Shirka Isimada
Puntland Ee Gaalkacyo
15/10/2001-20/10/2001
Ku: Madaxweynaha iyo goloyaasha
dawlada.
Ku: Wakiilka xoghayaha Guud ee
Qaramada Midoobay.
Ku: Afrikan Union (AU).
Ku: Urur Goboleedka IGAD.
KU: Arab League.
Ku: O.I.C
Ku: Dhamaan Ha'adaha samafalka
Caalamiga Ah.
Ku: Dhamaan Jaaliyadaha Puntland
ee Dibada.
Ku: Dalalka Daneeya Arimaha
Somaliya(IGAD Partners).
KU: Dhamaan Saxaafada Madaxa
Banaan.
OG: Isimada Puntland ee aan Shirka
Joogin.
Ujeedo: Gudoonka Shirka Isimada
Fadhi ay isugu yimaadeen Isimada Dawlad
Goboleedka Puntland Magaalada Gaalkacyo, socdayna 15/10/2001-20/10/2001, wada tashi, dood,
wada xaajood iyo falanqayn dheer ka dib waxay isla garteen in si qoto dheer looga wada
hadlo la islana meel dhigo jiritaanka DGPL iyo turxaan bixinta khilaafaadka Siyaaso,
Dhaqan iyo Bulsho.
Khilaafaadkaas oo intiisa badan ay sababeen
siyaasado Puntland Dibada ka ah iyo kuwo gudaha ah, oo isu bahaystay inay burburiyaan
hanaankii siyaasadeed ee lagu yagleelay Puntland.
Khilaafaadkaani wuxuu saamayn weyn ku yeeshay
hogaankii dhaqanka oo ahaa hogaanka kaliya ee waligiis ummadda u fayoobaa, isqabad kastana
loola noqon jiray. Waxay Ismadu ku qanceen in saddexdii sanno ee hore ee Puntland
waxqabadkeedii lagu liibaanay, dhinac siyaaso, nabadgalyo iyo dhaqaaleba, inkastoo ay
jireen waxyaabo baddan oo aan qabsoomin si kastaba ha ku dhacdee.
Haddaba si loo samata bixiyo jiritaanka
Puntland oo cadowyo kala duwan leh, loona soo afjaro khilaafka jira, waxaa la sameeyay
dadaalo farabadan oo isugu jira, baaqyo, talo soo jeedin iyo ergayn intaba sidda:
Baaqii isimada Gobolka
Sanaag
30/07/2001
Baaqii Isimada Gobolka
Bari
14/07/2001
Baaqii Isimada Gobolka Sool
27/08/2001
Baaqii Isimada Gobolka
Sool
10/09/2001
Ergadii Isimada Gobolka Mudug ay ku tageen
Garowe 01/10/2001
Casuumadii ay fidiyeen
Isimadii isugu yimid Mudug 11/10/2001
Waxaa intaas dheeraa xiriiro qoraalo iyo
telofoono isdaba joog haa oo intaas lays dhaafasanayay.
Dadaaladaas kor ku xusan waxay
ujeedadoodu ahayd in la joojiyo shirka Garoowe, isla markaana la furo jid xal waara oo loo
dhan yahay lagu gaaro, waxaanu ka xunahay, inaanaan marna ka helin wax garoowshiiyo ah
Isimada ka furay shirka aan loo dhamayn magaalada Gorowe.
Isimadu Markay xeeriyeen dadaalada kor ku
xusan, Markay xog ogaal u yihiin xaalada Nabadgalyo, Siyaaso, Dhaqaale iyo Bulsho ee ay
hadda ku sugan tahay DGPL, Markay garowsan yihiin
gudoonkii Isimada ee shirkii wada tashiga Isimada Puntland ee taariikhdiisu ahayd
26/06/2001, markay arkeen go'aankii golaha xeer
dajinta ee DGPL ee XL-2 ee ay ku sharciyeeyeen xili kordhinta dawlada kuna
taariikhaysnaa 27/06/2001, markay arkeen Axdigii Puntland qodobadiisa 7.1, 8.1, 30,1.
30.2, 34.1, 34.2, 35.1, 35.2, waxaa u muuqatay in fadhigaan la soo gunaanado, sidaas
darteed, waxay Isimadu Gudoomiyeen:
In Jiritaanka Puntland uu
yahay Muqadis.
In aysan Isamadu aqoon
sanayn wax si aan sharciga waafaqsanayn u badala, maamulkii Puntland ee ay wada dhisteen
shanta gobol ee Bari, Sool, Nugaal, Sanaag, Mudug iyo Degmada Buuhoodle, Isla markaana
waxaannu aqoon-sanahay maamulkii xilliga loo kor dhiyay.
In Dadweynaha Puntland uu
xil weyni ka saaran yahay ilaalinta xasiloonida iyo Nabadgalayada Puntland, lagana hor
tago wax kasta oo keeni kara kala fogaansho.
In Muwaadin kasta oo
Puntland ahi uu xaq u leeyahay inuu helo nadaam muumul iyo kala dambayn, waxaana isagana
xaq loogu lee yahay inuu gacan siiyo helitaanka nadaamka iyo kala dambaynta.
In shirka Garoowe la
joojiyo.
In Dawladu ka feejignaato
faragalinta Siyaasadaha kala dhantaalaya Midnimada iyo xasiloonida Dawlad Goboleedka
Puntland.
In mar walba loo Baahan
yahay in isimada Puntland isugu yimaadaan shir lagu xaliyo Khilaafaadka Jira.
Isimada Saxiixay Qoraalkaan:
Gobolka Mudug:
Islaan Bashiir Islaan
Cabdulle
Suldaan Cabdi-rashiid Muuse
Shire
Suldaan maxamuud Cilmi
Calas
Suldaan Cabdi-Bile Warsame
Suldaan Cabdile Warasame
Aw-doon
Gobolka Sool:
Garaad Saleebaan Garaad
Maxamed
Ugaas Cabdullaahi ciise
Nuur
Garaad Cali Buraale
Boqor Cabdullaahi Axmed
Cali.
Suldaan Cali Xaaji
Ismaaciil.
Gobolka Sanaag:
Boqor Cali Garaad Maxamuud.
Garaad Cabdullaahi Cali
ciid.
Ugaas Maxamed Siciid Ugaas.
Islaan Xuseen Xaaji
Cabdisalaan (Wakiil).
Suldaan Xasan Cali Jibriil.
Ugaas Ibraahim Cali
Shibiin.
Gobolka Bari:
Beel Daaje Axmed Maxamed
Xirsi (Wakiil)
Suldaan Maxamed Cali
Maxamed (Wakiil)
Suldaan Ciise Xassan Cumar.
Suldaan Bashiir Cabdi
Maxamed.
Suldaan Siciid Guuleed
Sanyare.
Suldaan Maxamed Ismaaciil
Shukaan.
Suldaan aaden Ciye Guuleed.
Beeldaaje Cabdullaahi Xaaji
Axmed.
Suladaan Daahir Maxamed
Muuse.
Suladaan Maxamed Aaden
Maxamed
Wabilaahi
Tawfiiq
|