19 May 2007 04:16

SOMALIA WATCH

 
AnalysisANALYS2.jpg (2276 bytes)
  • Title: [SW Analysis] ( Mohmed-Deeq Abdulqadir) BUNTILAAN WAXAY KA BAXDAY XUKUN KALIGI TALIYE WAXAYSE HALIS U TAHAY XUKUN MAAFIYO.!!!
  • Posted by/on:[AAJ][6Sep 01]

BUNTILAAN WAXAY KA BAXDAY XUKUN KALIGI TALIYE WAXAYSE HALIS U TAHAY XUKUN MAAFIYO.!!!

Maxamed-deeq Abdulqadir

Ciddii doontaa lacag ha qaadato, cidday doontana haka qaadatee, cid kasta oo ka baxsan dadka Buntilaan oo si aan kala har lahayn u diiday taliskii uu madaxda ka ahaa kornayl Cabdullaahi Yuusuf waxa ay ku lahayd miisaan aad u yar hawlgaladii Bosaaso iyo Garoowe uu kaga baxay Kornaylku, wallow aan la inkiri Karin dhaqaalaha Dawladda ku maalgaarka ah ee Carte ay ku bixinaysay abaabulka qorshaha lagaga soo hor jeeday maamulkaas. kaasoo dadka maamulayay ama xiriirka la lahaa kooxda Carte ay ku fasiraan in dhaqaalaha dawladda ku maalgaarka ah ka soo gaaraa uu yahay qayb yar oo ka mid ah xaquuqdii degaan ee ay ku lahaayeen deeqda caalamku siiyo Soomaaliya ee soo marta dhinaca Maamulka Carte lagu dhisay, kana gilgisha marka lagu dhaliilo in lacagtaasi tahay mid ay ugu adeegayaan nidaamkaas, sababta kaliya ee loogu soo diri karaana ay tahay in ay taageero u hayaan siyaasadda nidaamkaas.

Ma aha lacagaha Carte ka yimaadaa wax ay isku inkiri karaan dadka gudaha jooga ee xog ogaalka ahi, waloow sawirka uu dhawaan arrintaas ka bixiyay qoraalkii uu ku saxiixnaa Xasan Takoow ee lagu soo bandhigay shakadaha Internetka qaarkood uusan ahayn mid xaqiiqda ku fadhiya, haddiise aan arrinta lacagaha Carte iyo samayntooda kuu daayo akhriste, sow ma aha arrin mudan in aan eegno natiijadii ka dhalatay abuubulkii muddo kororsiga lagu diidanaa iyo saadaasha waxa soo aadan.

Cid waliba abaalka ha lahaatee way cadahay haatan in la gaaray guul wayn oo ah in aan nina sharci iyo sharci daro midna ka hor imaan karin rabitaanka dadweynaha khalad iyo saxba, tani waa mid meel mar noqotay ayna qayb wayn ka qaateen ciidankii uu kornaylku isku halaynayay oo intoodii badnaa diideen in ay amarka dagaalka ka qaataan kornayl Cabdullahi, iyadoo arrintani ahayd go’aan shaqsi ah oo si kala gooni gooni ah ay u qaadanayeen xubnaha ciidanka dawladda oo dhab ahaantii ay muuqato in ay dadweynaha la wadaageen tabashadooda, marka laga raabo beelo kooban oo si gaar ah isu abaabulay.

Marar badan ayaa la isku soo qaaday waxa laga yeelayo hanaanka siyaasadeed ee Buntilaan Cabdullaahi kadib si uusan u dhicin firaaq (Gab) maamul iyo jahawareer ku yimaada talada guud ee Buntilaan, hase ahaatee taas ma noqon mid ay isla meel dhigaan hormuudyadii abaabulkan oo ku doodayay in cududa Cabdullaahi lagaga hor tagayaa kala firdhi doonto haddii isaga oo fadhiya Garoowe la bilaabo gorgortan siyaasadeed oo dhinacyada mudo dheeraysiga dawladd Cabdullaahi diidan ka dhex dhaca.

