19 May 2007 04:13

SOMALIA WATCH

 
SW Newswpe25.jpg (8884 bytes)
  • Title: [SW News](BBC) Xuseen Caydiid - 5-ta bisha April baa dalka Liibiya lagu qabanayaa shir lagu dhisayo dowlad Soomaaliyeed.
  • From:[]
  • Date :[March 21, 2000 (2:31PM)]

Xuseen Caydiid - 5-ta bisha April baa dalka Liibiya lagu qabanayaa shir lagu dhisayo dowlad Soomaaliyeed.

Wararkii BBC-da March 21, 2000 (2:31PM)

Muqdishu: Xuseen Maxamed Caydiid oo shalay gurigiisa
shir jaraa'id ku qabtay ayaa waxaa uu kaga hadlay sida
isbahaysiga SNA ee uu guddoomiyaha u yahay uu ka qabo
shirka Jabuuti iyo shir kale oo uu sheegay in lagu
qaban doono dalka Liibiya.

YUUSUF XASAN oo jooga Muqdishu ayaa arrintaas kasoo
wareamaya:

Xuseen wuxuu sheegay in isbahaysiga SNA uusan
diidanayn hindisaha Jabuuti, haseyeeshee qorshe
hawleedka shirka Jabuuti oo aan caddeyn darteed, in
isbahaysiga SNA uunan ka qayb geleyn shir ula
jeedadiisa iyo qorshe hawleedkiisuba aaney caddeyn.

Xuseen waxaa uu eed kulul usoo jeediyay dowladda
Jabuuti oo uu sheegay in ay horey eedo uga galeen
Soomaalida kadib markii ay qaladay (waa sida uu u
yiriye) dib-u-hishiisiintii Soomaaliya 1991-dii. Taas
oo dhalisay khilaaf culus oo ka dhashay Soomaalida
dhexdeeda.

Marka kale ee ay Jabuuti khalad ka gashay Soomaaliya
waxaa uu ku tilmaamay sanadku markuu ahaa 1994-kii ay
ogolaatay dowladda Jabuuti in diyaaradaha AT130 ay
kasoo duulaan Jabuuti ayaga oo duqaynaya meelo ka mid
Soomaaliya, - koonfurta Muqdisho. Inkastoo uu sheegay
in madaxweynihii hore ee Jabuuti, Xassan Guuleed
Abtidoon uu hore uga raali geliyay isaga arrintaas.

Xuseen waxaa kale oo uu ku eedeeyay dowladda Jabuuti
in ay tahay wax aan dhici karin in la yiraahdo
hogaamiye kooxeedyadu shirka kaalin weyn ku malaha,
iyadoo arrimaha Soomaaliya lagala tashanayo urruro
bulsho iyo odayaal hawl gab ah oo aan kaalin weyn oo
hogaameed ku lahayn bulshada dhexdeeda.

Xuseen waxaa uu intaas ku daray in uu ku eedeynayo in
madaxweyne Ismaaciil Omar Gelle uusan ka hadlin fara
gelinta Ethiopia ee Soomaaliya.

Xuseen waxaa uu ku sheegay shirkiisa jaraa'id, in 5-ta
bisha April ee soo socota lagu qaban doono dalka
Liibiya shir lagu dhisayo dowlad Soomaaliyeed, waxaana
uu sheegay in isaga iyo Abdullahi Yuusuf (madaxweynaga
D.G. Puntland) ay ka qayb gelayaan.

Xuseen waxaa uu intaas raaciyay in hogaamiyaha dalka
Liibiya Col. Qadaafi uu balan qaaday in uu ka codsan
doono  Jabuuti in gogosha shirweynaha qaran ay usoo
wareejiyaan dhanka Liibiya. Waxaa kale oo Col. Qadaafi
uu balan qaaday in qarashka (lacagta) ku bixi doonta
shirweynaha qaran uu Qadaafi bixin doono.

Xuseen waxaa uu sheegay in shirka lagu qaban doono
dalka Liibiya uu yahay mid lagu soo nooleynayo shirkii
Qaahira arrintaasna ay isla ogolaadeen (sida uu
sheegay) isaga iyo Col. Cabdullaahi Yuusuf Ahmed.

Taageerayaasha Xuseen M. Caydiid ayaa waxaa ay ku
hawlan yihiin xulasha ergooyinkii uga qayb geli lahaa
shirka Xuseen sheegay in uu ka dhici doono dalka
Liibiya.

Hogaamiyeyaasha kooxaha kale ee ka jira Muqdisho ayaa
iyagu wax war ah aan kasoo saarin arrinta cusub ee uu
Xuseen sheegay oo ah in Liibiya shir lagu qaban doono.

Sidoo kale war rasmi ah kama soo bixin dowladda
Liibiya oo ku saabsan shirka uu sheegay xuseen in lagu
qabn doono Dalka Liibiya.


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:01 AM. Webmaster HomePage