- Title: [SW Country] (Garowe-
PL) KHUDBADDA MADAXWEYNAHA EE FURITAANKA KALFADHIGA 3AAD
EE GOLAHA WAKIILLADA PUNTLAND
- From:[]
- Date :[15 Jun 2000]
http://warsidaha.puntland.8k.com/khudbadda_Madaxweynaha_PL.html
DAWLADDA PUNTLAND - PUNTLAND STATE OF
EE SOOMAALIYA - SOMALIA
XAFIISKA MADAXWEYNAHA - OFFICE OF THE PRESIDENT
__________________________________________________________________________________
Garoowe, Juun 15, 2000
KHUDBADDA MADAXWEYNAHA EE FURITAANKA
KALFADHIGA 3AAD EE GOLAHA WAKIILLADA PUNTLAND
SALAANTA FURIDDA SHIRKA
Bismillaahi Raxmaani Raxiim;
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Xildhibaannada Golaha Wakiillada
shacabka, Xubnaha Golaha Dawladda, Isimada, Cuqaasha iyo Culumaa-u-diinka, iyo marti
sharafta kale ee xafladda furitaanka kalfadhiga saddexaad ee Golaha Wakiillada
ka-qaybgalkiisa lagu maamusay, dhammaantiin,
Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.
HORDHAC
Salaantaas qiimaha weyn oo Islaamka, ee ducada iyo naxariista Eebbe
xambaarsan oon aan idiin soo gudbiyey ka bacdi, waxaa farxad iyo sharaf ii ah inaan idin
kala soo qaybgalo furidda Kalfadhiggaan qaayaha weyn oo saddexaad ee Golaha Wakiillada
Puntland.
Sidoo kale, waxaa iyana nasiib-wanaag ii ah inaan idiinka mahadceliyo
fursadda aad ii siiseen & sidaad iigu qaddariseen inaan idiin furo Kalfadhigiinnaan
saddexaad, taasoo ii saamaxaysa inaan marxaladdaan ku jirro oraaho tusaalaynaya ka soo
jeediyo.
Mudanayaal & Marwooyin, mar hadduu Gole shacab furmo oo ay
Wakiilladu Kalfadhigooda u fariistaan waxay bulshadii wakiilatay ka sugtaa inay xisaabtan
dhab ah u soo bandhigaan, waxaana isla markaas laga shinsadaa inuu Kalfadhigaasi noqdo mid
bulshada hadafkeeda ka tarjuma, horumarkeedana u jeexa hannaan dhaqan-dhaqaale; &
siyaasad gudo & dibedba ku hagta nidaam nolol wacan kasbi kara, iyo nabadgalyo waarta
mireheedana uu ubadka mustaqbalku u aayo.
Mud. & Mar, dad badan oo Soomaali & qaar kaleba leh oo aan
sameheenna jeclayn ayay la ahayd inay Puntland riyoonayso oo aysan wax qabsanayn meelna
gaari karin, kuwaasoo ku hawshaysnaa welina aan ka daalin inay Puntland maamulkeeda
majaxaabiyaan, si aynaan wax u qabsan, isugana kalsoonaan, ila markaana aynu dib ugu
noqonno burburkii ay bulshadaannu ka soo hayaantay. Guulaha & dadaalkii aan muddada
yar ku gaarney waxay fashilayeen xeeladihii ay maleegayeen kuwa aan marna ku faraxsanayn
inay Puntland ka badbaaddo burburka qaran la’aanta, & karaamo darida ah, kuwaas
oo aan jiritaankeeda jeclayn. Waxay guulahaasi ku yimaadeen libintoodana loo nisbayn karaa
kalsoonida & iskaashiga Dawladda & dadweynaha Puntland.
Mudanayaal iyo Marwooyin, mar haddii maanta loo fadhiyo Kalfadhigaan
saddexaad ee Golaha Wakiillada Puntland waxaa lagama maarmaan ah inaan soo bandhigno
isbeddelka u dhexeeya labada Kalfadhi, kii 2aad & kan 3aad ee
xagga:-
- MAAMULKA
- SIYAASADDA
- AMNIGA
- ARRIMAHA BULSHADA
- DHAQAALAHA & HORUMARKA
Haddaba, warbixinta xukuumadda ee muddadii u dhexaysey labada Kalfadhi
waxaan rajaynayaa inay idiin soo gudbin doonaan Wasaaradaha & Hay’adaha ay sida
gaarka ah u khuseeyaan ee Dawladdu, iyagoo ku muujinaya waxqabadkoodii, idankana qancin
doona xilkii ummadda loogu dhiibey.
Mud. & Mar, markaan intaas ka gudbo waxaan jeclahay inaan si kooban
warbixin uga soo jeediyo arrimo muhiim ah oo loo baahan yahay inaan wax ka iraahdo.
MAAMULKA
Mud. & Mar, sida aynu la wada soconno markaan Puntland maamulkeeda
sawir gaaban ka baxsho, 8 sano oo qaran jab iyo burbur uu mushtamaca Soomaaliyeed ku jirey
kadib, waxaa shacabkeennu u oogsaday kuna dhaqaaqay, isagoon Dawlad hore waxba ka dhaxlin,
inuu dhidibbada u aaso Dawlad Gobolleed aasaas & saldhig u noqota qaran & midnimo
Soomaaliyeed. Bishii Ogosto 1998 ayay ahayd markii aynu Dawladda ku dhawaaqnay hadda 1
sano & 10 bilood oo maalmo dhimman jirsatey.
Dawladda Puntland iyadoo maamulkeeda u qaadatay in saldhig looga dhigo
habka sal-maruubo u dhisid (down up approach),
- Waxay Gobollada, Degmooyinka iyo Tuulooyinka dalka badankood ka hirgalisey hawlaha Aqoolka
iyo Madaahinka dawliga ah.
