19 May 2007 04:17

SOMALIA WATCH

 
AnalysisANALYS2.jpg (2276 bytes)
  • [SW Analysis] (Tifaftiraha Yamayska - Galkayo ) LABA DARAN MID DOORO! Heerarka Garashada ee reer Puntland iyo sannadkii tagay.  :Posted on [20 Nov 2001]

 LABA DARAN MID DOORO!

Heerarka Garashada ee reer Puntland iyo sannadkii tagay.

Waxa qoray: Tifaftiraha Yamayska

wyamayska@hotmail.com 

Marka laga hadlayo garashada iyo caqliga ayaa culimada  nafsigu waxa ay u hayaan macne aad isugu dhow. Waa laba arin oo isku xiran, waayo garashada qofka waxa ay ku xiran tahay inta uu gaarsiisan yahay caqligiisu (IQ). Saddex darajo oo asaasiya ayeey culimadu ukala qeeybiyeen heerarka garashada:  Qofbaa waxa uu gartaa natiijada soo socota inta uunan ficilku dhicin oo waa qofka ugu caqliga sareeya.  Qofkalena waxa uu wax gartaa inta uu ficulku socdo waana qofka uu caqligiisu dhex dhexaadka yahay. Qofka heerka saddexaadna waxa uu wax gartaa marka uu ficilkii dhamaado oo ay xeero iyo fandhaal kala dhacaan, waaba hadduu garto e, waana heerka ugu hooseeya ee garaafka lagu cabiro caqliga (IQ).

Inkasta oo tafsiirkani yahay mid heer shakhsi ama kali-kali ah, ayay misna suuragal tahay in la isku xiro tafsiirkan iyo heerarkii fikirka iyo garashada ee reer Puntland soo mareen sannad iyo barkii ugu danbeeyay.

Marka dhan la iska dhigo aragtidii iyo mawqifkii uu maamulka Puntland ka qaatay qorshihii loo nisbeeyay Ismaaciil C. Gelle ee nabadeeynta Soomaaliyeed, ayaa dad badan oo reer Puntland ahi waxa ay tallaabooyin siyaasadeed oo muhiim ahaa  u qaateen si caadifad iyo xaaqid nimo wada socota ay ku jiraan, tiiyoo ayan garan amaba iska indha tireen raadka ay ku reebi doonto ummadda ay ra'yigooda ku matalayaan,  iyaga oo jabiyay dastuurkii u yaallay Puntland qaybtiisii khuseeysay matalidda iyo igmashada, sidaasna waxa ay ku seegeen heerkii koowaad ee garashada oo ahayd in ay garashadu timaado inta uusan ficilku dhicin.

Markii la guda galay qorshayaashii shirkii Cartana, waxa saacad walba soo baxayay qorshayaal sicad loogu majaxaabinayay istraatiijiyadda siyaasadeed ee ummadda reer Puntland.  Inkasta oo intii markaa meesha ku joogtay magaca Puntland ay dareemayeen foolxumada meesha taal, illaa heer ay gaareen in la ansixiyo axdiga Carta iyaga oo aan fadhiyin madashii shirka, ayaa haddana sababo awgood waxa ay doorteen in badan oo raggaas ka mid ahaa in ay sii joogaan madashii, iyaga oo doodoodii aan laga hoos qaadin ku cabiray maahmaahda Soomaaliyeed ee oranaysa "Gashaanti aamus baa lagu meheriyaa" halkaasna waxay raggaasi mar labaaad ku seegeen heerkii labaad ee garashada ee ahaa in ay garashadu timaaddo inta uu socdo ficilku.

