- [SW Analysis](Bahda Warsidaha Yamayska ) SIDAY IYAGA LA TAHAY!!
Shirkii Garoowe oo guul ku dhamaaday!! :Posted on [01 Nov 2001]
SIDAY
IYAGA LA TAHAY!!
Shirkii Garoowe oo guul ku dhamaaday!!
wyamayska@hotmail.com
Koox ka tirsan bahda Yamayska ayaa ku sheekaysanayay khadka telefoonka, diiraddu waxa
ay noo saarnayd shirka Garoowe iyo halkii uu ku danbeeyay, aragtida inteeda badani waxa ay
iskaga socotay in uu fashilay. ma aynaan qabin sidaa, hase yeeshee ma jirin wakhti badan
oo wax lagu falanqeeyo, tan ugu darnaydse waxay ahayd isticmaalka telefoonka oo fara kulul
ku hayay jeebka.
Intaa ka dib ayaanu saxafi ka tirsan Yamayska ka codsanay inuu safar shaqo ku aado
magaalooyinka Puntland ee waqooyiga ka xiga Galkacyo. Wuxuu yiri: Bal ayaamo u kaadiya
waxaan baxnaaniyaa jidka oo dhowr nin loo galay e'. Waxaanu niri: Yaa yiri shirkii Garowe
waa fashilmay? Soow tan idinkiiba qiranaya in shirkii Garowe najaxay!!
Cilmiyan, marka mashruuc fulay la qiimeeynayo waxaa lagu saleeyaa sida uu mashruucasi
uga soo dhalaalay hadafkii iyo biyo kama dhibcaankiisii ay u jeexeen dadkii markii horeba
qorshaha mashruuca asteeyay. Sidee loo waydiin karaa dadkale oo aan waxbaba kala socon
qorshaha?
Dad badan baa qabay walina qaba in qorshihii Shirkii Garoowe iyo dhacdooyinkii ka
horeeyayba ay ahaayeen kuwo u socda maslaxadda Punltand iyo shacabkeeda, taas oo loogu
raadinayo dawlad ka fiican tii markaa jirtay, Puntland iyo riyada dadkeedana gaarsiisa
meel ka fiican meeshii ay markaa maraysay. Dabcan qolooyinkii sidaa wax u haystay shirkii
wuu u fashilay wuuna niyad jabiyay!! Hase yeeshee qolooyinkaa danbi ma leh oo waa iska
caamada shacabka oo waayay qof u sheega sidaa si ka duwan. Oo maxaa shacabka sidaa beenta
loogu sheegay?
Nin dhagarta caan ku ahaa baa laga soo wariyay gabay ay tixihiisu ka mid ahaayeen
"... Ninkaad dili, ninkaad dagi, ninkaad dabin u qooli, Waa la isu kala daadiyaa
yuusan kaa didine..."
Faan badnaa!!! Yaa horay u arkay, yaa maqlay, yaase ku riyooday in qolo dhagar wadata
ay qoladii ay godka u qodeeysay ku tiraahdo, kaalaya isoo raaca aan idin ajaro e',
godkiina biyo idinkugu soo galiyo oo kadabkiina gooyo e'?
Yaa qof reer Puntland ah ku dhihi kara, i eego aan burburiyo wixii aad tobanaanka sano
soo beeraysay e'? Aan Kismaayo kaa sabarsiiyo adna ku kala qoqobo adoon buttuli ii furin?
Xoog iyo xeeladi waa halkoodee, kolleeyba hooyo ma dhalin nin si cad ummadda reer
Puntland ula soo dhex istaagi kara dalabaadka silloon ee aan kor ku soo xusay.
Haddaan u soo noqno shirkii Garowe waa uu guuleeystay marka wax laga soo qaado sida ay
ugu meel mareen hadafyadiisii u qarsoonaa. Laba arimood oo kala muhiimsan ayuu shirka
Garoowe lahaa loona maal galiyay.
- Waa tan horee, Shirku waxa uu ahaa wadada ugu sahlan ee loo mari karay in la burburiyo
Puntland oo ah meesha kaliya ee sida wayn looga soo afuufayo dabeeysha nidaamka Federaalka
ah ee lala damacsan yahay in lagu xalliyo mushkilada gaamurtay ee Soomalaiya. Dabcan
firkaddaas Federaalka qolooyin ayaynan ka farxin, waana kuwa ka danbeeyay shirkii Garoowe
iyo shilalkii ka horeeyayba. Si taas loo gaarana Shirku marnaba qorshaha uguma jirin in
lagu gaaro xal lagu dhiso dawlad ay leedahay Punltand, ee waxa uu ahaa kaliya in lagu
burburiyo mid horay u jirtay. Waxaan aaminsanahay in ay gaareen qodobkaas. Si kastaba ha
ahaatee waxaa jiray qodob ku hoos lamaansanaa midkaan oo ahaa, haddiiba ay dhacdo in wax
la dhiso, in uu maamulkaasi noqdo mid Xamar laga maamulo, awoodna u leh in uu sii dhameeyo
qorshaha duminta. Sida wax u dheceen waxay u muuqataa in lamaanahaas laga kaaftoomay mar
haddii qodobkii muhiimka ahaa ee dumintu meel mar noqday.