- Waxay dejisey, gaarsiisayna, xeerarkii dalka & dadka lagu dhaqi lahaa, waxayna
waajibaad qeexan ka bixisay hannaankii loo fulin lahaa.
- Waxay Dawladdu, in yar maahee, waddanka ka dhaqangelisey unugyada adeegyada
maamulka.
- Waxaa laysku dubbaridey dhismihii waaxyaha iyo Hay’adihii ay Dawladdu ku istaagi
lahayd iyadoo wejiga hore, aragtida hoose oo burburku keenay awgeed, aan xul mudnaanta la
siinnin ee xal la qaatay, si wax lugu dhaqaajiyo; taasoo aan filayo mar haddaynu 2 sano oo
dhow dhow marayno in loo bislaaday xul la’aantiis inaan wax weyn la dhaqaajin karin
waxqabadka Dawladduna uusan taabbagal noqon karin. Maxaa yeelay, haddaan aqoonta, kartida,
waaya-aragnimada iyo abaalka waddannigu dalkiisa ku leeyahay tixgelin la siin silica &
jahliga, & dib u dhaca ay ummaddu halista ugu jirto lagama gudbin karo lagamana
badbaadin karo.
SIYAASADDA GUDAHA
PUNTLAND
Dawladdu iyadoo ka duuleysa hadafka, dareenka & maslaxadda
bulshadeeda, & dastuurka aynu ku heshiinney waxay ku tallaabsatay inay karaankeed xoog
saarto sidii wax looga qaban lahaa baahida tirada badan iyo dhibaatooyinka bulshada ka
haysta dhinacyada maamulka, amniga & nabadgalyada, dhaqaalaha & horumarka,
adeegyada iyo arrimaha bulshada & siyaasadda.
Waxaa Alle mahaddii noo suurtagalay inaan dhisanno Dawlad cagaheeda
degdeg ugu istaagtey iyadoon gacan-hoorsi shisheeye wax-qabadkeeda ku xirin una miciinsan.
Dawladda Puntland oo ku timid rabidda shacabkeeda una wakiishay inay danihiisa hoggaan u
noqoto waxay siyaasaddeeda guduhu ku dhisan tahay in wada shaqayn buuxda shacabka &
madax-dhaqameedyada lala yeesho, si waxqabad dhabihi ku yimaado loogana wada tashado,
markasta, xalka arrimaha & duruufaha siyaasaddeed, nabadgalyo & kuwa bulshaba.
Inkastoo shacabku uu Dawladda dhistay maaraynta arrimihiisana u wakiishay, misana haddaan
saas la yeelin oo talada Isimada iyo Waxgaradka wax laga siinin waxaa laga yaabaa in loo
qaato ama loo fasiro inay Dawladdu talada waddanka iska maroorsanayso.
Shacabka Puntland oo sidiisaba taariikh ahaan dhaqan u leh isqaddarin
& xasillooni ayay siyaasadda Dawladda ee guduhu ku dhisan tahay in la helo nabadgalyo
waarta & xasillooni cuskan dhaqankeeda shariifka ah. Dhalliilo hajireen, iyadoo
duruufo saamixi waayey loo aanayn karo, dhaliil iyo isdhaliilna loo baahan yahay.
Markaanse Eebbe ka yaabno, oo aynaan been ka duulin, filka Puntland jirto & heerka ay
marayso labo laysku saaweyn karo ama lays barbar dhigi karo ma ahaan karaan iigumana
muuqato
- SOOMAALIYA
Puntland iyadoo ka duuleysa siyaasaddeeda ku wajahan Somaali-weyn
inteeda kale iyo sidii laysugu keeni lahaa, qaran guud oo ay iska dhex daawatana loo gaari
lahaa, waxay markay dhisantayba ku tallaabsatay inay Ururrada iyo beelaha kuwooda nabbadda
& midnimada Soomaaliyeed jecel ugu baaqdo sidii shirweyne ay PL marti galiso laysugu
imaan lahaa, loogana wada xaajoodo badbaadada midnimada & qaran-dhis Soomaaliyeed.
Waxaa noo muuqday shirkaasi inuu keeni karo wadatashi ku dhisan
is-afgarad & is-tixgelin, waxqaybsi cadaalad ku dhisan & walaalnimo &
isu-samir Soomaali isu soo jiidi kara; kuwaasoo meesha ka saaraya gardarrada, kala
garqaadasho la’aanta, deegaan ku duulidda & isbeelaysiga xaqdarrada ah.
Markaan ra’yigaas shariifka ah helnay shaki noogama jirin inay
nagu garab istaagayaan soona dhaweynayaan waddanniyiinta Soomaaliyeed ee nabadda jecel.
Iyadoo Puntland kalsoonidaas qabta waxay bishii Ogosto 99kii, ku martigelisey
Caasimadda PL ee Garoowe kooxaha Soomaaliyeed ee nabadda u heellan, kuwaas oo ka koobnaa:
GOWS, RRA, SPM & SNF. Waxay sidaynu ula wada soconnoba Dawladda PL & Ururradaas
aan walaallaha nahay dabadeed dhisteen Ururka SPA (Somali Peace Alliance) oo Soomaali
badankeed matalaya.
Taasi, Mud. & Mar, waxay ka marqaati kacaysaa inay PL raadinayso
una heellan tahay siduu ku suurta-geli lahaa qaran dhammays ah oo midnimo Soomaaliyeed ku
dhisan. Heshiiska Ururkaan SPA ku dhismay iyo himilooyinkiisu waxay qeexayaan:
- In Soomaaliya nabad lagu soo dabbaalo.
- In degaammada gardarrada lagu qabsaday laga kaco.
- In midnimo Soomaaliyeed la raadsho. Iyo;
- In qaran wadajir ah oo caddaalad ku salaysan Soomaaliya loo dhiso oo federaal ah.
