19 May 2007 04:14

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (QARAN) Col. Shaargaduud "Madaxweynaha Jabuuti Wuxuu daweyn rabaa boog toban sano dawo loo waysanaa".
  • From:[]
  • Date :[20 Feb 2000]

Col. Shaargaduud "Madaxweynaha Jabuuti Wuxuu daweyn rabaa boog toban sano
dawo loo waysanaa".


MUQDISHO, Sabti:

Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaargaduud) oo ah hoggaamiyaha jabhadda RRA ee
gacanta ku haysa gobollada Bay iyo Bakool ayaa dadaalka dib u heshiisiineed
ee madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ka wado Soomaaliya ku
tilmaamay mid daweyn raba boogta toban jirsatay ee Soomaali weyn, wuxuuse
tilmaamay in aan boogtaasi la bogsiin karin haddii qofka ay ku talaahi uusan
ka walwalsanayn.

Col. Shaargaduud oo weriyaha QARAN shalay ugu waramay qadka isgaarsiinta
magaalada Baydhabo ayaa ku nuux nuuxsaday in aanay jabhadda RRA hor taagnayn
dib u heshiisiinta Soomaaliya, isla markaana ay jiraan kuwa dibandaabyo wada
oo uu ku tilmaamay kuwo mar walba shaar cusub soo gashta.

Col. Shaargaduud ayaa sheegay inaysan dagaalkii gobolka Shabeelaha Hoose
qayb ku lahayn maxkamadda islaamiga ah ee Xararyaale oo ay taageerto beesha
Murusade oo uu sheegay inay Digil iyo Mirifle deegaan wadaag la tahay.

(QARAN PRESS)


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:01 AM. Webmaster HomePage