19 May 2007 04:14

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (QARAN) Ilaalada Xeebaha Puntland oo huleelisay maraakiib si sharci darro ah uga kaluumeysan jiray Soomaaliy.
  • From:[]
  • Date :[15 March 2000]

Ilaalada Xeebaha Puntland oo huleelisay maraakiib si sharci darro ah uga kaluumeysan jiray Soomaaliy.

 

 BOOSAASO, Talaado:

Ciidamo ilaaliya xeebaha maamul goboleedka Puntland oo ay howl gelisay shirkad Ingiriis ah oo lagu magacaabo The Hearty Group ayaa ka huleelliyey xeebaha Soomaaliya maraakiib iyo doonyo si sharci darro ah uga kalluumeysan jiray biyaha Soomaaliya.

Maraakiib taradoodu ay ka badan tahay 30 oo ku filiqsanaa xeebta dheer ee dalka Soomaaliya ayaa lagu waramay inay haatan dib ugu gurteen xeebaha Bari ee dalka Keenya, waxayna arrintaasi la xiriirtay baa la leeyahay ka dib markii culays kaga yimid ciidamada ilaalada xeebaha Puntland.

Ilaalada xeebuhu waxay haystaan maraakiib iyo doonyo dheereeya iyo hub ay wax kaga qabaan kuwa isku daya inay shari darro kaga kalluumeystaan Soomaaliya, taasina waa tan kaliftay in maraakiibta sharci darida ku kaluumeysan jirtay cararto oo xitaa ka durkaan xeebaha koonfurta oo markii hore aad baylah u ahaa.

(QARAN PRESS)


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:02 AM. Webmaster HomePage