Himilooyinkaas Ururka SPA oo aad loogu niyadsan yahay waxay hadda
marayaan heer lagu qanacsan yahay oo ka turjumaya hadafka Ururku isku raacay.
- DIB U HESHIISIINTA SOOMAALIYA
Markay Alle mahaddii suurto gashay in la abuuro Ururka ay Soomaali
badankeed ku midowdey ee SPA, waxay haddana PL qaadday tallaabo kale oo ay ugu baaqayso
dhammaan Dawladaha dariska, kuwa nabaddaynta Soomaaliya danaynaya, Ururrada Caalamiga
& kuwa Gobolleedba, ayna ka mid yihin Ururka; IGAD, OAU, EU, UAL & Jimciyadda
Quruumaha ka dhaxaysa inay Soomaaliya isu keeniddeeda & dib u dhiskeeda adduun-weynuhu
wax ka qabto, taageerana siiyo fikirka DGPL ku raadineyso midnimada Soomaaliyeed.
Mawqifka Puntland ay ka qabto dib-uheshiisiinta Soomaaliya, horayna u
caddaysay, wuxuu yahay si loo gaaro midnimo qaran Soomaaliyeed marka hore in sida Puntland
Maamul Gobolleedyo la soo dhisto, dabadeedna shirweyne ay Madaxda Maamuladaasi isugu
yimaadaan, markaasna lugu dhiso dawlad dhexe oo faderaali ah.
Madaxda DGPL waxay socdaalo ku aaddey Dawlado ka mid ah Afrika,
Khaliijka & kuwa Galbeedka si ay ugu sharaxdo:-
- Xaaladda guud ee Soomaaliya.
- Sidii xal loogu heli lahaa arrimaha Soomaaliya ee 10 sano mugdiga ku jirey. Iyo:
- Mawqifka DPL ee ku wajahan qarannimada Soomaaliyeed.
Sida aynu la wada soconno waxaa dhacday Dawladdihii baaqeennu gaarey
inay Puntland martiqaadyo ka heshay, si ay uga wada xaajoodaan laysuna tusaaleeyo xal
uhelidda Soomaaliya. Dawladahaas waxaa ka mid ahaa Dawladda Jabuuti ee aynu walaallaha
nahay.
Puntland oo aaminsan in Soomaaliya loo dhiso Dawlad ay u dhan tahay
waxay Madaxda Jabuuti dhawr jeer u gudbisey qoraallo ku talinaya siduu ku guulaysan lahaa
hindisaha dib uheshiisiinta Soomaaliyeed. Mudane Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha
Dawladda Jabuuti waxaan si walaaltinimo ah ugu sheegnay, fursadda uga furan & kaalinta
uu ka geli karo dib uheshiisiinta Soomaaliya & inuu weliba arrintaas horseed ka noqdo,
anigoo ku soo xiray dawlado badan & ururro caalamiyaba.
Mudanayaal & Marwooyin, Dawladda Puntland & Mudane Ismaaciil
Cumar Geelle waxay ka wadatashadeen isku mawqifna ka qaateen hannaanka dib uheshiisiinta
Soomaaliya uu ku suurto gali karo kadibna waxay Puntland , shacabkeeda gudaha &
Jaalliyadeheeda dibedduba si buuxda ugu taageereen baaqii uu Golaha Jimciyadda quruumaha
ka dhexaysa ka jeediyey bishii Sebtember, 1999.
Haddaba, bal aan iswaydiinee maxaa kallifey in ay Puntland kalsoonidii
kala noqoto Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay markii hore hindisahaas u geysey kuna
dhiiri-gelisey inuu hogaansho?.
Mudanyaal & Marwooyin waxaa kalifey in aan Mudane Ismaaciil Cumar
Geelle taageeradayadii kala noqonno tallaabooyinkii uu qaaday markii shirkii soo dhawaaday
dartood, oo inoo sawiraya xeeladihii u qarsoonaa oo aad uga fog aragtidii & habkii aan
isku waafaqnay in looga wadatashado hannaankuu shirweynuhu ku suurto gali karo, waxaana
saldhig u ahaa, markaan soo urursho, in uu tixgelin siiyo aragtida & tallooyinka
Golayaasha Dawladda, Isimada, Ururrada bulshada & Waxgaradka Puntland. Tallaabooyinka
uu qaaday waxay ahaayeen haddaan guud maro:
- Isagoo si cad oo bareer ah u xaqiray una inkiray jiritaanka D. Puntland iyadoo markii
hore shirarka iyo wadatashigu noogu socdeen hab isqaddarin dawli ah, isagoo damcay inuu PL
kala mid dhigo gobollada aan maamul u dhisnayn.
- Isagoo laallay meeshana ka saaray, talooyinkii wax ku oolka ahaa ee aan usoo
jeedinay oo dib uheshiisiintu ku imaan kartey.
- Isagoo Ismaaciil Cumar Geele, fiisooyin & tikidho aan dawladda ummaddeedu
wakiillatay ee PL soo marin qarsoodi ugu soo diray shaqsiyaad uu mucaaradnimo ku ogyahay,
mushtamaca PL-na ka soo qaaday mid aan waxba u dhisnayn latashina mudnayn.
- Qorshaha Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu ku dhisan yahay in uu dumiyo maamulka
Puntland, dadka iyo dawladdiisana iska horkeeno, qaabka uu shirka u abaabuley iyo sida uu
damacsan yahay inuu u dhaqan geliyaana waxay keeni kartaa dagaal sokeeye & qalalaase
hor leh oo hambadii Soomaaliya ka hartay ku hoobato.
Haddeerna waxaa cad dib uheshiisiinta Jabuuti ka socota inaysan
waafaqsanayn siyaasadda Puntland.
