- Title: [SW News] (QARAN) Qabuuraha Qaranka
- From:[]
- Date :[]08 Jan 2000
Qabuuraha Qaranka
MUQDISHO, Axad:
Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), gudoomiyaha dhaqanka ee
beesha Sacad ee beesha Habargidir ayaa si kulul u beeniyey in uu lug ku leeyahay dhisme
baaxad leh oo in muddo ah ba ka socday Qabuuraha Qaranka ee ka soo horjeeda fagaaraha
Tribuunka.
"kuwa igu sheegay inaan lug ku leeyahay dhismaha
dhulkaasi qabuuraha ee laga fagay maydadka weli lafahoodu qoyan yihiin ee ay eheladoodu ka
war qabaan waa igu been abuurteen, Allena way ka fogaadeen" ayuu yiri Xaaf oo
gaashaanka ku dhuftay inuu isagu ka dambeeyo baldoosarada la geliyey qabuurahaas.
(QARAN PRESS)
[Back to the top] [ News] |