19 May 2007 04:13

SOMALIA WATCH

 
SW Newswpe25.jpg (8884 bytes)
  • Title: [SW News]( BBC)  Galdogob, Gudoomiyaha Degmada iyo Yusuf Garad oo tirsan BBC
  • From:[]
  • Date :[]05 Jan 2000

Galdogob, Gudoomiyaha Degmada iyo Yuusuf Garaad oo ka tirsan BBC

BBC, Somali Service: Wararka ka imaanaya Galdogob oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan ciidamao Ethiopia ka tirsan in magaalada ay tageen.

Yuusuf Garaad ayaa wuxuu taleefoonka kula xiriiray Guddoomiyaha Degmada Galdogob, Jaamac Hassan Cali, waxaana ugu horayntii uu weydiiyey bal inuu nooga waramo inay jiraan wararka sheegaya ciidamada Ethiopia inay degmadaasi Galdogob ay yimaadeen, waxaanu ku jawaabay:

Jaamac Hassan Cali: Waxaa weeye degmada Galdogob ciidamo Ethiopian ahi waa yimaadeen, afar saac iyo bar markay ahayd, waxayna ku socdeen warar loo geeyey oo ah in degmadii la qabsaday, xaqiijinteeda ayey u socdeen, markii halkaan ay yimaadeena annagaa wada hadalnay, wada hadalkayagii ka bacdina ayadoo caadi ah oo wax dhibaata ah midna dhicin ayey carradoodii ku noqdeen.

Yussuf Garaad: Goormay ahayd?

Jaamac: Dorraad ayey ahayd walaale, dorraad bay soo galayn bisha saddexdeedii ayey ahayd.

Yussuf Garaad: Ciidankaasi tiradiisu maxay le'ehayd?

Jaamac: Ciidankaas ilaa niman soddomeeya ah ayey ahaayen oo baabur teknika ah iyo baabuur kale oo caadi ah watay.

Yussuf Garaad: Jaamac ma soddonkaas oo kaliya ayey ahaayeen, mise dibedda ayaa ciidan kale u fadhiyey, sida wararka qaar ay sheegayaan?

Jaamac: Annagu ma'aanan arag ciidan banaan u fadhiya, ayaguna nooma sheegin, waxaana Garaad kuu sheegayaa, sideedaba magaaladu xuduudka ayey ku dhagsantahay. Marka waxaa weeye ciidan ay iyagu hadda kasoo kaceen, oo xuduudkooda uga soo tageen mooye, annagu inta aan xuduudka aan la leenahay wax ciidan ah oo joogay ama aan ku aragnay ma jirin.

Yussuf: Marka masuuliyiintii la kulmay adiga ma'ahee yaa kaloo la kulmay ama ka mid ahaa?

Jaamac: Waxaa la kulmay aniga iyo Guddoomiye-ku-xiggeenka Degmada Galkacyo.

Yussuf: Ragan idiin yimid ee ciidanka ah yaa u sareeyey?  Ninka u sareeyey muxuu ahaa garaadihiisu?

Jaamac: Waxuu ahaa nin kabtan ah oo u sareeya ciidanka aaga Gobolka Wardeer.

Yussuf: Marka sidee bal idiinkugu warameen? Waxay idiin sheegeen bal noo sheeg.

Jaamac: Waxay yiraahdeen warar waxaa nasoo gaaray ( bay yiraahdeen) in degmada la qabsaday oo niman Al-Ittihiaad ah iyo dadkale ay qabsadeen degmada. Maadama aan xuduud leenahay, sideedaba degmadaan iyo degmada Galaadi waxaa ka dhexeeya heshiis ah in nabadda la wada dhowro, oo aan ka wada shaqaynu masuuuliyiinta iyo shacabka labada degaanba deggan. Marka maadaama hadaladaas loosoo sheegay, waxay khasab ku ahayd ayagii inay yimaadaan oo ay arintii hubsadaan. Waxaanna u sheegnay inay arintaasi tahay wax kama jiraan, ayaguna sidaas ayey ugu qancayn, uguna laabteen deegaankoodii iyo caradii ay ka yimaadeen.

Yussuf: Hadda ka hor ma idiin yimaadeen ciidamada Itoobiyanku?

Jaamac: Badanaaba way noo imaan jirayn, bishii ama labadii biloodba mar ama laba jeer ayey noo imaan jirayn, sidaasaana isugu xog-ogaal waraysan jirnay wixii dhibaata ah oo jira aagagaan iyo (reservekaan) xuduudada aynu leenahay, markaasayna noqon jireen. Saas ayaan warka ku kala qaadan jirnay.

Yussuf: Maxaa keenay markaa cabsida haatan la sheegayo dadkii magaalada inay kasoo gaartay ciidamada Itoobianka ah ee yimid?

Jaamac: Walaale xaqiiqda haddaan kuu sheego Garaadow dadku wax walbaale weeye, laakin cabsi ka jirtay magaalada dhexdeeda ma jirin. Dadka magaalada joogay caadigoodi ayey ahaayeen, si caadi ahna ayey ugu ganacsanayeen, waxaana ma aha wax argagixisa ah, ee awalna horay wey noogu imaan jireen, haddana sidii ayey u yimaadeen. Laakin waxaa weeye, arinta meesha ka jirta oo micnaha badan loo sameenayo waxaa ay ahayd wiilal yar-yar ah oo kontroolka degmada xoogaa dhibaata ah ku sameeyey iyo nimankan ciidanka ahi oo yimid baa xoogaa la isku  xirayaa mooyee wax dhibaata ah oo ka jiray degmada iyo maamulkeeda iyo arimaheeda iyo shacabkeeda midna ma jirin.

BBC: Kaasi waxaa uu ahaa Jamac Hassan Cali o ah Guddoomiyaha Degmada Galdogob ee ka tirsan Gobolka Mudug oo u waramayey Yussuf Garaad Cumar.


[Back to the top] [ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:01 AM. Webmaster HomePage