Dabadeed, si looga wada-xaajoodo marin habowga ku soo kordhay
dib-u-heshiisiintii Soomaaliya u hanweynayd, kana dhursugeysey & gaar ahaan siduu
Ismaaciil C. Geelle u qiimeeyey PL, waxay Dawladdu isugu yeertay Isimadii beelaha Puntland
oo dhan, waxayna PL Isimadu u soo jeedisey inay ka talo bixiyaan sidii laga yeeli lahaa
arrimaha ka soo kordhay dhinaca Jabuuti & sidii mawqif midaysan looga qaadan lahaa
shirka Jabuuti ka socda.
Fadhigii Isimadu arrintaas ka yeesheen waxaa ka dhashay in ergo heer
qaran ah Jabuuti looga yeero, waxna laga weydiiyo mugdiga naga galay sida shirka loo
amba-qaaday loona maamulayo. Jabuuti oo isla markiiba wafti soo dirtay, waxay aqbaleen
qodobbadii Isimadu hor dhigeen ee mawqifka Puntland.
Waxaana lagu heshiiyey in Jabuuti wadatashi kale loo tago (shirka
wada xaajoodka dib-u-heshiisiinta) wixii layskaga afgartana inay ergada Puntland dib
ula soo noqoto si wadajir ummadda Puntland & Dawladdoodu mawqif midaysan uga qaataan.
Tan kale, mar hadday dad bulsho-weynta Puntland ka midihi jeclaysteen
in Jabuuti la’aado Dawladdu way aqbashay, haddiise Isimaddii badankood soo noqdeen
taladoodiina soo dhiibteen go’aanka dastuuriga ihi wuxuu u yaal Golaha Wakiillada
Puntland.
SIYAASADA DIBEDDA
waxay ku dhisan tahay:
- Dariswanaag & nabad kuwada noolaansho.
- Puntland waxay xushmaynaysaa qawaaniinta caalamiga ah & heshiisyada & xeerarkii
ay dawladihii Soomaaliyeed si sharciga waafaqsan u galeen una ansixiyeen.
- Siyaasadda dibedda ee PL waxay ku dhisan tahay is-tixgalin & isxaqdhawr jiritaanka
dawladdaha dariska & kuwa caalamka ah.
- Puntland, sida Axdigeeda ku cad, waxay xushmaynaysaa una hogaansan tahay xeerrarka u
degsan Jaamacada Carabta, Ururka Midowga Afrika, Urur Gobolleedka Horumarinta Geeska
Afrika & Ururka Mu’tamarka Islaamka.
- Puntland, waxay xushmaynaysaa Axdiga Qaramada Midoobay, waxayna aaminsan tahay in la
xaqdhawro xuquuqda aadamiga, heshiisyada xuquuqyada-medaniga, kuwa dhaqan, siyaasaddeed
& kuwa dhaqaaleba.
ISKAASHIGA CAALAMIGA AH
- Puntland waxay wufuud isdabajoog ah dhawr jeer u dirtay ilaa heer madaxweyne dibedaha
intii ka dambeysey kalfadhigii labaad, si caalamka looga dhaadhiciyo siyaasadda PL,
iskaashi iyo wax-wadaqabsi dhaqan-dhaqaalana loola yeesho.
- Dawladdahaasi oo u riyaaqey dhismaha iyo siyaasadda PL, mar haddii aynaan goosasho
Soomaliya inteeda kale ka sheegan, waxay marti qaadyo u soo fidiyeen Madaxda Dawladda, si
looga sii wada hadlo arrimaha Soomaaliya iyagoo u arkay una qiimeeyey inay PL hannaanka
dib u dhiska qaran Soomaaliyeed hormood u tahay.
Mudanayaal & Marwooyin, Puntland waxaa booqasho ku yimid wufuud ka
kala socota caalamka, oo ay ka mid yihiin, xubno dawli ah, xubno Golayaal shacab &
Madax sarsare oo ka tirsan Ururrada Caalamiga ah.
Waxaa jira balanqaadyo & taageero waxqabad oo ay Dawladaha aannu
saaxiibbada nahay u fidiyeen Puntland, kuwaas oo ka dhashay wadahadalladdii ay Dawladda la
yeesheen & siday xog-ogaal ugu noqdeen Maamulka PL iyo bulshadiisa oo diyaar u ah inay
waxqabsadaan; haatanna waxaa bilowday taageerooyinkii ay Dawladaha qaarkood Puntland ugu
deeqeen.
HAY’ADAHA SAMAFALKA
Hay’adaha Caalamiga ah & kuwa Dawliga ah ee PL ka hawlgala
waxaan in yar maahee ku dhaliil sanahay waxqabadkooda & mashaariicda ay ku magacaabeen
inay waddanka ka fulinayaan, oo aan marna sidoodii u dhaqangelin, iyagoo aan sheegin
miisaaniyadda ay u hayaan in wax looga qabto dhibaatooyinka dalka; taasoo Dawladdu horay
uga codsatay inay la socodsiiyaan dhaqaalaha mashaariicda ay waddanka ka fulinayaan.
Waxaa xusid mudan Hay’adaha ay ka mid yihiin, Enter Islamic
Charitable Organization, Diakonia & Africa 70 qaybteeda waxbarashada, waxqabadka &
dadaalka ay ugu hagar bexeen bulshada Puntland.
JAALLIYAHADA DIBEDDA
Burburkii Soomaaliya ku dhacay wuxuu kallifey inay dad badani dibedaha
gabbaad, nabadgalyo iyo nolol ka doontaan; waxaana sida la hubo dadkaas ugu badan kuwa u
dhashay gobollada Puntland. Inkastoo ay qaxooti yihiin, waxay kaalin weyn ka soo qaateen
badbaadada dadkooda dhibaataysan markuu dagaalkii sokeeye socdey, waxayna dhaqaale faro
badan ku soo taageereen bulshada ay ka dhasheen.
