19 May 2007 04:17

SOMALIA WATCH

 
Country
  • [SW Country] ( Courtesy APL ) Shirkii Isimada Puntland uga Socday oo Go'aano soo Saaray  : Posted on [26 Oct 2001]

Shirkii Isimada Puntland uga Socday oo Go'aano soo Saaray.

Oktober  24, 2001

 

Shirka Isimada Puntland Ee Gaalkacyo

15/10/2001-20/10/2001

Ku: Madaxweynaha iyo goloyaasha dawlada.

Ku: Wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Ku: Afrikan Union (AU).

Ku: Urur Goboleedka IGAD.

KU: Arab League.

Ku: O.I.C

Ku: Dhamaan Ha'adaha samafalka Caalamiga Ah.

Ku: Dhamaan Jaaliyadaha Puntland ee Dibada.

Ku: Dalalka Daneeya Arimaha Somaliya(IGAD Partners).

KU: Dhamaan Saxaafada Madaxa Banaan.

OG: Isimada Puntland ee aan Shirka Joogin.

 

Ujeedo: Gudoonka Shirka Isimada

Fadhi ay isugu yimaadeen Isimada Dawlad Goboleedka Puntland Magaalada Gaalkacyo, socdayna 15/10/2001-20/10/2001, wada tashi, dood, wada xaajood iyo falanqayn dheer ka dib waxay isla garteen in si qoto dheer looga wada hadlo la islana meel dhigo jiritaanka DGPL iyo turxaan bixinta khilaafaadka Siyaaso, Dhaqan iyo Bulsho.

Khilaafaadkaas oo intiisa badan ay sababeen siyaasado Puntland Dibada ka ah iyo kuwo gudaha ah, oo isu bahaystay inay burburiyaan hanaankii siyaasadeed ee lagu yagleelay Puntland.

Khilaafaadkaani wuxuu saamayn weyn ku yeeshay hogaankii dhaqanka oo ahaa hogaanka kaliya ee waligiis ummadda u fayoobaa, isqabad kastana loola noqon jiray. Waxay Ismadu ku qanceen in saddexdii sanno ee hore ee Puntland waxqabadkeedii lagu liibaanay, dhinac siyaaso, nabadgalyo iyo dhaqaaleba, inkastoo ay jireen waxyaabo baddan oo aan qabsoomin si kastaba ha ku dhacdee.

Haddaba si loo samata bixiyo jiritaanka Puntland oo cadowyo kala duwan leh, loona soo afjaro khilaafka jira, waxaa la sameeyay dadaalo farabadan oo isugu jira, baaqyo, talo soo jeedin iyo ergayn intaba sidda:

  1. Baaqii isimada Gobolka Sanaag                                 30/07/2001

  2. Baaqii Isimada Gobolka Bari                                      14/07/2001

  3. Baaqii Isimada Gobolka Sool                                      27/08/2001

  4. Baaqii Isimada Gobolka Sool                                      10/09/2001

  5. Ergadii Isimada Gobolka Mudug ay ku tageen Garowe    01/10/2001

  6. Casuumadii ay fidiyeen Isimadii isugu yimid Mudug       11/10/2001

Waxaa intaas dheeraa xiriiro qoraalo iyo telofoono isdaba joog haa oo intaas lays dhaafasanayay.

Dadaaladaas kor ku xusan waxay  ujeedadoodu ahayd in la joojiyo shirka Garoowe, isla markaana la furo jid xal waara oo loo dhan yahay lagu gaaro, waxaanu ka xunahay, inaanaan marna ka helin wax garoowshiiyo ah Isimada ka furay shirka aan loo dhamayn magaalada Gorowe.

Isimadu Markay xeeriyeen dadaalada kor ku xusan, Markay xog ogaal u yihiin xaalada Nabadgalyo, Siyaaso, Dhaqaale iyo Bulsho ee ay hadda ku sugan tahay DGPL, Markay garowsan yihiin gudoonkii Isimada ee shirkii wada tashiga Isimada Puntland ee taariikhdiisu ahayd 26/06/2001, markay arkeen go'aankii golaha xeer dajinta ee DGPL  ee XL-2 ee ay ku sharciyeeyeen xili kordhinta dawlada kuna taariikhaysnaa 27/06/2001, markay arkeen Axdigii Puntland qodobadiisa 7.1, 8.1, 30,1. 30.2, 34.1, 34.2, 35.1, 35.2, waxaa u muuqatay in fadhigaan la soo gunaanado, sidaas darteed,  waxay Isimadu Gudoomiyeen:

  1. In Jiritaanka Puntland uu yahay Muqadis.

  2. In aysan Isamadu aqoon sanayn wax si aan sharciga waafaqsanayn u badala, maamulkii Puntland ee ay wada dhisteen shanta gobol ee Bari, Sool, Nugaal, Sanaag, Mudug iyo Degmada Buuhoodle, Isla markaana waxaannu aqoon-sanahay maamulkii xilliga loo kor dhiyay.

  3. In Dadweynaha Puntland uu xil weyni ka saaran yahay ilaalinta xasiloonida iyo Nabadgalayada Puntland, lagana hor tago wax kasta oo keeni kara kala fogaansho.

  4. In Muwaadin kasta oo Puntland ahi uu xaq u leeyahay inuu helo nadaam muumul iyo kala dambayn, waxaana isagana xaq loogu lee yahay inuu gacan siiyo helitaanka nadaamka iyo kala dambaynta.

  5. In shirka Garoowe la joojiyo.

  6. In Dawladu ka feejignaato faragalinta Siyaasadaha kala dhantaalaya Midnimada iyo xasiloonida Dawlad Goboleedka Puntland.

  7. In mar walba loo Baahan yahay in isimada Puntland isugu yimaadaan shir  lagu xaliyo Khilaafaadka Jira.

Isimada Saxiixay Qoraalkaan:

Gobolka Mudug:

  1. Islaan Bashiir Islaan Cabdulle

  2. Suldaan Cabdi-rashiid Muuse Shire

  3. Suldaan maxamuud Cilmi Calas

  4. Suldaan Cabdi-Bile Warsame

  5. Suldaan Cabdile Warasame Aw-doon

Gobolka Sool:

  1. Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

  2. Ugaas Cabdullaahi ciise Nuur

  3. Garaad Cali Buraale

  4. Boqor Cabdullaahi Axmed Cali.

  5. Suldaan Cali Xaaji Ismaaciil.

Gobolka Sanaag:

  1. Boqor Cali Garaad Maxamuud.

  2. Garaad Cabdullaahi Cali ciid.

  3. Ugaas Maxamed Siciid Ugaas.

  4. Islaan Xuseen Xaaji Cabdisalaan (Wakiil).

  5. Suldaan Xasan Cali Jibriil.

  6. Ugaas Ibraahim Cali Shibiin.

Gobolka Bari:

  1. Beel Daaje Axmed Maxamed Xirsi (Wakiil)

  2. Suldaan Maxamed Cali Maxamed (Wakiil)

  3. Suldaan Ciise Xassan Cumar.

  4. Suldaan Bashiir Cabdi Maxamed.

  5. Suldaan Siciid Guuleed Sanyare.

  6. Suldaan Maxamed Ismaaciil Shukaan.

  7. Suldaan aaden Ciye Guuleed.

  8. Beeldaaje Cabdullaahi Xaaji Axmed.

  9. Suladaan Daahir Maxamed Muuse.

  10. Suladaan Maxamed Aaden Maxamed

Wabilaahi Tawfiiq

 

 


[Country]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:04 AM. Webmaster HomePage