay in gobol
kasta awooda ugu saraysaa tahay Isimada midkood; iyadoo degaanada
badankooda ay ka dhalatay muuqaal ah “nin qab weyn iyo nin aan u
qabin” Yuusuf Xaaji Nuur oo xilkii Madaxweynaha Isimadu u
magacaabeen ma uusan yeelan karti uu ku hanto awooda dawladdeed
waxaana khasab ku noqotay in uu meel walba taladeeda uga danbeeyo
Isimaddii talada u dhiibay, iyadoo ay jiraan qaar kale oo ka mid ah
Isimada Magaca leh oo diidan gabi
ahaanba habka isbadalkani u dhacayay, kuwaasoo haddii ay cabdullaahi
ka bixidiisii Garoowe kadib is badaleen iyo haddii kalaba aan xurmo
badan ku lahayn agagaarka kooxaha is badalka hormuudka ka ah, isla
mar ahaantaasna aan wada garaysnayn in ay ku khaldanaayeen mudadii
ay u kordhiyeen dawladdii kornayl Cabdullaahi madaxda ka ahaa.
Dhanka guusha tirsanaya ee isbadalka wada arrintoodu way ka baxday
loolankii siyaasiga ahaa ee kore waxayna durbadiiba isu badashay
loolan hoose, danaysi, is muujin iyo maxaa nalaga damcay.
Sheegashada guusha, falal aan horay u dhici jirin, is barbaryaac
maamul iyo maliishiyooyin badanoo hubaysan ayaa magaalooyinkii
hareeyay. dariiqyadda dhagxaantii la dhigay maalintii kornayl
Cabdullaahi garoonka Bosaaso soo galay daqiiqadihii u horeeyay bil
kadib wali intoodii badnayd lagama qaadin meeshii la dhigay, xildhibaanaddii
dawladda ku maalgaarka ah ayaa ayaa bilaabay in ay soo galaan
degaanka Buntilaan, diyaarado khaas ah oo ka yimid Muqdisho oo
ay saaran yihiin
shaqsiyaad xiriir dhaw la leh madaxda sare ee maamulka Cartana
waxayba ka soo dageen Garoowe.
maleeshiyadii beeleed ee dagaalka gashay ee jifidiisa ayaa nin
waliba oo damac lahaa hoos ula faqay fartana ugu fiiqay jifi iyo
shaqsiyaad gaar ah oo uu u baray in ay yihiin kuwa noloshooda iyo
sharafkooda hor taagan, kuwaasoo in ay wacyiga fahmaan ay u baahan
tahay in xilligeeda la siiyo, hamigii umadeed ee ahaa in cadaalad
iyo nolol barwaaqo ah markaba loo talaabayo Cabdullaahi kadib ayaa
durbaba shakigeedii soo baxay, shaqsiyaad gaar ah ayaa markiiba u
muuqday in ay amar ku taaglayn wadaan, hanti umadeed oo la dhacayna
waxaa la shaaciyay in la soo celiyay iyadoo aan la soo celin,
danbiilayaal umaadeed ayaa suuqyada lagu faafiyay in ay xiran yihiin
iyaga oo Hoteelo hurda, maxaasiibtii xabsiga ka baxsatay oo boqol ku
dhaw ayaa wali magaalooyinka ka buuxa, mana jirto wax talaabo oo
sharciga iyo kala danbaynta lagu xakamaynayo oo wali uu qaaday
maamulka kala guurka loo magacaabay iyo Isimada toonihi, marka laga
reebo falal sida daacuunka u faafayay oo dhulboob ahaa oo Garoowe
laga hakiyay.
Khaladkii ugu xumaa ee ka dhacay Buntilaan maalmihii dagaalka
Bosaaso kadib waxa uu ahaa in qayb ka mid ah maliishiyaddii
magaalooyinka soo gashay loo qaybiyay lacag biyo cabaal lagu
magacaabay oo laga saaray khasnadda dawladda, taasoo albaabka u
furtay in beel waliba dib u abaabusho dabley uga qayb qaadata
abaalmarinta cusub iyo in dhalintii magaalada ku sugnayd badankoodii
ay saf u soo galaan in ay helaan saamigoodii xisaabtaas.
Burburkani waxa uu saameeyay dhankii dhaqanka, Isimada laf
ahaantoodana waxaa qaarkood ku soo burqaday wax aysan malaysan iyo
maamul aysan ku talo galin, ujeedooyin kala fog oo aad u tiro badan
ayaa soo shaac baxay, qaar ka mid ah dadkii hawlgalka ku jiray ayaa
la rumaysan yahay in ay doonayaan in aan waxba dhismin, qaar kalana
waxa ay xal u arkaan “wallee cadkanoow ku cunay ama ku ciideeyay”
Dhanka siyaasada iyo xaaladda taagan marka laga eego dadka degaanada
Buntilaan Gobol gobol ahaan waxaa isugu dhaw madaxda dhaqanka ee
Gobolka Nugaal (islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid) oo aanay hadda
hor taagnayn siyaasiyiin magac leh oo kala jiidata gobol ahaan,
iyagana waxaa si weyn loo rumaysan yahay In loolanka awoodeed ee ka
dhexeeyaa ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee shirka hor taagan,
iyadoo labada isim mid waliba gacan saar iyo is xulufaysi la
leeyahay dhinac ka mid ah arragtiyaha siyaasadeed ee loolamaya
kuwooda ugu tugtugta roon, waxaase nasiib wanaag lagu tilmaami karaa
dadka Buntilaan oo guud ahaan ay ka go’an tahay dib u dhiska
maamul Buntilaan oo meelmar ah wax cuqdad iyo cadaawad ahina aysan
ka dhaxayn iyo Isimaddii hormuudka ka ahaa isbadalkan oo qaarkood
garaysan yahay in ay tahay masuuliyad iyaga saaran in ay dib u
kabaan maamulkii Buntilaan oo dhaawacmay, sababteeda ciddii doontaa
ha lahaatee.