Hase yeeshee manta ayaa waxa cad in uu soo baxay dhibkii shalay laga dhuumanayay, maalin kadib markii kornaylku Garoowe ka baxayba waxaa si xawli ah u soo burqaday damacyo iska soo  hor iyo daba jeeda oo ka kala imaanaya dhinacyo kala duwan oo gaarsiisan heerka jifooyin xin beeleedka hoose ka dhexeeyo, illaa heer caalami. Isimada waaweyn ee wax is bidayay oo mid waliba jilayo damaca beeshiisa iyo hankiisa gaarka ah ayaa si kala gooni gooni ah ula soo baxay damacyo kala fog fog oo mid waliba ku doonayo awooda ugu saraysa ee degaanka beeshiisa, taasoo u badan in aysan garaysnayn beelaha kale ee la degaanka ah. Awoodii dawladeed ee isku xirnayd ayaa u kala daadatay si aan qorshaysnayn, waxaana soo baxay in gobol kasta awooda ugu saraysaa tahay Isimada midkood; iyadoo degaanada badankooda ay ka dhalatay muuqaal ah “nin qab weyn iyo nin aan u qabin” Yuusuf  Xaaji Nuur oo xilkii Madaxweynaha Isimadu u magacaabeen ma uusan yeelan karti uu ku hanto awooda dawladdeed waxaana khasab ku noqotay in uu meel walba taladeeda uga danbeeyo Isimaddii talada u dhiibay, iyadoo ay jiraan qaar kale oo ka mid ah Isimada Magaca leh oo diidan gabi
ahaanba habka isbadalkani u dhacayay, kuwaasoo haddii ay cabdullaahi ka bixidiisii Garoowe kadib is badaleen iyo haddii kalaba aan xurmo badan ku lahayn agagaarka kooxaha is badalka hormuudka ka ah, isla mar ahaantaasna aan wada garaysnayn in ay ku khaldanaayeen mudadii ay u kordhiyeen dawladdii kornayl Cabdullaahi madaxda ka ahaa.

Dhanka guusha tirsanaya ee isbadalka wada arrintoodu way ka baxday loolankii siyaasiga ahaa ee kore waxayna durbadiiba isu badashay loolan hoose, danaysi, is muujin iyo maxaa nalaga damcay. Sheegashada guusha, falal aan horay u dhici jirin, is barbaryaac maamul iyo maliishiyooyin badanoo hubaysan ayaa magaalooyinkii hareeyay. dariiqyadda dhagxaantii la dhigay maalintii kornayl Cabdullaahi garoonka Bosaaso soo galay daqiiqadihii u horeeyay bil kadib wali intoodii badnayd lagama qaadin meeshii la dhigay,  xildhibaanaddii dawladda ku maalgaarka ah ayaa ayaa bilaabay in ay soo  galaan degaanka Buntilaan, diyaarado khaas ah oo ka yimid  Muqdisho oo ay  saaran  yihiin shaqsiyaad xiriir dhaw la leh madaxda sare ee maamulka Cartana waxayba ka soo dageen Garoowe.

maleeshiyadii beeleed ee dagaalka gashay ee jifidiisa ayaa nin waliba oo damac lahaa hoos ula faqay fartana ugu fiiqay jifi iyo shaqsiyaad gaar ah oo uu u baray in ay yihiin kuwa noloshooda iyo sharafkooda hor taagan, kuwaasoo in ay wacyiga fahmaan ay u baahan tahay in xilligeeda la siiyo, hamigii umadeed ee ahaa in cadaalad iyo nolol barwaaqo ah markaba loo talaabayo Cabdullaahi kadib ayaa durbaba shakigeedii soo baxay, shaqsiyaad gaar ah ayaa markiiba u muuqday in ay amar ku taaglayn wadaan, hanti umadeed oo la dhacayna waxaa la shaaciyay in la soo celiyay iyadoo aan la soo celin, danbiilayaal umaadeed ayaa suuqyada lagu faafiyay in ay xiran yihiin iyaga oo Hoteelo hurda, maxaasiibtii xabsiga ka baxsatay oo boqol ku dhaw ayaa wali magaalooyinka ka buuxa, mana jirto wax talaabo oo sharciga iyo kala danbaynta lagu xakamaynayo oo wali uu qaaday maamulka kala guurka loo magacaabay iyo Isimada toonihi, marka laga reebo falal sida daacuunka u faafayay oo dhulboob ahaa oo Garoowe laga hakiyay.

