- [SW Analysis] (Yamayska ) Siyaasadda iyo Turubka - Marka Yakaha hadhiin lagaaga faso lix-le turub! :Posted on
[13 Nov 01]
Siyaasadda iyo Turubka
Marka Yakaha hadhiin lagaaga faso lix-le turub!
Waxaa qoray: Tifaftiraha Yamayska
wyamayska@hotmail.com
Marka dhan la iska dhigo in ay qurxoon tahay iyo in laga qurux badan yahayba, ayaa
waxaan shaki ku jirin in nidaamka beeluhu noqday hab door wayn kasoo cayaaray xaaladda
colaadeed ee ka taagan geyiga Soomaaliyeed, kana ciyaari doono tan nabadda, sida nidaamka
firqooyinka diineed ee Lubnaan (Dawaa'if) ay door uga soo ciyaareen waayihii colaadda iyo
tii nabadda ee ka danbeeysaba.
Haddii taa wax laga soo qaado, beelaha ku midoobay Puntland ayaa waxa ka dhexeeya
sifooyin aan ka dhexeeyn inta badan beelaha Soomaaliya kuwaas oo gayay siin karay in
labada xaaladood ee colaadda iyo nabaddaba ay ka qaataan door wayn haddii ay sida ugu
munaasibsan u adeegsadaan waraaqahaas.
Baaxadda juqraafiyeed ee Puntland, iyo waliba barta ay ka dhacdo khariidada Soomaaliya,
tira ahaana inta ay ka yihiin tirada guud ee soomaaliya, tayadooda; marka wax laga soo
qaado sooyaalka dalkeena iyo waqtul xaadirkaba iyo arimo kale ayaa ah kuwo aad muhiim u ah
marka aan ka hadlayno nidaam beeleed.
Sidoo kale tobankii sano ee colaadda Soomaaliya cirka isku shareertay ayay dadka reer
Puntland waxa ay ahaayeen kuwo nasiib u yeeshay gumaad tira badan iyaga oo inta badan
tobankaa sano ku qaatay is difaac iyo wax iska caabin marar badan ay ku khasaareen gaar
ahaan marka laga hadlayo Koonfurta Soomaaliya.
Sababtu waxay doontaba ha ahaatee, dhanka kale reer Puntland waxa ay geed dheer iyo
geed gaaban ba u fuuleen in xasiloonidii iyo nabaddiiba lagu soo celiyo Soomaaliya si ay
mar uun dadkooda dhibaataysan ee rucbiga iyo argaguxu la darsay, hadafkana u noqday dad
lagu soo afuufay karaahiyo qabiil ay uga nabad galaan, taasoo mar gaartay in madaxda
sarsare ee Puntland ay biloowgii sagaashameeyadii oo ahayd wakhtiyadii uu ugu kululaa
dagaalka sokeeye ay booqasho nabad raadis ah ku tageen Xamar oo uu wali ka qoyanaa dhiigii
ummaddooda, dhaqaalohoodii warkiisaba daaye. Markalena waxa ay gaareen in ay dhamaadkii
sagaashameeyadii magaaladoodii ugu wayneed ee Boosaaso u goglaan dhamaan shacabka
Soomaaliyeed si ay colaaddooda wada hadal ugu xallistaan.
Dhinaca siyaasadda dibadda ayaa iyaduna reer Puntland nasiib wanaag gacanta ay ku
haystaan waraaqo muhiim ah, hase yeeshee nasiib xumo ayan u adeegsan sidii loo baahnaa
sababtu waa halkeedee.
Xiriirka caalamka cusub oo iska noqday mid gobaleeysi ayaa hadda waxaa asaas u ah laba
arimood oo hadba sidii aad ugu wanaagsan tahay xiriirkaaga u wanaajiya. Waa amniga iyo
dhaqaalaha.
Barta Juqraafiyeed ee Puntland ayaa ka dhigtay mid muhiim u ah amniga Geeska. Xuduudka
dheer ee ay la leedahay Itoobiya iyo dadka dega degaankaas oo intooda badani dhiig iyo
dhaqanba ka dhexeeyo kuwa Puntland dega ayaa ah arin si weeyn isha loogu hayo. Sidoo
kalena baahida dhaqaale ee Itoobiya u qabto deked badeed ayaa ah mid xiriirka dhaqaale wax
badan ka tari karta.
