- Title: [SW News] (QARAN) Hogaanka Jabhadda RRA oo
sheegay in Inj. Muunye Saciid yahay ninka dhinaca siyaasadda magaca Digil iyo Mirifle ku
hadli kara.
- From:[]
- Date :[07-May-2000 ]
Hogaanka Jabhadda RRA oo
sheegay in Inj. Muunye Saciid yahay ninka dhinaca siyaasadda magaca Digil iyo Mirifle ku
hadli kara.
BAYDHABO, Axad:
Qoraal ay ku saxiixnaayeen Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaargaduud) iyo
Sheekh Aadan Madoobe oo kala ah guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka jabhada wax iska
caabinta Raxanweyn oo shalay laga soo saaray magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay in Inj.
Muunye Saciid Cumar uu yahay ninka ku hadli kara dhinaca siyaasadda magaca beelaha Digil
iyo Mirifle.
Qoraalkan oo loo qaybiyey wakaaladaha wararka ayaa soo baxay
gunaanadkii shir muddo dhowr todobaad ah uga socday magaalada Baydhabo mas’uuliyiinta
jabhadda RRA iyo Inj. Muunye oo muddooyinkii dambe aad ugu sii dhawaanayey hoggaamiyaha
RRA.
Inj. Muunye oo gacanta ku haya maraakiibtii Soomaaliya ayaa in
dhawaalaba waday dadaal uu ku mataanaynayey beesha Reer Baraawe ee uu ka dhashay oo uu
horeyna u sheegay inay yihiin Digil iyo Mirifle iyo RRA.
Asad Cabdi Maxamed afhayeenka Jabhada Badbaadda Digil (DSA) oo wax laga
waydiiyey warkan ku saabsan magacaabista Inj. Muunye ayaa sheegay inaysan taasi qusayn
beelaha Digil, sidaasi si la mid ahna aysan shaqo ku lahayn shirka la sheegay inuu
Baydhabo ka socday, wuxuuna Inj. Muunye ku eedeeyey inuu yahay nin isku diraya beelaha
Digil iyo Mirifle.
(QARAN PRESS)
[ News] |