- Title: [SW News](QARAN) Qaar
ka mid ah hogaamiyeyaasha Kooxaha Muqdisho oo Maleeshiyooyinkoodii ka gadoodeen.
- From:[]
- Date :[]09 Jan 2000
Qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha
Kooxaha Muqdisho oo Maleeshiyooyinkoodii ka gadoodeen.
MUQDISHO, Axad:
Hogaamiyeyaasha kooxaha Siyaasadda Muqdisho qaarkood qaarkood ayey ka
gadoodeen maalmihii tagay maleeshiyooyinkii sida gaarka ah u taageeri jiray una dagaalami
jiray.
Maxamed Qanyare Afrax ayey shalay ka gadoodeen ciidamo muhiim ah oo
watay 3 gaari oo nooca loo yaqaano tiknikada ah, kuwaas oo uu la goostay taliyihiisii
maleeshiyada Faarax Garamgaram oo QARAN u sheegay inaysan hoos tagay wixii haatan ka
dambeeya.
Maxamed Qanyare Mar QARAN wax ka waydiiyey xaaladda
gadoodka maleeshiyadaas ayaa wuxuu ugu jawaabay "wax waliba waxay leeyihiin
Circulation, QARAN-na waxaan u aqaan in beeli iska leedahay, diyaarna uma ahi inaan war
siiyo".
Nimankaas ka gadooday Mr. Qanyare ayaa lagu waramay inay horey ugu sii
biireen koox kale oo 7 baabuur oo tikniko ah kala gadooday sanadkii hore kuwaas oo uu
hogaaminayey Xaashi Maxamed Cadow (Dhabarey), waxayna haatan maleeshiyooyinkaasi fariisin
ka sameysteen meel horey loo oran jiray Dugsi Shanaad.
Horey waxaa ilaaladiisii kaga gadooday kalana goosteen hubkii Dr.
Xuseen Xaaji Maxamed (Bood) todobaadkii la soo dhaafy inkastoo duqowda dhaqanka iyo kuwa
taageeraahi ay ku guuleysteen in dib loo heshiisiiyo isaga iyo maleeshiyadiisa.
Sanadkii hore Cali Mahdi Maxamed ayey ku kaceen ilaaladiisii, waxayna
ka bililiqaysteen kaydkii dhexe ee hubka iyo rasaasta.
Maxamed Jaamac Furux iyo C/kariin Maxamuud Maxamed (Fara-badan) ayaa
iyaguna todobaadkii tagay gadood ka muujiyey hogaamiye kooxeedkooda Xuseen Maxamed
Caydiid.
Shir shalay ay yeelan lahaayeen hogaamiye kooxeedyadu ayaa gadoodyada
maleeshiyadu saameyn ku yeeshay, una qabsoomi waayey arrintaas darteed, ka dib markii
Xuseen Caydiid iyo Qanyare ay ku mashquuleen xaaladda maleeshiyadda gadooday.
(QARAN PRESS)
[Back to the top] [ News] |