Xawaaladaha waddanka waxaa ku soo dhaca oo Jaalliyaduhu dadkooda u soo
diraan, ama iyaga wax loogu qabtaa, malaayiin Doollar oo dib u dhiska waddanka ka qayb
qaata. Waxay dalka keeneen kana hirgaliyeen warshado yar-yar & mashaariic kale oo
ganacsi, oo nolosha dadweynaha kor u soo qaaday si weyna wax u taray.
Jaalliyadaha Puntland oo aan marna dadkooda gudaha hagran waxay door
shariif ah ka qaateen dhismihii Dawladda, iyagoo meel ay joogaamba taageeray, waxayna
dadka dibeduhu ku sharafsan yihiin mooralkooduna ku dhisan yahay in dalkoodu Dawlad
leeyahay. Dhibta keliya oo Jaalliyadaheenna haysata waa iyagoon lahayn dhisme Gole iyo
Guddiyo Jaalliyadeed oo heer Puntland ah, in yar maahee, meelo badanse dhismihii
Guddiyadaas abaabulkoodii ka socdo.
Haddii ay samaystaan Guddiyada heer PL waxay qiimo weyn ka yeelanayaan
dalalka ay degan yihiin, xuquuqdooda ayaa difaacmaysa, midnimadooduna waxtar bay inoo
noqonaysaa. Xubno Golayaasha Dawladda ka tirsan ayaa shirar badan Jaalliyadaha dibedda
kula yeeshay waxaana markasta la gaarsiiyaa go’aannada Dawladda iyagoo lala
socodsiiyo marxaladda dalka ku sugan yahay Amni, Siyaasad, Horumar & dhibaatooyinka
loo baahan yahay in wax laga qabto gacanna ay ka geystaan.
W. ARRIMAHA GUDAHA
Bilihii sannadkii ina dhaafay ugu dambeeyey iyo horraantii sannadka
2000, waxaa gobollada PL kormeer xaqiiqo raadis ah ugu baxay wufuud ay kala hogaaminayeen:
- Madaxweynaha Dawladda Puntland, Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed
- Madaxwene K/Xigeenka D. Puntland, Md. Maxamed Cabdi Xaashi
- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Md. Yuusuf X. Siciid
- Iyo Wasiirro, Wasiirro Ku Xegeenno & Agaasimayaal Guud ee Dawladda ka jiraan.
- Dawladdu iyadoo tixgelineysa fidinta maamulka waxay aqoonsatay saddex degmo oo cusub,
kalana ah Degmada Ufayn, Deg. Baargaal & Deg. Boocame, kuwaas oo tirada degmooyinka
Puntland ka dhigaya 24 degmo.
- Wasaaraddu iyadoo hirgalinaysa shuruucdii & dikumintigii canshuuraha dawladda hoose
waxay xoogga saartay siday u abuuri lahayd saldhig dhaqaale oo lagu hormariyo degmooyinka
dalka oo dhan.
- Waxaa mashaariic badan laga fuliyey magaalooyinka Garoowe & Gaalkacyo oo isugu jira
suuqyo ganacsi cusub, bannaynta iyo nadiifinta waddooyinka, burburinta dhismayaal sharci
daro meelo aan munaasib ahayn looga dhistay, nadiifinta gegida diyaaradaha Garoowe oo 360
kaariko oo qashin ah laga raray, iyo ganacsatadii yaryarayd oo suuqyada cusub looga
Asteeyey meelo ay meheradahooda ka furtaan.
AMNIGA
Guud ahaan nabadgelyeda waddanku waa ay xasilloon tahay, xilka dawladda
saaranna waxaa ugu weyn sugidda amniga gudaha & dibedda Puntland oo ay ka hawlgalaan
Ciidammada Daraawiishta, Booliska & Asluubtu. Mudanayaal & Marwooyin, waxaan
jeclahay in aan idiin sheego inay Puntland maanta leedahay cudud ciidan oo hannan kara
amniga gudaha & xudduudaha Puntland.
Ciidanka Booliska Puntland wuxuu hawlo waaweyn ka qabtay dhacdooyin
badan oo ay ka mid yihiin la dagaallanka Tahriibta oo ay dad badani ku naf waayeen, &
joojinta dhoofinta dhuxusha, xoolaha dheddig & duurjoogta oo dhammaantood dhaqaalaha
& nolosheennu ku dhisan yihiin. Waxay Boolisku sidoo kale waxweyn ka qabteen
nabbadgelyada & xasilloonida waddanka. Booliska waxaa hawlahaas ad-adag si joogto ah
gacan uga siiya dhammaan bulshada waddanniyiinta ah oo ay Nabaddoonnada iyo Waxgaradka
kale ee dadweynuhu ka mid yihiin.
W. CADDAALADDA
Wada-dhaqanka ummadeed waxaa saldhig u ah caddaaladda, haddii caddalad
la waayana waxaa lala mid noqonayaa nafleyda duurjoogta ah oo xeerka kaymaha ku dhaqanta.
Caddaladdu waa Hay’adda ugu muhiimsan oo taabanaysa qof kasta & qoys walba,
saamayn xasaasiyana ku leh nolosha bini’aadamka. Mar hadday sidaas tahay waxaa loo
baahan yahay inay noqoto muraayad layska dhex daawado, garsoorkeedana lagu qanco.
Waxaa waajib ah inay caddaaladdu maamulkeenna gundhig & aasaas u
noqoto, waxaana mas’uulkasta laga rabaa inuu caddaalad-fale noqdo, si ay Wasaaradda
& Maxkamadaha garsoorka fullinteedu ugu fududaato uguna hirgasho. Waa inaynu ka
fogaanno waxkasta oo Diinteenna Islaamka wax u dhimaya, qaddarinta & mudnaanta
koowaadna ku dhaqankeeda la siiyo.
