- [SW Analysis] (Warsidaha Yamayska ) LAANTA AFKA SOOMAALIGA EE BBC-DA WAXAY JABISAY XEERKA
SAXAAFADDA.
:Posted on [27 Nov 2001]
LAANTA AFKA
SOOMAALIGA EE BBC-DA WAXAY JABISAY XEERKA SAXAAFADDA.
wyamayska@hotmail.com
Waxaa jira waxyaabo muujinaya in Laanta Afka-Soomaaliga ee BBC ay qayb ka tahay
qalalaasaha siyaasadeed ee Puntland ka jira. Sida sharciga saxaafaddu dhigayo wariyayaasha
BBC-duna ay ogyihiin, marka ay meeli ka jirto is-hayn, mid siyaasadeed ama gacan ka
hadalba, saxaafaddu waa inay aad uga taxadarto wararka goobtaas ka soo baxaya. Waxaa
sharcigu qabaa in laysu miisaamo wararka labada dhinac ee wax isku haya, in haddii dhinac
fursad la siiyo dhanka kalana la siiyo, in saxaafaddu ka dheeraato wixii arinta sii xumayn
kara iwm. Marka la eego qodobadaas assaasiga ah ee kor ku
xusan, laantu waxay jabisay xeerkii Saxaafadda. Waxaa taas markhaati cad u ah labadii
waraysi ee 21 iyo 24kii bishan ay la kala yeelatay Col. Xasan Abshir Faarax iyo Suldaan
Siciid Maxamed Garaase, oo labaduba ku hanjabay in ay weerari doonaan Col. Cabdullaahi
Yuusuf haddii uusan ka bixin Garoowe. Waxaa taas ka argagax iyo yaab badnayd warbixintii
dhiilada iyo dagaalka xanbaarsanayd ee sabtidii uu bixiyey wariyaha BBC-da ee Garoowe oo
laf ahaantiisu ka tirsan Ururka Al-itxaad ee Cabdulaahi Yuusuf ay dirireen 1992kii, taas
oo wariyuhu ku muujiyey in Cisbitaalka Garoowe dhaawac ka buuxsami doono. Khamiistii iyo
Jimcihii dhawayd waxaa laantu baahisay warar colaad xanbaarsan oo isla arintaas ku
saabsan. Idaacaddu illaa hadda kama hadlin dhinaca kale oo arintu khusayso iyo waxa ay
qabaan toona, kama ay hadlin dadaalka odayaashu ugu jiraan xallinta khilafaadka, kama ay
hadlin khudbaddii nabaddoonka ahayd ee Islaan Maxamed Islaan Muuse Jimcihii dadwaynaha
reer Garoowe uga jeedshay goob fagaare ah, kama ay hadlin barnaamijka odayaasha magaalada
ee ay dib ugu soo celinayaan dadkii ka guuray magaalada ee laantu u hunbaalaysay oo ay
baabuur u kireeyeen sidii dadkaasu dib ugu soo noqon la haayeen guryohoodii, kama ay
hadlin wax caddaalad ku salaysan oo arimaha Puntland khuseeya ah. Dad badan oo reer
Puntland ah ayey la yaab ku noqotay dhex dhexaadnimo laaanta qaawan oo isku dirka
iyo colaad hurinta ku salaysan ee laantani ka caado yeelatay muddooyin kaan danbe. Sababtu
waxay noqon kartaa; Laantani waxay u shaqaysaa Kooxda Carta, wixii kooxda siyaasaddeeda ka
hor yimaadana si qaawan ayey ula dagaalantaa. Labada oday (Garaase iyo Xasan Abshir) ee
Idaacaddu fursadda ay ku dhaartaan siisay labaduba waxay ka tirsan yihiin Kooxda Carta oo
cadawgeeda u wayn u aragta Cabdullaahi Yuusuf. Waxaa dad badan iswaydiiyeen sida Xasan
Abshir ay ugu suurtoobayso in uu Xamar ku xukumo, Cabdulaahi Yuusufna uu Garoowe uga
guusho. Sida horay wax badan saxaafadda guduhu uga hadashay laanta afka Soomaali-ga ee
BBC-du waxay hadda qayb ka noqotay Kooxaha ku hardamaya Soomaaliya. Siyaasad ahaan waxaa
jira Laantani wax ay jeceshahay iyo wax ay neceb tahay, taas oo keentay inay kala soka
marsato labo dhinac oo is-haya. Dad badan oo Soomaali ah ayaa rumaysan in idaacaddani
kaalin mug leh ka qaadatay dhibaatada Soomaaliya ee dabada dheeraatay. Waxaa ayana xusid
mudan in had iyo goor ay ka balo sheegto Puntland, halka meelo kalana ay ka sheegto wanaag
iyo horumar aan ka jirin. Soddonkii bilood ee la soo dhaafay waxaa si wayn hoos ugu dhacay
sumcaddii laanta iyo wariyeyaasheedu ku la haayeen dhagaystayaasha sababaha kore dartood.
Marka la eego heerka fikirka Soomaalida iyo duruufaha guud ee ka jira Soomaaliya, arintan
foosha xun waxay saamayn danbe ku yeelan kartaa xornimadii iyo kalsoonnidii shaqaalaha
Laantu ku mari jireen meel kasta oo ay doonaan Soomaaliya, ayaga oo aan amaankooda cidna
uga cabsi qabin.
[ Analysis] |