Warsaxaafadeed uu warbaahinta siiyay wasiirka Maaliyadda ee DGPL Md. Siciid Max’ed Max’ud (Cadduur) ayuu ku canbaareeyay u soo jeediyay kooxdii ka abaabushay mudaharaadka Magaalada Boosaaso, warsaxaafadeedkaas oo u qornaa sidatan:-
Ujeeddo:- Bayaan Saxaafadeed (Press Release) oo ay soo saartay Dawlad Goboleedka Puntland.
Wasiirku isaga oo ku hadlaya afka Dawlad Goboleedka Puntland arrintaas waxa uu ka soo saaray qoraal dheer oo ka kooban saddex bog oo uu ugu talo galay saxaafadda.
Puntland waxaa la aasaasay 1998 sida ku cad Dastuurka ku meel gaarka ah waxaa laaday dhammaan ururadii iyo abaabul kasta oo siyasadeed oo keenaya kala qaybsanaan iyo iska horimaad bulshada ku nool dawlad Goboleedka Puntland.
Maamulka dawlad goboleedka Puntland wuxuu mudnaanta 1 aad siiyey sugida nabad gelyada, xasiloonida gudaha iyo xiriirka darisyada. Waxaana la xaqiijiyey nabaddii iyo xasiloonidii taas oo ay Dawlad Goboleedka Puntland inay ku guulaysatay qireen dadka puntland iyo adduun weynuhuba.
Shirkii Jabuuti ee arrinta Soomaaliya lagaga hadlayey, Puntland iyo dhamaan qaybaha muhiimka ah ee Soomaaliyana ku gacan sayreen ka dib markay Jabuuti caddaysatay khiyaano, iska horkeenid iyo magaccaabid maamul aan loo dhammayn oo hurinaya dagaal iyo colaad ka cusboonaata Soomaaliya markiiba Jabuuti waxay ku dhaqaaqday inay Puntland mudaharaad iyo kharibaad ka fuliso taasoo ay ku guul daraysatay marar badan.
Xukuumadda Jabuuti waxay ku talo baxday inay ku dhawaaqdo, maamul aan loo dhammayn waana kan loo yaqaan kooxda Carta, Jabuutina u taqaan Dawladda Soomaaliya
Kooxda Carta waxay muqdisho ka degen yihiin dhowr Hotel oo aagga waqooyi ku yaal. sidii la faliyey, durba colaad iyo fidmo bay ka oogtay qaybaha Soomaaliya waxaana tusaale u ah arrintaas:
1.
Dagaalkii ay ka abaabuleen Muqdisho-balcad .
2. dagaalkiimuqdisho- Baydhabo
3. dagaalkii Muqdisho- Tiyooglow.
4. Dagaalkii muqdisho- Garbahaaray, Dagaaladaas oo dhammaanntood lagu jabiyey.
Kooxda Carta, waxay u qlab qaateen inay qalalaase ka ridaan Dawlad Goboleedka Puntland oo nabad iyo xasilooni ku suganayd, shirkii Jabuuti iyo kooxda Carta ka hor.
Shirkii Carta iyo wixii ka soo baxay Dawlad Goboleedka Puntland waxay ka soo saartay.
1. Sharciga Lr. 10 taariikhdiisuna ahayd 29/7/2000 oo qeexaya ciddii shegata Carta in talaabo shrciga waafaqsan la mariyo
2.
Ka qayb galayaasha aan xil sidana inay Puntland ku soo noqon karaan
3. Ciddii ababusha fal xasiloonida Dawlad Goboleedka Puntland wax u dhimaya in Maxkamad la hor geeyo oo sharciga lagu qaado.
Dawlad Goboleedka Puntland waxay la socotay oo u dulqaadanaysay muddo dheer inay jiraan qaar ka mid ah ka qayb galayaashiii Carta, oo kaashanaaya kuwo xag jira inay ka wadeen abaabulo khatar galinaya Nabadda, xasiloonida iyo dhaqaalaha Dawlad Goboleedka Puntland. Xukuumadda Puntland ayadoo la socota arrimahaas waxay door biday inay la sugto illaa ay bareeraan oo fal dambiyeed ku dhaqaaqaan.
Waxaa tusaale u ah falalka ay ku talaabsadeen:-
Ø Dacaayad iyo been abuur lid ku ah Dawlad goboleedka Puntland.
Ø Mudaharaad aan shrci ahayn, ayagoo sita Calamo dawlado shisheeye kuna dhawaaqaya hal ku dhigyo xambaarsan taageero shisheeye oo lid ku ah Dawlad Goboleedka Puntland. Mudaharaadkaas dhibaatoo-yinka ay geesteen waxaa ka mid ah:
1. Kicin dadweyne iyo ku dhawaaq taageero shisheeye iyagoo sita calamo dalal kale .
Eeg Bogga 3aad
Ka yimid Bogga 2aad
2.