Khaladkii ugu xumaa ee ka dhacay Buntilaan maalmihii dagaalka Bosaaso kadib waxa uu ahaa in qayb ka mid ah maliishiyaddii magaalooyinka soo gashay loo qaybiyay lacag biyo cabaal lagu magacaabay oo laga saaray khasnadda dawladda, taasoo albaabka u furtay in beel waliba dib u abaabusho dabley uga qayb qaadata abaalmarinta cusub iyo in dhalintii magaalada ku sugnayd badankoodii ay saf u soo galaan in ay helaan saamigoodii xisaabtaas.

Burburkani waxa uu saameeyay dhankii dhaqanka, Isimada laf ahaantoodana waxaa qaarkood ku soo burqaday wax aysan malaysan iyo maamul aysan ku talo galin, ujeedooyin kala fog oo aad u tiro badan ayaa soo shaac baxay, qaar ka mid ah dadkii hawlgalka ku jiray ayaa la rumaysan yahay in ay doonayaan in aan waxba dhismin, qaar kalana waxa ay xal u arkaan “wallee cadkanoow ku cunay ama ku ciideeyay”

Dhanka siyaasada iyo xaaladda taagan marka laga eego dadka degaanada Buntilaan Gobol gobol ahaan waxaa isugu dhaw madaxda dhaqanka ee Gobolka Nugaal (islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid) oo aanay hadda hor taagnayn siyaasiyiin magac leh oo kala jiidata gobol ahaan, iyagana waxaa si weyn loo rumaysan yahay In loolanka awoodeed ee ka dhexeeyaa ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee shirka hor taagan, iyadoo labada isim mid waliba gacan saar iyo is xulufaysi la leeyahay dhinac ka mid ah arragtiyaha siyaasadeed ee loolamaya kuwooda ugu tugtugta roon, waxaase nasiib wanaag lagu tilmaami karaa dadka Buntilaan oo guud ahaan ay ka go’an tahay dib u dhiska maamul Buntilaan oo meelmar ah wax cuqdad iyo cadaawad ahina aysan ka dhaxayn iyo Isimaddii hormuudka ka ahaa isbadalkan oo qaarkood garaysan yahay in ay tahay masuuliyad iyaga saaran in ay dib u kabaan maamulkii Buntilaan oo dhaawacmay, sababteeda ciddii doontaa ha lahaatee.

Kooxda gacansaarka la leh Carte iyo kooxda kalsamida u haysa hanaanka reer galbeedka ayaa ah labada dhinac ee ugu xoogan loolanka haatan ka socda Garoowe, waxa soo haraana waxa ay u qaybsan yihiin dad niyad wanaag isbadalka ula socda iyo dabaadigii maamulkii hore oo qaarkood maalmihii u danbeeyay hab beeleed loogu soo dhaweeyay ka qayb qaadashada talooyinka isbadalka wada.