Waxaa gobollada & degmooyinka loo magacaabay waacidiin dadka
Islaamka ah mar walba ku baraarujiya Diinta.
W. MAALIYADDA
Sida aynu la wada soconno dhaqaalaheennu wuxuu ku dhisan yahay xoolaha
nool, kalluumaysiga & Faleenka, waxaana dakhliga ugu weyn naga soo galaa xoolaha nool.
Waxaa sannadihii hore ganacsigeenna hoos u ridey abaarihii isdabajoogga ahaa ee dalku soo
maray, oo ay ku hagaaseen xoolaha oo ah lafdhabarta dhaqaalaheenna, suuqa Sacuudiga oo ugu
weyn sayladaha aynu xoolaha u dhoofinno oo xannibaad saaray xoolaheenna & burcadda
caalamiga ah oo caadaysatay inay khayraadka badeheenna si sharcidarro ah u boobto.
Mudnayaal & Marwooyin, waxaan Illaahay uga mahadnaqaynaa inuu
maanta naga feydey dhibaatooyinkaas culculus ee aan soo xusay oo waddanku roobsaday,
xoolaheennii barwaaqoobeen, xayiraadii ganacsi oo haysatayna laga qaaday & xeebaheenna
oo maanta inoo difaacan khayraadkeenniina ka faa’iidaysanno. Halkaas waxaa cad inuu
dhaqaalaheennu kobcay dakhliga Wasaaradda Maaliyedduna xoogsadey.
Waxaa lagu guuleystey, dalka intiisa badan in ay ka hirgasho canshuur
ururintu dakhli badanna ka soo xerooday. Waxay Dawladdu samaysay nidaam hanti-dhawr oo
ilaaliya hantida guud ee ummadda & inaan dano gaar ah loogu takrifalan. Wixii
faahfaahin miisaaniyadda la xiriira waxaa idin hor keenaya Wasaaradda Maaliyadda.
W. XANAANNADA XOOLAHA, BEERAHA
& DEEGAANKA
XOOLAHA
Hubaal waxaa ah xooluhu inay yihiin lafdhabarta dhaqaalaha waddanka,
waana ganacsiga kowaad ee gudaha iyo dibeddaba dalkeenna ugu xoog weyn. Waxaynu u
dhoofinaa waddamada dibedda gaar ahaan kuwa khaliijka, inagoo ka helna lacag culus oo aynu
wax kaga soo badalanno suuqyada adduunka.
Waxaa la dhammaystiray Shaybaarka xoolaha ee degmada Boosaaso si
caafimaadka xoolaha dhoofaya loogu baaro. Sidoo kale, waxaa dib loo furay mashruuca
dhoofinta helibka Gaalkacyo (Galkacyo Meat Export) oo loo diro dalalka khaliijka.
Tirada xoolaha dekedda Boosaaso ka dhuufay Nov, 99 ilaa May, 2000 waxay
dhan yihiin sidan: Ari-474, 520 neef, Geel-6584 neef, Lo’-13,769 neef.
BEERAHA
Waxaa kormeer daraasadeed lagu sameeyey dhul beereedka gobolada &
degmooyinka PL badankood, iyadoo mashaariic ay beeraha Timirtu ka mid tahay qorshoheedii
socdo.
DEEGAANKA
Magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Laascaanood & Baran waxaa laga
furay xafiisyada Waaxda Deegaanka, taasoo wax ka tari doonta ilaalinta nabaadguurka iyo la
dagaalanka xaalufinta dhirta.
W. KALLUUMAYSIGA, DEKEDAHA & BADDA
Wasaaraddu waxay qabatay hawlo muhiim ah oo isugu jira dhismayaal &
dayactir ay ku samaysay dekedda, xafiisyada iyo iskuul lagu barto dhaqaalaha iyo maamulka
ku lug leh arrimaha dekedaha. Dakhliga Wasaaraddu soo xeraysay wuxuu gaarayaa 642,418 USD,
10kii bilood ee ugu dambeyey, taas oo wax ku ool u ah dhaqaalaha waddanka, kororka
wax-soosaarku wuxuu jaangoyntii hore ka saramaray 172,418 USD.
Wasaaraddu waxay awood u leedahay inay heshiisyo la gasho shirkadaha
kalluumaysiga, maraakiibta xamuulka & kuwa ganacsiga, iyadoo bixinaysa ruqsadaha badda
PL lagaga kalluumaysan karo.
AMNIGA XEEBAHA PUNTLAND
Muddo dheer, intuu qaran-jabku Soomaaliya ku dhacay, waxay maraakiibta
iyo doonyaha shisheeye caadaysteen inay si sharci darro iyo burcadnimo ah u boobaan
khayraadka badaha & xeebaha Soomaaliyeed, iyagoo ka faa’iideysanaya qaran la’aanta
iyo awood darrida dhinaca badaha.
Si ay taas Dawladda PL uga hortagto waxay qaadday tallaabo muhiim ah oo
khayraadka xeebaheenna lagu badbaadinayo, loogana saarayo burcaddaas shisheeye oo isugu
soo qaylo dhaansadey inay badeheenna xaalufiyaan.
Mudanayaal & Marwooyin waxay Dawladdu heshiis uu madaxweynuhu awood
ku siinayo ilaalinta xeebeheenna la gashay shirkadda PIDC (Puntland International
Development Company), 29kii Sept. 1999, kaasoo uu Axdiga DPL qodobkiisa 29.4
qorayo. Heshiiskaasi wuxuu caddaynayaa sidii wax looga qaban lahaa amniga xeebaha PL, iyo
inay nooga ilaaliso shirkadaasi maraakiibta iyo doonyaha shisheeye oo tuugaysiga u
bareeray.
