19 May 2007 04:14

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] ( WP - 33 ) MADAXWEYNAHA PUNTLAND (Annaga ayaa Madaxweynaha Jabuuti ky dhalinay fakarkaas mana diidi karno)
  • From:[]
  • Date :[] 4 Feb 2000

MADAXWEYNAHA PUNTLAND

Annaga ayaa Madaxweynaha Jabuuti ky dhalinay fakarkaas mana diidi karno

Galabnimadii sabtiga waxaaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Gobolka Bari shir ballaaran oo ay ka soo qayb galeen daweyne aad u faro badan, shirkaas waxaasoo qabanqaabiyey guddoomiyaha Gobolka Bari Md. Max'ud Caynab, waxaana isugu tegey Madaxda DGPL oo uu hormood u ahaa Madaxweynaha DGPL Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayna weheliyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Xasan Abdhir Faarax iyo Hoggaamiyah Waftiga ka yimid Jubbada Hoose Jen. Aadan C/laahi Nuur Gabyow.

Ugu horreyntii shirka waxaa furay Gud. Gobolka Bare Md. Max'ud Caynab wuxuuna warbixin dheer oo ku saabsan Gobolka Bari ka akhriyey halkaas, wuxuuna hadalkii ku wareejiyey Wasiirka Arr. Gudaha iyo Amniga Md. Xasan Abshir Faarax oo faahfaahin dheer ka bixiyey kulankii ay la yeesheen madaxda Jabuuti waqtigii ay dalkaas tageen, wuxuuna sheegay in la weydiiyey 12 su'aalood oo ay uga jawaabeen, wax kale oo intaaas dheerna aysan jirin.

Intaas kadib waxaa hadalkii la wareegay Madaxweynaha DGPL wuxuuna ugu horreyntii sheegay in si khaldan loo tarjumay hadalkii Jen Gabyow, balse buu yiri; Annagaa Madaxweynaha Jabuuti ku dhalinay fikirkan mana aha mid aan diidi karno, horeyna waa u caddaynay.

Madaxweynaha wuxuu canaan u soo jeediyey wargeysyada Riyaaq iyo Sahan oo uu sheegay in ay ka been sheegeen hadalkii Jeneraalka oo ahaa in weli ay jiraan dad dhulkooda laga haysto.

Madaxweynuhu wuxuu ku dheeraaday ka hadalka shirka Jabuuti, wuxuuna sheegay in ay hadda aadayaan dalkaas, ayna soo noqodkooda bulshad u soo bandhigi doonaan halka ugu dambeysa ee shirkaasi marayo iyo wixii qoraallo ka soo baxa.


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:02 AM. Webmaster HomePage