- Tan labaad ee uu shirku tiigsanayay ayaa ahayd in uu meesha ka saaro xasiloonida ka
jirta Puntland, lakala dilo walaalaha ku bahoobay degaankaas, riyo Federaal waa halkeedee,
xitaa gacalku is bixin waayo. Taana loo maro in Isimadooda sharafka iyo maqaamka ay
haystaan laga murxiyo oo laga qaawiyo. Waa laga gaaray hadafkaa Isna, waliba si buuxda.
Isimadii baa laga siyaasadeeyay, oo laga iib geeyay oo markaana ku dhamaaday saddex
qaybood: Qayb siyaasiin buuxda ah oo awalba cadawga ummaddaan ay dhiseen, galin taagan
Hargaysa, galinna Garowe, galin kalena Carta iyo Xamar!! Qayb iyagu garanaya halka ay wax
u socdaan iyo shaxda la dagay, hase yeeshee yaaban oo meel ay wax marin doonaan aan la
garanayan. Iyo Qeeyb iska daacada, hase yeshee la isticmaalay oo noqday Hugun Raac, hadda
iyo maantana waa cusub u baryay goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen.
Haa, oo muran kama taagna in shirkii Garowe guuleeystay hadda iyo xaadirka, mar haddii
saaxiibkeey uusan siduu rabo shaqo ugu tagi karin magaalooyinka Puntland, mar haddii
saaxiib reer Sool ah ay wakiiladdiisii ganacsi ee Punltand u soo sheegeen in ay xoolihii
iyo iyagiiba marti iyo magan u yihiin saaxiibo kale oo dagaanka ah si ay u magan galaan,
halka ganacsato koonfurta ka timidna ay waxooda kaligood maamushaan!! Haayoo shirku wuu
guuleeystay haddii maanta Isimkii Bari uu san wax ixtiraam ah ka heeysan shacabkii Mudug
ama sida kale. Mar haddii reer Nugaal ayan u gudbi karin Qardho, Mudug warkeedaba daaye!!
Mar haddii maamulkii jiray burburay illaa xad, soo celintiisuna noqon karto cajaa'ibka
siddeedaad ee adduunka. Maamul cusub oo hadda yimaadana aan ifafaalihiisa muuqan rajona
laga qabin. Arimahaas dartoodna ay foowdadii iyo kala danbeey la'aantii cirkaa isku
shareereen heer la sheegay in dhismayaashii dawladdu qaarkood beec yihiin!! dilkii iyo
dhiciina caadi noqdeen sidii aan joogno Muqdisho Caddeey!!
Natiijooyinka Garoowe iyo mala awaalku wuu tira badan yahay, hase yeeshee mid baa la
hubaa; Sharafkii, sumcaddii iyo qaddarintii Ismaddii Puntland waxaa gaaray dhaawac xun,
waxaana galay cudur ka daran Kansarka, rajada looga bogsoonkarana waa wax ka yar 5% iyo in
qalliin weeyn lagu sameeyo, taa fulinteeda rajada laga qabaana waa mid sidoo kale ka yar
5%. Musiibadaas waxaa kaliya oo aan hubnnaa in ay mas'uul ka yihiin isla qaar ka mida
Isimadeena, bartaana ay ku aaseen boqolaal sano taariikh soo jirtay kuna qornayd baalal
dahab ah iyo khad dheeman ah, isla markaana ku dhaxal wareejiyey ubadkoodii iyo ehelkoodii
ba.
Ummad waliba waxa ay leedahay waayo madoow, sida taariikhda ku cadna maaha markii ugu
horeeysay ee reer Puntland soo food saarto mushkiladdaan oo kale, inkasta oo ay kala
kululaayeena, kulligood waxa ay ku soo dhaafeen samo samo. Tani kuwii hore kama duwana,
dadkana caqli, cilmi, aqoon iyo garasho ka maqan oo ay sugayaan maanta ma jirto. Waxaan
shaki ku jirin in ay mixnadda maanta ku gudbi doonaan mar kale samo samo, isla markaana ay
ka baran doonaan duruus iyo khibrad ay ku waajahaan mustaqbalkooda, iyaga oo ka xoog badan
sida ay maanta yihiin.
[ Analysis] |