19 May 2007 04:17

SOMALIA WATCH

 
Country
  • [SW Country]( Galkayo) GO’AANNO IYO TALOOYIN KA SOO BAXAY KALFADHIGII 6aad EE GOLAHA

                        WAKIILLADA DGPL MUDDADII U DHAXAYSEY 5-11,OCTOOBER 2001 :Posted on [13 Oct 2001]


 

DOWLAD GOBELEEDKA                                                          PUNTLAND STATE

PUNTLAND EE SOMALIA                                                         OF SOMALIA

 

GOLAHA WAKIILADA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND  - October 12, 2001

                                                                                                                                                

UJEEDDO:  GO’AANNO IYO TALOOYIN KA SOO BAXAY KALFADHIGII 6aad EE GOLAHA

                    WAKIILLADA DGPL MUDDADII U DHAXAYSEY 5-11,OCTOOBER 2001 

 

Aragtidii lagu dhisay Puntland waxay ahayd mid aad u sarraysa oo ay iska kaashadeen xoogagga dadweynaha ee Gobollada Puntland. Waxay ahayd aragti cusub oo aan nooceeda horay loogu arag geyiga Soomaaliya. 

Dhismihii Dawladda waxaa loo dhammays tiray qaab hawleedkeedii iyo sharciyadii lagu fulinayey nidaamka shaqada Dawladda. 

Puntland waxay kasbatay muddadii yarayd saaxiibbo Siyaasadeed oo dibedda iyo gudaha ka jira waxayna soo jiidatay indhihii Caalamka. Sidoo kale waxay u ambaqaaday in ay hormuud u noqoto arrimaha Soomaaliya eeku saabsan dib u soo celinta Qarankii  Soomaaliyeed ee burburay taas oo ay ka keentay guulo wax-ku-ool ah.

 Waxay sugtay nabadgelyadii gudaha, waxaana u baxay dadka reer Puntland iftiin ka dansanaa tan iyo intii ay burburtay Dawladii Soomaaliya. 

Hase yeeshee, markii la eego dhinaca kale waxaa hareer socdey dawladda cadowyo la dagaalamaya horumarka dimoqraadiyadda ku dhismay oo dibedda iyo gudahaba ka diidanaa jiritaanka Puntland, kuwaas oo soo xoogeystey markii la dhisay kooxda CARTA, oo yoolkoodu ahaa burburinta Puntland. Ugu danbayntii bishii Juun oo ku aaddanayd kala guurkii Dastuurka cusub iyo Axdigii hore ee Puntland ayaa kooxda CARTA iyo urrurka AL-ITIXAAD oo gacan ka haysta Isimo dhowra oo ka mid ah Isimada Puntland waxay foodsaarro ka dhigteen ku been abuurka Sharciga. Taasoo natiijadoodii noqotay in ay abaabulaan shir aan sharci ku dhisnayn dadka reer Puntlanna aysan u dhammayn. Kaas oo keenay nidaamkii iyo kala danbayntii oo furfurma, dilkii oo caado noqday, hantidii Ummadda oo loogu tagrifalay si burcadnimo ah iyo gebi ahaanba fowdadii oo dib uga bilaabatay gudaha Puntland oo dhan. 

§      Si haddaba, looga hortago sii baaha fadqalallada iyo nabadgelyo xumada

§      Si uu shacabku ugu dhaqmo una qabatimo sharciga iyo nidaamka

§      Si aan dib loogu noqon xiniftankii iyo isqabsigii burburka, xasilloonidana loo dhawro

§      Si ay dadka Puntland ugu socdaan taladooda, Siyaasaddooda iyo hadba awoodda dhaqaalahooda , la isagana ilaaliyo maqaarsaarka arrimaha Siyaasadda ee meelaha kale laga soo hagayo

§      Si aan loo kal furfurin dadka walaalaha ah ee diin, dhalasho, dhul iyo mabda’ahaanba isku xiran

§      Si aan loo salguurin xeerarka dhaqanka iyo halbeegga aragtida soo jireenka ah

§      Si loo koontoroolo xuduudaha Puntland waqtigaan xasaasiga ahna loola socdo dhaqdhaqaaqyada la xariira falalka argagixisada

§      Si loo taabba geliyo arrimahaan oo dhammaantood ah tiirarka nolosha dadka Puntland loogana hortago dandarrada islamarkaana looga gudbo caqabadaha maanta taagan.

 

WUXUU GOLAHA WAKIILLADA PUNTLAND GO’AAMIYEY QODOBBADA SOOSOCDA:

 

  1. In jiritaanka Puntland muqadas yahay lana kala qaybin Karin, dadkeeda iyo Gobolladeeda
  2. In Xukuumadu ay soo celiso ku dhaqanka sharcigii iyo kala danbayntii dalka, dariiq kasta oo suuro gal ahna u marto.
  3. In ay  Xukuumadu aqbasho soona dhowyso cidkasta oo gacan ka siinaysa soo celinta iyo taabba gelinta ku dhaqanka nidaamka Dawliga ah
  4. In si degdeg ah loo joojiyo shir ku sheegga sharci darrada ah ee ka socda Garoowe, kaas oo khilaafsan Dastuurka iyo qawaaniinta Puntalnd
  5. In si degdeg ah loo joojiyo hantida Ummada ee ay kooxda yari u adeegsanayaan danahooda gaarka ah oo Siyaasadeed, taas oo beelaha Puntland dhexdooda ka abuurtay khalkhal, kalsoonidarro iyo isnacayb dhexdooda ah
  6. In si degdeg ah looga joojiyo dadka sida sharci darrada ah ku dhisanaya dhulka dadka ka dhexeeya
  7. In ay Xukuumaddu xoojiso Saxaafadda iyo warbaahinta dalka, iyadoo u huraysa dad iyo qalabba

 

Ugu danbayntii waxaan talo ku soo jeedinaynaa, Xukuummaddana ku boorrinaynaa in ay ka digtoonaato gol-daloolooyinkii iyo khaldaadkii horay u dhacay. 

Ku-dhaqanka  qodobbadaani waxay ku egyihiin muddo lix bilood ah.

  Hirgelin wacan

 Yuusuf Xaaji Saciid

Guddoomiyaha GWPL

 


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:04 AM. Webmaster HomePage