Shirkadda PIDC, maadama aysan maraakiib lahayn, waxay adeegsatey
Shirkadda la yiraahdo Hart Group, oo muddo 8 bilood ah abaabul ugu jirtey siday ku abuuri
lahayd gaadiid badeed; annaguna waxaannu dhisnay oo tabarro gaar ah xirfadda badda ka
siinay ciidan ka tirsan kan DGPL. Waxaan ognahay inuu ciidankeennaasi ku guulaystey
waajibaadkii loo xilsaarey.
Maamulka hawlaha shirkadda ee xagga shaqada iyo shaqaalaha waxaa mas’uul
ka ah inay gacanta ku qabato Wasaaradda Kalluumaysiga DPL, oo u xilsaaran inay heshiis
kala gasho shaqada ay shirkadda PIDC qabanayso iyo dhaqaalaha ku baxaya; iyadoo marka hore
la ogaanayo kharashkii mashruuca ku baxay iyo kan hawshu ku socondoonto. Waxaa laga iyana
heshiiyey sidii loo qaybsan lahaa khayraadkii badda laga helo. Wixii heshiisyo iyo
ruqsadaha kallumaysiga ku saabsan waxaa heshiis la gelaya Wasiirka Wasaaradda
Kalluumaysiga DPL.
Ciidanka PL markuu maraakiibtii bucadda ahayd badda ka saarey waxay
kallumaysatadeenna yaryari heshay Aragoosto iyo dhego Libaax oo aad u tiro badan.
W. ARRIMAHA BULSHADA
Arrimaha bulshada oo ah adeegga dhabta ah oo ay bulshadu Dawladda xaqa
ugu leedahay inay u qabato, ahna Waxbarshada, Caafimaadka & Isboortiga waxaa
Wasaaraddu ku dadaashay waxqabadkooda. Taasoo horumarka & jiritaanka bini’aadamku
ku dhisan yahay. Waxay arrimaha bulshadu mudan yihiin waxqabadkooda dhabta ah in tixgalin
gaar ah la siiyo sida ku cad barnaamijka Dawladda.
a) CAAFIMAADKA
Waxaa xusid mudan oo wax la taaban karo ah, in shanta isbitaal ee
waaweyn ee ka jira Puntland ay saddex ka mid ah dib u habayntoodii la dhammeeyey kowaas oo
kala ah: Isbitaalka Boosaaso, Qardho & Laascaanood. Isbitaalka Garoowe iyo kan
Gaalkacyo waxaa iyagana gacanta lagu hayaa dhammaystirkood. Sidoo kale, Agaasinka
caafimaadku wuxuu ku guuleystey kicinta isbitaallada Buuhoodle & Eyl, kuwaas oo maanta
si fiican u shaqaynaya, isla markaana waxaa qorshaha ku jira Juun ilaa Disember 2000-ka in
la kiciyo isbitaalka Dangoroyo, Iskushuban & kan Caluula.
Mudanayaal & Marwooyin, waxaa ka dhacay magaalada Garoowe shir la
magac baxay "Health Coordination Meeting and Review Stratigic Plan of Puntland
State of Somalia" oo loogaga wada hadlayey sidii Hay’adaha iyo Dawladdu
u wada shaqayn lahaayeen iyo sidii deeq bixiyayaashu ugu qaybsan lahaayeen deeqda aan u
baahan-nahay iyagoo ay goob-joog ka yihiin madaxda go’aanka u leh deeq-bixinta.
Waxaa farxad ah in aan idiin sheego gobollada & degmooyinka
Puntland inaysan ka jirin habayaraatee cudurrada khatarta ah iyo kuwa faafa ee faraha
kulul ku haya deegaamada kale ee Soomaaliya, ayagana waxaan Illaah uga baryayaa in uu ka
dulqaado masiibadaas haysata.
b) WAXBARASHADA
Wasaaraddu iyadoo aan intii muddo ah lahayn Wasiir hawlgalay, Wasiirkii
dhawaan loo magacaabayna uu weli maqan yahay, waxaa u suurto gashay, intii u dhexaysey
labada Kalfadhi, inay ka qaybgasho shirkii shahaado siinta ardayda Puntland oo lagu qabtay
Mombaasa, dalka Kenya. Tan kale, si loo mideeyo waxbarashada PL waxay Wasaaraddu ku
guuleysatey inay dhammaystirto manhajkii dugsiga Hoose oo aqbalidda Golaha Wakiilada
ansixin ka sugaya, iyadoo gacanta lagu hayo kuwii dugsiyada Dhexe & Sare. Waxaa
gobolka Nugaal laga hirgeliyey ololaha akhris & qoris la’aanta.
Waxaa dugsiga Maamulka & Maaraynta Garoowe ka qalin jabiyey araday
isugu jira kuwo sanad waxbarasho uga socotay iyo kuwa 6 bilood waxbarshada qaybteeda hore
ku dhamaystay oo 60 gaaraysa.
Si loo kordhiyo tayada waxbarashada waxaa Agaasinku abuuray tababarrana
lagu qaatay xarunta tababarrada Maamulayaasha iyo Macallimiinta dugsiyada.
c) ISBOORTIGA
Iyadoo hore loo soo dhisay Guddiga Ciyaaraha Olimbigga PL ayaa
Magaalamadaxda PL ee Garoowe waxaa lagu qabtay tartankii17aad ee ciyaaraha
Gobollada Soomaaliya, oo ahaa kii ugu horreeyey ee la qabto intii burburku ka dhacay
Soomaalia. Ciyaarahaas oo ay ka soo qaybgaleen sagaal gobol oo kala ah, shanta gobol iyo
aagga Buuhoodle ee Puntland, Galguduud, Hiiraan & Shabeelada dhexe, waxay markhaati u
yihiin nabadgelyada PL ka jirta, waxayna keentay isusoo hilow & is-dhexgal
dhalinyaradii qoryaha isu haysatay.
