19 May 2007 04:14

SOMALIA WATCH

 
SW Newswpe25.jpg (8884 bytes)
  • Title: [SW News] (QARAN) IMMISAA   LA  DILAY ( usbuucii la soo dhaafay)
  • From:[]
  • Date :[]8 Jan 2000

IMMISAA   LA  DILAY

Waa hubaal in maalinkasta gudaha dalka Soomaaliya lagu dilo dad badan, taasoo ay sabab u tahay iyadoo aysan dalka ka jirin maamul nooc kasta ha ahaadee dadka u kala garnaqa, isla markaana uu hubku ku badan yahay dalka.

Haddii aan wax ka xusno dadka la dilay todobaadkii ugu dambeeyay innagoo ka soo billaabayno Talaadadii ina soo dhaaftay waxay kala yihiin sida tan:

Talaado: 10 qof ayaa lagu dilay gobolka Bay magaala badaxdiisa Baydhabo dagaal dhex maray labo beelood oo wada degan dhulkaasi.

Isla talaadadaas hal nin ayaa lagu dilay tuulo lagu magacaabo Jowhar-Yarey oo 25 km dhanka galbeed ka jirto degmada Qoryooleey, iyada oo la sheegay inay dileen niman ay hayb wadaag ahaayeen oo ku tuhunsanaa sida la sheegay inuu xiriir la lahaa qolooyin ay isgaad gaadayeen nimanka dilay.

Arbaco: hal nin oo darawal Gaari xamuul ah, ayaa lagu dilay degmada Diinsoor, dilka ninkaasi ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen niman kale oo gaadiidlay ah oo sida la sheegay u arkay inuu uga macaamiil badnaa shaqada ay kuwada shaqaysan jireen ee ah gaadiidleynimo, halka warar kalena sheegayaan inay ahaayeen tuugo gaariga ka dhacaysay.

Khamiis: nin wadaad ah oo salaad subax ugu socday Masjid ayaa lagu dilay degmada Xamar Ja-jab ee magaalada muqdisho, marxuumka ayay dileen niman isbaarooley ah oo doonayay inay ka qaataan dharkii uu ku labisnaa, balse markuu u sheegay inuusan dharkiisa bixin karin oo uu san isagoo qaawan socon karin ayay dileen.

Isla khamiistaas labo nin ayaa lagu dilay Buulo yareey oo dhanka galbeed ka jirto degmada Afgooye, waxaana loo dilay sida la sheegay arrimo lala xiriiriyay hayb qabiil oo la sheegay inay u dhaxayso labo beelood oo halkaa wada deggan, midoodna ay tahay dadka laga tirada badanyahay.

Jimce: habeennimadii Jimcaha nin la sheegay inuu Ugaas u ahaa beel ka mid ah beelaha dega deegaanka Qoryoolay ayaa lagu dilay isla degmadaasi, dilka ninkaasi ayay gaysteen niman ay isku hayb ahaayeen marxuumka, waxayna sabab uga dhigeen dilkiisa inuu isagu hormuud u ahaa Maxkamadaha islaamiga ah ee degmadaas jooga oo galabtii Khamiistii xiray 3 nin oo ay maleeshiyo isla wada ahaayeen nimanka marxuumka dilay, iyaga oo la sheegay inay dilka marxuumka uga jawaabayeen nimanka laga xiray iyo inaysan doonayn maxkamadaha iyo ciddii taageerta.

Isla jimcahaa nin sarkaal ah ayaa lagu toogtay bartamaha magaalada Baydhabo, waxaana la sheegay inay dilka ninkaa amreen madax sare oo ka tirsan maamulka RRA ee halkaa ka taliya, dilka ninkaa ayaa lagu macneeyay inuu gacan saar la lahaa maamulkii Salballaar ee gobolkaa hore u haysan jiray, balse laga saaray bartamihii sanadkii ina dhaafay. RRA.

Sabti: 6 qof ayaa ku geeriyootay xaafaddda Tookiyo ee magaalada Muqdisho habeennimadii Sabtida abaarihii 2:00 saqdii dhexe, weerar ay isku qaadeen labo kooxood oo wada hubaysnaa.

Mashaqada ayaa la sheegay inay ka bilaabatay nin gurigiisii lagu weeraray dabadeedna la dilay waxaana isla markiiba halkii ku soo baxay koox kale oo gurmanaysay ninka la dilay waxayna arrintaasi sababtay in ay geeriyoodaan tiro dhan 6 ruux oo laba koox ka dhimatay, afarna kooxdii kale.

Axad: 5 qof ayaa lagu dilay deegaanka Galgalato oo ku yaallla duleedka waqooyi ee Magaalada Muqdishu kadib markii niman dablay ah oo joogay bar kontrol oo halkaasi ku taala ay rasaas oodda kaga qaadeen Gaarigii ay saaraayeed dadkaasi oo Caanooley ahaa, arrin lagu macneeyay aargoosi Qabiil.

Isniin: sarkaal u shaqaynayay Hay’adda CARE ayaa koox dablay ahi ku dileen inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad, markii rag burcad ahi ay weerar ku qadeen gaari uu la socday, waxaana uu ahaa ninkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya lagu dilay.

Waxaa diyaariyey: Maxamed Saadaq iyo Cali Diini

(QARAN PRESS)


[Back to the top] [ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:01 AM. Webmaster HomePage