Hadduu shirkii Carta soo dhamaaday, guda galay qorshayaashiisii burburinta, hadday ahaan lahayad xag dhaqan, dhaqaale, istaraatiijiyaddii siyaasadeed iyo tii maamulba, oo uu gaaray in madaxweeynihii Carta A/Qaasim uu si cad u qirto in uu isagu mas'uul ka yahay dagaalkii caddaa ee lagu qaaday ciidamadii Kismaayo ka xoreeysatay dhagar qabayaasha, dhanka kalena ra'iisul wasaarihiisii Galleyr uu meel kale ku qirtay in ay gacan weeyn kuleeyihiin waxyaabaha ka socda Puntland, taasoo maanta naatiijadeedii ayan cidna ka qarsoonayn, hadday intaas oo dhami maanta qoraxda ka cad yihiin, ayaa haddana waxaa ayaan daro weeyn ah in ayan dad badan oo reer Puntland ahi wali fahmin halka loo wado iyo dhaawaca gaaray midkoodna.

Waxa ayaan daro ah, in reer Puntland ay maanta uga dhowyihiin Carta shalay, kadib markii lagu abaal mariyay Xasan Abshir oo ka soo jeeda mid ka mida beelaha looga xisaabtamo Puntland, kana mid ahaa bud-dhigayaashii Carta, jagada ra'iisul wasaaraha laga soo wareejiyay Galleyr oo isna ka soo jeeda beel isla reer Puntland ah haseyeeshee uu A/Qaasim u arkay in ayan sii wadi karin najaxinta damacyadiisa.  Sidoo kalena lagu abaal mariyay xafiiska madaxnimada Puntland Jamac Ali Jama oo isna ahaa mid ka mida bud-dhigayaashii Carta, oo aan waliba aragtidiisa marnaba qarsan. 

Ayaan daro kale oo wayn ayaa ah, in dad reer Puntland ah oo ay ugu horeeyaan Isimo magac ku lahaa ummadda, si weeyna loogu xisaabtami jiray, iyaga oo eeganaya sumadda qabiil - oo ah halkii aanu u jilicsaneeyn, horayna naloo ka sahansaday- ay si howtal hamagnimo ah u taageereen dhacdooyinkan soo baxay.  Halkaasna waxa ay dadkaa reer Puntland ku seegeen heerka saddexaad ee garashada oo ah in ay xitaa wax gartaan marka uu ficilku dhaco oo dhamaado natiijadana  soo taabtaan.

Wixii intaa ka hooseeya garashadu, maaha mid la socon karta nolasha iyo duruufeheeda kala duwanba, waxana lagu tilmaama heerka ayanba garashadu jirin, ee lagu tilmaamo jirooyinka iyo caajiska maskaxda iyo madaxa, saaxibkeedana waxa uu dhan walba oo nolasha ahi uga tiirsan yahay itna ku hareeraysan!  Ma heerkaas baanu joognaa!?  Mase la sugayaa in ay dhacaan tallaabooyin kale oo suuxdinta looga tooso!?

Jirteeyoo, uu maamulka Puntland gartay arimahaas, hadda oo  wakhtigii loo kordhiyayna wali garanayo, ayaan haddana, ayaan daro kale,  uusan maamulku wakhtigii munaasibka ahaa ugu sharxin ummadda sidii ugu munaasibsaneeyd ee ay wax ku fahmi lahaayeen lana socon karatay garashada guud ee mujtamaca Puntland.

Inkasta oo uu maamulkii Puntland ee hadda fadhigiisu yahay Galkacyo, uu qorsheeynayo in uu qaado tallaabooyin badan oo badbaadin ah, khasabna ay tahay in ay jihaday doontoba ha noqotee tallaabada badbaadinta ee ay baahideedu muuqato la qaado, ayaa haddana waxaa suura gal ah in ay tallaabo kasta oo uu qaadaa noqon doonto mid ka kharash badan, naf iyo maalba, kuwii ku habboonaa in uu qaado wakhtiyo hore oo la soo dhaafay.  Puntland ma haysato maanta khiyaaro badan, oo waxa ay ku jiraan xaalad ah laba daran mid dooro!  Xikmad duug ah baase oranaysa 'Nimaan laba wax oo xun kala dooran aqoon, laba kala fiicanna makala dooran yaqaano"

 


[ Analysis]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:04 AM. Webmaster HomePage