Dhanka kale isla bartaa juqraafiyeed ayaa ah mid xiriirka amni iyo dhaqaale ee Carabta
iyo Soomaaliya door wayn ka cayaari karta. Sadex xagalka Badda Cas iyo Badweeynta Hindiya
oo dhaca Puntland ayay carabtu u arkaan in uu yahay albaabka koonfureed ee gayiga Carbeed.
Sidoo kalena saddex xagalkaasi waa halka ugu muhiimsan dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee u dhexeeya
Soomaaliya iyo Gacanka Carbeed.
Inkasta oo ay reer Puntland saaxiib u noqdeen sifooyinkaas oo dhan, cid la wadaagtaana
ayan jirin, ayaa haddana uusan alle waxba ka dheefsiin oo ayan sidii la rabay ugu ribxin
marka wax laga soo qaado geeddi socodka nabadeeynta iyo siyaasadda Soomaaliyeed tii
colaadda waaba la ogaaye!
Jirteeyoo, in dhismihii Puntland oo ku yimid dareenada aan kor uga soo hadalnay
aawadood uu maamulkii qabtay wax weeyn ku soo kordhiyay jihooyinkaas oo markii horeba ahaa
waxyaabihii lagu doortay, haddana nasiib xumo isla dad reer Puntland ah oo u adeegaya ama
la adeegsanayo iyaga oo aan ka warqabin, ay majo xaabiyeen ifafaalihii iyo rajadii la
qabay oo mar gaartay in reer Yurub oo uu hor kacayo Talyaanigu bilo ka hor soo bandhigeen
in Soomaaliya shirkii Carta ka dib loo tixgaliyo in ay ka jiraan saddex afkaar siyaasadeed
oo kala ahaa, Somaliland, intii ku midaysnayd aragtidii Carta iyo Puntland iyo
xulufadeeda.
Bilo ka dib ayay ahayd markii ay dadka reer Puntland ku noqdeen casrigii madoobaa iyo
waayihii Cali Mahdi, Caydiid iyo Cigaal ay horboodi jireen siyaasadda Soomaaliya, ka dib
markii awood badan oo isla reer Puntland ahi ay kayaankoodii ku burburiyeen dhalanteed
qaranimo oo loo soo maleegay, qarankaas oo tallaabadii ugu horeeysay ka qaaday in uu
gumaadkii gumaad ugu daro dadkii reer Jubbaland ee ay isku isirka ahaayeen!
Madaxweeyne Cigaal oo ah nin aad ugu ciyaari yaqaan kaararkiisa ayaa haddiiba uga
faa'idaystay duruufaha taagan in uu booqasho ku tago Ceerigaabo oo uusan xitaa horay u
niyaysan jirin ka hor dhismihii DGPL. Haddii ay taasi macno sameeysanysona, kaliya waa
calaamad sugaysa burburka Puntland iyo awoodeedii siyaasadeed iyo miisaankeediiba, ugu
yaraan wakhtul xaadirka.
Kaararkaas ka khasaaray Puntland ayaa waxaa mas'uuliyadoodu dusha uga dhacaysaa:
Odayaasha dhaqanka Puntland oo isku badalay siyaasiyiin, siyaasiyiinta ruuxooda iyo
aqoonyahaynka Puntland oo arinka u fiirsanaya sidii filin daraama ah una dhacaya kaliya
sidii uu soosaaarihiisu ugu tala galay!! Dabcan shacabka guud ee reer Puntland ayaa isagu
waxa uu horayna u ahaa, haddana wali yahay dhibane marna shisheeye dhibo marna sokeeye
halbowlaha jaro.
ugu danbeeytii, inkasta oo waraaqahaas muhiimka u ah reer Puntland looga fanishay
loogana fasay kuwo ka ahamiyad yar oo ay ku cayaarayaan dhigood beelaha Soomaaliyeed, ayaa
haddana la hubaa in ay waraaqahaasi u dhigmaan hanti ma guurta ah, khasaaro kasta oo ku
yimaadana yahay mid ku kooban marxalladda markaa la marayo, su'aashuse waxa ay ka taagan
tahay reer Puntland ma heli doonaan fardafuul aan yakahiisa hadhiin looga haweeysan in
looga faso lix-le turub marka la cayaarayo siyaasadda Daba ka eriga? Jawaabtu, waa haa
shaki kuma jiro!!
[ Analysis] |