Dhaqaalihii ciyaarahaasi ku qabsoomeen waxaa kagan weyn ka geestay DPL.
Waxaanna mar labaad soo dhaweyneynaa in wejiga labaad ee ciyaaraha Gobollada Soomaaliya
Puntland lagu qabto.
W. WARFAAFINTA
Waxay dib u habayn ku samaysay warsidaha Puntland oo ah codka D.G.P.L.
waxayna taasi keentay in caddad badan laga daabaco aadna loo xiiseeyo. Warsiduhu wuxuu
hadda gaaraa loona kala diraa goballada & degmooyinka dalka & Jaalliyadaheenna
dibedda.
Idaacadda Radiyo Gaalkacyo oo ay bulshadu leedahay, waxaa amnigeeda
illaaliya kaalmo dhaqaalana u fidiya Dawladda PL. Dhawaan, waxaa idaacadda lagu kordhiyey
anteeno casri ah iyo mawjad maqal hoose (FM) oo suuro-gelisey in dalka
gudihiisa laga maqlo.
Waxaa hawl wadeennada iyo farsamo-yaqaannada Idaacadda iyo
Joornaaliistayaasha Puntland bishii hore loo furay siminaar kor loogu qaadayo aqoontooda,
laguna qabtay Magaalada Garoowe.
Wasaaraddu waxay gobolka Mudug ka dhistay Guddi Anshax oo ka kooban
shan xubood, loona xilsaaray faafreebka filimada dhaqan xumida ah .
SHAQADA & SHAQAALAHA
Agaasinka shaqada & shaqaaluhu wuxuu dhammaystiray shuruucdii lugu
dhiqi lahaa shaqaalaha DPL, shuruucdaas oo ah kuwii lagaga dhaqmi jirey Soomaaliya uuna
fasaxayo Axdiga DPL qodobkiisa 32.1. Shuruucdaas oo dib loo habeeyey, lana waafajiyey
sharciga shaqada iyo shaqaalaha waxaa loo gudbiyey Garyaqaanka Guud, waxayna kala yihiin:-
- Somali Civil Service Law No. 5 ee soo baxay 2/2/1980
- Somali Labour Code Law No. 65 ee soo baxay 1969/72.
Dhinaca shaqaalaha, tirakoobkoodu wuxuu hadda marayaa 610, waxaase weli
socota hawshii loo xilsaaray Guddiga hubinta shaqaalaha, hawlaha kormeerkooda, iyo
saacadaha shaqada. Sanduuqa shaqaalaha oo Golaha Wakiilladu awal ansexiyey waxaa Agaasinka
Guud ku dadaalay siduu ku hirgalin lahaa.
GARYAQAANKA GUUD
Xafiiska Garyaqaanka Guud oo u dhisan arrimaha ku saabsan qaawaanninta
Dawladda Puntland wuxuu xukuummadda laamaheeda iyo is-qabadkooda kala taliyaa sharciga
arrimaha iyo awoodaha maamuleed, iyo kuwa canshuuraha oo xafiisku inta badan xalliyo.
Xafiiska Garyaqaanka Guud wuxuu soo saaraa faafinta rasmiga ah ee Xeerrarka Madaxweynaha,
kuwa sharciga & shuruucda Golaha Wakiilladu ansixiyaan; ilaa haddana wuxuu soo saaray:
- 10 Xeer Madaxweyne.
- 3 Xeer sharci. Iyo;
- 20 sharci oo hadda daabacaad ku jira.
Shuruucdaas 12-ka mid ihi waxay soo bexeen 1999kii, 8-ka
kalena sanadka 2000. Faafiskasta (Bulletin) waxaa laga daabacaa 200 oo nuqul si looga helo
xafiisyada Dawladda oo dhan. Muhiimadda hawlaha xafiiskuna waa:
- Talo bixin.
- Difaaca Dawladda. Iyo;
- Faafinta rasmiga ah ee shuruucda Dawladda.
BAAQ
PUNTLAND
Shacabka Puntland inay kor u qaadaan waxqabadkooda guud & kooda gaar.
Inay difaacaan dalkooda, iyo siyaasaddooda gudaha iyo debeddaba kuna kalsoonaadaan
Dawladdooda.
Inay fahmaan kana digtoonaadaan xeeladaha lagu kala qaybinayo, si loo kala dhantaalo
midnimadooda, nabbadgelyadooda & xasilloonidoodana lagu khalkhalinayo.
- SOOMAALIYA
- Inay ka waantoobaan xabbadda ay isu haystaan.
- Inay qaddariyaan walaalnimadooda & Soomaalinimadooda.
- In laga baxo deegaammada xoogga lagu haysto.
- In sida D.P.L. maamullo gobollada laga soo dhisto, si ay u fududaato shirweyne laysugu
yimaado oo dib-uheshiisiin buuxda kasbi kara.
- Inay beelaha qaarkood ka waantoobaan raadinta siyaaso iyo dhaqaale ee qabyaaladeysan.
BOGAADIN
Waxaan Golaha Wakiillada ku bogaadinayaa, siday markasta fadhiyadooda
ugu lafaguraan danaha ummaddooda, waxaanna Kalfadhigaan 3aad u rajeynayaa inay
ka soo baxaan go’aanno wax ku ool ah oo reer PL horumar iyo barwaaqo u horseedaya.
Mudanayaal & Marwooyin Kalfadhiga 3aad ee Golaha Wakiilladu waa
inoo furan yahay.
Guul Eebbe iyo hawlgal wacan
Mahadsanidin
Cabdullaahi Yuusuf Axmed
Madaxweynaha Dawladda
[Country] |