Inj. Muunye "Anigu waxaan
hayaa afar markab oo ay Soomaaliya
leedahay, waxaase isweydiin
mudan halkaaii ay ka baxeen markabkii Booli Moog,
diyaaradihii Somali Airlines
iyo warshadihii dalka"
BAYDHABO, Sabti:
Inj. Muunye Saciid Cumar oo ah ninka gacanta ku haya
qaar ka mid ah maraakiibtii Soomaaliya,
haatanna siyaasadda kooxaha Soomaaliya ku lug leh ayaa
sheegay in aanay waxba ka jirin
eedaymaha markasta loo soo jeediyo ee sheega inuu hanti
badan lunsaday.
Inj. Muunye oo u waramay Weriyaha QARAN
dhawaan isagoo jooga magaalada Baydhabo ayaa
iska difaacay dambiyada la leeyahay wuu ku kacay,
"anigu waxaan hayaa 4 markab oo Soomaaliya
leedahay oo ah hanti Qaran maalintii dowladi dalka ka
dhalatana, waan wareejinayaa inta ka
horeysase mana jirto cid aan ku aamini karo" ayuu
yiri "waata aniga la I eedayee halkee ayey
mareen markabkii Booli Moog, diyaaradihii Somali
Airlines, warshadihii dalka iyo weliba
lacagihii ku jiray bankiyada dibadda ee uu Qaranku
lahaa".
Inj. Muunye waxa uu sheegay inay dibadaha wareegayaan
dad uu ku tilmaamay inay iibsadeen
warshadihii dalka sida warshadii sokorta ee Mareereey,
waxaa kuwaasi ka sii daran ayuu yiri
kuwa maalin kasta la soo heshiiya dowladaha waaweyn ee
horumaray oo baddaha Soomaaliya
ku shuba haraadiga sunta Warshadaha.
Inj. Muunye oo la waydiiyey sababta uu xilligan ugu lug
yeeshay siyaasadda kooxaha
ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu sidaasi go’aansaday,
kaddib markii sida uu sheegay uu arkay 10 sano kaddib dhibaatada sii baahaysa ee dalka ka
jirta, "kuwii dhibaatada gaystay ayaa doonaya inay dalka wax ka noqdaan ee maxaa
aniga ii diidaya" ayuu yiri Inj. Muunye
(QARAN PRESS)