Boob hanti dadweyne (danyarta waratada ah)
3. Khatar galin ah bililiqaysi magaalada Boosaaso.
4. Weerar iyo dhagax tuur saldhiga Booliska Boosaaso.
Ciidamada booliska oo xabado kor u ridaya ayaaa kala dareershay ka qayb galayaashii mudaharaaadka, abaabulayaashiina qaar xir xiray, qaar dhuuntayna raadinaya nasiib daro xabad darbi ku dhacday oo soo noqotay baa gabari ku geeriyootay dhagax tuurkiina waxaa ku dhaawacmay dhowr Booliska ah.
Intaa waxaa dheer dhalinyaro la khatalay lagu aruuriyay hab qabiil soocan ah oo loo geeyay baro deegaan kooda ah si ay jid gooyo qul-qulato kala xirid gobolada dawlad goboleedka Puntland iyo khatar galinta xasiloonida iyo in nabadglyada guud u sameeyaan.
Xukuumaddu waxay la xaa jootay wax garadka iyo odayaasha gobolada Bari si loo ga hortago fidmada ay wadaan wax xun ka taliyayaalku taasoo waxna ka qabsoomeen inta kalena haddii aan la dhameestirin amanigu deg-deg wax ugu qaban doono xukumada Dawlad Goboleedka Puntland u dulqaadan mayso talaabo deg-deg ah oo sharciga waafaqsan ayeyna kaga hortageysaa falkasta oo lid ku ah nabadgalyada iyo xasiloonida Dawlad Goboleedka Puntland, sidaas darteed waxaa looga digayaa kuwa u adeega shisheeyaha iyo xagjirayaasha in ay ka waantoobaan falalka dambiga ah.
Waxaan beeninayaa dacaayadaha raqiiska ah oo aan salka iyo baar la heyn ee ku saabsan afduub dad katirsan dawlad goboleedka Puntland taa soo ay faafiyeen warxuma tashiil la og yahay u jeedooyinkooda iyo cidda ka dambaysa.
Ugu dambeentii Dawlad Goboleedka Puntland waxay digniin culus usoo jeedinaysaa kooxda Carta iyo xukumadda Jabuuti oo aasaaskeeda ka dambaysay kuna dhiiri galisay mu’aamuraadka ay maleegayso kooxda Carta una ah afhayeen iyo taageero haddaba dawlad goboleedka Puntland si ay u sugto nabad galyada dadkeeda iyo dalkeeda waxay qaadaysaa talaabo kasta oo ku haboon in lagaga hortago cidkasta oo wax yeelo u geesanaysa jiritaanka iyo nabadgelyada, xasiloonida ummada Reer Puntland.
WASIIR KU XIGEENKA WASAARADDA ARRIMAHA BULSHADA OO LA SHIRAY SHAQAALAHA WASAARADDA
PUNA-Garowe
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Bulshada Inj.
Maxamed Cabdi Kulmiye, ayaa ku shiray Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Bulshada, wuxuu kala hadlay Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha sidii dardar horleh loo gelin lahaa Hawlaha Wasaaradu u hayso bulshada iyo sidey uga soo dhalaali lahayd laguna miradhalin lahaa hadafkii iyo u jeedooyinkii wasaaradda, Wasiir ku xigeenku waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha oo hadalo kooban oo isugu jira soo dhaweyn iyo warbixin ka soo jeediyey.
Wasiir ku xigeenku wuxuu halkaas Shaqaalaha kala hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim ah wuxuuna xusuusiyey in wax qabadka dhabta ahi uu yahay nidaamsamida iyo mooralka, haddii taasi la helana ay ka fiican tahay hantida maadiga ah, isagoo waayaha iyo duruufta taariikhiga ah ee Soomaaliya kala hadlayey, wuxuu kaloo kala hadlay dhowrista sharciga iyo qawaaniinta u degsan shaqada, arintaas mas’uuliyadeedana waxaa iska leh madaxda waaxyaha iyo mas’uuliyiinta kale ayuu yiri, shaqaalahana wuxuu ka codsaday ilaalinta nidaamka dawliga ah.
Wasiir ku xigeenku wuxuu kaloo ka hadlay inay mas’uuliyada madaxda sare ka mid tahay dhisida guddi shaqaale iyo hal abuurka shaqo, wuxuu yiri hadba sida hal abuurkeena shaqo noqdo ayaa mustaqbalkeena iyo ayaaha u badkeena ku xiran yahay.
Wasiir ku-xigaanku mar uu ka hadlaayey habka wada shaqaynta wuxuu yiri waxaan ka digayaa ilaalin la’aanta jaran jarada wada shaqaynta, taas oo haddii aan la helin ama la dhoorin ay soo baxayso xafiisyo qaarkood in aysan waxba qaban.
AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA OO KA SOO LAABTAY KORMEER UU KU TEGAY DEGMADA BUURTINLE
PUNA-Garowe/09/02/2001
09/02/2001 waxaa ku soo laabtay Magaalada Garoowe wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md. Yuusuf Macalin Ibaraahim oo ay la socdeen Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Md. C/laahi Xasan Faarax (Baasa-weyne) iyo Madaxa qaybta miisaaniyada ee Waaxda Dawladda Hoose ee Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Amniga Md.
Faarax Maxamed C/raxmaan (Faarax Duul-Duul).
Wafdigaas waxay kormeer shaqo ah u tageen Degmada Buurtinle iyo Tuulooyinka la xiriira, Wafdigu waxay u kuur galayeen habka Maamulka Degmada Buurtinle iyo dhaqan galka canshuuraha, Hubinta arrimaha nabadgelyada, wacyi gelinta dadweynaha iyo arrimo kale oo la xiriira hawlaha Wasaaradda iyo guud ahaan siyaasadda dawladda.
NABADGELYADDU WAA FURAHA HORUMARKA
Intii bur-burka iyo Qaran la’aantu la soo deristay ummadda Soomaaliyeed, waxay ahaayeen kuwo ku nool nabadgelyo la’aan guud ahaan saameeysay wadanka siduu u badan yahay in yar mooyee, nabadgelyo la’aantaas waxay keentay in dad badan oo soomaaliyeed ay ku nafwaayeen mood iyo noolba, haddaynu dib u eegno dhibaatooyinkii ka dhacay Gobolada koonfureed, dad badan ayaa gaajo ugu dhimanayay, taas oo soo jiidatay indhaha caalamka markay u adkaysan waayeen.
Naxdinta iyo foolxumada meesha taal waxaa kale oo xusid muddan in kumanyaal qof oo qaxooti Soomaaliyeed ay u qaxeen dibadaha taas oo ay keentay kuna kaliftay nabadgelyo xumida wadanka ka jirtay, iyagoo naftooda la raadinaayo ama la doonayo meelay nabadgelyo ka helaan oo ay ku noolaadaan, iyagoo arrimahaas waxa dhacay aynu ogsoonahay nabdgelyadu waa u dan qof kasta waana furaha horumar kasta oo dad gaaro haddaba adiga ma ka qayb qaadataa nabadda, nabaddu waa nolol noloshuna waa nabad.
Haddaan u soo leexdo Gobollada waqooyi Bari, way xasiloonayd ilaahay mahadiis waxay ahaayeen kuwo ay ka jirto nabadgelyo.
Dad badan oo soomaaliyeed ayaa u soo qaxay cid wax lagu yeelana ma jirto, taasi waxay ka timid Issimada, Waxgaradka iyo inta nabadda jecelba oo ku dadaalay in ay noqoto goob nabadeed.
Iyadoo xaaladu sidaas tahay ayaa waxaa samaysmay maamul Goboleedka Puntland wuxuuna si adkeeyay siina horumariyay nabadgelyaddii iyo ammaankii, wuxuu isla markiiba qaaday barihii koontoroolada ku taxnaa laamiga, wuxuuna degmo kasta iyo tuulo kasta geeyey ciidamadda, Nabadgelyada ka shaqeeya (BOOLIIS), waxayna guulo waawayn ka soo hoyiyeen sugidda nabadgelyada.
Haddaba waayaha dambe waxa soo ifbaxayay kooxo isku dayaya in ay fadqalado geliyaan nabadgelyada iyo xassilloonida Puntland si ay uga dhigaan meel aan nabadgelyo ka jirin.
Ciddii isku daydaa inay waxyeesho nabadgelyada iyo xassilloonida reer Puntland haysato, maamulka iyo shacabka Puntland gacmaha ka laaban maayaan, waxayna ka waraabinayaan waxa ay waajib u leeyihiin iyagoo la marinaayo sharcigga u degsan Maamul Goboleedka Puntland, waxaa habboon muwaadin kasta oo reer Puntland ah in uu xil iska saaro sidii uu u illaalin lahaa nabadgelyada uu illaahay siiyay uguna xamdi noqo nabaddu waa furaha horumarka dalkasta iyo dad kasta, aakhirkiina waxay gaarsiisan tahay barwaaqo, horumar iyo isku filaansho dhan walbaba ah.
Soomaali weyn oo dhan waxay u baahan tahay dawlad iyo nabad laga soo unko salka kuna midowdo qaab FEDERAAL ah, dadkeeduna waxay u baahan yihiin nabad iyo horumar.
WARSIDAHA PUNTLAND
WAXAA CEELALYO U AH:-
1. Axmed Sheekh Jaamac.
WAXAA QORA:-
2. Tifaftire:- Cabdi Bashiir Xaaji Maxamuud.
3. Kaaliye Tifaftire:– Yaasiin Aadan Rooble
4. Qoraa:- Faarax Yuusuf Nuur (K.K)
5. Computer Operator:- Maxamuud C/laahi X. Xuseen (Alakis).
Arbaco kasta ayuu ka soo baxaa Madbacada N.P.C-Garoowe
Tel. 252-944-2600
