19 May 2007 04:13

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (QARAN) Warshaddii Kabka ee Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo bililiqo aad u xumi ka socoto.
  • From:[]
  • Date :[02 April 2000]

 

Warshaddii Kabka ee Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo bililiqo aad u xumi ka socoto.



MUQDISHO, Axad:

Warshaddii Kabka ee Ciidankii Xoogga dalka Soomaaliyeed oo inteedii badnayd horey uga badbaaday bililiqadii ku dhacday hay’adihii dowliga ahaa iyo kuwii shacabku lahaaba ayey ku laba lixaadsadeen dableydu,waxaana ku socda bililiqo xoogan.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa si xowli ah loo fiiqayaa saqafkii saarnaa dhismaha warshadaas, waxaana loo soo gelbiyaa dhinaca magaalada, halka qaar ka haray qalabkii kabka biraha loo isticmaali jiray horey loo sii qaaday.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayey kooxo haystaa dhismahaasi isku dayeen inay ka iibiyaan rag ganacsato ah, waxaana loo gaaray dableyda meeshaa haysata lacag dhan 50 kun oo doolarka Mareykanka ah, sida ay noo sheegeen dad xog-ogaal u ah, hase yeeshee arrintaas oo meel mar noqon wayday awgeed ayaa la fiiqayaa dhismihii.

Dhismaha Warshadda Kabka waxaa xilligii howlgalkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya degenaa qaar ka mid ah cutubyadii ciidamadii howlgalkaas ka qayb qaatay, kuwaas oo wax ka qabtay qaar badan oo ka mid ah dhismaha, hase yeeshee markii ay baxeen ka dib dhibaato la gaarsiiyey.

(QARAN PRESS)


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:01 AM. Webmaster HomePage