- Title: [SW News]( Warsidaha Puntland - 33 )JAWAABTII
GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE KA BIXIYAY KIISKII BURTINLE
- From:[]
- Date :[]4 Feb 2000
JAWAABTII GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE KA BIXIYAY KIISKII BURTINLE
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare-DGPL -
Yuusuf X. Nuur
Guddoomiyaha maxkamadda Sare Dr. Yuusuf X. Nuur
ayaa 27/01/00 ka soo saaray Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Wasiirka Arr. Gudaha Ogeysiinna
ku ahaa Xafiiska madaxweynaha, Dhibbanayaashii dacwadda, Xeerilaaliyaha Guud iyo Wasiirka
Caddaaladda iyo Arr Diinta Ujeedadiisuna ahayd sii dayntii saddexdii eedaysane ee u
xirxirnaa qaraxii Burtinle, isaga oo tixraacaya qoraalkii taliyaha Ciidanka Booliska wuxuu
kaga jawaabay sidatan.
- Xeer ilaaliyaha Guud iyo Booliska ayaa u xil saaran iyagoo isku dhinac ah in ay
eedaysanayaasha ku soo oogaan Eeda, haddii ay eeddeyn u hayaan maxkamaduhuna shaqo kuma
leh in ay faro galiyaan baaritaanka inta ka horreysa dhageysiga dacwadda.
- Markii caddeyn la waayo Xeer ilaalintu waxay awood u leedahay in ay xirto dacwadda,
Maxkamaddana ka codsato tallabooyinka sharcigu tilmaamayo (procedemento de non doversi
procedere) oo macneheedu yahay in aan la sii wadi karin ijra'aadka Dacwadda.
Garsoorkuna waa sii daynayaa haddii eedaysanayaashu xiran yihiin.
- Kiiska Burtinle ka dhacay wuxuu ahaa kiis aad u culus oo dhibatooyin waaweyn ka
dhasheen, waxay ku habboonayd in meel fagaare ah Garsoorku ku qaado dadweynuhuna
dhageysto, hase yeeshe; xilkaas waxaa laga doonayey Booliska iyo Xeer-ilaalinta in ay
horkeenaan Maxkamadda Caddaymo ku filan eedeynta. Mar haddiise xeer ilaaliyaha Guud ee
DGPL uu xiray kiiskii Maxkamaddana u gudbiyey qoraal uu ku dhaliilayo Baaritaankii, dibna
u amray in la baaro kiiska, isaguna uu leeyahay awoodda Hogaaminta baaritaanka dambiyada
iyo talada ugu dambeysa waxaa waajib ah in la raaco Ga'aankiisa.
- Haddii xeer ilaaliyuhu hello caddeyn kaafi ah waxaa waajib ku ah in uu eedeynta u
gudbiyo Maxkamadda awoodda u leh qaadista dacwadda mana xiri karo kiiska haddii ayan jirin
sabab kale ee sharciga waafaqsan.
- Bulshada waxaa wakiil u ah Xeer ilaaliyaha guud isaga ayaa laga doonayaa in uu ka qabto
una gudbiyo Maxkamadda si loo abaal mariyo.
- Looma baahna khilaafka ka dhex dhashay taliyaha Booliska iyo Xeer-ilaaliyaha guud, waxay
ahayd in ay is-qanciyaan oo talo midaysan gaaraan si aan jaaha wareer loogu ridin
bulshada.
- Ugu dambeyntii in kastoo Maxkamdda sare dulucda dacwada dhageysan xog ogaalna u ahayn
sida arrintu u dhacday iyo caddeynta inta ay le'eg tahay maaddaama dib loo baari doono
kiiska ayna suuro gal tahay in ay ugu timaaddo racfaan, waxay qabtaa in la raaco Go'aanka
Xeerilaaliyaha guud, maadaama uu leeyahay xilka ugu sarreeya ee oogista dambiyada.
[ News] |