Kooxda Itixaadka oo halhays u ah hogaankii saddexdii sano ee hore ayaa ah gabi ahaanba siyaasiyan awood aan ka jirin Gobolka, xarun, afhayeen iyo siyaasad ay ku midaysan yihiina aanay jirin, sawirka kaliya ee ay waadixa xilligan la muuqdaana uu yahay shaqsiyaad doonaya oo kaliya in ay helaan hogaan aan sidii kii kornayl Cabdullaahi u aqoon “cadawga gudaha” ee u yaqaan mawaadiniin reer Buntland ah, iyadoo astaanta kaliya ee lagu soo sooci karaa ay tahay in ay door muhiim ah kaga jiraan, hanaanka waxbarasho, wacyi galin diimeed iyo mashaariicda horumarineed ee degaanka oo ay si shaqsi shaqsi ah ugu dhex jiraan, hase ahaatee xifaaladda uu kornaylku hormuudka u yahay ee lagu fogaynayo dadka lagu tirinayo kooxdan diimeed ayaa ah mid dhinacyo badan ka socota, lehna ujeedooyin kala duwan, arimahaanina waxa ay door fiican ka qaateen in ay ka gaabsadaan ka dhex muuqashada hadaaqa siyaasadeed ee Bulshada.

Mudadii kornaylku  ka sii maqnaa maamulka guud ee Buntilaan waxaa soo baxay damacyo intaas ka sii badan, kooxo ganacsato ah oo aan cidna u aaba yeelayn dantooduna tahay in ay awooda gacanta u galiyaan shaqsiyaad ay danahooda dhaqaale ku meel marsan karaan ayaa durba madaxa keenay, waxaa kaloo iyaguna dadaalkii ugu balaarnaa wada ururada NGOs loo yaqaan oo ka dhex qaraabta danaha hay’adaha caalamiga ah iyo duruufaha dadka baahan, kuwaasoo ku qora sharciyadooda in ay siyaasadda ka madax banana yihiin, hase ahaatee qaata kaalimaha ugu muhiimsan ee meelmarinta aragtiyo dibadeed oo aan kharash ku bixin, waxaa kaloo soo yeeraya hanqaltaag siyaasadeed oo ka soo baxaya qaar ka mid ah shaqsiyaadka kooban ee reer Buntilaan ee ku lugta leh soo daabicidda lacagaha, isla mar ahaantaana saami wadaag la ah kooxo maafiyo ah oo la rumaysan yahay in ay xeebaha dalka ku xabaaleen sunta khatarta ah.

Saddexdan kooxood ee ugu danbeeyay ee aan tilmaanay ayaa ah saddex kooxood oo badankoodu ka dhisan dhinaca aqoonta iyo asluubka caalamiga ah isla mar ahaantaasna ay suurogal noqon karto in ay ku heshiiyaan wadaaga danahooda dhaqaale, iyadoo aan waliba cidina ka xigin xiriir dhaw oo dhanka kalana ay la yeeshaan Maamulka Dawladda ku maalgaarka ah ee Carte oo sida la rumaysan yahay ay wadaagaan damaca dhaqaale.

Haddiiba aan isku waafaqno in kornayl Cabdullaahi ahaa askari kaligii taliye ah waxaan shaki ku jirin in uu ahaa kaligii taliye laab xaaran, oo col iyo nabad, jacayl iyo nacayb, lunsi iyo laaluush, khalad iyo khiyaamo dhamaan falalkiisu banaanka yaalaan badawnimo iyo lagaama badin karo kay doontaba ha noqotee; waxaase walaac ka jiraa marka ay majaraha siyaasadeed ee Buntilaan fariistaan; kuwo amuurahooda aftahamo iyo ogaal-qarin dheeraystay kornaylka sii socdi.

Hadaba marka laysku soo xooriyo dadka reer Buntilaan waxa ay dadka Soomaaliyeed u fureen albaab cusub oo ah in aan nina balanta uu shacabka la galo ka bixi Karin iyo in aan rabitaanka shacabka laga hor imaan Karin, hase ahaatee waxaan shaki ku jirin khatar kale oo la xiriirta sidii ay shacabku uga badbaadi lahaayeen danaha is hardinaya ee danleeyda gaarka ah, una xulan lahaayeen hogaan xalaal ah oo matala danahooda; taasoo hadii la waayo keeni doonta ceeb aan harin iyo burbur dhan kastaba leh, macnaheeduna noqon doono kud ka guur oo canje u guur.


[ Analysis]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:04 AM. Webmaster HomePage