Kooxda
gacansaarka la leh Carte iyo kooxda kalsamida u haysa hanaanka reer
galbeedka ayaa ah labada dhinac ee ugu xoogan loolanka haatan ka
socda Garoowe, waxa soo haraana waxa ay u qaybsan yihiin dad niyad
wanaag isbadalka ula socda iyo dabaadigii maamulkii hore oo qaarkood
maalmihii u danbeeyay hab beeleed loogu soo dhaweeyay ka qayb
qaadashada talooyinka isbadalka wada.
Kooxda Itixaadka oo halhays u ah hogaankii saddexdii sano ee hore
ayaa ah gabi ahaanba siyaasiyan awood aan ka jirin Gobolka, xarun,
afhayeen iyo siyaasad ay ku midaysan yihiina aanay jirin, sawirka
kaliya ee ay waadixa xilligan la muuqdaana uu yahay shaqsiyaad
doonaya oo kaliya in ay helaan hogaan aan sidii kii kornayl
Cabdullaahi u aqoon “cadawga gudaha” ee u yaqaan mawaadiniin
reer Buntland ah, iyadoo astaanta kaliya ee lagu soo sooci karaa ay
tahay in ay door muhiim ah kaga jiraan, hanaanka waxbarasho, wacyi
galin diimeed iyo mashaariicda horumarineed ee degaanka oo ay si
shaqsi shaqsi ah ugu dhex jiraan, hase ahaatee xifaaladda uu
kornaylku hormuudka u yahay ee lagu fogaynayo dadka lagu tirinayo
kooxdan diimeed ayaa ah mid dhinacyo badan ka socota, lehna
ujeedooyin kala duwan, arimahaanina waxa ay door fiican ka qaateen
in ay ka gaabsadaan ka dhex muuqashada hadaaqa siyaasadeed ee
Bulshada.
Mudadii kornaylku ka sii maqnaa maamulka guud ee Buntilaan
waxaa soo baxay damacyo intaas ka sii badan, kooxo ganacsato ah oo
aan cidna u aaba yeelayn dantooduna tahay in ay awooda gacanta u
galiyaan shaqsiyaad ay danahooda dhaqaale ku meel marsan karaan ayaa
durba madaxa keenay, waxaa kaloo iyaguna dadaalkii ugu balaarnaa
wada ururada NGOs loo yaqaan oo ka dhex qaraabta danaha hay’adaha
caalamiga ah iyo duruufaha dadka baahan, kuwaasoo ku qora
sharciyadooda in ay siyaasadda ka madax banana yihiin, hase ahaatee
qaata kaalimaha ugu muhiimsan ee meelmarinta aragtiyo dibadeed oo
aan kharash ku bixin, waxaa kaloo soo yeeraya hanqaltaag siyaasadeed
oo ka soo baxaya qaar ka mid ah shaqsiyaadka kooban ee reer
Buntilaan ee ku lugta leh soo daabicidda lacagaha, isla mar
ahaantaana saami wadaag la ah kooxo maafiyo ah oo la rumaysan yahay
in ay xeebaha dalka ku xabaaleen sunta khatarta ah.
Saddexdan kooxood ee ugu danbeeyay ee aan tilmaanay ayaa ah saddex
kooxood oo badankoodu ka dhisan dhinaca aqoonta iyo asluubka
caalamiga ah isla mar ahaantaasna ay suurogal noqon karto in ay ku
heshiiyaan wadaaga danahooda dhaqaale, iyadoo aan waliba cidina ka
xigin xiriir dhaw oo dhanka kalana ay la yeeshaan Maamulka Dawladda
ku maalgaarka ah ee Carte oo sida la rumaysan yahay ay wadaagaan
damaca dhaqaale.
Haddiiba aan isku waafaqno in kornayl Cabdullaahi ahaa askari
kaligii taliye ah waxaan shaki ku jirin in uu ahaa kaligii taliye
laab xaaran, oo col iyo nabad, jacayl iyo nacayb, lunsi iyo laaluush,
khalad iyo khiyaamo dhamaan falalkiisu banaanka yaalaan badawnimo
iyo lagaama badin karo kay doontaba ha noqotee; waxaase walaac ka
jiraa marka ay majaraha siyaasadeed ee Buntilaan fariistaan; kuwo
amuurahooda aftahamo iyo ogaal-qarin dheeraystay kornaylka sii socdi.
Hadaba marka laysku soo xooriyo dadka
reer Buntilaan waxa ay dadka Soomaaliyeed u fureen
albaab cusub oo ah in aan nina balanta uu shacabka la galo ka bixi
Karin iyo in aan rabitaanka shacabka laga hor imaan Karin, hase
ahaatee waxaan shaki ku jirin khatar kale oo la xiriirta sidii ay
shacabku uga badbaadi lahaayeen danaha is hardinaya ee danleeyda
gaarka ah, una xulan lahaayeen hogaan xalaal ah oo matala danahooda;
taasoo hadii la waayo keeni doonta ceeb aan harin iyo burbur dhan
kastaba leh, macnaheeduna noqon doono kud ka guur oo canje u guur.